SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA APRIL 1, 2006

  • Geeddi oo ka codsaday Mareykanka in ay xushmeeyaan Dowladiisa..
  • Hay’adda CRD oo ka qayb-qaadaneysa Nabadeynta Gobolada Dhexe..
  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dib ugu soo laabtey Baydhabo..
  • Geeddi iyo Max’ed Dheere oo kulan ku yeeshay Adis- Ababa..
  • Beelaha Digil iyo Mirifle oo si weyn isugu Khilaafsan qaabka qaybsiga...
  • Tartan loogu jiro Guddoo-miya ku xigeenada Gobolka Banaadir...
  • Saddex qof oo aano qabiil loogu dilay Bu’aale...
  • Hay’adda Khaliif Huudow oo warbixin ka soo saartay tacadiyo ka dhacay..
  • Meles oo Eritereya ku eedeeyay qaraxyada dalkiisa ka dhaca.



Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya ka hor burburkii Soomaaliya

Sawirkan Xamar waxaalaga qaaday 1984, waxaana laga sawiray dhanka Xeebta badweynta Hindiya, waxaana sawirka ka muuqda Hotel Curuba | Isha saiwkan: www.swan.ac.uk

Geeddi oo ka codsaday Mareykanka in ay xushmeeyaan Dowladiisa..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo u waramayay Wargeyska Asharqul-Owsad ayaa wxa uu ka dalbaday Dowladda Mareykanka in ay xushmeeyaan Dowladiisa oo ay joojiyaan safarada ay ku tagayaan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan saraakiisha Sirdoonka Mareykanka. Geeddi waxa uu sheegay in Dowladdiisu ay aad ugu xun tahay in ay kulamo la yeelato kooxo caadeystay in ay mar kasta ka hor yimaadaan Dowlad kasta, isla markaana abaabula dagaalo ay ku dhintaan dad rayid ah. “Dowladda Mareykanka waxaa naga dhexeeyay xiriir, marka waa in ay tixgelisaa madaxbanaanida Ummadda Soomaaliyeed isla markaana waxa ay kaga baahan tahay Soomaaliya ay kala soo xiriirto Dowladda Federaalka” ayuu yiri Cali Max’ed Geedi oo sheegay in Bishii Maarso saraakiil Sirdoon ah ay tageen Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar halkaas oo ay kula kulmeen wasiiro ka tirsan dowladiisa, isagoo sheegay in safaradaasi aan la soo ogeysiin Dowladda Federaalka.

Cali Max’ed Geedi waxa uu sheegay in dowladda Mareykanka looga baahan yahay in ay xiriir la yeelato Dowladda Federaalka, taasoo uu sheegay in ay wax badan u qabsoomi lahaayeen, hase yeeshee rag wata dano gaar ahaaneed ay sii haleyn karaan xiriirka u dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo Mareykanka, Cali Max’ed Geedi waxa uu caddeeyay in Dowadda Mareykanka ay hogaamiyaasha kooxaha hubeysan ay siisay min hal Malyan oo Doolar, lacagtaas oo uu sheegay in wax badan loogu qaban karay shacabka Soomaaliyeed, “wixii ku saabsan arrimaha argagixisada waxaa wanaagsan in lagala soo xiriiro Dowladda Federaalka” ayuu yiri Cali Max’ed Geedi oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku dagaaleen qaab qabiili ah, taasoo uu sheegay in kooxaha qaarkood ay doonayaan in arrimaha  Soomaaliya uga faa’iideystaan qaab argagixiso la dagaalan, Dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay baarintaan ku sameyn doonto warka ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi. 

Hay’adda CRD oo ka qayb-qaadaneysa Nabadeynta Gobolada Dhexe..

Hay’adda CRD oo inta badan ka qayb-qaadata nabadda iyo isu soo dhawaanshaha Shacabka ayaa haatan waxa ay ku howlan tahay sidii nabad buuxda looga dhalin lahaa Gobalada Dhexe.

Maalintii shalay ahayd ayaa sarkaal ka tirsan Hay’addaasi, waxa uu degmada Cadaado kulan kula yeeshay Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Howlaha Guud ee Guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato, Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Max’ed Shiikh Maxamuud (Gacma Dheere), Wasiiru Dowlaha Badda iyo Dekedaha Max’ed Jaamac Furux iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii loo soo gaban gabeyn lahaa dagaalada ka dhacay Gobalada Dhexe , maadaama ay ahaayeen dagaaladii sokeeye ee ugu xumaa kana dhaca dalka.

10-ka bishan ayaa la filayaa in Magaalada Cadaado ay ka dhacdo xafladda heshiiska Beelaha Sacad iyo Suleymaan, waxaase lagu waramay in heshiiskaasi ay goob joog ka noqan doonaan ilaa iyo toban safaaradood oo ka tirsan safaaradaha waaweyn ee fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi iyo Hay’ado caalami ah. 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dib ugu soo laabtey Baydhabo..

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo safar ku soo maray wadamada Belgium, Imaaraadka Carabta iyo dalka Kenya ayaa shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo waxaana safarkiisa ku wehliyay Ra’isul Wasaare ku xigeenka Dowladda ahna Wasiirka Maaliyadda Saalim Caliyow Ibrow  iyo xubno kale ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay xubnaha labada Gole ee Dowladda ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in safarkii uu ku tagay dalka Belgium ay guul u ahayd Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in dhawaan heshiiskii ay la galeen Midowga Yurub ay soo hor dhigi doonaan Golaha Baarlamaanka iyo xukumadda.

Madaxweynaha  oo ay horey isku raaceen Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa Ra’isul Wasaaruhu waxa uu u safray dalka Itoobiya. 

Geeddi iyo Max’ed Dheere oo kulan ku yeeshay Adis- Ababa..

Wararka naga soo gaaray dalka Itoobiyaa caasimaddiisa Adis-Ababa ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare Geedi uu halkaasi gaaray, waxaana lagu waramay in kulan deg deg ah ay halkaasi ku yeesheen isaga iyo Max’ed Dheere oo wayadan dambe uu sii xumaanayay xiriirkoodii gaar ahaan dhinaca Dowladda.

Geedi ayaa waxa uu doonayaa in uu isku keeno Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Cali Max’ed Geedi, waxaana heshiiskaan sidoo kale ka shaqeenaya Dowladda Itoobiya oo dooneysa in ay isku soo dhawaadaan Madaxweynaha iyo Max’ed Dheere.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in Max’ed Dheere uu dalka Itoobiya u tagay sidii uu saami hub uga heli lahaa, maadaama isbahaysigii uu ku jiray Max’ed Dheere looga adkaaday dagaalkii Muqdisho.

Beelaha Digil iyo Mirifle oo si weyn isugu Khilaafsan qaabka qaybsiga...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ay si aad ah ugu isugu khilaafeen qaabkii loo qaysday afartan xubnood oo tababar loogu qaadayo Magaalada Mombassa ee dalka Kenya.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiintaasi ayaa saxaafadda waxay u sheegeen in si cadaalad daro ah loo qaybiyay xubnahaasi oo lagu waday in lagu saleeyo qaab Qabiil, balse ay sheegeen in ay sad-bursadeen wasiirada waa weyn ee beelaha Digil iyo Mirifle.

“Waa in dib loogu laabtaa qaybsigaasi waayo, haddii aan sida la yeelin wax badan baa halaabaya” ayuu yiri mid ka mid ah wasiir ku xigeenada beelaha Digil iyo Mirifle.

Ilaa iyo 150 askari ayaa tababar dhawaan loogu qaadayaa Magaalada Mombassa halkaas oo ay soo joogi doonaan mudo labo bilood ah, waxayna 150-kaasi ilaalo u noqon doonaan Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa waxaa isaga ku soo aaday 7- askari, halka Geeddi iyo Shariifka ay kala heleen min 40 xubnood, hase yeeshee midda is qabqabsiga keentaya ayaa waxay ahayd kaddib markii la sheegay askartaas markay dhameystaan tababarka loo qaadi doono dalka Talyaaniga.

Dowladda Talyaaniga ilaa iyo haataan wax war ah kama soo saarin arrimaha la xiriira tababarka Ciidamadaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub oo ku soo jeeda Baydhabo...

Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub ay dhawaan soo gaari doonaan Magaalada Baydhabo, waxayna booqashadoodu la xiriirtaa sidii ay ogaan lahaayeen xaaladda Dowladda Federaalka iyo guud ahaan dalka, maadaama dhawaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Geeddi ay saxiixeen heshiis dhex maray Midowga Yurub iyo Dowladda Federaalka, kaasoo dhigaya in Dowladda Federaalka laga taageero arrimaha nabadgelyada iyo Adeegyada Bulshada.

Mas’uuliyiintaana ayaa waxay ogaan doonaan baahida Dowladda Federaalkaa ee dhinaca dib u soo celinta Hay’adihii Dowliga iyo arrimaha Ciidamada, hase yeeshee wafdigaani ma booqanayaan oo keliya Magaalada Baydhabo ee waxay kalloo booqanayaan qaar ka mid ah gobalada dalka oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland.

Dowladda Federaalka ayaa taageeradii ugu xooganeyda ka heshay Midowga Yurub 16-kii sano ee ugu dambeeyay.

Tartan loogu jiro Guddoo-miya ku xigeenada Gobolka Banaadir...

Iyadoo maalintii arbacada ahayd uu doortay Guddoomiyaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho loona doortay Maxamuud Xasan Cali Cadde Gaabow ayaa haatan waxaa tartan loogu jiraa Guddoomiye ku xigeenada Duqa Magaalada iyo Guddoomiyaha Gobalka iyo xoghayaha guud, waxaana xafiiska Golaha Deegaanka ee Gobalka Banaadir buux dhaafiyay araajida tartanka Guddoomiye ku Xigeenada.

Dhowr Xubnood ayaa haatan u taagan Gudoomiyaha ku xigeenka Gobalka Banaadir waxaan Guddoomiya ku xigeenada loo qaybsanayaa qaab beeleed, maadaama Dowladdii  lagu soo dhisay dalka Kenya ay saldhig u ahayd hab qabiil.

Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweeye ayaa isagu ku gacan-sayray Doorashada Cadde Gaabow ay Golaha Deegaanka u doorteen Guddoomiyaha iyo Duqa Magaalada Muqdisho., isagoo ku tilmaamay Doorashadaasi mid raiyo ah, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in uu isagu yahay Duqa Magaalada Muqdisho, sidoo kale Max’ed Cusmaan Dhagax Tuur ayaa isna sheegay in uu yahay Guddoomiyaha dhabta ah ee Gobalka Banaadir, isagoo ku tilmaamay Cadde Gaabow mid ka falaagoobay arrimaha Gobalka Banaadir kalsoonidiina lagala laabtay, waxayna su’aasha ay dadweynuhu is weydiinayaan ay tahay haddii aan maamul mideysan loo helin Gobalka Baandir in ay wax badan sii halaabayaan.

Saddex qof oo aano qabiil loogu dilay Bu’aale...

Wararka naga soo gaaraya Jubadda Dhexe gaar ahaan degmada Bu’aale waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd bartamaha Magaalada lagu dilay saddex qof kaddib markii ay soo weereen koox dabley ah oo wadatay qofyaha fudud.

Dilkaan oo ay si aad ah uga naxeen dadweynaha ku nool Gobalka ayaa haatan la garan sababta dhabta ah ee loo dilay saddexdaan qof, balse warar aya waxay sheegayan in saddexda qof loo dilay aano qabiil, kaddib markii kooxda dilka gaystay horey looga dilay labo qofood.

Dilkaan ayaa waxa uu walaac ku dhaliyay dadweynaha ku nool Magaalada Bu’aale, waxaana laga cabsi qabaa in labada dhinac uu dhex maro dagaal gacan ka hadal, hase yeeshee Odyaasha deegaanka ayaa dadaal ugu jira sidii loo qaboojin lahaa xasaraddaasi inta aysan ku faafin Magaalada Bu’aale./

Labada beelood ee aanada Qabiil u dhexeyso ayaa la sheegay in horey arrimo noocaan oo kale ah ay u dhex martay balse laga heshiiyay. 

Hay’adda Khaliif Huudow oo warbixin ka soo saartay tacadiyo ka dhacay..

          War saxafadeed ay soo saartay Hay’adda Udooda Xuquuqda Aadanaha ee Khaliif Huudow (Khaliif Hudow Human Rights Organization) KAHRO. Waxay cambaareyneysaa .  Xadgudub ku soo badatay Deegaanka Janaale Taariiqdu Markay Eheed 08/2/2006 ayaa dhibane SH. Cali Cusmaan  Sheebow oo ahaa guddoomiye ku xigeenka  degaanka jenaale   lagu weerarey gurigiisa  taas oo ay niman dabley ahi ku fureen rasaas, Waxaa sidoo kale  habeenimadii taariikhdu aheyd  17/02/2006, bam gacameed lagu ridey guriga guddoomiyaha  degaanka janaale  Ibraahin Jabriil Kuulow, waxaa isla habeenimadaasi bam labaad lagu ridey xarunta  Nabadda ee  Hay’adda  IIDA ee  magaaladda Marka cadey iyadoo aan la ogeyn sababta ay ugu rideen bamka  meelaha aan soo sheegnay. Waxaa kaloo isla habeenkaas dab la qabadsiiyey iskuul hoose iyo dhexe oo ku yaalo  buulo mareer, kaas oo ka koobnaa 10 fasal  ayna wax ku baran jireen  aqrday gaareysa  300 arday, waxaana la ogeyn sababta loo gubay iskuulkaasi.

1- Dhibane  Nuunaay Maxamed Aadan oo 30 jir ah  degan tuulada  Kamiirow ayaa taariikhdu markey aheyd 24/02/2006 jil dil  loogu geystey beeraha  kamiirow  iyadoo cows ka gureysa , ayaa waxaa soo weerarey nin  wax ka degan tuulada aynu soo sheegney  halkaasina uu ugu geystey dhaawacyo  kuna geystey  hubka loo yaqaano seef.

 2- Dhibane Maxamed Abuukar Ibraahin, da’diisuna tahay 19 jir degana  degaanka janaale  ayaa waxaa soo weerarey  niman maleeshiyo ah  halkaas ooy kula kaceen jir dil qoriga adkiisa  iyo baadkiisa , waxaynu taariikhdu aheyd  10/02/2006, sidaasna ay ugu kaxeeysteen  isagoo aan wax dembi ah laheyn.

3- Dhibane Maxamuud Jeylaani Mursal , da’diisu tahay 32jir,  ayaa jirdil loogu geystey magaaladda marka   taariikhdu markey aheyd 26/02/2006, wuxuuna ahaa nin aan maskaxdiisu taam aheyn.

4- Dhibane Nuur Sheekh Cabdi  da’diisu tahay 36jir ayaa taariikhdu markey aheyd 13/03/2006 lagu dhuftey  toorey , kaas oo ku dhuftey nin  khilaaf ka dhexeeyey. Isla degaanka janaale

5- Dhibandyaash Kala Ah  Claahi Saalim Siidoow oo Ay Da’diisu Tahay 28 Jir  Iyo Max’ed Jeele Siidoow Oo Ay Da’diisu Tahay 22 Jir  Degan Tuulada Majabto Oo Ayadu Maamul Ahaan Hoos Timaada Deegaanka Janaale Ayaa Waxaa Jirdil Isugu Jira Garaacid Iyo Dhaawac  Ay U Geesteen Niman Ku Masabitat Inuu Ka Shabsaday 7 Abuul Oo Sisin Ah Uhu Geesteen Isla Tuuladas Majabto Taariikhdu Markay Aheed 12/03/06 C/laahi Saalim Laguna Amray In Ay Ka Masaafunaan Deegaanka.

6- Waxa Kalo  Hay’ada Kahro Ay Cambaareyneysaa Bamkii Lagu Tuuray Saldhiga Deg. Marka Ee Gobolka Sh. Hoose Taariiqdu Markay Aheed 20/03/2006

7-  Waxaa Kaloo Dil Loo Geestay  Marxuum Jaamac Siidoow Max’ed Oo Lagu Dilay Deegaanka Mubaarak Oo Katirsan Deg Marka Go. Sh. Hoose Taariiq 22/23/2006 Kadib Markii Uu Muran Dhexmaray Asiga Iyo Gabar Waxaana Lagu Dhiftay Xabad. 

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


NIN DHALINYARO AH OO ISHIISII MIDIG KU WAAYEY XAFLAD AROOS OO AAN LOOGA YERIN

C/raxman cabdi nuur wuxuu ku dhashey degmada afgoye waana 18 jir degan isla degmada afgooye, hada wuxuu ku jiraa isbitaalka indhaha ee al nuur, mar aan kula kulmey isaga oo ka tiraanyeysan  dhaawac ka soo gaarey isha midig. 

Wuxuu ii sheegay C/raxman cabdi nuur in dhaawacaanu ka soo gaarey isaga oo tegay  xaflad aroos ah oo aan looga yeeran. 

Markii gabadhii aroosada aheyd la soo gelbiyey oo la keenay gurigii aroosku uu ka dhacaayey ayaa xabado cirka loo riday mid ka mid ah ay ku dhacday jiingad ii dhaweyd ka dibna firir ka soo fuqey uu ka haleelay isha midig . 

C/raxman cabdi nuur” isha midig meesha madow ayaa iga sartey ka dibna waa la qalay oo la tolay.

Arooska iskey baan u tagay cidna iigama yeeran waxaan saaxiiba eheyn wiilka arooska. 

Waxaa kale oo uu ii sheegay in ay kaga baxday daawadiisa iyo isbitaalka ilaa iyo laba boqol doolar balse nasiib wanaag waxaa iga bixiya reerkii arooska ahaa anigu waxba ma heysto isheydiina halis ayey ugu jirtaa in ay dhacdo ayuu hadlakiisa ku sii darey.

xoogheynta isbitlaka al nuur,  cabdulahi maxamed siyad, oo u waramayey wariyaheena ayaa sheegay in ay socoto diiwaan gelintii dadka indhaha loogu fiiqayo horaanta bisha abriil 2006da isbitalka alnuur wuxuuna xusey in diiwwaan gelinta ay mareyso meel gebagebo ah, wuxuuna amaan u jeediyey maamulaha isbitalka al nuur dr cabdirisaaq axmed dalmar  iyo dhakhaatiirta ka imaaneysa dibada ee howlaha samafal ka fulineysa isbitaalkaasi kuwaaso wada shiqeyn la leh dr dalmar . 

Ma aha markii ugu horeysey oo xaflad aroos  xabado laga rido ay wax yeelo gaarsiiyaan isla dadkii ka soo qeyb galay xaflada arooska  sidoo kale aroosyada magaalada  muqdisho ayaa u badan kuwo marka la soo galbinayo arooska lagu ilaaliyo qoryo  farabadan taasoo keenta mararka qaarkood in ay dhibaato u geystaan dadka ku sugan goobtaas. 

Muuse Maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com

Muqdisho Somalia


Barnaamijkii Radio Xoriyo
31 March 2006
 
Kongarayska Maraykanka oo Itoobiya weeraray.
 
Human Rights Watch oo jawaab ka sugaysa dad ay Itoobiya laysay.
 
 Meles oo Eritereya ku eedeeyay qaraxyada dalkiisa ka dhaca.
 
Shirwaynihii Jaamacadda Carabta oo lagaga hadlay Soomaaliya.
 
Barnaamijkii Waayaha N/Huraha & Wacdaraha Aduunyada Q6aad(Maqal).
 
======================
 
Kongarayska Maraykanka ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasada iyo xuquuqda aadanaha ee Itoobiya, iyadoo xubnaha kongaraysku ay ku adkaysteen in xukuumadda Itoobiya ay ku ku xadgudubto xuquuqda aadanaha iyo saxaafadda xorta ah, arrintaasoo kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqada aadanaha iyo dad Itoobiya ka soo cararayba ay ka markhaati kaceen.
 
Tan iyo markii la qabtay doorashadii kal hore ee xkuumadda Meles Zenawi ay musuqmaasuqday waxay xukuumadda Itoobiya si xad-dhaaf ah ugu tumanaysay xuquuqda aadanaha. Waxay sidoo kale awood ku caabiday kacdoonkii dadwaynuhu ka sameeyay doorashada la musuqmaasuqay, iyadoo xabsiyada ka buuxisay madaxdii xisbiyada mucaaradka ah iyo suxufiyiintii.
 
Chris Smith, oo xubin ka ah kongarayska Maraykanka, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa sheegay in fursadii dimuqraadiyada ee Itoobiya u soo gacan gashay ay ka faa’iidaysan wayday, wuxuuna ku baaqay in dawlada Maraykanku ay tallaabo adag ka qaado xukuumadda Itoobiya. Chris Smith, oo guddoomiye u ah Guddiga Arrimaha Afrika ee Kongarayska Maraykanka, ayaa sheegay in xaaladda ka jirta Itoobiya ay u baahan tahay in tallaabo wayn laga qaado.
 
Wuxuu kaloo intaas ku daray in haddii la doonayo in laga hortago dhibaatada Itoobiya ay lagama maarmaan tahay in sida ugu dhakhsaha badan loo fuliyo baadhitaano iyo maxkamadayn.
 
Barbara Lee, oo iyaduna ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, xubina ka ah Kongarayska, ayaa sheegtay inaan la aqbali Karin falalka ay caadaysteen ciidammada ammaanka ee xukuumadda Itoobiya ee dilka ardayda iyo dadka rayadka ah een waxba galabsanin, waxay kaloo intaas ku dartay in xadgudubyada waawayn ee hadda loo gaysto xuquuqda aadanaha iyo ku dhaqan la’aanta hannaanka dimuqraadiyadu ay dawlada Maraykanka qasab kaga dhigayaan inay kordhiso tallaabooyinka ay ka qaadayso xukuumadda Itoobiya.
 
Human Rights Watch oo jawaab ka sugaysa dad ay Itoobiya laysay.
 
Ururka xuquuqda aadanaha daneeya ee Human Rights Watch ayaa warqad u diray wasiirka mustacmaraadka ee xukuumadda Itoobiya, kaasoo uu ka codsaday inuu baadhis ku sameeyo dhalinyaro ay ciidammada boolisku ku laayeen magaalada Gondar lixdii Febrawari ee sannadkan.
 
Ururka Human Rights Watch ayaa halay warbixino lagu kalsoon yahay oo sheegaya in ciidammada booliska ee xukuumadda Itoobiya ay lixdii Febrawari afar dhalinyaro ah ku dileen magaalada Gondar. Afartan dhalinyarad ahi waxay kala yihiin;
Berket Fantahu, oo dhiganayay fasalka 11aad, Abebe Wondem-Agegn, oo dhiganayay fasalka 10aad, Sentayhu Workneh, oo dhiganayay fasalka 10aad iyo Dawit Tesfaya, oo isaguna dhiganayay fasalka 8aad.
 
Ururka Human Rights Watch ayaa wasiirka mustacmaraatka ka dalbay inuu baadhis ku sameeyo dilkan loo gaystay dhalinyarada ardayda, isla markaana maxkamad al keeno dadkii dilkaas ka denbeeyay. Ururku wuxuu wasiirka xusuusiyay in sharciga caalamiga ah ee xuquuqsa aadanuhu uu dalalka adduunka ka dalbo inay baadhis ku sameeyaan eedaymaha waawayn ee la xidhiidha xadgudubka xuquuqda aadanaha.
 
Meles oo Eritereya ku eedeeyay qaraxyada dalkiisa ka dhaca.
 
Kaligii taliye Meles Zenawi ayaa dalka Eritereya ku eedeeyay qaraxyada sida is-dabajoogga ah uga dhaca dalkiisa. Kaligii taliye Zenawi wuxuu eeddan u soo jeediyay dalka ay dariska yihiin ee Eritereya, ka dib markii isniintii afar bamboo lagu qarxiyay meelo kala duwan oo ka mid ah magaalada Addis Ababa, kuwaasoo inta la sheegay hal qof ku dhintay, 15 kalana ku dhaawacmeen.
 
Kaligii taliye Meles Zenawi ayaa sheegay in “dawlada Eritereya ay dooni lahayd inay aragto Itoobiya oo kala qaybsan ama tabar daran, si ay yoolkaas u gaadhana waxay al shaqaysaa oo abaabushaa Dirgiga, OLF iyo kuwa la midka ah”.
 
Kaligii taliye Meles Zenwi ayaa isku dayay inuu awood ku aamusiiyo kacdoonka ka jira Itoobiya ee ka dhashay doorashadii uu kal hore musuqmaasuqay, hase yeeshee waxaa maalinba maalinta ka denbaysa ka sii daraysa xaaladda Itoobiya oo markii horaba cadhiidhi ku jirtay, ka dib markii jabhadaha la dagaallamaya ee JWXO ugu horrayso ay si wayn u wiiqeen ciidammadiisa saama-la-luudka ah.
 
Shirwaynihii Jaamacadda Carabta oo lagaga hadlay Soomaaliya.
 
Jaamacadda Carabta ayaa soo dhawaysay heshiiskii magaalada Cadan ku dhexmaray madaxwaynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, sidaas waxaa khudbad uu ka jeediyay shirwaynihii Jaamacadda Carabta ee Khartuum ku yidhi xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Camri Muusa.
 
Go’aanadii ka soo baxay shirwaynaha Jaamacadda Carabta waxaa ka mid ahaa in la dadejiyo bixinta dhaqaale 26 milyan oo doollar ahaa oo hadda ka hor dalalka Jaamacadda Carabtu ugu yabooheen dawlada Soomaaliya. Jaamacadda Carabtu waxay sidoo kale samaysay xafiis lagu magacaabay xafiiska isku xidhka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta.
 
 
Jaamacadda Carabtu waxay kaloo go’aan ku gaadhay in taageero dagdag ah lala gaadho dadka ay abaaruhu ku waxyeelleeyeen dalalka Geeska Afrika ee Soomaaliya ka mid tahay, iyadoo ururrada samafalka ah ee dalalka Jaamacadda Carabta loogu baaqay inay gacan ka gaystaan gargaarka loo fidinayo dadkaas abaaruhu waxyeelleeyeen.
 
Ugu danbayntii waxay Jaamacadda Carabtu dalalka deeqda bixiya ee adduunka ugu baaqday inay taageero dhaqaale siiyaan dawlada Soomaaliya, si dib loogu dhiso dalka Soomaaliya, isla markaana loo soo celiyo kala danbayntii iyo nabadgalyadii.
 
Radio Xoriyo
 
 31 March 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | April 1, 2006


Warbixin: Hubinta Cuntada & Nafaqada
Soomaaliya: Warbixintii Hay'da FSAU... Guji [PDF]

Idaacad Australia oo Wasiiro ka Tirsan Puntland ka Waraysatay Muranka ka Taagan Macdanta Majayahan
Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade iyo wasiir Cali Buureed oo ka hadlay arimaha Majayahan... Halkan ka Dhegeyso...

Nolosha wiil Aabihiis Ingiriis ahaa oo kirishbooy ka ah Hargeysa: Magaciisu waa Nimcaan Ibraahiim Bowdan, waxa uu ku dhashay.... Akhri halkan... Guji...


Xaggee ayuu ku Dambeeyey Madhoodhow
Sannadkii 2004, Xasan Abeyle waxa uu ku Qadeynjirey Qaadka, waxa uu ku Casheynjirey Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeysanjirey. Hadaba xagee ayuu hadda ku dambeeyey.. Akhri Jawaabta