WARAR: APril 26, 2006
-
Xuseen Guutaale “Dagaalkii Xamar Weyne ka dhacay waxa uu ahaa mid ku
koobnaa Cabdi Waal...
-
Daahir Xasan Baadi
“Walaalkey Cabdi Waal ayaa i soo siiyay gaariga, Abtigey Xasan Daahir ma
haysan karo”..
-
Xubnaha la dagaalanka "Argagixisada" oo Magaalada Jowhar kulan kula
yeeshay..
-
Xubnaha Baarlamaanka oo isku khilaafsan in Xilka laga qaado Ra’isul
Wasare Geeddi ..
-
Midowga Jabhadda Xorreynta Soomaali Galbeed oo uga digay Shirkadaha
doonaya in ay shidaal ka qodaan...
-
Xarunta
Dr. Ismaaciil Jimcaale oo walaac ka muujisay dagaalada abaabulan ee ka
socda..
Kiin
Maxamed Jaamac “ Waxaan Ameerika uga imid in aan Waqtigeyga wax ka
siiyo Waxbaridda Caruurta Dibjirka ah
Kiin
Maxamed Jaamac “ Waxaan Ameerika uga imid in aan Waqtigeyga wax ka
siiyo Waxbaridda Caruurta Dibjirka ah
Qore: Amiin Yuusuf
Maalintii
shalay ahayd ayaa ururka Horumarinta Carruurta iyo Haweenka ee
IFTIN (Iftin Women and Child Development organization) waxa uu
Magaalada Muqdisho ka furay dugsi wax lagu barayo caruurta dibjirka
ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho, carruurttaas oo uu ururku sheegay
in ay ka kaalmeyn doonaan dhinaca waxbarashada.

Xaflad
lagu furayay dugsigaasi oo shalay ka dhacday xarunta dugsiyada ayaa
waxaa ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, madax ka socotay
Hay’adaha samafalka iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horeyntii
halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka Ururka Shukri Ismaaciil oo
sheegtay in furintaanka dugusigaani ay iska kaashaadeen Haween
Soomaaliyeed oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa oo gacan ka
helaya ganacsato iyo shirkado iyana ku sugan dalka gudihiisa.

Ardayda
dibjirka ah ee dugsigaasi waxbarida uga bilaabatay oo tiradoodu
gaareyso 67-arday oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal ayaa waxaa loo
qaybiyay Buugaag iyo Qalimaan waxaana dugsigaasi Macallimiin ka ah
gabdho Soomaaliyeed oo sheegay in ay doonayaan in ay wax- baraan
carruurta dibjirka ah ee aan awoodin dhaqaalaha lagu bixiyo dhinaca
waxbarashada.

Kiin
Max’ed Jaamac oo ah guddoomiyaha Ururka ayaa waxa ay sheegtay in
ururkaani la aasaasay 2003-dii waxqtigaasoo uu howlo dhinaca
nadaafadda ah ka qabtay 8-degmo oo ku yaala magalada Muqdisho, waxay
kalloo sheegtay in 2005-tii uu ururku noqday mid u adeega carruurta
iyo Haweenka ku dhibaateysan dalka, Kiin Max’ed Jaamac oo iyadu
sanad ka hor ka timid dalka Mareykanka ayaa wax ka weydiinay
sababaha ay uga timid halkaasi, iyadoo ka jawaabeysa su’aashi waxay
tiri “wixii aan bartay ayaan doonayaa in aan uga faa’iideeyo
carruurta dibjirka ah, sidaas ayaana uga imid dalka Mareykanka, Kiin
Max’ed Jaamac waxay ugu baaqday dadka Soomaaliyeed ee ku nool
dibadaha in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan si ay gacan uga
gaystaan u gargaarida dadka dhibaateysan iyo horumarinta dalkooda
iyo dadkooda.
Mar aan
wax ka weydiinay in ay wax dhibaato ah la kulantay intii ay ku
sugneyd Magaalada Muqdisho ayay waxay tiri “wax dhibaato ah kalama
kulmin laakin waxaa walaac I geliyay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka
dhacay Magaalada Muqdisho kaasoo dhibaato u gaystay dadka
Soomaaliyeed, waxay sheegtay in ururkooda uu diiwaangeliyay dadkii
ka dambeeyay dhibaatadaasi waqti ay ahaabta mar un lala xisaabtami
doono. “carruurtoodii dibadaha ayay geysteen, waxayna doonayaan in
ay ku kor dagaalamaan dad 15 sano dhibaato ku jiray” ayay tiri Kiin
Max’ed Jaamac oo ugu baaqday dadka Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa
iyo gudihiisa ku nool in ay caawiyaan dadkooda.
|
Xuseen
Guutaale “dagaalkii Xamar Weyne ka dhacay waxa uu ahaa mid ku koobnaa Cabdi
Waal...
Xuseen Guutaale
Raage oo ah afhayeenka Isbahaysiga la baxay la dagaalanka "Argagixisada" oo
shalay shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Deyniile ayaa waxa uu ka hadlay
dagaaladii dhawaan ka dhacay Degmada Xamar-Weyne, waxa uun ku tilmaamay
dagaalkaasi in uu ahaa mid ku koobnaa shaqsi ka tirsan Isbahaysiga la
dagaalanka Argagixisada oo lagu magacaabo Cabdi Nuure Siyaad isagoo sheegay
in isbahaysiga intiisa kale aysan la ogeyn dagaalkaasi.
“Maleeshiyada
Cabdi Nuure waxay ku tageen codsi uga yimid dadweynaha Deegaanka si ay ugala
shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa deegaanka Xamar Weyne’ Ayuu
yiri Xuseen Guutaale oo sheegay in markii dambe maleeshiyadii Cabdi Nuure ay
is fahmeen dadweynihii deegaanka, waxaa kalloo uu sheegay in isbahaysiga la
dagaalanka argagixisada uu dadaal ugu jiro sidii nabad loogu soo dabaali
lahaa Magaalada Muqdisho, waxa uuna meesha ka saaray in wax abaabul dagaal
ah oo uu isbahaysigu haatan ku guda jiro aysan jirin.
Daahir Xasan Baadi “Walaalkey Cabdi Waal ayaa i soo siiyay
gaariga, Abtigey Xasan Daahir ma haysan karo”..
Daahir Xasan Baadi oo ahaa
darawalkii dhawaan ay qabteen Midowta Maxaakiimta Islaamiga ah gaarigaasi oo
ay saarneyd Haweenay uu qabay Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) ayaa doraad
laga soo daayay Xabsiga xarunta Maxkamadda Islaamiga ah ee Ifka Xalane
halkaas oo uu ku xirnaa in mudo ah, Daahir oo u waramayay Idaacadda Afrikada
Bari ayaa waxa uu sheegay in sii deyntiisa ay gacan ka gaysteen Odoyaal iyo
Waxgarad ka tirsan beeshiisa, isagoo sheegay in intii uu ku xirnaa Xabsiga
Maxkamadda Islaamiga ah ee Ifka Xalane dhowr jeer la weydiiyay su’aalo la
xiriirta Cabdi Nuure Siyaad oo Xubin ka ah ururka Isku magacaabay la
dagaalanka Argagixisada.
“waxay i weydiiyeen maxaad
ugu shaqeyneyseen ninka gaaloobay ee Ilaahay ka furtay” ayuu yiri Daahir
Xasan Baadi oo intaa raaciyay “Cabdi Waal uma shaqeyneyn ee Ilmaheyga ayaa
bariiska u raadsanayay”. Waxa uu sheegay Daahir Xasan in Maleeshiyo ka tiran
beesha Reer Xaaji Saleymaan ay ku qabteen Isgooska Howlwadaag kaddibna waxa
uu sheegay Daahir in gacanta loog galiyay Maleeshiyo ka tirsan Abgaal,
kaddib markii ay in mudo ah u hayeen ayay igu soo wareejiyeen beesha aan ka
dhashay, waxaana la igu xiray Xabsiga Ifka Xalane.
Mar waxa laga weydiiyay
halka uu ka dambeeyay Gaarigii uu maalinkaa waday, waxa uuna yiri
“Gaarigaasi waxaa i siiyay Walaalkey Cabdi Waal waxa uuna i yiri ilamaha
ugu shaqeyso, marka Abtigay Xasan Daahir Aweys waa gardaro in uu gaarigaasi
uu iska haysto, waxaana ka codsanayaa in uu si dhaqsi leh dib iigu soo
celiyo gaarigaasi”, Daahir Xasan Baadi waxa uu sheegay in markii la soo
daynayay laga saxiixay waraaq, isagoo sheegay in waqtigaasi uu goob joog
ahaa walaalkii oo isna loo sheegay in walaalkii Daahir uusan dib ugu laaban
Cabdi Nuure Siyaad. Ugu dambeyntii waxa uu u soo jeediyay Beeshiishu in ay
gacan ka gaystaan sidii dib loogu soo celin lahaa gaariga MarkII ee haatan
gacanta ugu jira Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.
Xubnaha la dagaalanka "Argagixisada"
oo Magaalada Jowhar kulan kula yeeshay..
Maalintii doraad
ahayd ayaa waxaa Magaalada Jowhar kulan ku yeeshay xubnaha la dagaalanka "Argagixisada"
waxaana kulankaasi ka qaybgalay dhamaan 11-ka xubnood ee Isbahaysiga waxaana
kulankaasi looga hadlay arrimo fara badan oo la xiriira xaaladda haatan ka
taagan Magaalada Muqdisho.
Warar aanu helnay ayaa
waxay sheegayaan in kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan
Sirdoonka Mareykanka oo la sheegay in warbixin laga siiyay xaaladda
Magaalada Muqdisho iyo talaabooyinka uu ku dhawaaqay isbahaysiga la
dagaalanka argagixisada.
Qaar ka mid ah xubnaha la
dagaalanka argagixisada ayaa iyagu soo jeediyay in la balaariyo xubnaha la
dagaalanka argagixisada isla markaana la gaarsiiyo gobalada dalka, iyadoo
dagaalkii doraad ka dhacay Degamada Xamar Weyne ay sheegeen in uu ahaa mid
uu keligii ku ahaa Cabdi Nuure Siyaad oo xubin ka ah ururka, hase yeeshee
afhayeen u hadlay isbahaysigaasi oo lagu magacaabo Xasan Guutaale Raage ayaa
waxa uu sheegay in markii dambe ay is fahmeen waxa uu ugu yeeray dadweynaha
deegaanka iyo maleeshiyadii ka socotay Cabdi Nuure Siyaad
.
Xubnaha Baarlamaanka oo isku
khilaafsan in Xilka laga qaado Ra’isul Wasare Geeddi ..
Wararka naga soo
gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka ay
si weyn isugu khilaafsan yihiin in waqtigaan la hor keeno Baarlamaanka
mooshin ku aadan in xilka laga qaado Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi.
Qaar ka mid ah
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay soo jeediyeen in waqtigaan aysan
habooneyn in Baarlamaanka la hor keeno mooshin ku aadan xil ka qaadista
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, iyagoo sheegay in marka hore Ra’isul
Wasaare Geeddi looga baahan yahay in Baralmaanka uu hor keeno qorshaha
dowladda ee waqtigaan iyo waqtiga fog, qaar kale oo Xildhibaanda ka mid ah
ayaa iyagu waxay sheegeen in haatan ay haboontahay in xilka laga qaado
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, maadama mudadii sanadka iyo barka ahayd
ee uu xilka hayay uusan dowladda u qaban wax la taaban karo
.
Midowga Jabhadda Xorreynta Soomaali Galbeed oo uga digay Shirkadaha doonaya
in ay shidaal ka qodaan...
Ururka Midowga
Jabhadda xorreynta Soomaali Gableed oo ah urur u halgamaya ka xorreynta
wadanka Soomaali Gableed gumeysiga Xabashida ayaa waxa uu uga digayaa
dhamaan shirdaha u tartamaya in ay heshiis kula galaan Itoobiya soo saarita
gaaska dabiiciga ah ee deegaanka Jeexdin (Calub) iyo Hilala (Elale) ee
Wadanka Soomaali Galbeed.
Midowga Jabhadda
Xorrerynta Soomaali Galbeed waxaa kalloo uu warsaxaafa-deedkiisa ku sheegay
in aan lagu deg degin in ay Itoobiya heshiis kula galaan soo saarista
Gaaskaasi, iyadoo aysan ogolaansho ka helin shacabka soomaali Galbeed oo
iyagu deegaanka iska leh.
Jabhaddu waxay
sheegtay in itoobiya ay ku howlan tahay qorshayaal ay ku boobeyso kheyraadka
wadanka Soomaali Galbeed iyadoo furtay dalabaadka shirkado maalgelineyd oo
caalami ah oo ka soo saaraya gaaska shidaalka deegaano ka tirsan Somali
Galbeed.
Jabhaddu waxay
sheegtayin ay jiraan 19 shirkadood oo u tartamaya in Itoobiya ay qandaraas
ku siiso soo saarista gaaska iyo shidaalka deegaanadaasi ku jira, iyadoo
haba yaraatee aan waxba la weydiin dadka Soomaali galbeed.
Ugu dambeynitii
jabhaddu waxay sheegtay in shirkaddii iska dhega tirsa ama Itoobiya gacan ku
siisa boobka Hantida Somali Galbeed wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaada ay
mas’uuliya-deeda dusha u ridan doonaan, waxa uuna qoraalkaani ka soo baxay
xafiiska Xiriirka Dibadda ee Midowga Jabhadda Xorreynta Somali Galbeed.
Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale oo walaac ka
muujisay dagaalada abaabulan ee ka socda..
Xarunta Dr,
Ismaaciil Jimcaale ayaa walaac weyn ka muujisay dagaaladii dhawaan ka dhacay
degmada Xamar Weyne, dagaalkaas oo ay Hay’addu sheegtay in uu ku dhintay nin
ka tirsanaa Bulshada Rayidka ah oo lagu magacaabo Cusmaan Awoow Caddaamow,
waxayna Hay’addu ku tilmaantay dagaalkaasi mid ka baxsan shareecadda
Islaamka, xeerarka soo jireenka ah ee dhaqaanka Soomaaliya iyo baaqa
caalamiga ah ee xaquuqda Aadanaha.
Hay’addu waxa ay
ku bogaadisay gabdhihii Soomaliyeed ee dhawaan u baqoolay Magaalada Baydhabo
si ay bulshada tabaaleysan nabad waarta iyo deganaan u heli lahaayeen, ugu
dambeynta Hay’addu waxay ka codsaneysaa Beesha Caalamka in ay qiimeeyaan
waxna ka qabtaan codadka dhaadheer ee nabadeed ee ka soo yeeraya Haweenka
Soomaaliyeed, waxaana qoraalkaani ku saxiixnaa gudooonka Xarunta Maryan
xuseen Owreeye.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
XUSEEN GUUTAALE RAAGE “
ISBAHEYSIGA WAX WADO AH OO U XIRAN MA JIRTO WAXAANA UGU BAAQAYAA KUWA
WADOOYINKA XIRTEY IN AY DEGDEG BULSHADA UGU FURAAN WADOOYINKA AY XANIBAADAHA
DHIGTEEN....
Afhayeenka isbahaysiga "soo
celinta nabada" iyo ladagaalanka waxa loogu yeedho argagixisada xuseen
guutaale raage oo Talaadadii u waramayey TV_ga universal oo hawada galay
15 february2006 oo saldhigiisu yahay magaalada London isaga oo ku sugan
deegaanaka dayniile ee duleedka muqdisho ayaa wuxuu sheegay in
isbahaysigoodu uu leeyahay fadhiisimo badan oo ku yaala magaalada
muqdisho taasina aysan ahayn kuwo laga cabsi qabo in ay shacabka wax ugu
dhiman waa siduu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale mar aan
waydiiyey , hadaad tihiin isbaahaysiga ma dayniile oo kaliya ayaa xarun
idiin ah maxaad meelo kale ugu shiri weydeen ayuu ku jawaabay ,maya
dayniile kaliya maahan ee waxaanu ka talinaa meelo badan oo kamida magaalada
muqdisho iyo gobolada qaarkood meeshii aan doono ayaane waanu ku shirnaa .
Sidoo kale Wuxuu sheegay
xuseen guutaale in isbaheeysigoodu uusan ahayn isbaahaysi siyaasadeed balse
uu yahay isbaheeysi ka hortagaya "argagixisada" una adeegaya shacabka
wuxuuna ku eedeeyay maxaakiimta islaamiga ineey yihiin kuwo wada
dhulbalaarsi isagoo xusay ineey xoog ku galeen dugsiga hoose dhexe godey oo
kuyaala dagmada kaaraan ayna kasoo horjeesteen dadka deegaankaas ku dhaqan
oo ay dib isaga caabiyeen kana saareen kooxihii soo detgay .
Afhayeenku wuxuu
sheegay in madaxweeynihii hore ee lagu soo doortay magaalada carta ee
dalkaasi jabuuti c/qaasim salaad xasan in uu yahay abaabulaha koowaad ee
dagaalka maxaakiimtu kawadaan mogdisho wuxuuna tilmaamay in uu horay
caalamku ugu aqoonsadeen alqaacido waa siduu hadalka un dhigaye.
Guutaale ayaa eedayn
dusha kaga tuuray c/qaasim salaad xasan sida uu ku sheegayna inuu aabe u
yahay dagaal kasta oo ka qarxa magaalada muqdisho , afhayeenka guutaale
asagoo intaasi kudaray in uu digniin ku siinayo c.qaasim salaad in uu is
kaga baxo dalka.
Si kastaba ha ahaatee
afhayeen guutaale ayaa ku baaqay in wadooyinka xiran la furo si ay bulshada
aan cabsi khalkhal loogu abuurin oo ay weliba uu ku eedeeyey maxaakiimta
inay iyagu wadooyinka xireen waa siduu sheegaye hadana laga rabo inay
wadooyinka furaan .
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2006
Urur Gobaleedka
IGAD oo dhowaan shir isugu yeeraya Madaxda Sare ee DFKMG..
»Ciidamo
ka tirsan Midowga Maxaakiimta oo fariisin ka..
»Guddi
loo xilsaaray in ay ka hortagaan Dagaal ka dhaca..
»Golaha
Baarlamaanka oo baaq u diray kooxaha isku haysta..
»Doon
looga shakiyay in ay siday hub oo ay qabteen...
»C/qaadir
Boorje “wax la qaybsaday ma jiraan ku aadan..
»USA:
Mudaharaad balaaran oo lagaa soo horjeeday...
»Isbitaalka
Al- Xikma iyo Luul Kulmiye oo gacan ka geystey..
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... Apr 25