Xildhibaan Cabdirashiid Ciro: Xul
ma Nihin ee Xal baanu Nahay

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed CabdiXaashi (Ciro) oo ka mid ah
mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho dhawaan ku yimid
Aarhus,Denmark ayaa maalintii Jimcaha bishuna ahayd April 7,2006 la kulmay
madaxda gobolka oo uu ugu horeeyey Nicolai Wammen oo ah duqa magaalada
Aarhus oo isagu xafiiskiisa ku qaabilay. Guji... |
C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo wax
laga weydiinayo wixii ka..
Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la
filayaa in ay dhawaan umbabaxaan dalka Yemen kaddib markii ay labadoodub
ay martiqaad ka heleen Dowladda Cali Cabdala Saalax oo ah Madaxweynaha
Wadanka Yemen. Labada mas’uul ayaa halkaasi u tagaya sidii ay warbixin u
siin lahaayeen Madaxweynaha wadanka Yemen Cali Cabdala Saalax oo ku
saabsan wixii ka qabsoomay heshiiskii Cadan ay ku wada gaareen
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan Shiikh Aadan. Labada mas’uul oo horey looga wareystay heshiiskaasi
ayaa waxay sheegeen in intii badneyd uu heshiiskaasi qabsoomay isagoo
sheegay in ay harsan yihiin wax aan sidaasi u weyneyn. Xildhibaan Cabdi
Cabdule Siciid (Jinni Boqor) ayaa mar la wareystay waxa uu sheegay in
tan iyo intii uu Baarlamaanku soo degay uusan qaban wax howl ah oo la
taaban karo, hase yeeshee Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu iska
fogeeyay wararka sheegaya in Baarlamaanku uusan waxba qaban tan iyo
markii uu u guuray Magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in Baarlamaanku uu
markiiba dhisay guddi hoosaadyadii golaha Baarlamaanka taasoo uu sheegay
in ay tahay mid si aad loogu baahnaa.
Cabdi Siyaad “waraaqaha lagu daadiyay
Magaalada Muqdisho waxay keeni doonaan..
Cabdi Siyaad Xasan oo
ah ku simaha xoghayaha arrimaha Gudaha ee Isbahaysiga SNA ayaa qoraal uu
na soo gaarsiiyay waxa uu sheegay in Isbahaysiga SNA uu aad uga xun
yahay waraaqihii dhawaan lagu daadiyay Magaalada Muqdisho.
Cabdi Siyaad waxa uu
sheegay in waraqahaasi ay keeni karaan waji cusub oo kale, maadaama
Magaalada waxa isku haystaa ay yihiin labo waji, waxa uuna sheegay in
loo baahan yahay in arrimaha noocaas oo kale ah laga waantoobo.
“Wixii dhibaato ah ee
ka yimaada daadinta warqadahaasi waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya ciddii
daadisay” ayuu si kulul u yiri Cabdi Siyaad oo shacabka u soo jeediyay
in ay ka feejignaadaan waraqaaha noocaas oo ah oo ah kuwo la doonayo in
la isaga hor keeno Bulshada Soomaaliyeed.
Ku simaha xoghayaha
arrimaha gudaha ee Isbahaysiga SNA waxa uu sheegay in loo baahan yahay
in wixii khilaaf ah lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarad, taas oo uu
sheegay in lagu gaari karo nabad buuxda.
Dhawaan ayaa Magaalada
Muqdisho lagu daadiyay warqad looga hadlayay arrimaha Mowliidka ilaa iyo
haddana lama garan ciddii daadisay, iyadoo Maxkamadaha Islaamiga ah ay
iska fogeeyeen warqadahaasi ku tilmaameen kuwo la doonayo in bulshada la
isaga hor keeno, sidoo kale Isbahaysiga la magacbaxay la dagaalanka
Argagixisada ayaa isna iska fogeeyay.
Jinni Boqor “Baarla-maanku wax uu
qabtay Ma jirto..
Cabdi Cabdule Siciid
(Jinni Boqor) oo ka mid ah Xildhibaanada kuwooda ugu kulul markay
timaado siyaasadda Dowladda ayaa waxa laga weydiiyay waxyaabihii u
qabsoomay Baarlamaanka tan iyo intii uu ku s sugnaa Magaalada Baydhabo.
“Mudo labo bilood ah
ayaynu ku sugannahay Magaalada Baydhabo ilaa iyo haddan wax baarlamaanka
u qabsoomay oo la taaban karo ma jirto” ayuu yiri Jinni Boqor oo sheegay
in Dowladda Federaalka ee uu Ra’isul Wasaaraha ka yahay Cali Max’ed
Geedi uu ka meermeerayo in uu Baarlamaanka soo hor dhigo waxyaabihii u
qabsoomay Dowlada mudadii sanadka ahayd.
“Xubnaha
Baarlamaanka waxay ku caajiseen Magaalada Baydhabo, subax walba way soo
tuusaan wayna seexdaan iyagoo aan bulshad waxba u qaban iyo dowladdaba”
ayuu yiri Jinni Boqor oo ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay
fadhiga ka kacaan oo ay turxaan bixiyaan Xukuumadda, maadaama dalku uu
ku jiro xaalad adag.
Qoraal ka
soo baxay Waxgaradka Beesha Sade ee Gobolka Banaadir
Sida la
ogyahay dhulgariirkii aan dabiiciga ahayn ee dadka Soomaaliyeed
gacmahooda ku fidiyeen, kana dhashay dagaalladii sokeeye ee dalka ka
dilaacay 16-sano ka hor waxay burbur culus u geysteen dhammaan
waxyaabihii guud ahaan ummadda uga dhexeeyay, sida, Jiritaankii
dowladnimo, dhismihii dalka oo idil, waxaana laga dhaxlay dhibaatooyinka
illaa maanta eedaadka baday shacbigaSoomaaliyeed oo mar walba ee
culayskooda la dareemo xallintooda loola irkanayay hoggaanka dhaqanka
Ummadda Soomaaliyeed iyo culimaa’udiinka iyo dadka aqoonta u saaxiibka
ah, taas oo lagu gaaray dhaq-dhaqaaqa nololeed ee illaa maanta jira.
Haddaba waxaa beryahaan dambe soo if baxay awooddii xukun ee
ummadda gacanteeda ku soo hartay oo ahayd tan dhaqanka dad aad mooddo
inay dharka ka dhigayaan isla markaana six un u nuxursiibayaan taasoo
hay’adaha warbaahinta hadda jiraa ay si dadban oo malaha aysan dareemin
uga qayb qaataan, sidaa awgeed, waxaan hay’adaha warbaahinta ee hadda
dalka ka jira ka codsanaynaa in arrintaas meel ka dhaca ku ah shacabka
Soomaaliyeed ay si dhiifoonaan badan oo mug leh taxadarkeeda ugu
baraarugaan.
Haddaba arrintaan oo aad mooddo in ay beel ahaan si gaar ah
noo taabatay, waxaan hay’adaha warbaahinta u sheegaynaa kuna baraynaa
magacyada ugaasyada Beesha:
1-
Ugaas Cumar Ugaas Xirsi (Ugaaska Gedo iyo Jubbooyinka,
isla markaana Ugaaska guud ee Beesha)
2-
Ugaas Cabdi Ugaas (Ugaaska Nageyle)
3-
Ugaas Ciise Ugaas cabdulle (Ugaaska Galgaduud).
Ciddii
aan saddexdaa ka mid ahayn oo Ugaasnimo ku sheegataa magaca Beesha
waxaan idinla socodsiineynaa in ay tahay mid been abuur ah oo aan waxba
ka jirin.
Guddoomiyaha Guddiga Beesha Sede ee Gobolka Banaadir
Sh. Xasan Xuseen Max’ed.
###
Max’ed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in Gacan Bir ku qaban doono Kooxaha...
Max’ed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka isla
markaana maamula Magaalada Baydhabo ayaa wax laga weydiiyay ammaan
xumida ka jirta Magaalada Baydhabo iyo hareeraheeda, waxa uuna yiri
“waan la soconaa, waxaana idiin sheegayaa in aan kuwaas la gali doono
dagaal, si looga tirtiro Gobalka”.
Waxaa Max’ed Ibraahim Xaabsade la weydiiyay dhacdii habeen hore ka hore
ka dhacday Magaalada Baydhabo kaddib markii gawaari siday raashin
mucaawino ah ay hor istaageen koox dabley ah, ayna halkaasi ku dhinteen
ilaa iyo lix ruux, ayaa waxa uu yiri Xildhibaan Xaabsade “Waa arrin aad
u fool xun ma fileyn in dhibaato intaa la eg ay dhacdo, balse waa arrin
ay ka tashan doonaan siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirifle.
Gobalka ayaa waxaa buux dhaafiyay maleeshiyooyin ka mid ah garabyadii
RRA kuwaas oo aan ka amar qaadan cidna, qalqalna ku haya ammaanka
Magaalada Baydhabo.
Baydhabo oo ay ku sugan yihiin dhamaan xubnihii labada gole ee Dowladda
ayaa siyaasiyiinta waxa ku ceyb ah in maalin walba ay falal amaandaro ah
ka dhacaan Magaalada Baydhabo, taasoo keeni karta in Dowladdu ay
raadsato goobo kale oo ka nabdoon Magaalada Baydhabo.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo oo ku dhaawacmey Iska horimaad ka
dhacay...
Ibraahim Isaaq oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Beelaha Digil iyo
Mirifle ayaa si xun ugu dhaawacmay iska hor imaadkii dhex maray
maleeshiyo galabineysay Gawaari raashin mucaawino ah u siday Gobalada
Bay iyo Bakool, iska hor imaadkaas oo ay ku dhinteen ilaa iyo lix ruux
ayaa waxaa dhaawac xun uu ka soo gaaray xildhibaankaasi.
Xildhibaanka oo dhaawacu uu ka soo gaaray dhinaca dhuunta ayaa shalay la
filayay in loo qaado Magaalada Nairobi balse ay baaqatay diyaaraddii la
saari lahaa.
Nabadgelyo xumida ka jirta Magaalada Baydhabo waxay guryahoodii ugu
tagtayu siyaasiyiintii beelaha Digil iyo Mirfle, iyadoo dhawaan
xildhibaano ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle xoog looga qaatay
Moobeeladii ay siteen, sidoo kale Xildhibaan ka tirsan Beelaha Digil iyo
Mirifle ayaa dhawaan laga qaatay Gaarisigii oo ilaa iyo haatan aan la
siin.
Markabkii Shidaalka keeney oo lagu haysto Xeebaha Xarardheere ...
Koox dabley ah oo ka qowleysata badaha ayaa afduubatay markab dhawaan
shidaal keenay Dekedda Ceel-Cadde mar uu marayay meel ka baxsan dekedda
Ceel-Cadde, waxaana markabkaasi lagu haystaa xeebta Xarardheer, waxaana
kooxda haysta ay dalbanayaan lacag madax furasho ah oo aan cadadkeeda
la sheegin, inkastoo odoyaal iyo ganacsato ay ku howlan yihiin sidii loo
sii deyn lahaa markabkaasi.
Afduubka Markabkaasi waxa uu saameyn ku yeeshay sicir Shidaalka ee
Magaalada Muqdisho iyadoo liitarkii Basiinka shalay lakala siisanayay
19-kun oo Shilin Soomaali ah oo dhiganta Hal Doolar iyo Bar, sidoo kale
liitarkii Naaftada ayaa waxa uu marayay 10-Kun oo shilin, waxayna
ganacsatada Shidaalka keeni jirtay ay sheegeen in maraakiibtii keeni
jirtay shidaalka ay diideen in ay wax shidaal ah u soo qaadaan Dekedda
Ceel-Caddel, iyagoo ka cabsi qaba in maraakiibtooda la afduubto, waxaana
haatan shidaalka laga keenaa Dekedda Boosaaso ay soo daabulaan Booyadu
waaweyn.
Nin ka mid ah gaadiidleyda ayaa waxa uu eedda dusha uga tuuray
Ganacsatada Shidaalka keena oo uu sheegay in ay ka dambeeyeen afduubka
Markabkaasi si shidaalka keydka u ah ay lacag fara badan uga helaan.
Guddiyo loo saaray kala qaadista ciidamadii isku hor fadhiyey Hobyo...
Wararka naga soo gaaraya Gobalada Dhexe waxay sheegayaan in maalintii
shalay ahayd uu kulan ka dhacay degmada Hobyo oo ay isugu yimaaden
xubnaha labada Gole ee ay ka soo jeedaan beelihii ku dagalamay gobalada
Dhexe iyo Waxgarad, Culuma’udiin iyo Odoyaal ka tirsan labadaasi beelood,
waxaana kulankaai looga hadlay sidii loo kala qaadi ciidamada loona kala
gayn lahaa goobihii horey loogu heshiiyay.
Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxaa la isku afgartay in loo saaro
guddiyo kormeera oo isugu jira Saraakiil, Culuma’udiin iyo Odoyaal,
waxaana kala qaadista ciidamadaasi ay bilaabaneysaa maalmaha soo socda.
Maleeshiyada Beesha Sacad waxaa la gaynayaa deegaanka Wesil, halka
Maleeshiyada Reer Xaaji Suleymaan iyana la geyn doono Deegaanka
Qosoltira, marka ay dhamaato kala rarista ciidamada waxaa bilaabnaya
wada hadalkii guud ee u dhexeeyay labada beelood, kaasoo lagu soo
gebgabeenayo dagaaladii dhex maray labadaasi beelood kaasoo ay ku
dhinteen dad fara badan waxaana dagaalkasi barakci yahay iyana dad fara
badan oo ku noolaa deeganadii lagu dagaalamay sidoo kale dagaalkaasi
waxa uu gaystay khasaaro dhinaca hantida ah, waxaana heshiiskaan markii
hore uu ka bilowday Magaalada Muqdisho kaddibna waxa uu u wareegay
Gobalada Dhexe sida Mudug iyo Galguduud.
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Xaflad Lagu Taageerayay
Jaamacada Nugaal
Taariikhdu
markey ahayd 9.04.2006 waxaa ka dhacay xarunta ururka SAHAN ee Pasila –
Helsinki-Finland-xaflad ay soo qabanqaabiyeen Ururada SAHAN iyo SSHDA oo
loogu talagalay in mashruuc dhaqaale ururin ah loogu sameeyo jaamacada
Nugaal ee gobolka Sool. Xaflada oo ay ka soo qaybgaleen dadwayne
farabadan una badan jaaliyada ku nool Finland ee u dhalatay gobalada
SSC.

Waxa ugu
horaynba xaflada ku furfuray wacdi iyo waano guud sheekh C/qani Xaaji
Ibraahim, oo dadka ku baraarujiyay muhiimada ay leedahay isku
duubnaanshaha iyo masuuliyada qofka walba ka saaran naftiisa,ehelkiisa
iyo muslimiinta guud ahaan, qofkuna yahay fardi ka mid ah mujtamac
balaadhan, hadii qof walbana uu meeshiisa ka soo baxo aysan jirin wax
xumaanaya ee ay bulshadu wada toosayso.

Intaa
kadib waxaa lagu soo dhaweeyay mikrofoonka Garaad Abshir Saalax oo ka
mid ah isimada ugu caansan Puntland gaar ahaan gobolada SSC, Garaad
Abshir oo indhawaalaba ka waday wadamada Scandineevi-yanka mashruuc
dhaqaale ururin oo lagu taageerayo Jaamacada Nugaal, Garaadku waxa uu
aad ugu dheeraaday taariikda iyo marxaladihii ay jaamacadu soo martay,
aasaaskeeda iyo wadciga ay haatan ku sugan tahayba, waxa uu garaadku
tilmaamay in jaamacadda hadda dhigtaan arday gaadhaysa 90 arday, kuna
bilaabeen dhismo gaar loo leeyahay, hadana la rajaynayo in Jaamacadda
loo dhiso dhismo u gaar ah, isla markaana loogu deeqay buug dhan 9 kun
oo buug oo ay ka faa,iidaystaan ardaydu, sidoo kale waxa uu garaadku ka
hadlay caqabadaha jira, isla markaana ku baraarujiyay jaaliyada inay
kaalmo dhaqaale isla garab taagaan Jaamacada.
Intaa ka
dib waxa hadalkii qaatay Jaamac Maxamed Faarax - Jaawali- oo ka
warbixiyay jaaliyada Finland iyo waxqabadkeeda, mashaariicda ay ka
fuliyeen wadankii.
Ugu
dambayna waxa laysku waydaarsaday su,aalo iyo talooyin la xiriira
Jaamacada iyo sidii loo horumarin lahaa, waxaana gudoon buuxa lagu
qaatay oo lagu aqbalay inay jaaliyada Finland ka qayb qaadanayso
dhaqaalaha lagu taageerayo jaamacada, isla goobtiina waxaa loogu doortay
guddi farsamo soo diyaariya, soona fududeeya habkii ay uga qayb qaadan
lahayd jaaliyadu taageerada jaamacada....
m. seraar dahir
musseseraar77@hotmail.com