WARARKII APRIL 16, 2006
-
Cirro:
codkiina ku badasha
waxtarka dadkiinii iyo dalkiinii hooyo
-
Dadweynaha ku nool Puntland oo
codsaday Cadde Muuse uu is casilo..
-
Cadde Gaabow iyo wafdi uu hogaaminayo
oo dhawaan la filayo in ay gaaraan Magaalada..
-
Maamulka Dekedda
Ceel-Macaan oo sameynaya Doomo ilaaliya xeebaha ku Aadan dekedda .
-
Xarunta Ismaaciil Jimcaale
oo cambaareysay falal xadgudubyo ah oo ka dhacay..
-
Wasiiro iyo Xildhibaano gaaray Magaalada
Baydhabo....
-
Shariif Xasan iyo Geeddi oo ka hadlay isu soo
bax ka dhacay magaalada Baydhabo…
-
Guurtida Beelaha Isaaqa, Gedabuursi iyo
Ciise oo sheegay in aysan aqoosaneyn shir ka dhacay…
-
Beesha Asharaaf oo lagu wareejiyay Tikniko
horey loogu kala qabsaday ..
"Jaaliyadaha Soomaalida
ee dibada ku nool waa inay usaro kacaan sidii ay dawladaha ay la joogaan uga
dhaadhicin lahaayeen wax tarka dawlada Federaalka Soomaaliyeed...."
(codkiina ku badasha
waxtarka dadkiinii iyo dalkiinii hooyo)
Xildhibaan C/rashiid Maxamed
Cabdixashi (Ciro) oo beryahan booqasho ku joogay dalka Ingiriiska ayaa martiqaad
uu ka helay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku
nool Leicester ku tagay Arbacdii bishan April ay ahayd 13,2006. Xildhibaan Ciro
ayaa ugu horayn halkaas kula kulmay duqa magaaladaas Leicester Lord Mayor Of
Leicester Miss Councillor Mary Draycott. waxayna ka wadleen arimaha jaaliyada ku
nool degaankaas Leicester iyo sida ay gacan uga gaysan karto madaxda magaaladaas
taageerida dawlada ku meelgaarka ee Soomaaliya. Madaxda magaaladu waxay balan
qaadeen inay ka fakari doonaan wixii hada ka dambeeya waxa ay tari karaan
dawlada ku meelgaarka iyo sida ay wax uwada qabsan karaan maadaama tiro badan oo
Soomaali ah ay ku nooshahay degaankaas Leicester.

Duqa magaaldu waxay
gudoonsiisey xildhibaan ciro buug ka sheekaynaya degaankaas iyo taariikhdiisa,
waxayna uga mahadcelisay soo booqashadiisu uu soo booqday xafiiskeeda iyo gaar
ahaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Leicester.

Maalintaas galinkeedii dambe
ayuu la kulmay xildhibaanku Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Leicester, wuxuuna
uga warbixinyey xaalada dalku haatan ku sugan yahay iyo sida looga baahan yahay
jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool inaysan ku ekaan oo qura danahooda
khaaska ah ee ay wax ka qabtaan xaalada dalka oo wixii gacan ah ee ay ka gaysan
karaan ay ka gaystaan. “dawladu uma baahna taageero afka ah oo qura, waxaase la
doonayaa in jaaliyadaha dibadu ay ku daraan taageero dhan walba leh oo ay
ufidiyaan dawlada curdinka ah”.

Waxa ugu yar ood
uqabankartaan dawlada hadaan idinku baraarujiyo waa idinkoo dalalka aad ku
nooshihiin madaxdooda ka dhaadhicisaan in ay dawlada Soomaaliyeed ka taageeraan
dhan walba, siyaasad, dhaqaale iyo wixii kaloo ay karaanba. Ninkii gurigiisa kaa
soora nin dheh, kii guri dadow kaa soorana nin karmeed dheh ayey Soomaalidu ku
maahmaahdaa. Waxaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool dhamaantoon aan
ugu baaqayaa inay usoo jeestaan sidii ay dalalka ay joogaan ugu soo jeedin
lahayeen inay wax la qabtaan dawlada oo codka aad siinaysaan musharixiinta aad
ku badalataan dhismaha dalkiina hooyo ee dhibaatadu ay idinka soo kaxaysay.

Khudbadii warbixinta ahayd
ee xildhibaanku siiyey jaalida kadib ayaa qaybo ka mida Jaalida intii markaas
nasiibka uheshay ay waydiiyeen su’aalo dhawra, taasoo uu uga jawaabay xildhibaan
Ciro iyagoo dadku ka soo dareeray iyagoo faraxsan oo aan beryahan ubaahnayn inay
galaan internetka iyagoo wararka Soomaaliya raadinaya maadaama ay si fiican uga
bogteen wixii war ahaa ee jiray. Dad badan ayaa xildhibaanka ku dhiiri galiyey
in dawladu yeelato bogg wararka laga helo, haday jiraan boggogaasna la
horumariyo oo dadka la baro si war sugan dadku ay uga qaataan bogga dawlada
intii boggaga qabaa’ilka ufuran dadku war ka qaadan lahaa. Xildhibaanka ayaa
balan qaaday inuu warkaas gaarsiin doono dawlada waxna laga qaban doono dhanka
xiriirka jaaliyadaha dibada iyo dawlada. Shirkii ayaa ku dhamaaday jawi
wanaagsan oo farxad leh.
Waxaa kulankaas waxaa soo
qaban qaabiyey iskuna soo duba riday xubno ka tirsan ururka Soomali Community
parents Association of Leicester,UK.
Waxaa nasoo gaarsiiyey
gudoomiyaha ururkan
Abdi Kayf Bashiir Farah
Email:
socopa@hotmail.co.uk
Dadweynaha ku
nool Puntland oo codsaday Cadde Muuse uu is casilo..
Wararka ka imaanaya Magaalada
Boosaaso ee Gobalka Bari ee Maamul Gobaleedka Puntland waxay sheegayaan in
dadweyne ku nool gobalkaasi ay ka codsadeen Madaxweynaha Maamul Gobaleedka
Puntland Cadde Muuse in uu deg deg isku casilo kaddib markii uu heshiis la galay
shirkado maafiyo ah oo adduunka si weyn looga yaqaano kuwaas oo ay sheegeen in
ay doonayaan in ay la baxaan kheyraadka gobalada Puntland.
Dadweynaha waxa ay sheegeen in
Madaxweynuhu uu ku xadgudbay dastuurkii iyo axdigii Maamul Gobaleedka Puntland
sidoo kale uu ku xadgudbay axdiga ku meel gaarka ah ee Dowladda Federaalka
kaasoo sheegaya in maamul Gobaleedyadu aysan wax heshiis ah la gali Karin
shirkado shisheeye. “Haddii shirkaduhu ay dhab ka tahay in ay u faa’iideeyaan
shacabka Puntland maxay u soo mari waayeen Dowladda Federaalka” ayay yiraahdeen
dadweynahaasi oo ka dalbaday Gen. Cadde Muuse in uu deg deg dalka uga saaro
shirkadaha shisheeya ah ee ku soo qulqulaya gobalka, kuwaas oo ay sheegeen in ay
doonayaan in ay xadaan kheyraadka Maamulka Gobaleedka Puntland.
Saddex deegaan oo ka tirsan
Maamul Gobaleedka Puntland ayaa iyagana ka hor yimid shirkado shisheeye oo
doonaya in ay la baxaan kheyraadka deegaanadooda, iyadoo dhawaan deegaanka
Majiyahan uu ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay ciidamo ka socday maamul
Gobaleedka Puntland iyo ciidamo ka socday dadka deegaanka waxaana iska hor
imaadkaasi ku dhintay dhowr qofood.
Is casilaadda ay u soo
jeediyeen dadweynaha ku nool Maamul Gobaleedka Puntland waxaa ku raacsan
aqoonyahano iyana ka soo jeeda gobaladaasi, oo iyagu horey u dalbaday in uu
Cadde Muuse uu is casilo maadaama uu dhegaha ka fureysay rabitaankii shacabka
Reer Puntland iyo waliba isagoo ku tuntay xeerkii ay degsadeen Maamul Gobaleedka
Puntland.
Cadde Gaabow iyo wafdi uu hogaaminayo oo
dhawaan la filayo in ay gaaraan Magaalada..
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir
ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde (Gaabow) iyo Wafdi uu
hogaaminayo ayaa la filayaa in ay dhawaan u ambabaxaan Magaalada Baydhabo ee
Gobalka Bay oo haatan ay degan tahay Dowladda Federaalka.
Cadde Gaabow ayaa waxaa uu
kulamo la soo yeelan doonaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali
Max’ed Geedi oo ay isla soo qaadi doonaan xaaladda nabadgelyo ee Gobalka
Banaadir iyo sidii ay dowladdu gacan uga gaysan lahayd dib u soo celinta
nabadgelyada.
Sidoo kale Cadde Gaabowa waxa
uu Dowladda Federaalka ka codsan doonaa dhaqaale dib loogu soo nooleeyo
adeegyadii Gobalka iyo waliba sidii Dowladda ay uga qayb-qaadan lahayd dib u soo
nooleynta Ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Gobalka waxaa
kalloo uu kulan la yeelan doonaan Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan,
iyadoo dhawaan Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir Maxamuud Cumar
Tootoow uu Magaalada Nairobi kulan kula soo yeeshay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed
Geedi, waxanaa kulankaasi la iskula soo qaaday sidii uu Ra’isul Wasaaruhu u
aqoonsan lahaa maamula Gobalka Deegaanka ee Gobalka Banaadir, maadaama uu
Ra’isul Wasaaruhu horey u soo magacaabay Cadde Gaabow, waxaase magacaabistii ka
hor yimid xubnihii Dowladda ee ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
SAKARIYE: Waa Wiil ay
Maskaxdiisu Banaanka taal una baahan Gargaar isaga iyo Qoyskiisa
Markey taariikhdu ahayd April 12, 2006 ayaan
booqday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho si aan u soo eego xaaladda ay
ku sugan yihiin dadkii ku dhaawacmay Dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada
Muqdisho, ee u dhexeeyey kooxihii isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada iyo
Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna dagaalkaasi
saameeyey dadka dan yarta ee ku nool Magaalada, Akhri...

Maamulka Dekedda Ceel-Macaan
oo sameynaya Doomo ilaaliya xeebaha ku Aadan dekedda .
Iyadoo uu sii kordhayo
afduubka Maraakiibta badeecoo-yinka keena dekedda Ceel-Macaan ayaa maamulka
Dekeddaasi waxa uu qorsheynayaa sidii uu gacan uga gaysan lahaa ammaanka
Maraakiibta ganacsiga u imaanyesa dekeddaasi waxaana lagu waramay in maamul uu
soo wato dhowr Doonyood oo kuwa dheereeya ah kuwaas oo la sheegay in lagu rakibi
doono qoryo casri ah oo lagula dagaalamo kooxaha burcadda ah ee Badda ka
qowleysata.
Doonyahaas ayaa waxay ilaalin
doonaan ilaa iyo dhowr boqol oo Kiilo Mitir, waxaana la sheegay in Doonyahaasi
ay Maraakiibta ka soo galbi doonaan badweynta siday u soo gaarsiiyaan xeeba,
sidoo kale waxay horey u sii wadi doonaan maraakiibtaas markay rarka dejiyaan
ilaa ay ka gaaraan Badweynta.
Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo
cambaareysay falal xadgudubyo ah oo ka dhacay..
Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee
Ismaaciil Jimcaale ayaa cambaareysay falal xadgudub ah oo ka dhacay qaar ka mid
ah gobalada dalka, waxaana ka mid ahaa Saynab Cumar Barre oo 12-kii Bishii April
lagu dilay Magaalad Kismaayo, weerarkii lagu qaaday Ha’adda DBG laguna dilay mid
ka mid ah shaqaalaheeda oo lagu magacaabo C/qaadir Ciisr Fara-Cadde lagu
dhaawacay kuwo kale, waxa uuna falkaasi dhacay 10/4/2006, weerarkii 9-kii Bishan
isna lagu qaaday hay’adda WFP raashin mucaawino ah oo ay waday dadka ay abaaruhu
waxyeeladu ka soo gaartay, sidii kale waxa ay walwal ka muujisay afduubkii
lagula kacay C/raxmaan Maxamuud C/Baari oo 12-kii Bishii April laga afduubtay
dugsigii uu dhiganayay ee Fatxu-Raxmaan waxayna dhamaan falalkaasi Ha’addu ay ku
tilmaantay kuwo ka baxsan shareecadda Islaamka, Xeerka soo jireenka Soomaalida
iyo baaqa caalamiga ah ee Xaquuqda Aadanaha, waxayna Hay’addu sheegtay in kuwo
xadgudubyada gaysanaya mar un lala xisaabtami doono, waxaana ku saxiixnaa
gudoonka xarunta Maryan Owreeye.
Wasiiro
iyo Xildhibaano gaaray Magaalada Baydhabo....
Shalay ayaa waxaa
gaaray Magaalada Baydhabo wafdi isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano oo ay ka mid
yihiin wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato, Wasiirka
horumarinta reer Miyiga Max’ed Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere) iyo Xildhibaano
iyo Wasiiro kale.
Mas’uuliintaan oo in
mudo ah howlo nabadeyn ah ka waday Gobalada Mudug iyo Galguduud oo ay horey ugu
dagaalameen beelaha ay ka dhasheeen ayaa ka soo kicitimay Magaalada Gaalkacyo
kaddib markii ay soo xaliyeen inta badan mashaakilaadkii u dhexeeyay labada
beelood, waxayna ku guuleysteen in ay kala qaadaan ciidmaadii isku hor fadhiyay
deegaanka ay dagaaladu ka dhaceen oo ay ugu horeeyeen deegaanka Gelinsoor ee
Gobalka Galguduud iyo Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug.
Markii ay soo gaareen
shalay xildhibanaadaani Magaalada Baydhabo ayaa waxay kulamo la yeesheen
mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda oo ay uga warbixiyeen halka ay mareyso
howlihii dib u heshiisiinta ee ay mudada ku maqnaayeen iyagoo u sheegay madaxda
Dowladda in inta badan ay xaliyeen waxyaabihii colaaddda keenay, haddana ay ku
soo dhaafeen Odoyaal, Aqoonyahano iyo Waxgarad ka soo jeeda labada beelood si ay
u dhameystiraan waxyaabaha ka dhiman heshiiska.
Shariif
Xasan iyo Geeddi oo ka hadlay isu soo bax ka dhacay magaalada Baydhabo…
Shalay ayaa waxaa
Magaalada Baydhabo ka dhacay isku soo bax nabadeed oo lagu soo dhaweynayay
baaqii dhawaan ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda sida
Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay wehliyeen
mas’uuliyiinta Dowladda ugu jira Beelaha Digil iyo Mirifle sidii wax looga
qaban lahaa ammaanka Magaalada Baydhabo isla markaana loo maareyn lahaa
qulqulatooyinka ka dhacaya Magaalada gudaheeda oo ay gaysanayaan
maleeshiyooyinka hubeysan.
Banaanbaxaas oo ay ka
qaybgaleen madaxda Dowladda, Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka soo jeeda
Gobalka Bay ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh
Aadan oo sheegay in ay tahay waxaan laga korkortami Karin in gacan bir ah lagu
qabto amniga Maagaalada Baydhabo, isla markaana loo baahan yahay in gacan sare
la siiyo nabadgelyada, sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Ra’isul Wasaare
Cali Max’ed Geedi oo insa cod dheer ku ayiday in ay lagama maarmaan tahay in la
helo kala dambeyn iyo maamul taabagal ah oo nabadgelyada ku soo celiya Magaalada
Baydhabo oo ay Dowladdu si ku meel gaar ah ay u degan tahay.
Dhawaan ayaa waxaa
kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo mas’uuliyiinta Digil iyo Mirifle iyo
Saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda taasoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu u
qabaty mas’uuliyiinta Digil iyo Mirifle in ay mudo 15 maalmood ah maamul
taabagal ugu dhisaan Magaalada, haddii kale la qasbi doono.
Guurtida Beelaha Isaaqa, Gedabuursi iyo Ciise oo sheegay in aysan aqoosaneyn
shir ka dhacay…
Guurtida Beelaha
Isaaqa, Gedabuursi iyo Ciise waxay u sheegayaan Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed
ee Koonfurta aysan marnba aqoonsaneyn wixii ka soo baxay shirkii ka dhacay
Jaamacadda Xamar 13-kii Bishan, waxayna shirkaasi ku tilmaameen mid lagu dhisayo
Gobalada Koonfureed awood qaybsigooda, kuwa Waqooyina lagu burburinayo sidii
shirarkii hore ee Carta iyo Nairobi, Soomaalidu waxay tiraahdaa “Anigoo awalba
ooy rabay ayaa Sac igu joogsaday”.
Waxay sheegeen in
shirkii Carta iyo kii Nairobi uu hoos u sii dhacayay saamiga xagga tirada ay
lahaayeen Gobalada Waqooyi, waxayna gaartay 18.9%, Gobalada Koonfureedna waxay
ka heleen 81-1%, waxaana ugu dambeyntii Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogto ugu baaqeynaa in ay ka digtoonaadaan arrimaha sii kala fogeynaya beelaha
Soomaaliyeed, waxaana qoraalkaan na soo gaarsiiyay Guurtida dhaqanka beelaha
Isaaq Ismaaciil Max’ed Cumar (Caano Geel).
Beesha Asharaaf oo lagu wareejiyay Tikniko horey loogu kala qabsaday ..
Wararka ka imaanaya
degmada Xudur ee Gobalka Bakool waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd
Odoyaal ka socday beesha Asharaaf lagu wareejiyay labo tikniko ah oo horey loogu
kala qabsaday dagaaladii ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Bakool.
Tiknikadan la
wareejiyay ayaa waxaa lahaa mid ka mid ah Wasiirada Dowladda Federaalka waxaana
arrintaan ka soo shaqeeyay Odoyaal ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle waxay
qayb ka tahay dib u heshiisiin guud oo la doonayo in la dhex dhigo Beelaha
Raxanweyn.
Maalmaha soo socda
ayaa la filayaa in Beesha Asharaaf ay sii wareejiso tiknikadaasi kuna wareejiso
beeshii horey lahayd.
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Waftigii JWXO oo la kulmay
masuuliyiin Maraykan ah.
Wafti sare oo ka tirsan
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa muddooyinkii denbaba
booqasho ku joogay dalak Maraykanka. Waftigan, oo uu hoggaaminayo guddoomiye
ku xigeenka kowaad ee JWXO Maxamed Ismaaciil Cumar, wuxuu magaala madaxda
Maraykanka ee Washington gaadhay afartii bishan April, wuxuuna muddadii uu
halkaas ku sugnaa la kulmay masuuliyiin kala duwan oo Maraykan ah.
Waftigu wuxuu la kulmay Mark
Kennedy, oo ah xildhibaan ka tirsan Kongarayska Maraykanka, kaasoo waftiga
JWXO ku qaabilay Aqalka Barlamaanka. Waftigu wuxuu si qoddo-dheer
xildhibaankan ugu sharaxay, xaqa uu shacabka Ogaadeenya u leeyahay
Aayo-ka-talintiisa iyo dhibaatada aan kala go’a lahayn ee gumaysiga Itoobiya
ku hayo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya.
Waftigu wuxuu sidoo kale la kulmay 10-kii bishan April ku xigeenka madaxa
qaybta Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, kaasoo ay isla soo
qaadeen arrimo badan oo ku saabsan qadiyada Ogaadeenya iyo guud ahaanba
gobolka Geeska Afrika. Warbixinta kulannadan oo faahfaahsan waxaad ku maqli
doontaan barnaamijyada soo socda.
Radio Xorriyo
Faafin:
SomaliTalk.com | April 16, 2006

Sawirkan waa burburka dhismihii
Baarlamaanka hore ee Soomaaliya, (Sawir qaade:
Muuse Maxamuud Jiisow,
2006)
Sawirka hoose waa Baarlamaankii Soomaaliya
ka hor burburkii Soomaaliya

ISha saiwkan: www.swan.ac.uk |
Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo Maraykanka kula
Taliyey in uusan Taageerin Qabqablayaasha Dagaalka Soomaaliyeed
- Aqoonyahano Somali American ah oo Warqad Cabasho
ah u Gudbiyey Sen. Norm Coleman .....
Minnesota, USA April 14, 2006
Shalay oo ay bisha April ahayd 13 waxaa xafiiska Senator Norm Coleman
booqasho ku tagay aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka cabanaya warar sheegaya in
dawladda Maraykanka taageero siisay dagaal oogayaal Soomaaliyeed.

Senator Coleman
|
Aqoonyahanadaasi waxay xafiiska senatoorka (St.
Paul, Minnesota) u gudbiyeen warqad cabasho ah oo
ay ku muujinayaan dhibaatada ay geeysteen dagaal oogayaasha kuwaas oo hub
culus la dhacay caruur iyo maati badan ayadoo uu socdo qax iyo barakac meelo
ka tirsan Muqdisho.
Aqoonyahanadaasi oo kala ah Dr. Cabdulqaadir Aadan iyo Drs.
Zainab Xassan,
Drs. Xaliimo Yarey, iyo Gabyaa Cusmaan Ducaale waxay sheegeen in isbahaysiga
sheeganaya inay "argaggixiso" la dagaalayaan in ay ayaga naftigooda argaggax ku hayeen shacabka
Soomaaliyeed muddo 16 sano ah.
Aqoonyahanadu waxay sheegeen in haddii ay dawladda maraykanka la safato
dagaal oogayaasha oo ka weecato dawladda sida sharciga loo soo doortay ee ku
meel gaarka ay noqon doonto qalad weyn iyo kala dilka labada shacab ee
saaxiibada ah waa Soomaalida iyo shacabka maraykanka.
Aqoonyahanada waxay Senatoor Coleman oo ka mid ah guddiga arrimaha dibadda oo
ansixiya kharashka dawladda, madaxna ka ah guddiga baarista iyo dabagalka
senate, ka codsadeen inuu baaritaan ku sameeyo warar sheegaya in dawladda Maraykanka hub iyo saanad siisey dagaal oogayaasha kuwaas oo loo isticmaali
karo in lagu laayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Aqoonyahanada waxay senatoorka kula taliyeen in dawladda Maraykanka taageerto
demoqraadiyadda iyo dawladda Soomaaliyeed intii ay taageeri lahayd dagaal
ooheyaal.
Websiteka Senator Coleman:
http://coleman.senate.gov/
Waxaa soo tebiyey:
Cali Cigaal
egal777@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | April 14, 2006
AP oo Saxday War ay Hore u
sheegtay::
Wakaaladda wararka ee AP (Associated Press) ayaa
ka laabatay warkii ahaa in Sarakaal Maraykan ah uu sheegay in Maraykanku ay
taageerayaan maleysiyada Soomaaliyeed ee la dagaalamaya Islaamka Xagjira, waa
sida warku u dhigay'e, oo ku dagaalamaya gacan ku haynta Caasimada Wadanka aan
Sharcigu ka jirin. Waxana ay wakaaladda AP sheegtay in ay warbixintaas si khalad
ah usoo werisey, warkaas oo ay markii hore daabacday April 9, 2006, waxa ay
saxday April 12, 2006. Waxana ay wakaaladda AP tiri: XAQIIQADII, Sarkaalku
waxa uu yiri waxa keliya oo Maraykanku la kulmay waa hoggaamiyayaal Soomaaliyeed
oo aad u kala duwan si la isugu dayo in dalka lagala dagaalamo Argagixisada
Caalamig ah... Qoraalkii AP ay arrintaas ku saxday hoos ka akhri isagoo af
ingiriisi ah iyo isha warka.
Correction: Somalia-New-War Story
By Associated Press
9:14 AM PDT, April 12, 2006
NAIROBI, Kenya -- In an April 9 story about
U.S. involvement in Somalia, The Associated Press erroneously reported that
a U.S. official said the United States was backing Somali militants fighting
Islamic extremists for control of the lawless nation's capital. In fact, the
official said only that the U.S. had met with a wide variety of Somali
leaders in an effort to fight international terrorists in the country.
Source: AP website: http://hosted.ap.org/dynamic/stories/S/SOMALIA_NEW_WAR_CORRECTIVE?SITE=OHDEF&SECTION=HOME&TEMPLATE=DEFAULT
and Yahoo News:
http://news.yahoo.com/s/ap/20060412/ap_on_re_af/somalia_new_war_corrective_1
and
http://www.latimes.com
|