Bandhig
farshaxan oo ay sameeyeen Ururka Haweenka
Garoobada Soomaaliyeed
Maalintii
shalay aheyd ayaa xarun ay leeyihiin ururka
Garoobada Soomaaliyeed waxaa ka dhacay
bandhig farshaxan oo ay haweenka garoobada
ku soo bandhigeen qalabka hiddaha iyo
dhaqanka Soomaaliyeed wuxuuna bandhigaasi
isugu jiray darmo si aad ah loo qurxiyey,
dambiilo isugu jiray kuwo caag ah iyo kuwo
laga sameeyey caaw, sidoo kale, waxaa
halkaasi iyana lagu soo bandhigay sida loo
tolo dambiilaha, waxaana falkinayey haween
ka tirsan ururka gabooda Soomaaliyeed.

Mar aan wax ka
weydiiney guddoomiyaha ururka Garoobada
Xaliimo Cali Caynte, bandhigaan farshaxanka
iyo ujeeddooyinka ay u sameeyeen, waxeyna
sheegtay iney ugu talagaleen shacabka
Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudahiisa iyo
dibaddiisa iney ogaadaan in haweenka
garoobada ay yihiin kuwo wax qabsan kara,
waxna soo saaran kara, haddii ay helaan
kaalmo ballaaran.
Xaliimo Cali
Caynte waxey sheegtay in qalabkaas
farshaxanka ay ugu talagaleen iney ka
iibiyaan shacabka Soomaaliyeed si daqliga ka
soo xarooda wax loogu qabto haweenka
Garoobada, ee dhibaaatadu ku heyso dalka tan
iyo intii ay dhaceen dagaaladii sokeeye,
iyadoo sheegtay in intii ay dagaalada
sokeeye socdeen ay haween badan oo
Soomaaliyeed noqdeen garoobo.

Mar aan
weydiiney cidda gacanta ku siisay bandhigaan
farshaxanka waxey sheegtay Xaliima in
arrintaan ay ku keeneen dhaqaale ay iska
ururiyeen, haweenka ku jira ururka Garoobada
ee ku sugan dalka.
Xaliima oo
hadalka sii wadata waxey ugu baaqday
hay’adaha samafalka, ganacsatada, shirkadaha
iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool
dalka dibaddiisa iney il naxariis leh ku
eegaan haweenka garoobada una sameeyaan
mehrado shaqo oo ay ka soo saartaan
quutul-daruurigooda.
Markii aan ka
baxay farshaxankaasi ayaan u gudbay qeyb
kale oo wax lagu barayey haween garoobo ah,
waxaana casharada bixinayey haween kale oo
garoobo ah oo aqoontooda ugu kaalmeynayey
walaalahooda kale ee iyana ka mid ah uruka
garoobada Soomaaliyeed.
Caasha Axmed
Salaad oo ah macallimad wax ka dhigaysay
fasaladii aan booqanay ayaa waxey sheegtay
iney aad ugu faraxsan tahay iney aqoonteeda
ugu faa’ideyso haweenka kale ee garoobada
ah, si ay u helaan aqoon ku filan, waxey
kaloo sheegtay iney macallimad sii ahaan
doonto ilaa haweenka garoobada ay ka
bixineyso jahliga una gudbineyso iftiinka
aqoonta.

Qadro Max’ud
Faarax oo ah xoghayaha abaabulka iyo kicinta
ee ururka garoobada Soomaaliyeed ayaa waxey
si gaar ah baaq ugu dirtay jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa,
waxeyna ka codsatay iney gargaar la soo
gaaraan haweenka garoobada oo ay sheegtay
iney qaarkood iney heystaan caruur ayna ka
geeriyoodeen raggoodii.
Ururka
garoobada oo la aasaasay sannadihii
sagaashameeyadii ayaa soo maray marxalado
kala duwan, iyadoo ururku uu ku guuleystay
inuu isku ururiyo dhammaan haweenka
garoobada ah, sidoo kale waxa ay deeq aan
sidaasi u sii buurneyn gaarsiiyeen, haweenka
garoobada ah ee ku jira xeryaha dadka soo
barakacay.

Xaliima Cali
Caynte ayaa waxa ay ka dhawaajisay in urur
samafal oo ka dhisan dalka Imaaraadka uu
deeq u soo marsiiyey ururka Bisha Cash ee
waddanka Imaaraadka, deeqdaasi oo ay Xaliima
sheegtay in ururka Bisha ay ugu tala gashay
in la gaarsiiyo haweenka garoobada ah ee ku
sugan dalka, waxeyna sheegtay in deeqdaasi
ilaa iyo hadda aysan soo gaarsiin haweenka
Soomaaliyeed, waxeyna sheegtay in qoraallo
cabasho ah oo aad u badan ay gaarsiiyeen,
uruka safalka ee Imaaraadka Carabta, taasoo
ku saabsaneyd raashinkaasiay samafal ahaanta
u heleen iney ka cabsi qabaan in qaab wax
isdaba marin ah lagu sameeyo, ugu
dambeyntiina waxey sheegtay, haddii sida ay
ka cabsi qabaanba ay dhacdo in deeqda loo
soo diray soo gaari weyso ay ku hor
banaanbixi doonaan, xarunta Bisha Cas ee
Soomaaliyeed, oo ay ku tuhmayaan iney si
kale deeqdii loo soo gudbiyey u wajaheen,
“Meel kasta waan gaarsiin doonnaa
cabashadeena, cid kasta oo wax noo qaban
kartana waan la xiriireynaa” ayey tiri
Guddoomiyaha uruka Garoobada Marxo Xaliima
Cali Caynte.
W/Q: Amiin
Yuusuf Khasaaro
E-mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Ururka dhalinyarada iyo
ardayda ee wadanka Finland
Oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Garaad
Abshir
(Filand}:
Ururka dhalinyarada iyo ardayda soomaaliyeed
ee wadanka Finland ayaa Garaad Abshir Saalax
Maxamed Guddoonsiiyay Shahaado sharaf
garaadku uu ku mutaystay sida weyn ee uu
mudnaanta Koowaad u siiyo u adeegida danaha
guud ee bulshada...................
Guddoomiyaha dhalinyarada iyo ardayda
soomaliyeed ee wadanka Finland C/Qaadir
Maxamed Serar ayaa si gaar ah Garaad Abshir
Saalax Maxamed ku Amaanay doorkii uu ka
qaatay safaradiisi yurub ee uu taageero ugu
raadinayay jaamacada nugaal kuna taala
magaalada Laascaanood.
Shahaado Sharafta ayaa waxaa ururka
dhalinyarada iyo ardayda ee wadanka Finland
ka Guddoomay Jaamac Jaawali oo ka mid ah
howlwadeenada jaamacada nugaal ee magaalada
Helsinki, madaama garaad Abshir uusan fursad
u helin in uu imaado goobta.
Mas`uuliyiintii Bixisay Shahaadada

Shahaadadii Garaad Abshir
Waxaa soo
tebiyey:
C/Risaaq C/Rashiid Maxamed
a_rizak@hotmail.com
CUNUG YAR MOROKAAN AYAA KU HADLAAYO
AFKA GERMANY-GA, WUXUUNA RAJEYNAYAA INUU
NOQDO MADAXWEYNAHA GERMANY.
Lama helin
ilaa iyo hada qof u si cilmiyan ah u
fasiro arintaan lagu arkay wiil Marocan
ah oo jira 10 sano, wiilkaan oo bilaabay
ku hadalka luqada Germany ilaa iyo
yaraantisa ayaa waxaa ku soo muslimay
dhowr dublumaasi oo ka tirsaneyd
dublumaasiyiin ay soo dirtay dowlada
Germany si ay u soo eegaan xaalada
wiilkaas yar.
Wiilkaan
iyo reerkiisuba weligood maysan arag ama
tagin wadanka Germany xitaa waxaa la
oran karaa ma aysan arag qof ku hadlo
afka Germany, markii uu Cuthmaan uu soo
gaaray sanadkiisii 3-aad ayaa hooyadiis
waxay aragtay isagoo ku hadlaayo afka
Germany.
Hoyadii
cunuga dhashay marki ay la yaabtay ayey
bilawday inay iyaduna ay barato luqada
Germany-ga si ay ugula xiriirto ama
jawaabo deg deg ah ooga hesho wiilkeeda
ay jeceshahay.
Sanado ka
dib, Cuthmaan -cusmaan- wuxu sii
kordhiyey ku kaftanka iyo ku haawaasida
luqadaan si xeel dheer iyadoo markaasi
keentay in uu aabihiis u kaxeeyo magaalo
madaxda Moroco ee Ribaat si uu ula kulmo
safaarada Germany ee wadanka iyo
safiirkeeda, safiirkii ayaa bilaabay
inuu la sheekeysto mucjisadan ku soo
korodhay Luqada Germany oo ka mid ah
luqadaha ugu ad adag caalamka, wuxuna
weydiiyey meesha uu ku bartay luqadaan,
wuxuu ku jawaabay Cuthmaan "GOD" "GOD" -Allaah,
Allaah-.
Toban bari
ka dib ayaa waxay ku soo noqdeen Cuthman
iyo Aabihiis safaarda halkaas oo loogu
sheegay in dublamaasiyiin badan ay ku
soo islmeen wiilkaas daraatiid.
Isha
warkaan