WARARKA: APRIL 25, 2006
-
Urur
Gobaleedka IGAD oo dhawaan shir isugu yeeraya Madaxda Sare ee Dowladda..
-
Ciidamo ka tirsan Midowga Maxaakiimta
oo fariisin ka dhigtey Dugsigii Hoose Dhexe ee .
-
Guddi loo
xilsaaray in ay ka hortagaan Dagaal ka dhaca Muqdisho oo la magacaabey...
-
Golaha
Baarlamaanka oo baaq u diray kooxaha isku haysta Magaalada...
-
Doon
looga shakiyay in ay siday hub oo ay qabteen Ciidamada Mareykanka ..
-
C/qaadir
Boorje “wax la qaybsaday ma jiraan ku aadan Maamulka Gobolka Bay”..
-
USA:
Mudaharaad balaaran oo lagaa soo
horjeeda tacadiyada boliska oo Maantay ka dhacay Clevelanad.
-
Isbitaalka
Al- Xikma iyo Luul X Kulmiye oo gacan ka geystey Qaliinka wiil 9 jir ah
oo kaadi haysta Dhagaxaan uga jireen
Abaaraha
Gobolka Hiiraan: Sawiro laga soo qaaday

Urur Gobaleedka IGAD oo dhawaan shir isugu yeeraya
Madaxda Sare ee Dowladda..
Urur Gobaleedka IGAD oo dhawaan isku
raacay in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah oo Dowladda Ku meel
gaarka ah kala qayb-qaata hub ka dhigista iyo dib u soo celinta amarkii iyo
kala dambeyntii isla markaana haatan dadaal ugu jira sidii Qaramada Midoobey
Cunaqabateynta hubka Soomaaliya uga qaadi lahayd ayaa la filayaa in dhawaan
mar kale shir isugu yeerto Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiye Sharii
Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi si loogala tashado
qaabka u soo gali karaan ciidamadaasi iyo goobaha la dejin doono.
Shirkaan ayaa la sheegay in lagu qaban
doono dalka Uganda horaanta Bisha May iyadoo Dowladda Uganda ay ka mid tahay
dowladihii horey Soomaaliya ugu yaboohay ciidamo nabad ilaalin ah oo
tiradoodu gaareyso 2000 oo askari kuwaasoo sugaya in Soomaaliya laga qaado
cunaqabateynta hubka. Shirka ka dhacay dalka Uganda ayaa waxaa kalloo ka soo
qaybgali doona mas’uuliyiin sare oo ka socda Q/midoobey si ay halkaasi uga
helaan warbixin oo la xiriirta sida Soomaaliya looga qaadi karo
cunaqabateynta hubka. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa mar uu la
hadlayay xubnaha Baarlamaanka ayaa waxa uu ka codsaday in Baarlamaanku
ogolaado in Soomaaliya loo soo diro ciidamo shisheyee, sidoo kale waxa uu
sheegay in uusan ka hari doonin sidii Soomaaliya u heli lahayd ciidamo nabad
ilaalin ah waayo ayuu yiri C/llaahi dadka Soomaaliyeed si aad ah ugu baahan
yihiin ciidamadaasi, inkastoo qaar ka mid ah Xildhibaanada iyana ay ku
dhegan yihiin in aan marnaba loo soo dirin Soomaaliya ciidamo nabad ilaalin
ah, hase yeeshee loo baahan yahay in dib loo tababaro ciidamadii xoogga
dalka Soomaaliyed.
Ciidamo ka tirsan Midowga Maxaakiimta oo
fariisin ka dhigtey Dugsigii Hoose Dhexe ee .
Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo aad u
xoogan oo ka tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah waxay degeen dugsigii
Hoose/Dhexe ee Godey ee Degmada Kaaraan, waxayna halkaasi ka sameysteen
saldhig.
Ardaydii dugsiga
dhiganeysay ayaa maamulka dugsigaasi waxay ku amreen in ay guryahooda iska
aadaan, inta ay ciidamadaasi halkaasi ka baxayaan, sidoo kale dadweynaha
deegaanka ayaa iyana aad uga walwalay soo degitaanka ciidamadaasi ee
Degamada Karaana, iyadoo qaar ka mid ah Dadweynaha ay sheegeen in ay
banaanbax dhigi doonaan oo ay ku diidan yihiin ciidamadaasi in ay halkaasi
fariisin ka sameystaan.
Maalintii shalay ahayd
ayaa lagu guuleystay in la kala raro ciidamadii ku dagaalamay deegaanka
Xamar Weyne, waxayna haatan Degmada Xamar Weyne u muuqataa mid degan, iyadoo
dadkii shalay qaxay dib ugu soo labateen guryadhooda.
Waxaana arrinta kala
rarisata ciidamadan gacan ka gaystay Odoyaasha deegaanka oo sheegay in aysan
marnaba ogolaan doonin in deegaan-koodalagu kor dagaalamo.
Abaaraha
Gobolka Hiiraan: Sawiro laga soo qaaday

Geela oo dhex galay webiga.
Guddi loo
xilsaaray in ay ka hortagaan Dagaal ka dhaca Muqdisho oo la magacaabey...
Maalintii shalay ahayd
ayaa Hotel Peace waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan
ee bulshada, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii looga hortagi lahaa
dagaal ka dhaca magaalada Muqdisho oo ay isaga hor yimaadaan kooxaha isku
haya Magaalada Muqdisho.
Dood dheer iyo falanqeyn
kaddib ayaa waxaa la isku afgartay in la doorto guddi ka kooban 15 xubnood
oo ka soo baaraandaga sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho
isla markaana ay kulamo ual yeelan lahaayeen kooxaha maalmahan xurguftu ka
dhex taagan tahay.
Xubnihii halkaasi ka
hadlay waxaa ka mid ahaa Xuseen Xaaji Bood oo sheegay in uu loo baahan yahay
in bulshada ku nool Magaalada Muqdisho ay dadaal u gasho sidii nabad loogu
soo dabaali lahaa Magaalada.
“Dowladda Federaalka ahi
waxay degan tahay Magaalada Baydhabo waana la wada og yahay sababaha ay
halkaasi u degtay, waana Muqdisho oo aan wali nabad ahayn” ayuu yiri Xuseen
Xaaji Bood.
Waxaa kalloo halkaasi ka
hadlay C/llaahi Xasan Ganey (Firinbi) oo sheegay in shacabka looga baahan
yahay inay ka banaanbaxayaan dadka dhibaatada ku haya oo maalin walba
abaabulaya dagaalo micno daro ah, waxaana ka mid ahaa guddigii halkaasi lagu
doortay Xueen Xaaji Bood, Max’ed Nuur Gacal, C/llaahi Xasan Ganey (Firinbi),
Maxamuud Xasan Cali Cadde (Gaabow) iyo xubno kale.
Golaha
Baarlamaanka oo baaq u diray kooxaha isku haysta Magaalada...
Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd ay kulan isugu
yimaadeen xubnaha Barla-maanka, iyadoo uu shirgudoominayay Guddoomiye
Shariif Xasan, waxaana loo hadlay labo arrimood oo kala ah in baaq nabadeed
loo diro kooxaha ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho iyo in baarlamaanku u
diyaargaroobo Siminaar ay bixinayaan Hay’adaha Qaramada Midoobey.
Guddoomiyaha Baarla-maanka
ayaa waxa uu ka codsaday kooxaha ku dagalamaya Magaalada Muqdisho in ay si
shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka oo wixii khilaaf ah lau xaliyo wada
hadal iyo is afgarad.
Qaar ka mid ah
Xildhibanaada Barlamaanka ayaa iyagu qaba in dagaalada ka jira Magaalada
Muqdisho ay wiiqi karaan howlihii Dowladda Federaalka, Sidoo kale dhawaan
ayaa la filayaa in Magalada Baydhabo uu ka furmo Siminaar ujeedadiisu tahay
sidii Xildhibanaada baarlamaanka loo bari lahaa maamulka iyo wixii sharciyo
ah ee u soo kordhay Baarlamaanada Caalamka, waxaana bixinaya saraakiil sare
oo ka socotaa Qaramada Midoobey
Abaaraha
Gobolka Hiiraan: Sawiro laga soo qaaday


Doon looga
shakiyay in ay siday hub oo ay qabteen Ciidamada Mareykanka ..
Warar aanu helnay ayaa
waxay sheegayaan in Doon looga shakiyay in ay siday hub ku soo jeeday mid ka
mid ah Dekedaha ku yaala Koofurta Soomaaliya ayay qabteen Ciidamada
Mareykanka.
Doontaan oo la sheegay in
ay ka timid dalka Yemen ayaa waxaa dusheeda u dhacay ciidamo ka socday
Mareykanka oo la sheegay in ay Soomaaliya ka ilaalinayaan waxa loogu yeeray
kooxaha argagixisada.
Baaritaan dheer markii
lagu sameeyay ayaa la ogaaday in doontaasi aysan sidin wax hub ah, ilaa
markii dambe ay Ciidamada Mareykanka sii daayeen doontaasi.
Qaar ka mid ah dadkii ay u
rarneyd Doontaasi ayaa waxay sheegeen in mudo saddex bari ah ay Ciidamada
Mareykanka ku haysteen xeebaha Soomaaliya waxayna ka codsadeen Ciidamada
Mareykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya in ay ka bixiyaan raaligareyn
waqtigii fara badnaa oo ay ka qaadeen.
Ma aha markii ugu horeysay
oo ay Ciidamada Mareykanku baaraan Doomaha iyo Markaaiibta ku soo jeeda
wadanka Soomaaliya, iyadoo dhawaan Dooni u soo jeeday Magaalada Boosaaso hub
ganacsina ka keentay dalka Yemen ay qabteen ciidamada Mareyknka, ilaa iyo
hadda lama oga halka ay ciidamada Mareykanku la aadeen hubkaasi iyo
Doontiiba.
C/qaadir Boorje “wax la qaybsaday ma jiraan ku aadan
Maamulka Gobolka Bay”..
C/qaadir Boorje oo ka tirsan Siyaasiyiina
Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa si kulul u beeniyay warar ay baahiyeen qaar
ka mid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho oo sheegayay in beelaha Digil iyo
Mirifle ay qaybsadeen maamulka Gobalka Bay.
C/qaadir waxa uu wararkaasi ku tilmaamay
kuwo aan sal iyo raad toona lahayn isagoo sheegay in haatan ay socdaan wada
hadaladii lagu dhisi lahaa Maamulka Gobalka Bay, isagoo sheegay in ay shir u
fadhiyaan Odoyaasha dhaqanka ee shanta degmo oo ay ka kooban tahay Gobalka
Bay.
C/qaadir mar uu u waramayay wargeyska
ayaa waxa uu sheegay in Beesha Eelaay ay xaq u leedahay in lagala tashado
maamulka Gobalka Bay, maadaama horey looga qadiyay awood qaybsigii
Baarlamaanka iyo Middii Xukuumadda, isagoo u soo jeediyay odoyaasha in ay si
cadaalad ah Beelaha Digil iyo Mirifle ugu qaybiyaan maamulka Gobalka Bay.
Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle
ayaa waxa uu cadaadis kaga imaanaya Dowladda Federaalka kaasoo ah in ay
dedejiyaan maamulka Gobalka Bay silo helo kala dambeyn iyo nabadgelyo buuxda.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Mudaharaad balaaran oo lagaa soo horjeeda
tacadiyada boliska oo Maantay ka dhacay Clevelanad.
Darawalada wada gawaarida dadweynaha gaar-ahaan takaasida magaalada
Cleveland ee gobalka Ohio ayaa maantay mudaharaad balaaran waxay iskugu soo
baxeen bartamaha malaagalada,iyagoo laamiyada iyo goobaha waaweyn ee
magaalada gawaarai ku soo maray ugu danbayntiina yimid xarunta City Hall
Cleveland.
Darawaladaani oo qiyaastii dhamaa 150 darawal ayaa waxay ka cabanayeen
tiketyo ganaax ah oo xad-dhaaf ah oo ay alaaba Booliska siyaan darawlada
kuwaas oo ay sheegeen inaysan ahayn kuwa sharciga waafaqsan.


Darawaladaani mudaaharaaday oo uu badnaa Soomaali oo aan qaar ka tirsan
wareystay iyagoo socdaalka mudaharaadkooda ku jira ayaa ii sheegay in nasiib
darooyinka ugu waaweyn ee magaalada haysta ay tahay inay ku caanbaxday soo
dhawayn la`aanta iyo cadaadiska ay la beegsadaan dadka soo galootiga ah iyo
cid kasta oo damacda inay wax soo kordhiyaan.
Dhibaatooyinkaan ay ka cabanayaan darawalada ayaa yimid kagadaal markii
maamulka magaalada iyo kan gagida diyaaradaha ay go`aansadeen in hal saf
laga dhigo labadii saf ay takaasida gali jiraan iyadoo halka saf uu qaado
50 taksi halka Labada saf ay gali jireen 110 taksi,taasoo keentay 60 hartay
inay daaf wareegaan eelaboorka halka Booliska uu shaqo ka dhigtay inuu
ceersado takaasida oo ay ganaax fara badan saraan.
Darawaladaani mudaaharaadayay oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ka mid
ahayeen “Waxaan doonaynaa cadaalada,uma dulqaadan karno tiket yad sharci
darada ah,danbiilayaal ma nihin ee muruq-maal baan nahay” ayaa waxay
saxaafada tuseen tiket yo tiro badan oo la siiyay xilli ay ku guda jireen
shaqadooda.
Mudaaharaadka darawaladaan oo ahaa mid nabad ah ayaa ku soo hagaagay kulan
ay yesheen guddi ka socda darawalada oo la kulmay maamulka magaalada kaasoo
ay fara marnaan kal soo laabteen.
Sikastaba ha ahatee iyadoo aysan ahayn markii ugu horaysay ay darawalada
samyeen mudaharaad noocaan oo kala ayaa rajada ay ka qabaan darawalada in
cabashooyinkooda wax laga qabto aysan ahayn mid sidaa u sii buuran.
Isbitaalka Al- Xikma iyo Luul X Kulmiye oo gacan ka geystey Qaliinka
wiil 9 jir ah oo kaadi haysta Dhagaxaan uga jireen
Tan iyo markii ay dhaceen dagaaladii
sokeeye, oo ay dalka ka dhacday dowlad la’aanta ayaa dadka Soomaaliyeed
waxaa soo food saaray dhibaato aad u baaxad weyn oo dhinac walba leh,
dhibaatadaasi waxay ku dhacday dadka ku barakcay gudaha dlaka, gaar ahaan
kuwa u soo xaqay Magaalada Muqdisho.

Bidix: Mustafa (wiilka yar) | Midig: Hooyo Caasho oo
kor u haysa dhagaxii laga soo saaray wiilka

Bixid: Cabdi Ibraahim Jiya |
Midig: Yaasmiin Mayoow
Wiil yar oo lagu magacaabo Mustaf
Maxamuud Cabdi oo da’diisu tahay 9-jir ayaa mudo waxa uu ka xanuunsanayay
kaadi haysta kaddib markii dhagxaan ay kaadi mareenka ka xireen, waxa uuna
wiilkaani ka soo jeedaa dad masaakiin ah oo aan awoodin in ay iska bixiyaan
lacagaha qalliinka iyo daawada.
Dhawaan ayaa qaar ka mid ah warbaahinta
waxa ay wax ka qoreen dhibaatada haysata wiilkaasi, gaar ahaan Web-Site-yada
4somaliwomen, Somalitalk iyo Hiiraan Online, waxaana dhibaatada si weyn uga
danqaday gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Luul Xaaji Kulmiye oo ku nool
wadanka Norway, waxayna ugu deeqday dhibane Mustafa lacag KUN DOOLAR ah oo
loogu talagalay wax ka qabasahda caafimaadkiisa iyo nafaqeyntiisa, “markii
aan booqday Web-Site-ka 4somaliwomen ayaa ka akhriyay dhibaatada wiilkaasi
haysata, aad baana uga jariiricooday waxaana goostay in aan wiilkaasi gacan
siiyo” ayay tiri Luul sidoo kale Isbitaalka Al-Xikma oo uu maamulo Dr,
Cabdi Ibraahim Jiya ayaa isna sheegay in isna Isbitaalkiisa uu gacan ka
gaysanayo qalliinka wiilkaasi.
Wiilkaas 9-jirka ah ayaa waxaa qalliin ku
sameeyay Dr. Cabdi Ibraahim Jiya oo ku guuleystay in uu ka soo saaro wixii
dhagxaan ahaa oo ku jiray marinka kaadi haysta, wiilkaan oo haatan jiifa
Isbitaalka Al-Xikma ayaa marba marka ka dambeysa caafimaadkiisu uu ka soo
reynayaa, waxaana u socda daawooyinkii lagula tacaali lahaa wiilkaasi.
Hooyada dhashay wiilkaasi oo lagu
magacaabo Caasho Max’ed C/llaahi oo shalay nooga warameysay wiilkeeda iyadoo
ag fadhida gaar ahaan qol ka mid ah Isbitaalka Al-Xikma ayaa waxa ay u
mahadceliysay Luul Xaaji Kulmiye iyo maamulka Isbitaalka Al-Xikma iyadoo
sheegtay in wiilkeeda la’aantood uusan heli lahayn wax qallin ah, waxay
kalloo sheegtay in aysan waligood hilmaami doonin sida ay ugu kaalmeeyeen
wiilkeeda.
Caasha waxa ay sheegtay in caruur fara
badan oo noocaan oo kale ah iyana ay u baahan yihiin in qalliin noocaan oo
kale ah loogu dadaalo, kaasoo ay sheegtay inay ku badbaadin doonaan carruur
fara badan oo Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan dalka gudihiisa.
Dr. Cabdi Ibraahim Jiya oo ah Dhakhtarkii
qalliinka ku sameeyay ayaa sheegay in qalliinku uu ahaa mid uu ku guuleystay,
isagoo sheegtay in Canugu uu haatan u baahan yahay xanaano gaar ah oo
dhinaca daawada iyo cuntada ah, Dr. Jiya waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay
Luul Xaaji Kulmiye oo uu sheegay in ay gacan baaxad weyn leh ka gaysatay
qalliinka lagu sameeyay wiilkaasi, waxa uuna u soo jeediyay dadka
Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha in ay ku daydaan gabadhaasi.
Dr. Jiya waxaa kalloo uu sheegay in
Isbitaalka uu la socon doono xaaladda nolosha wiilkaasi ha noqoto dhinaca
daawada iyo dhinaca nafaqada.
Yaasmiin Mayow Max’ed oo wakiil uga ah
dalka Web-Site-ka 4Somaliwomen oo inta badan wax ka qora arrimaha Haweenka
iyo Carruurta ayaa iyana mar ay u warameysay warbaahinta waxay sheegtay in
Web-Site-koodu uu mar kasta gacan u fidiyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada
la soo gudboonaatay, waxayna Yaasmiin u mahadceliysay Luul Xaaji Kulmiye iyo
Isbitaalka Al-Xikma oo la’aantood aan la qali lahayn wiilkaasi yarka ah oo
ka mid ah dadka soo barkacay kuna jira xerada 21-ka October ee Magaalada
Muqdisho.
Yaasmiin waxa ay sheegtay in Web-Site-koodu
uu sii wadi doono sidii uu bulshada ugu soo bandhigi lahaa dadka
dhibaateysan si ay kaalmo uga helaan walaalahooda kale ee ku nool dibadaha,
maadaama maalmahan looga bartay dadka dibadaha in ay gacan siiyaan dadkooda
ku nool gudaha dalka Soomaaliya.
Saxaafadda Soomaliyeed ee isugu jira
Idaacadaha, Wargeysyada, Web-Site-yada iyo Taleefishinada ayaa iyana qayb ka
ah sidii ay bulshada ugu iftiimin lahaayeen dadka dhibaateysan ee ku sugan
dalka gudihiisa, waxayna horey ugu soo bandhigeen bulshada Soomaaliyeed dad
fara badan oo Soomaaliyeed oo u baahnaa gargaar isugu jira caafimaad iyo
dhaqaalaba, intooda badana dadkaasi dhibaateysnaa waxbaa loo taray.
kal soo xiriir Xaalada wiilka
Tel 2521-532494
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com