Xiisad la
xiriirta Ciidamo ka yimid Puntland oo...
Xildhibaan Cabdirashiid Ciro: Xul
ma Nihin ee Xal baanu Nahay

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed CabdiXaashi (Ciro) oo ka mid ah
mudanayaasha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho dhawaan ku yimid
Aarhus,Denmark ayaa maalintii Jimcaha bishuna ahayd April 7,2006 la kulmay
madaxda gobolka oo uu ugu horeeyey Nicolai Wammen oo ah duqa magaalada
Aarhus oo isagu xafiiskiisa ku qaabilay. Guji... |
Wararka naga soo
gaaraya Gobalka Bakool waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay
xiisad aad u daran kaddib markii ciidamo ka yimid Puntland ay shalay soo
gaareen Gobalka Bakool, kuwaasoo watay 9 Gaari oo Tikniko ah, waxayna ka
koobnaayeen 400 oo askari.
Ciidankaan oo ka soo galay
dhinaca Qurax Joome ayaa waxa ay soo mareen dhul aad u balaaran, waxayna soo
socdeen mudo dhowr maalmood, waxaa kalloo la sheegay in ay xitaa ay soo
mareen gudaha dalka Itoobiya.
Ciidankaan ayaa
imaanshihiisa waxa uu xiisad ka abuuray Gobalka Bakool, waxaana shalay la
dareemayay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay sameynayeen dadweynaha deegaanka, oo ay
uga soo hor-jeedaan imaanashaha ciidankaasi.
Odoyaasha deegaanka ayaa
waxay ku andacoonayaan in aysan la soo wargelin imaanshaha ciidankaasi ee
gobalka Bakool, iyadoo horey gobalkaasi u joogeen ilaa iyo 900 oo Askari oo
ah ciidamadii laga keenay xerada Kongo ee Gobalka Sh/dhexe.
Gobalka Bakool waxaa horey
uga taagnaa xiisad la xiriirtay nin ay horey ugu dileen ciidamada Puntland
hase yeeshee waxaa arrintaasi dhex galay wasiiro ka tirsan Dowladda
Federaalka oo ka soo jeeda Gobalka Bakool, sidoo kale waxaa xiisadda sii
xoojiyay Markii Magaalada Baydhabo ay ka dhaceen dhowr shil oo la xiriira
Ciidamada Puntland oo ay isku dhaceen maleeshiyooyin ka tirsan dadka
Deegaanka.
Xildhibaan ka tirsan
Golaha Baarlamaanka kana tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxa uu
sheegay in haddii aysan dowladdu maareyn Ciidamada Puntland ay keeni karto
in ay isku dhacaan dadka deegaanka.
C/llaahi Yuusuf,
Shariif Xasan iyo Geeddi oo maanta..
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed,
Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’isul Cali Max’ed Geeddi ayaa
maanta la filayaa in ay ku kulmaan Magaalada Baydhabo, waxaana la sheegay in
kulankoodu uu noqon doono sidii ay dowladdu wax horumar ugu talaabsan lahayd
maadaama hal sano iyo bar ay ku jirtay khilaaf iyo is jiidjiid tasoo keentay
in Dowladdu ay kala degto Muqdisho iyo Jowhar. Madaxweyne C/llaahi ayaa waxa
uu doonayaa in uu Ra’isul Wasaaraha ka dhaadhicyo sidii uu Baarlamaanka u
hortagi lahaa una hor dhigi lahaa qorshayaasha dowladda, wixii u qabsoomay
mudadii ay Dowladdu jirtay iyo mustaqbalka waxa ay Dowladdu damacsan tahay.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maalmahan waxaa soo gaaryay qoraalo
looga dalbanayo in Dowladdu ay soo gudbiso qorshayaasheeda, hase yeeshee
qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku hanjabay in dib isaga
laaban doono Magaalada Baydhabo, maadaama aysan wax howl ah aysan ka hayn
Magaalada, qaarkoodna waxa ay sheegeenba in ay howlahoodii soo dayaceen.
Maanta ayaa la filayaa in Ra’isul Wasaare
Geedi uu si dhaqsi leh ula kulmo si ay iskula meel dhigaan waxa ay horgeyn
lahaayeen Golaha Baarlamaanka, oo isagu aad ugu dhararaya howlaha ay
Dowladdu qabatay. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Ra’isul
Wasaare Geedi ku eedeeyay in uu ka meermeerayo in Golaha Baarlamaanka uu soo
hordhigo wixii ay Dowladdu qabatay mudadii ay jirtay, sidoo kale qaar ka mid
ah Xildhibaanada ayaa iyagu qaba in gebi ahaanba la baabi’iyo wixii Cali
Max’ed Geedi uu magacaabayu oo xilal ahaa tan iyo intii ay Dowladdu ku kala
sugneyd Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.
Prof. Geeddi oo
maanta magacaabaya Safiiro iyo Agaasimayaal…
Ra’isul Wasaare Cali
Max’ed Geedi oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ayaa
markiiba ka qaybgalay xaflad lagu xusayay sanadguuradii 46-aad ee ka soo
wareegtay markii la aasaasay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Warar aanu ka helnay Madaxtoonyada
Dowladda ayaa waxay sheegayan in Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi uu
magacaabi doono maanta Safiiro, Agaasimayaal, Maareeyayaal iyo Wasiiro ku
xigeeno iyo walibana Hay’adaha Qaranka.
Ra’isul Wasaare Geedi ayaa la sheegay in
uu mudo la tashi ka sameenayay xilalka uu maanta magacaabayo, wuxuuna si
gaar ah ugala tashaday arrintaani Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Ra’isul Wasaaraha ayaa hoary u magacaabay
dhowr Safiiro iyo Agaasimayaal, hase yeeshee waxaa arrintaani ka hor yimid
qaar ka mid ah Xildhibaanada Baaarlamanka oo sheegay in magacaabistaasi loo
baahan yahay in dib loogu laabto maadaama Dowladdu ay u kala qaybsaneyd
Muqdisho iyo Jowhar
Xildhibaan
Xaabsade oo lagu cadaadinayo in uu maamul u sameeyo…
Mas’uuliyiinta sarsare ee
Dowladda ayaa waxa ay Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade ku cadaadinayaan
sidii uu maamul ugu sameyn lahaa Magaalada Baydhabo maadaama ay baryahan ka
jirtay nabadgelyo xumo aad u baahsan taasoo saameyn ku yeelatay
deganaashihii Dowladda Federaalka ee Magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha Baarla-maanka
Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxa uu kulan la yeeshay Xildhibaan Max’ed
Ibraahim Xaabsade, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday xaaladda
nabadgelyo ee Magaalada Baydhabo iyo sidii maamul waaxyihiisa wata loogu
sameyn lahaa iyo sidoo kale sidii loo magacaabi lahaa taliyaha ciidanka
Booliiska ee Gobalka, waxaana la sheegay in Max’ed Ibraahim Xaabsade uu ka
aqbalay guddoomiyaha arrintaasi uuna u howlgali doono sidii maamul loogu
sameyn lahaa Magaalada Baydhabo oo haatan ay si ku meel gaar ah u degan
tahay Dowladda Federaalka, sidoo kale shacabka Magaalada Baydhabo ayaa
iyagana si aad ah u doonaya sidii maamul loogu sameyn lahaa Magaalada
Baydhabo ee Gobalka Bay.
C/llaahi Yuusuf
iyo Shariif Xasan oo kulan xasaasi..
Maalintii shalay ahayd
ayaa halka uu degan yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxa kulan ku
yeeshay Madaxweynaha iyo Guddoomi-yaha Baarlamaanka, iyadoo kulankaani uu
ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen isla markaana xasaasi ahaa ayaan la ogeyn
waxyaabihii looga hadlay hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in labada
mas’uul ay uga hadleen jahwareerka Dowladda ka haysta Gobalada Bay iyo
Bakool, kaddib markii Magaalada Baydhabo ay soo buuxiyeen kooxo maleeshiyo
ah, sidoo kale waxaa la sheegayin looga hadlay isku dhacyadii dhex maray
ciidamadii laga keenay Puntland iyo Maleeshiyooyin ka tirsan Gobalka Bay.
Madaxweynaha ayaa waxa uu
doonayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka dhaadhicyo sidii loo adkeyn
lahaa ammaanka Magaalada Baydhabo oo maalmihii la soo dhaafay faraha ka sii
baxyaya iyo waliba sidii dardar loo gelin lahaa howlaha Dowladda Federaalka
gaar ahaan Xukumadda iyo Golaha Baarlamaanka, maadaama ay labada Mas’uul
eedeeymo uga yimaadeen xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Baydhabo
Max’ed Dheere
oo Jowhar ku martigelinaya kulan ay isugu imaanayaa...
Wararka naga soo
gaaraya Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe waxay sheegayan in
Magaalada Jowhar ay ka socoto qaban-qaabada kulan la doonayo in uu
halkaasi ka dhaco oo ay isugu imaanayaan tabanka Xubnood ee xubnaha ka
ah Isbahaysiga loogu yeeray la dagaalanka Argagixisada oo dhawaan looga
dhawaaqay Magaalada Muqdisho.
Kulankaan ayaa waxaa la
sheegay in uu warbixin dheer Max’ed Dheere ku siin doono xubnaha Isbahaysiga
safaro uu dhawaan ku tagay Magaalada Adis-Ababa iyo Magaalada Nairobi ee
dalalka Ethiopia iyo Kenya.
Arrimaha ugu muhiimsan oo
looga hadli doono kulankaasi ayaa ah ujeedooyinkii loo sameeyay isbahaysiga
iyo waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu jiray isbahaysigaasi.
Max’ed Dheere ayaa waxaa
la sheegay in magaalooyinka Addis-Ababa iyo Nairobi uu kulamo kula soo
yeeshay saraakiil ka tirsan Wadamada Mareykanka iyo Itoobiya kaasoo ku
saabsanaa waxa loogu yeeray kooxaha argagixisada ee ku sugan dalka
Soomaaliya.
Ururka
Qareenada Soomaaliyeed oo u aqoonsadey Nootayada...
Ururka Qareenada
Soomaaliyeed ayaa qiimeyn ku sameeyay Nootaayooyinka ka jira Gobalka
Banaadir ee sanadkii 2005 oo ay ka soo gudubnay, waxa uuna ururku sheegay in
Nootaayada Dr. Maxamuud Xuseen Diirshe ay noqotay mid buuxisay shuruudihii
looga baahnaa isla markaana ay si nadiif ah u fuliso howlaha la xiriira
dhinaca nootaayooyinka, ururka Qareenada Soomaaliyeed waxa uu ku tilmaamay
AVV. Diirshe mid taxadar badan, run sheeg badan, si cadaalad ahna ugu
garsoora Bulshada Soomaaliyeed, taasoo u kasbaday sumcad isagoo mudo 40 sano
ah ku dhex jiray howlaha Nootaayooyinka.
Dhanka kale Wasiirka
Garsoorka Shiikh Aadan Madoobe oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in
Nootaayooyinka ay Dowladdu siin doonto tixgelin gaar ah, isagoo sheegaay in
Dowladdu aysan aqoonsaneyn wax la yiraahdo Maxkamad.
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2006
Sarkaal katirsan
Hey'adda DBG oo Lagu dilay Degmada Jilib...
»Ilaalada
C/llaahi Yuusuf oo ku lug yeeshay iska hor imaad..
»Dowladda
Federaalka oo si weyn uga naxday guusha.... .
»Hay’ad
laga leeyahay Suudaan oo deeq gaarsiisay ..
»Hay’adda
WFP oo ka fiirsaneysa gargaarka ay geyneyso..
»Iska
hor imaad ka dhacay Degmada Karaaan oo ay ku..
»Qaraxyo
kale oo Addis Ababa ka dhacay...
Wararka oo dhan
oo ka akhri halkan... Guji... Apr 12
Muslimiinta Ruushka oo ka Mudaharaaday Qorshe lagu
damacsan yahay in lagu dumiyo Masaajid....
Muslimiinta Ruushka ayaa Isniintii (April 10)
mudaharaad ka dhigay magaalada Moscow, mudaharaadka oo ay kaga soo hor jeedaan
qorshaha ay dawladda Ruushku ku damacsan tahay in ay dumiso Masaajid ku yaal
magaalada Astrakhan oo ku taal koonfurta Ruushka, sidaas waxaa laga soo xigtey
jariidada Haaretz daily.
Masjidka ayaa ku yaal meel u dhow jid weyn oo isku
xira garoonka diyaaradaha iyo magaalada Astrakhan..
Muslimiinta Ruushku waxa sheegeen in dawladu
Ruushku ay rabto in ay Masjidka dumiso sababtoo ah waxa uu ku yaal meel
faras-magaalo ah oo uu masjidku si bilicsan uga dhex muuqanayo.
Hadal ay soo saareen dadka mudaharaadayey ayey ku
sheegeen in maamulka cusub ee magaalada Astrakhan aysan jeclayn in goobta
cibaabada ee Muslimiinta (Masjid) uu ku dhex yaal meel caan ah ama si fudud lagu
arki karayo.
Qorshaha in masjidka halkaas laga dhiso waxaa la
dejiyey sannadkii 1998. Saddex sano kaddib ayaa maamulka dawladu ansixiyey
dhismahaas.
Laakiin dhismaha masjidka waxaa la joojiyey
sannadkii hore, kaddib markii duqa magaalada ee cusub uu ku andacoodey in la
jebiyey xeerka qorshaynta dhismayaasha magaalada.
Maxkamada magaaladaas ayaa hoggaamiyayaasha
Muslimiinta ee Masjidka waxay ku amarya in ay Masjidka dumiyaan inta aan la
gaarin Bisha May kowdeeda (May 1, 2006), haddii kale masjidka waxaa la marinayaa
Cagaf-cagaf ayaa la yiri.
"Maxkamaddu waxay si indho la'aan ah u taageertay
maamulka magaalada. Xataa ma heli karno joornaalada magaaladu in ay daabacaan
aragtidanada, sidaas ayey waajib noogu noqotay in aan imaadno magaalada Moscow,"
sidaas waxaa yiri Asya Makhmutova oo ka mid ah hoggaanka masjidka. Waxana uu
intaas ku daray "in uu rajaynayo in dawlada dhexe ee Ruushku ay na caawin doonto."
"Tani waa markii ugu horeysey ee muddo tobanaan
sano ah la burburinayo Masaajid ku yaal Ruushka" sidaas waxa ayiri Yevgeny Khlov
oo ka tirsan urur u dooda xuquuqul Insaanka.
Tirada Muslimiinta Ruushku waa 20 million Muslims,
kuwaas oo ah 14% tirada dadka Ruushka. Kala bar oo bar ka mid ah 1.1 million qof
ee daggan gobolka Astrakhan waa Muslimiin.
Dalka Ruushku waxa uu ka mid yahay meelaha ay ka
soo bexeen Muslimiin qiime weyn ku leh taariikhda Islaamka, sida iimaam Bukhaari...
Akhri Taariikhdii
Imaamul Bukhaari.
Denmark oo Muslimiinta u ogolaatay Dhul Gaar ah oo
Loo Qoondeeyey Xabaalaha Muslimiinta....
Dowladda Denmark ayaa Muslimiinta u ogolaatay dhul
baaxadiisu dhan tahay 50,000 mitir oo laba-jibbaaran (540,000 sq ft), dhulkaas
oo loo qoondeeyey in uu noqdo xabaalo loogu talo galay Muslimiinta, sidaas waxaa
werisey hay'adda wararka ee Reuters.
Arrintan ayaa ka mid ah dadaalka dalka Denmark ugu
jiro in uu wanaajiyo magaca uu dalkaasi ku leeyahay Muslimiinta dhexdeeda,
kaddib markii dhowaanta uu joornaal dalkaasi ka soo baxa uu aflagaadeeyey Nebi
Muxamed (NNKH), kaddibna ay dalal badan oo dunida ah kusoo rogeen cuna qabatayn
waxyaabaha ka soo baxa dalkaasi.
Waxaa kale wararka tibaaxeen in toddobaadkii hore
uu Bangi ka mid ah bangiyada ugu waaweyn dalka Denmark uu bilaabay in uu fursado
shaqo siinayo Muslimiinta, gaar ahaan dumarka Muslimiinta ee Khimaarku u xiran
yahay.
Waxaa la xusuustaa in Madaxweynaha dalka
Faransiisku uu dugsiyada dalkaasi ka mamnuucay in aan gabdhaha Muslimiinti xisan
karin Khimaarka...
Wararkii
Arrintaas laga qoray halkan ka akhri...
Tarjumadii SomaliTalk.com | April 13, 2006