Jimciyadda Sharci-yaqaanada Soomaaliyeed oo qabtay
dood ku saaban "Regional Autonomy of Federal Government"
Waxaa maalintii Khamiista aheyd Hoteel
Naasa-Hablood ka dhacday dood ku saabsan, habka dowliga ah ee ugu wanaagsan
ee aanu qaadan karno, (Regional Autonomy of Federal Government) waxaana
dooddaas soo qaban qaabiyey Jamciyadda Sharci Yaqaanadda Soomaaliyeed
(Somali Law Society) waxaana ka qeyb galay Sharci Yaqaanno ka tirsan
Jamciyadda, aqoonyahano, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo haween.

Qof kasta oo ka qeyb galay dooddaas wuxuu
dhiibanayey fikirkiisa ku aaddan habka ugu wanaagsan ee aan qaadan
karo(Regional Autonomy of Federal Government), waxaana ugu horreyntii
halkaasi fikirkiisa ka dhiibtay Prof. Max’ud Cali Daahir, (Prof: Guure) oo
ah guddoomiyaha jamciyadda Sharci Yaqaanada Soomaaliyeed, isagoo arrintaasi
ka hadlayana wuxuu yiri, “Markaan aragnay mas’uuliyadda weyn ee uu
xambaarsan yahay Federaaliisimka isla markaana aanan u laheyn wax khibrad ah
iyo dhaqan, oo aan loo soo sameyn baaris dheer oo cilmiyeed, nooma
suurtagaleyso inaan hirgalino habka Federaalka ah, marka waxey iila muuqataa
in xilligaan aanu noqon karin mid ku habboon bulshada Soomaaliyeed oo leh
Dhaqan, Diin iyo af isku mid ah, maadaama aanan qaadan karin habka
Federaaliisamka ah, waxaa u wanaagsan shacabka Soomaaliyeed dowlad leh,
gobollo u madax banaan maamulooda Regional Autonomy lehna awood kooban, kuna
imaanaya hab doorasho” ayuu yiri Prof. Guure,

Sidoo kale waxaa ka hadlay dooddaasi, Dr.
Xuseen Xaaji Bood, wuxuuna sheegay in dastuuradii loo sameeyey Soomaaliya
xilliyadii hore ay ahaayeen kuwo ay la socotay faragalin shisheeye, dadka
Soomaaliyeedna aan loo madax banaaneyn iney qaataan habka ay is leeyihiin
waa uu idiin wanaagsan yahay, sidoo kale dastuuraddaasi looma fiirin, dadka
dhaqankooda, gaar ahaanna wuxuu farta ku fiiqay kuwii ugu dambeeyey ee
Imbagaati” waxaa kaloo ka hadlay Gen. Jaamac Max’ed Qaalib, wuxuu isna
sheegay, in shacabka Soomaaliyeed aysan wali helin, wax la yiraahdo
dowladnimo, wuxuuna sheegay in dastuurka dowladda federaalka uu yahay mid
aan shacabka Soomaaliyeed lagala tashan iyo waliba raggii la yiri soo
diyaariya, sidaa darteed shacabka ayaa looga baahan yahay iney iyagu
doortaana habka ay doonayaan, sidoo kale waxaa ka hadlay Sh. C/raxmaan
Xuseen Samatar (Abuu-Xamsa) wuxuu isaguna si weyn ugu dheeraaday dowladihii
soo maray caalamka gaar ahaan kuwii Islaamiga ahaa, isagoo tilmaamay, iney
ahaayeen kuwo ku imaan jiray hab doorasho, sidoo kale waxaa ka hadlay Faarax
C/llaahi Macallin, oo isna sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo
isku Af isku Diin iyo Isku dhaqan ah isagoo sheegay inaaney qaadan karin
labadaasi hab.

Ugu dambeyntii Jimciyadda Sharci
yaqaanada Soomaaliyeed waxay baaq ka soo saareen xaaladda nabadgelyo ee
Magaalada Muqdisho waxayna u soo jeediyeen dhinacyada isku haya Magaalda
Muqdiso in ay khilaafkood ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com