- KULAN KA DHACAY HOTEL AMBASSADOR
OO LOOGA HADLAYEY KOBCINTA WAXBARASHADA IYO XIRIIRKA WAXBARASHO EE DALKA
SUUDAAN.
- Xaafada Radeerka ee degmada Dayniile oo
ay soo booqdeen xubna sar sare ee Ururka USCda
KULAN KA DHACAY HOTEL
AMASSADOR OO LOOGA HADLAYEY KOBCINTA WAXBARASHADA IYO XIRIIRKA WAXBARASHO EE
DALKA SUUDAAN.
Kulan balaaran oo ay soo
qabanqaabisay hay’adda waxbarashada ee SAFE.
Kullankan oo uu ugu horeyntii
ka warbixiyey guddoomiyihii hore ee dalladda SAFE Cabdixaliim Maxamed Sh. Hadane
ah xoghayaha waxbarashada ee isla daladaas Ayaa ka sheegay in sanadadii 1998dii
la aasaasay waxaana lagu bilaabay 8 dugsi hadana waxey ka kooban tahay 57,
dugsi 28 kun ardey ayaa wax ka baratey 635 macalin ayaa maanta shaqo ka haya
tirada dugsiyada sare waa 17 dugsi sanadkii uhoreeyey waa 35 arday oo hadda
dhameeyey jamacada shaqona ka hayo dalka, 2000 /2001 ay ka qalin jabiyeen 917
arday, waad garan kartaa inta u dhaxeyso tiradaas .


sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu
sheegay in dallada SAFE ay kobciso arday soomaaliyeed oo badan. Hada unesco ayaa
ugu horeysey
wuxuu sheegay shirkada nation
line in ay dayactir ku samaysey dugsi ka mid ah dugsiyada safe ee la yiraahdo
hantiwadaag waa hay.ada kaliye ee gacan nagasiisey dayactirka dugsigaasi,
dowlada suudaan ayaa kaalin weyn ka geysatey sidii loo hor marin lahaa dalada
waxbarashada ee safe.
Kulankan oo ahaa mid ah ka
soo qeybgaleen ururo badan oo ku bahoobay dallada waxbarashada oo ay ka mid
yihiin Tubta Nabadda, Fpens, IDA, CRD, hay’adda SOCDA, TUBTA NABADA ,UNESCO
Shirkadda Nationlink, rabidada Islaamka, Jaamacada Nileynee dalka suudaan , iyo
jaamacadaha Magaalada muqdisho, ayaa dhammaantood ku wada amaanay dallada SAFE
in ay tahay mid wax weyn u gasha bulshada soomaaliyeed.


Xooghayahay guud ee dalada
waxbarashada ee safe dr xusen calas ayaa u mahada celiyey dhamaan hay.adaha aan
kor ku sooo sheegnay ,
Ugu danbeytiina wuxuu baaq u
soo jeediyey warshadaha yaryar ee dalka ka jira sida kookada iyo biyaha la
nadiifiyey in ay isku tiirsadaan si la isula wada shaqeysto .
Sidoo kale waxaa halkaa hadal
ka jeediyey Wakiilka Safiirka dalka Suudaan Xaydar Ibrahim Yaxya oo sheegay in
ay ardayda soomaaliyeed ee ka barata dallada SAFE ay u samayn doonaan
shahaadooyin caalami ah oo laga soo sameeyay dalka Suudaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay Mr.
Yaxya in ay waxbarasho iyo qalabaynba ay la garab istaagayaan Dallada SAFE.
Waxaa kale oo halkaasi ka
hadlay madaxa raabidada Islaamka Ikram Maxamed Ikram oo u dhashay dalkaasi
suudaan ayaa sheegay sida ay isaga kaashanayaan dalka suudaan iyo SAFE sidii
ardayda dalladani ay waxbarasho heer sare ah u heli lahaayeen, waxaa kale oo uu
xusay inuu soo maray gobolo badan oo soomaaliya ka mid ah oo abaaro ba’ani ay ku
habsadeen, isla markaane uu isagu indhihiisa ku soo arkey dhalinyaro
jidgooyooyin jidka dhigtey wuxuua yiri kuwaasi danbi ma leh ee waxaa danbiga
iska leh waalidiintiin dhalay oo wax bari waayey waxaana isku dayayaan in ay
gaarsiiyaan wixii karaankooda ah.wuxuu hadalkiisa ku soo koobey mahadcelin iyo
isaga ooyiri suudaan somaliya waxey diyaar ula tahay intaa iyo in ka badan oo
wax tar u leh umada somaliyeed ,

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi
hadal ka jeediyey guddoomiyaha xilligan ee dalladda SAFE C/raxmaan Macallin
Axmed ayaa wuxuu mahad celin balaaran u soo jeediyey marti sharaftii ka soo
qeybgashay kulankaan, wuxuu kaloo mahad balaaran u soo jeediyey hay’adaha
wadaniga ah CRD, SOCDA, iyo Tubta nabadda oo uu sheegay in ay ku garab taagan
yihiin wixii ay awoodaan.
Soodaan waxey sheegtey in ay
isu dhigmaan shahaadada ay bixiso soodaan iyo tan laga bixiyo dalada
waxbarashada ee safe wuxuuna carabka ku adkeeyey gudoomiyuhu in ay ka taxadireen
in shahaadada la macmalo isaga oo yiri marnaba ma dhaceyso in ay u sinaadaan
shahaadada qof wax soo bartey iyo qof kabarka dushiisa tegay isaga oo sita
labaatan kun shilin Somali ah.
waxaa kale oo uu guddoomiyihu
canbaareyn dusha kaga tuuray kuwa afduubtay ardayga da’da yar ee shalay laga
afduubtay jidka isagoo ku sii socda Dugsiga.
Soodaan waa saaxiibka dhabta
ah ee somaaliyeed ayu ku soo gabagabeeyey .
Si kastaba ha ahaatee
kulankaan ayaa ku dhacay jawi aad u wanaagsan oo ay ka muuqato wejiyadii ka soo
qeybgalay farxad iyo is afgarad.
Xaafada Radeerka ee
degmada Dayniile oo ay soo booqdeen xubna sar sare ee Ururka USCda
Waxaa Khamiistii gaarey
xaafada loo yaqaan Raadeerka ee degmada Deyniile wafdi kormeer ah oo ka socda
ururka U.S.C oo uu madaxda ka yahay Maxamed Qanyare Afrax.

Wafdigu wuxuu u kuur galayey
waxyeeladii soo gaarey xaafada Raadeerka kana soo gaarey dagaaladi dhawaan ka
dhacay xaafadaas kuwaas oo u dhaxeeyey ururka isku magacaabay "soocelinta nabada
iyo la dagaalanka argagixisada" iyo qaar ka tirsan Midowga Maxaakiimta Islaanka
.

Wafdigu wuxuu indhihiisa ku
soo arkey waxyeelo soo gaartey masjidka Alraxma iyo meelo kale oo u soo gaarey
burbur lixaad leh wuxuuna balanqaaday ururku in ay dib u dhisi doonaan isla
markaana waxaa kale oo uu balan qaaday ururku in ay dhameystiri doonaan ceel ku
yaalo masjidka gudihiisa kaasoo horey qabyo ugu ahaa masjidka oo dhaqaalo loo
waayey wax qabadkaan ayey ugu magacdareen ururku barnaamijka arimaha bulshada .
Wafdigu waxaa kale oo uu
hoosta ka xariiqay in uu meelaha kale oo uu burburku ka soo gaaray dagaaladii
dhawaan ka dhacay xaafada ay dib u dhis ku sameyndoonaan .
Dadweynaha xaafaduna aad ayey
ugu riyaaqeen una soo dhaweeyeen .
Ugu danbeytii dadka xaafada
ayaa uga mahadceliyey balanqaadkaa iyaga oo xusey in ay yihiin dadkii ugu
horeeyey ee nala soo xiriirey wixii ka danbeeyey dagaaladii halkaasi ka dhacey
waxaan oo dhan waxey dhacayaan xili ay xiran yihiin wadada hormarta wasaaradii
gaashaan dhiga iyo isgoyska kuliyadii jaale siyaad tii yoo dhinaca kalana uu
baaad tuuran yahay isgoyska ex koontrol afgooye iyo inta u dhaxeyso warshadii
kabka .
Isbaheysiga ayaa waday
maalmahaan dib u dhis iyo soo jiidasho shacabka ah iyadoona ay dhawaan dib u
qalabeyeen isbitaalka Dayniile kasoo ah mid hadda si wacan u shaqeeyo.
MUUSE MAXAMUUD JISOW
somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
Faafin: SomaliTalk.com | April
14, 2006
|