Warar: Jimce: April 21, 2006
- Hotel Waamo oo ay Shir ku yeesheen
Beesha Sade ee ku Dhaqan Magaalada Muqdisho
- Afhayeenka Isbahaysiga la baxay la
dagaalanka "Argaggixisada oo sheegay in aysan wax dagaal ah soo wadin
Hotel Waamo oo ay Shir ku yeesheen Beesha
Sade ee ku Dhaqan Magaalada Muqdisho
Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar
ka tirsan salaadiinta ,ugaasyo ,xildhibaano ,aqoonyahano,culimo.udiin ,
dhalinyaro iyo waxgarad ka tirsan beesha Sade (mareexaan) ee ku dhaqan
magaalada muqdisho iyaga oo kaga arinsanayey sidii qeyb wax ku ool ah looga
siin lahaa maamulka gobolka Banaadir.
Sida lawada og yahay dalka Somaliya waxaa
ka dhacay burbur, burburkaasoo sababay inuu meesha ka baxo adeegii qaranku u
qaban lahaa umadda, sida nabad gelyada, caafimaadka, wax barashada,
dhowrista deegaanka iyo wixii lamid ah.

Ugaas Maxamed weli Sheekh Axmed oo ah
ugaaska beesha Sadde ee G/banaadir oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay sida
loogu baahan yahay in beeshaasi ay uga qeyb qaadato gacana u siiso maamulka
cusub ee gobolka Banaadir oo uu madax u yahay guddoomiyaha G/banaadir ahna
duqa magaalada Muqdisho Max’uud Xasan Cali Cadde (Gaaboow), isagoo ka mahad
celiyey gurmadkii ay shacabka ku dhaqan G/banaadir u fidiyeen walaalahood ku
dhaqan gobolka Gedo ee abaaruhu ay waxyeeleeyeen marka laga reebo buu yiri
hogaamiye kooxeedyada Muqdisho oo uu sheegay in waxtar ay u geystaan iskaa
daaye ayba caqabad ku noqdeen gurmadkii loo fidinayey dadkaasi.
Kulan soconayey muddo 7
maalmood ayna isugu yimaadeen odayaasha, waxgaradka, siyaasiyiinta,
culumaa’udiinka, aqoonyahanka, dhalinyarada beesha Sadde ee ku dhaqan G/banaadir
oo tiradoodu ay gaareysay ilaa 80 xubnood ayaa maanta lagu soo geba-gabeeyey
Hotelka Waamo (3) ee magaalada Muqdisho.
Haddaba beesha
sade oo kamid ah beelaha waaweyn ee Somaliyeed qeybteda gobolka Banaadir
waxay muddo ku dhex jirtay dhibaatooyin badan iyo maamul la’aan soo
jiitameysay.
Haddaba shir ay yeelatay
Beeshu waxay go’aansatay inay dhisato gudi dhaqan oo beesha mas’uul uga
noqda Gobolka banaadir.

Ujeedada laga leeyahay
gudiga waa inuu u adeego kana bixiyo beesha dhibaatada maamul la’aaneed ee
ay in badan kusoo jirtay gudigaan oo ku meel gaar ah ayaa howshiisa waxay
noqon doontaa inuu qaban qaabiyo doorashada beesha Sade ee soo socota iyo
inuu xaliyo intii karaankiisaa dhibaatooyinka beesha, isla markaaana uu u
sii adeego Beesha inta laga gaarahayo shir weynaha guud.
Habka Doorashada Iyo
Shuruudaha Musharaxiinta
Doorashadu
waxay noqoneesaa mid xor ah oo codka lagu kala baxaayo shuruudaha laga
doonayo musharaxiintu waa:-
Waa inuu gaaray da’da 40
isla markaasna uu yahay nin fayoow.
Waa inuu leeyahay aqoon
diineed iyo mid maadiya cadaaladna lagu yaqaayo.
Waa inuu yahay nin karti
leh go’aana qaadankara waqtiga hadda lagu jiro isla markaasna uu lee yahay
caqli saliim ah iyo wadaniyad.
N.B. shirkani wuxuu ugu
baaqayaa qof kasta oo kamid ah beesha Sade inuu ka qeyb qaato horukaca, wax
qabadka iyo hurumarka dhabta ah ee ay rabto inay ku talaabsato beeshu hadii
alle idmo.
Magacyadda G.K. ee Beesha
Sade:-
-
Sh. Bishaar Aadan
Buule Guddoomiye
-
Nabadoon Faarax C/laahi
Jaamac (timir) Guddoomiye Kuxigeen
-
Sh. Cumar Aamiin
Guddoomiye Kuxigeen labaad
-
Nabadoon Xasan Cabdi
Maxamed
-
C/waaxid Axmed C/laahi
-
C/naasir Sh. C/dule
-
C/laahi Sanay
-
Maxamed Axmed Shuuke
-
Cismaan Yaroow Hiirat
-
Daahir Xanaf
-
Nabadoon Guuleed
Si kastaba ha ahaatee
kulankan ayaa waxaa hadalo wax ku ool ha kasoo jeediyey ugaaska beesha sade
ugaas maxamed weli ugaas axmed nuur oo u mahad celiyey gudiga gurmadka
abaaraha soomaaliyeed iyo dhamaan saxaafada oo doorkeeda kaga aadan ka
qaadatay xaalada abaaraha ee gobolka gedo iyo gobolada kale ee konfureed.
Kulan saxaafadeed ka
dhacay deegaanka Dayniile ayaa waxaa qabtay afhayeenka isbahaysiga lamagac
baxay soo celinta nabadda iyo ladagaalanka argagixisada Mudane xuseen
guutaale rooble
Afhayeenku wuxuu sheegay
in isbahaysigan la magac baxay nabad soo celinta iyo ladagaalanka
argagaxisada uusan wax dagaal ah soo wadin, maadaama ay jiraan warar badan
oo magaalada la isla dhex marayo oo sheegayana in dagaalo ay abaabulayaan
isbahaysiga, waxaa kale oo uu sheegay afhayeenku in shacabka iyo
isbahaysigaba ay ka difaacayaan haddii la soo weeraro, cid allaale cidii soo
weerartaba. laakiin haba yaraatee wax dagaal ah oo isbahaysigu og yahay in
aysan jirin, lagana foojignaado wararka iyo barnaamijyada argagixisada,
shacabkuna ha iska qabtaan kuwa wadooyinka xirxiraya oo iyagu haddii aysan
dagaal jirin moodaya in ay baaba’ayaan.

Sidoo kale wuxuu carrabka
ku dhuftay afhayeenku in ay magaalada muqdisho joogaan rag ajaanib ah oo ku
dhex dhuumaalaysanaya dhowrka nin oo uu ku sheegay argagixisada, waa siduu
hadalka u dhigaye, wuxuuna iska fogeyey in isbahaysigu uu marnaba shacabka
dagaal u horseedi doonin, balse haddii la soo weeraro ay difaaci doonaan
shacabka iyo isbahaysigaba.
Afhayeenka Isbaheysiga la
baxay soo celinta nabada iyo la dagaalanka argagaxisada Xuseen Guutaale
Raage ayaa la weydiiyey in ciidamo cusub la dejiyey agagaarka taaladii
sayidka wuxuuna iska fogeeyey isaga oo yiri “ Ma jiraan ciidan cusub oo la
geeyey meelo ka mid ah magaalada, xarunta Otto-ottona waxaana jooga
ciidankii ururka USC oo horey weligoodba halkaa u fadhiyey howsha ay
qabtaana waxay tahay inay sugan amaanka deegaanadaas” ayuu yiri Guutaale.
Saxaafada oo ku xoonsan Xuseen Guutaale
Si kastaba ha ahaatee
shir saxaafadeedkan oo ka dhacay deegaanka dayniile ayaa noqday shir
saxaafadeedkii ugu saamaynta ballaarnaa beryahan ka dhaca magaalada muqdisho,
iyadoo ay ka soo qeyb galeen dhammaan saxaafadda madaxa bannaan.
Muuse Maxamuud Jisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2006
DAAWO
video: Barnaamijkii
NBC ay ka diyaarisay Quixtar [Barnaamijkas oo TV-ga ka
baxay May 7, 2004]