WARARKA: April 10, 2006
-
Saraakiil Itoobiyaan
ah oo shalay soo gaaray Magaalada Jowhar...
-
Xildhibaan Fiqi
“Xukuumaddu Jowhar lama gayn karo..
-
Cali Max’ed Geeddi
oo sheegay in ay wada Xaajood la geli doonaan..
-
Wafdi ka socda Dowladda
FKMG ah oo dhawaan tagi doona Jabuuti
-
Qabsashadii Baqdaad kaddib
maxaa soo Kordhay..
-
Shiikh Shariif oo beeniyay warqado lagu
daadiyay Magaalada Muqdisho..
-
Xaflado loo sameeyay
dhalashada Nabiga...
-
Kulan lagu
heshiisiinayay beelaha Sacad iyo Suleymaan oo ka dhacay….
-
Bandhiga Buugaagta
Soomaalida.. Espoo, Finland
Nadwo
Islaami ah - Birmingham, UK
" Waxaa dhamaan la ogaysiinayaa dadwaynaha soomaaliyeed ee ku nool
wadanka Ingiriiska in uu ka dhici doono magaalada Birmingham ee dalka
Ingriiska shirwayne islaami ah oo lagu qaban doono Markis Ar-raxma ee
xaafada Smallheath taariikhdu marka ay tahay 14,15,16ka Bishan (April)
oo ah maalmaha Jimcaha iyo sabtida iyo axada nagusoo fooda leh haduu
ilaah idmo,"
 |
Saraakiil
Itoobiyaan ah oo shalay soo gaaray Magaalada Jowhar...
Labo sarkaal oo ka
tirsan Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya ayaa shalay soo gaaray
Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe, waxayna kulamo gaar ah la yeesheen
Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere, waxaana kulankaasi la iskula soo
qaaday sidii loo amba- qaadi lahaa heshiiskii ka dhacay Magaalada Nairobi ee u
dhexeeyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaah Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere.
Saraakiishaas oo
haatan ku sugan Magaalada Jowhar ayaa la filayaa in ay la kulmaan Wasiiro ka
tirsan Dowladda oo maanta la filayo inay gaaraan Magaalada Jowhar, kuwaasoo ka
socda dhinaca Madaxweynaha.
Dowladda Itoobiya
ayaa si weyn ugu lug lahayd heshiiskii ka dhacay Magaalada Nairobi ee u
dhexeeyay mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe
Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) taasoo la sheegay in lagu soo afjaray wixii
khilaaf ahaa ee jiray.
Deeq Mucaawino ah oo soo
gaartay guddiga gurmadka abaaraha ee Jubbooyinka
Dooni wada mucaawino oo
u badan timir oo loogu tala galey dadka abaaruhu ay ku dhufteen ee gobolada
koonfureed ee dalka ayaa kusoo xiratey dekedda magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose.
Doonidan oo ka timid waddanka
Sucuudiga ayaa waxaa sadaqada saaran loogu talo galay dadka Soomaaliyeed ee ku
sugan gobollada Jubbooyinka ee ay halakeysay abaartii muddada dheer silcinaysay
dadkaas, waxaana soo dirtay hay'ad islaami ah ee Al-MANHAL oo fadhigeedu yahay
waddanka Sucuudiga
Deeqdan oo caddadkeedu yahay
Laba kun, laba boqol labaatn iyo afar “2,224” kiish oo timir ah oo loogu tala
galey in la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee gobolada Jubbooyinka ayaa
dooni sida waxaa ay kusoo xiratey marsada caalamiga ee magaalada Kismaayo.
Waxaa mucaawinadaan lagu soo
hagaajiyay guddiga gurmadka abaaraha ee Jubbada Hoose, waxana loogu talogalay
dooxada Jubba (Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe) waxana guddiga gurmadku uu
sheegay in si degdeg ah loo qaybin doono.
cabdi khadar Nuur
cabdiqadar84@hotmail.com
Xildhibaan
Fiqi “Xukuumaddu Jowhar lama gayn karo..
Xildhibaan Maxamed Xasan Fiqi
oo ka mid ah Xoghaynada Gudoonka Baa-rlamaanka ayaa ka hadlay halka ay marayaan
dhismaha Gudi hoosaadyadii Baar-lamaanka shuruucdii iyo qaabka ay u shaqeynayaan,
safarkii Gudoomiyaha Baar lamaanka waxa uuma sheegay in sababaha uu u baaqday
kulankii Golaha Baarlamaanka ay ahayd Gudoomiyaha oo kulamo la lahaa Gudoonka
iyo Gudoomiyeyaasha, Gudi Hoosaadyada Baarlamaanka si uu warbixin uga qaato
waxyaabihii u qabsoomay intii uu safarka ku maqnaa.
Waxa uu sheegay in Gud
oomiyuhu uusan wax faahfaahin ah ka bixin safarkiisii balse Xildhibaanku wuxuu
sheegay in sedexda Mas'uul si wada jir ah ay shir Jaraa'id u qabandoonaan marka
uu yimaado Raysul wasaare Cali maxamed Geedi kaas oo ay kaga hadli doonaan
waxyaabihii ay la soo kulmeen heshiisyadii ay soo galeen iyo halka ay mareyso
Siyaasadda Dowladdu. Xildhibaan Fiqi waxa uu sheegay in Gudiyadii Baarlamaanka
laga soo saaray hal Gudi oo ka koban 9 Xubnood oo uu Gudoomiye u yahay Shariif
Saalax, waxa uuna sheegay in howshaas la soo gabangabayn doono maalinta Isniinta,
"mar hadii laga gudbay qodobka 14 aad ee Xeer hoosaadka dhismaha Baarlamaanka in
Ajendaha ugu weyn uu yahay arimaha nabadgelyada guud ee dalka, iyo sidii
dhismaha Dowlada iyo Maamulka loogu baahin lahaa dalka ” ayuu yiri xildhibaan
fiqi. Xidhibaan Maxamed Xasan Fiqi waxa uu sheegay inaysan suuragal ahayn in
Xukuumaddu ku shaqayso Magaalada Jowhar waxa uu sheegay in taas go’aankeeda uu
lee yahay Baarlamaanka ee aysan go’aamin karin Masuuliyiinta sar sare, waxa
kale oo uu intaas raaciyey “hadda waxaa socda kalfadhigii Golaha Barlamaanka
Xukuumadduna Baarlamaanka ayey ka mid tahay marka caqli gal ma aha in Jowhar la
geeyo Dowladda”.
Cali Max’ed Geeddi oo
sheegay in ay wada Xaajood la geli doonaan..
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed
Geedi ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay dadaal ugu jirto
sidii loo sii deyn lahaa Markab Kalluumeysi oo laga leeyahay wadanka Koonfur
Kuuriya laguna haysto Xeebaha deegaanka Xarardheere.
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed
Geedi waxa uu sheegay in ay dhawaan ay wafdi ka socda Dowladda u diri doonaan
deegaankaasi si ay ula soo xaajoodaan kooxaha haysta Markabkaasi, sidoo kale
waxa uu sheegay in Gobalada Dhexe ay ku sugan yihiin wafdi ka socda Dowladda
Federaalka, isagoo sheegay in iyagana loo diri doono halkasi si ay gacan uga
gaystaan dhameynta sii deynta Markabkaasi.
Markabkaan oo ah mid
kalluumeysi ayaa waxa uu ka mid yahay Marakiib shati u haysta in ay ka
jilaabtaan Xeebaha Soomaaliya, waxaan fasaxaas bixiyay Wasiirka kalluumeysiga
iyo Kheyraadka Badda Xasan Abshir Faarax, hase yeeshee Wasiirku kama uusan
hadlin afduubka Markabkaasi, sidoo kale waxaa deegaankaas lagu haystaa Markab
laga leeyahay wadanka Hindiya oo isagu badeeco keenay Dekedda Ceel-Macaan.
Wafdi ka socda Dowladda FKMG
ah oo dhawaan tagi doona Jabuuti
Wafdi ka socda Dowladda
Federaalka ayaa la filayaa in uu dhawaan gaaro dalka Jabuuti, waxaana wafdigaasi
sida la filayo hogaamin doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh
Aada.
Waxay wafdigaasi halkaasi u
tagayaan sidii ay Dowladda Jabuuti uga tacsiyeyn lahaayeen musiibadii dhawaan ku
dhacday shacabka Reer Jabuuti, kaddib markii Dooni siday siday 300 oo qof ay ku
qalibmatay xeebaha wadanka Jabuuti, waxaana halkaasi ku dhintay ilaa iyo 70 qof,
waxaana masiibadii ugu balaarneyd ee soo wajahda dalka Jabuuti tan markii uu
xoriyadda qaatay wadankaasi ee 1977.
Dowladda Faransiiska ayaa ilaa
iyo haatan Jabuuti la soo gaartay gargaar dhinaca Daawooyinka ah si loogu
daweeyo boqolaal qof oo ay waxyeelo ka soo gaartay Doontaasi, sidoo kale
madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa soo gaaraya dhambaalo loogu tacsiyeynayo
geeridii ku timid ilaa iyo 70 qof oo ay waxyeelo ka soo gaartay dooni ku
rogmatay xeebaha wadanka Jabuuti.
Waxaa socda baaritaano la
xiriira sababihii keenay in Doonidaasi ay qalabmito iyadoo dadkii saarnaana ay
xiligaasi u socotay xus diimeed ka dhacay Gobalka Tojore.
Qabsashadii Baqdaad kaddib
maxaa soo Kordhay..
Shalay oo ku beegneed 9-kii
April waa maalintii ciidamada Mareykanku ay sida gardarada ah ku qabsadeen
Ciidamada Mareykanka oo ay galeen Magaalada Baqdaad oo ah ka mid ah Xarumaha ugu
waaweyn ee Islaamka.
Maalinkaas kaddib dalka Ciraaq
waxaa ku dhintay ilaa iyo 30-Kun oo qof oo si gardaro ah loogu dilay wadanka
Ciraaq, sidoo kale waxaa iyana ciidamadii ku soo duulay wadankaasi marka la siku
daro kaga dhinay ilaa 9-Kun oo Askari.
Dhiigii waagaas bilowday weli
waa uu qulqulaya wadankuna waxa uu haatan ku sii siqayaa dagaal sokeeye oo lagu
hoobto, waxaana wadankaasi ka dhacay fadeexooyin badan oo ay gaysteen ciidamada
Mareykanka, hadaba su’aasha isweydiinta mudani waxa ay tahay yaa badan intii uu
Saadaam Xuseen dilay iyo intii ay dileen Ciidamada Mareykanka.
Shiikh
Shariif oo beeniyay warqado lagu daadiyay Magaalada Muqdisho..
Guddoomiyaha Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa
beeniyay in ay wax lug ah ku leeyihiin waqado shalay lagu daadiyay Magaalada
Muqdisho.
Warqadan oo ahaa labo
nooc ayaa waxay ka digisay in wax Mowliid ah lagu qabto Masaajidda iyo goobaha
kale ee mocayinka ah, halka midda kale ay sheegaysay in Maxkamaduhu ay
weerarayaan Isbaarooyinka yaala gudaha iyo hareeraha Magaalada Muqdisho.
Shiikh Shariif waxa
uu ku tilmaamay warqadahaasi kuwo la doonayo in la isaga hor keeno Maxkamadaha
iyo shacabka iyo waliba Culuma’udiinka Soomaaliyeed, gaar ahaan markii uu ka
hadlayay dhinaca Mowliidk, waxaa kalloo uu sheegay in Maxkamadaha Islaamiga ah
aysan u qorsheysneyn in ay weeraraan Isbaarooyin yaala Magaalada Muqdisho.
“Maxkamadaha waxaa
loo aasaasay inay sugaan amniga iyo in ay la dagaalamaan kooxaha Buracadda ah ee
dhibaatada ku haya bulshada” ayuu yiri Shiikh Shariif oo u soo jeediyay Shacabka
Soomaali-yeed in ay ka feejignaadaan warqadaha noocaas ah.
Shiikh Shariif mar uu
ka hadlayay in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo suga amniga ayaa waxa uu
sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka wada dheregsan yihiin ciidamo shisheeye,
waxa uuna sheegay in dhibaatada Soomaaliya haysata ay yihiin faragelin
dowladdeed oo uu ugu horeeyo Mareykanka, isagoo sheegay in Mareykanku uu
taageeri waayay dowladdii lagu soo dhisay Magaalada Nairobi uuna ka door biday
in uu xiriir la sameysto shaqsiyaad iyo kooxo isagoo aan soo marin Dowladdii
Federaalka.
Xaflado
loo sameeyay dhalashada Nabiga...
Xalay oo ku beegneed
12-ka R/Awal oo ah habeenkii uu dhashay Nabi Muxamed (NNKH) ahna habeen ku weyn
Muslimiinta Adduunka ayaa waxaa xalay ka dhacay caalamka xusas loo sameenayay
Dhalashada Nabiga, waxayna xusas balaaran ay ka dhaceen Muqdisho iyo qaar kale
oo ka mid ah Gobalada dalka.
Xaflad si heer sare
ah loo agaasimay ayaa waxay ka dhacday Masjidka weyn ee Shiikh Cali Suufi,
waxaana halkaasi isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan kuwasoo
dhageysanayay Taariikhdii Nabiga (NNKH) oo jeedinayeen Culuma’udiin si weyn
looga yaqaano dalka gudihiisa gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
“Jaceylka Nabiga waa
in lagu daydaa wixii uu sameyn jiray ha noqdeen Sunno ama Waajid” ayay ahayd
waxyaabihii ugu wey weynaa ee ay ku hadlayeen Culuma’udiinka, sidoo kale maanta
ayaa la filayaa in ay iyana dhacaan xaflado lagu xusayo Nabiga Naxariis iyo
Nabadda Gelyo korkiisa ha ahaatee.
Culuma’udiinka
Soomaaliyeed ayaa iyagu isku khilaafsan xuska Dhalashada Nabiga qaarkood waxay
leeyihiin waa in markii uu dhashay la xusaa, maadaama Nabigu uu ahaa iftiin loo
soo diray caalamka, kuwo kalana waxay leeyihiin waxaa haboon in Nabiga la xusayo
mar kasta.
Kulan lagu
heshiisiinayay beelaha Sacad iyo Suleymaan oo ka dhacay….
Waxaa degmada Hobyo
ee gobalka Mudug shalay ka furmay kulan lagu heshiisiinayo Beelaha Sacad iyo
Suleymaan oo iyagu ku dagaalamay Gobalada Dhexe, dagaalkaas oo ay ku naf waayeen
dad u fara badan, waxaana kulankii looga hadlay sidii loo kala qaadi lahaa
Kooxaha Maleeshiyooyinka ah loona gayn lahaa goobihii horey loogu heshiiyay oo
ahaa Qusul-Tira iyo Wisil.
Kulankaan oo ay ka
qaybgaleen Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labadaasi beelood, waxaana lagu
heshiiyay in maanta kulan ka dhaco deegaanka Ceel-Huur si dadka looga
dhaadhiciyo qaadashada heshiiskaasi.
Wajiga hore ayaa
waxaa lagu soo gebagabeeyay deegaanka Gelinsoor oo laga gaaray heshiis rasmi ah
iyadoo 15-ka Bishan ay degmada Cadaado ka dhici doonto xaflad lagu soo
gegabeynayo heshiisiinta labadaasi beelood, iyadoo qarashka ku baxaya ay
bixinayaan dowladaha Norway iyo Sweden, waxaana qaban-qaabadeeda wada hay’adda
CRD oo iyadu maalmahan Gobalada Dhexe u joogtay howlo nabadeyn ah.
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Bandhiga Buugaagta Soomaalida ayaa
waxaa laga furay Maktabada buugaagta ee LeppĂvaara, Espoo City, Finland 6da
Abriil 2006 kaas oo socondey ilaa 8da Abriil.
Bandhiga waxaa furay Ms Kristina Wikberg oo ka socotay Magaalada Espoo. Ms
Kristiina Wikberg waxay u mahadcelisay dhammaan qabanqaabiyayaashii ka soo
shaqeeyay barnaamijkan isla markaana ku soo dhaweysay martida kale ee
dibadda ka timi magaalada Espoo. Waxay sidoo kale ka hadashay muhimadda ay
leedahay soo bandhigida buugaagta af-soomaaliga ayna rajeynayso in
mustaqbalka maktabadaha magaalda Espoo laga heli doono buugaag soomaaliyeed
oo nooc walba isugu jira.

Munaasabada furitaanka bandhiga oo ay isugu yimaadaan Mas'uuliyiin ka kala
socota Maktabadaha Helsinki iyo Espoo ayaa sidoo waxaa ka hadlay Sunniva
Drake -Espoo City Library, Antti Mäkinen -Helsinki City Libray iyo
Abdirahman Ali -Espoo City Library. Buugaagta waxaa soo bandhigay Scansom
Publishers oo xafiisyo ku leh Sweden iyo Canada waxayna buugaagta
af-soomaaaliga ku qoran ku fidiyaan aduunka oo dhan.

Maxamed Sh. Xasan Nuur oo ah maamulaha Scansom Publishers mar uu ka hadlayay
dhibaatooyinka haysta qorayaaga soomaalida uu u sheegay dhegeestayaashii
bandhiga ka soo qeybgalay oo isugu jiray Finnish iyo Soomaali in aysan
sahlanayn in la daabaco buugaagta af-soomaaliga haddeysan jirin hay'addo ka
caawinaya dhanka dhaqaalaha soomaalida buugaagta qorta ee ku dhaqan Yurub.

Maktabada
Leppävaara (Espoo) ayaa intuu socday bandhiga lagu qabtay seminaar looga
hadalayay arimaha soomaalida iyo guud ahaan wada shaqeynta soomaaliada iyo
dowlada Finland. Inkastoo arimihii seminaarka looga hadlay aynaan halkan ku
soo koobi karin, waxaan idiin soo gudbinaynaa qaar ka mihd ah mowduucyadii
laga hadlay, waxayna kala ahaayeen: Mulki oo ka hadashay dhaqanka Soomaalida
iyo siday soomaalidu u isticmaal maktabadaha, Suzanne Muddle Lilius oo ka
hadashay guud ahaan baaritaanada Soomaalida Finland ku dhaqan, Batulo Essak
oo ka socotay Finland-Somalia Association ayaa ka hadashay barnaamijyada dib
u dhisida Soomaaliya gaar ahaan dhanka caafimaadka. Ugu dambeyntii Innari
Virmakoski ayaa soo bandhigtay taariikhdii joornaalka KOOR (Somalia) kaas oo
ah mid ku soo baxa luqadaha Finnishka, Ingiriiska iyo Soomaaliga si joogto
ahna wadanka Finland uga soo baxayay laga soo bilaabo 1987-kii.
Qorayaashii kale ee soo qabanqaabiyay kana soo qeybgalay bandhigaan waxaa ka
mid ahaa Maxamed Cali Xasan -UK, Axmed Weheliye Coofle -Espoo, Khalid Cali-Gul
-Denmark, Maxmed-Deeq Haldhaa -Sweden iyo Cabdirashiid Cali Xirsi -Sweden.
Scansom Publishers waxa ay Espoo (Leppävaara Library) ku soo bandhigtay
buugaag aad u tiro badan oo isugu jirta buugaagta caruurta, CD-yo barasada
afka soomaaliga oo loogu talagalay caruurta, Buugaag ka hadlaysa taariikhdii
soomaaliya, buugaag diinta ku saabsan, sheekooyin iyo suugaanta soomaalida
guud ahaan.
Waxaa maqaalka soo diyaariýey Nuur oo ka tirsan tifatiraayasha wargeyska
Koor
ee ka soo baxa dalka Finland
waxaa soo tebiyey:
Mohammed Hassan
scansom@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2006
Mas’uuliyiinta
Sarsare ee DFKMG oo isku khilaafsan in Dowladu dib ugu laabato Jowhar
»Cismaan
Caato iyo xubno la socday oo Hobyo Gaaray...
»Cabdi
Waal iyo Maleeshiyo uu wato oo looga...
»Xasan
Abshir oo lagu eedeeyay in uu shati siiyay..
»Shariif
Xasan oo dib ugu soo labatay Baydhabo.
»Prof.
Dhalxa oo u tacsiyeeyay dowladda Jabuuti..
»Jaamacadda
Badweynta Hindiya oo kaalinta..
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... Apr 9
Minneapolis: Masjidka
Dar-Alhijra oo $400,000 kulasoo Wareegey Dhismihii
Waxaa farxad u ah maamulka Masjidka
Dar-Alhijra ee magaalada Minneapolis, USA in ay idinla socodsiiyaan in
dhismihii beeca ahaa uu si rasmi ah ugu soo...
Warka iyo Sawirada Xaflada ... Guji...
|