WARARKII:
APRIL 22, 2006
-
London,
UK: Madaxweynaha Soomaalia oo xalay kulan la yeeshay xubno la sheegay in
ay talo.....
-
Nadwadii
Afrad oo Boosaaso ka bilaabatay:::
London, UK:
Madaxweynaha Soomaalia oo xalay kulan la yeeshay xubno la sheegay in ay talo.....
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya
ayaa xalay kala qeyb galay kulan ay qaar ka tirsan aqoon yahayannada
Jaaliyaadda Soomaalida ay ku lahaayeen hotelka IBIS oo ku yaal bartamaha
magaalada London.

Kullankan aqoonyahannada oo ku saabsanaa
sidii talo loo siin lahaa dowladda ayaan wax natiijo ah ka soo bixin
kullankooda ka dib markii doodo aan lagu guuleysan ay yeesheeen
aqoonyahannadii ka soo qeyb galay shirka.
Shir guddoonka ayaa xiray shirkaasi kadib
markii uu u arkay in dad badan doonayaan in ay iska hadlaan kana leexdaan
barnaamijka sida loogu tala galay in kasta oo qaar ka tirsan
aqoonyahanadaasi sheegeen lagama maarmaannnimada in dib la isugu soo noqdo
shir kale.

Shir guddoonka ayaa sidoo kale sheegay in
shirweyne ay ka qeyb galayaan aqoonyahanno gaaraya 65 xubnood dhawaan lagu
qaban doono magaalada London oo ku saabsan sidii dowladda loo siin lahaan
qoraal ku saabsan talabixin dhinacyo badan taabaneysa oo ku aaddan wax
yaabaha hortaagan dowladda iyo sidii looga saari lahaa dhibaatadaasi.
Madaxweynaha oo aan hadal yar halkaasi ka
sheegay ayaa aqoon yahanadana u sheegay in uu u yimid in uu salaamo asagoo
hadalkiisa raaciyay in hadal ka buuxo uuna burqan doono marka uu la kulmo
aqoonyahannada, haddase uu yara xanuunsan yahay, ujeedada uu London u
yimidna ay ugu weyn tahay xaaladdiisa caafimaad.

Madaxweynaha oo muddo aad u gaaban la
joogay aqoonyahannadaasi ayaa sheegay isaga oo la kaftamaya in uusan midna
ka aqoonsa dadka uu la hadlayay, waa sida uu hdalka u dhigaye wuxuuna yiri
waxaan ku gartay in aan duqoobay, midna kama xusuusan karo wajiyadiina.mar
uu la kaftamayay aqoonyahannadaasi.
Alasow
alasow73@hotmail.com
London, UK
Nadwadii Afrad oo Boosaaso ka bilaabatay:::
Assalaamu Calaykum.
Waxaa xalay oo taariikhdu ahayd
22/04/2006, ka bilowday Masaajidka Rawda ee magaaladda Boosaaso Nadwadii
afraad ee sanad walba lagu qaban jiray masjidkaan, nadwadaan waxaa
cinwaankeedu yahay AL-SIYAASA SHARCIYAH, waxaana ay socon doontaa
30/05/2006, waxaa ka qayb qaadan doona Culimada ugu waawayn Gobolldaan
waxaan aya kala yihiin.
1. Sh Daahir Aw cabdi.
2. SH Axmed Daahir Xasan.
3. SH C/qaadir Nuur Faarax.
4. SH C/naasir Xaaji AXmed.
5. SH C/laahi Cali Xaashi.
6. DR Axmed Xaaji C/raxmaan.
7. DR Maxamed Cali Faarax.
8. SH Maxamed Macalim Axmed.
9. SH Axmed Faarax Garaase.
Nadwadaan oo daba socota nadwooyin la
qabtay sanadihii ina soo dhaafay waxaa uu hadafkoodu yahay in la cadeeyo
waxyaabo badan oo shareecada ka mid ah isla markaana kor loo qaado
wacyiga dadka muslimiinta ah.
Waxaan Rabbi u waydiinaynaa culimadda ka
qayb qaadanaysa nadwadaan iyo kuwa kala in cilmigooda iyo cimrigoodaba
Rabbi barakeeyo.
Waxaan dadwaynaha soomaliyeedna ugu
baaqaynaa inay ka faa'iidaystaan nadwadaan iyo kuwa kalaba meel ay
joogaanba.
Xafiiska dacwada.
dacwah@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Apr 22, 2006
Isbahaysiga "Argagixisada"
oo Sheegey in ay Dalka ka Dhisi Doonaan Dowlad..
»Banaanbax
looga soo hor-jeedo afduubka Muqdisho oo..
»Isbaheysiga
SNA oo si kulul u beeniyey in Villa Somalia...
»Beesha
Eelaay ayaa baaq iyo digniinba u dirtay DFKMG..
iyo Warar kale oo
GooGoos ah akhri halkan.... Apr 22
Shirkadda
Terry oo Puntland u iib Geeysey Kuuriya (Korea)
Wararka ka imanaya Dubai ayaa...
Guji...
"Qofna
kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland"