Wararkii: August 1, 2006
- IGAD oo maanta ka shiraysa
Arrimaha Soomaaliya.
-
Ogaadeenya: Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay.
-
Maraykanka oo Itoobiya ka dalbay inay faraha kala baxdo Soomaaliya.
Fikradda Dowladda Maraykanka ee ku Aaddan
Soomaaliya.....
Dowladda Maraykanku waxa ay DFKMG iyo
Maxkamadaha Islaamiga ugu baaqday in ay dib u bilaabaan wada hadalkii
Khartuum.
Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda
Maraykanka, Tom
Casey, oo ka hadlayey
arrimaha Soomaaliya ayaa yiri: "Dowladda Maraykanku waxa ay taageereysaa
hirgelinta dowlad shaqayneysa oo ay ka mid yihiin dhammaan qaybaha
Soomaaliya." Waxana uu intaas ku daray "Sidaas waxaa lagu gaari karaa oo
keliya in la yeesho wadahadal guud oo ay ka qayb qaataan dhamman qaybaha
Soomaalida sida bulshada rayidka ah, haweenka, ganacsatada, hoggaamiye
dhaqameedka, iyo Maxaakiimta Islaamiga & Hay'adaha Federaalka ee
Kumeelgaarka ah".
Fikradda guud ee USA ee ku aaddan
Soomaaliya ka dhegeyso:
Halkan..... (Real Player) | ama
Halkan...... (MP3).
IGAD oo maanta ka shiraysa Arrimaha
Soomaaliya.
NAIROBI: August 1, 2006: Wadamada xubnaha ka ah
Urur goboleedka IGAD ayaa ku yeelanaya magaalada Nairobi saacadaha soo
socda shir ay kaga arrinsanayaan isbadalada ka soo cusboonaaday dalka
Soomaaliya oo ay ugu weyn tahay Ciidamada la sheegay in ay leedahay
dowlada Itoobiya ee ku sugan Meelo ka mid ah Dalka Soomaaliya sida uu
saxaafada u sheegay xubin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibada ee Dalka
Kenya.
Shirkan oo ah mid qodobo badan kaga badalan
shirarkii IGAD ee Caadiga ahaa ayay ku eegi doonaan wadamadan Ciidamo
suga ammaanka dalka Soomaaliya oo horay ay u codsatay dowlada
Soomaaliyeed ee Hadda Fadhigeedu yahay Gobolka bay ee magaalada
Baydhabo.sidoo kale waxaa lagu soo qaadi doonaa Sii waditaanka
wadahalada Midawga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowlada oo baaqday shir
u bilowday oo la filayay in bishii hore ee July bartankeeda lagu qabto
khartuum wajigiisi labaad,balse C/llaahi Yusuf uu ku Gacan seyray kadib
markii ay dowladiisa ku eedaysay in Maxkamduhu jabiyeen xabad joojin
lagu heshiiyey.
Arrimaha looga hadlayo shirkan oo aad u badan ayaa
waxa kale oo ka mid ah Iscasilaada Wasiiro ka mid ahaa Gollaha Wasiirada
ee Dowlada iyo Saameynta ay ku yeelan karto Dowlada ay dhiseen wadamada
IGAD sidoo kale dhibaatada ay keeni karto haddii la aan la helin
wadahalo toos ah oo dhex mara Maxkamdaha iyo dowlada Soomaaliyeed.
IGAD waxa uu walwal dhexdooda ah ka haystaa sida ay
ka yeeli doonaan Khilaaf dhexdooda ah oo ku wajahan ciidamada dariska ah
faragalinta ay ku hayaan gudaha Soomaaliya,waxa ay dad badan
saadaalinayaan in dowlada Itoobiya ay ku adkaysan doonto xaqqa ay u
leedahay in ay difaacdo Dowlada Soomaaliya ee ay hogaamiyaan Ragga lagu
tuhmayo in ay gacan saar weyn la leedahay ee C/llahi Yusuf Axmad Iyo
Cali Maxamad Gedi.
Shirkan oo lagu waddo in isla maantaba la soo
gabagabeeyo ayaa laga sugayaa in laga soo saaro qodobo dhowr ah muhiimna
u ah xal u helitaanka xaaladaha ka jira wadanka Soomaaliya.
Canab Mumtaz |
canabmumtaz@yahoo.com

Ogaadeenya:
Dagaallo ciidammada cadowga lagu jabiyay.
Kenya oo
qabanaysa kulan degdeg ah oo Soomaaliya ku saabsan.
Maraykanka oo
Itoobiya ka dalbay inay faraha kala baxdo Soomaaliya.
================================
Muddooyinkii u
denbeeyay waxaa ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya
dhex maray dagaallo dhawr ah oo khasaare ba’an loogu gaystay ciidammada
saama-la-luudka ah ee gumaysatada Itoobiya. Sidoo kale toddobaadkan meesha
lagu magacaabo Qollaji, oo ka tirsan deegaanka Fiiq, wuxuu dagaal adag ku
dhex maray ciidammo ay leeyihiin mid ka mid ah beelaha deegaankaas dega iyo
ciidammada Wayanaaha, iyadoo ciidammada Wayaanaha halkaas askar badan lagaga
laayay; Wararkaas iyo kuwa kale waxaa goor dhawayd Ogaadeenya nooga soo
diray wariyaha RX Darwiish Dalmar;.....
Kenya oo
qabanaysa kulan degdeg ah oo Soomaaliya ku saabsan
Dowladda Kenya
ayaa ku baaqday in dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ay isugu
yimaadaan kulan degdeg ah oo arrimaha Soomaaliya lagu falanqeeyo. Kulankan
ayaa daruuri sii noqday, ka dib markii dhawaan magaalada Baydhabo lagu dilay
wasiir ka tirsan dowladda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya iyo eedaymaha ay
is-waydaarsanayaan dowladda iyo Golaha Maxkamadha Islaamiga Soomaaliya.
Sargaal sare oo ka
tirsan wasaaradda arrimaha dibada ee dalka kenya ayaa sheegay in kulankan ay
isugu iman doonaan dalalka xubnaha ka ah ururka IGAD, kuwaasoo ka arrinsan
doona wixii laga yeeli lahaa arrinta Soomaaliya ee sii murgaysa.
Dhinaca kale dalka
Masar ayaa beeniyay eeddii uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya u soo jeediyay
ee ahayd inuu taageero Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya, wuxuuna hadalka
ra’iisal wasaaraha ku tilmaamay wax laga xumaado oon la qaadan karin.
Dowladda Masar
ayaa sheegtay inay tahay arrin lala yaabo oon marnaba laga filaynin in
ra'isal wasaaraha Soomaliya uu ku eedeeyo dalal ay Masar ku jirto inay
doonayaan inay minja-xaabiyaan xukuumadda ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya
iyo in dowladda Masar ay ka mid tahay dowladaha sii hurinaya colaadda
Soomaaliya.
Sargaal sare oo u
hadlay dowladda Masar ayaa sheegay in dowladda Masar ay dadaal dheeri ah u
gashay sidii nabad iyo xasilooni looga hirgelin lahaa dalak Soomaaliya,
iyadoo dowladda Masar ay dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ku
boorrisay inay raacaan toobiyaha wadaxaajoodka, si heshiis dhaxal-gal ah loo
gaadho.
Dowladda Masar
ayaa hadalkan soo saartay, ka dib markii ra'isal wasaaraha Soomaliya uu
dhawaan eedeeyay dalalka Masar, Liibya iyo Iran, kuwaasoo uu ku eedeeyay
inay teegaaraan waxa uu ugu yeedhay argagixisada Soomaaliya.
Maraykanka oo
Itoobiya ka dalbay inay faraha kala baxdo Soomaaliya.
Dalka Maraykanka
ayaa mar kale ka digay faragalinta ay dalalka dariska ahi ku hayaan arrimaha
Soomaliya.
Dowladda
Maraykanka ayaa sheegtay inay uga digayso dalalka deriska la ah Soomaaliya
inay faraha la galaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxayna dalka Itoobiya
uga digtay inay faraha kula sii jirto arrimaha Soomaaliya.
Haweenayda
arrimaha Afrika uga gacan-yaraysa xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka
Jendayi Frazer ayaa tidhi mar ay la hadlaysay warfidiyeennada; Maadaama oo
Itoobiya lagu eedeeyay inay Soomaaliya faragalin ku hayso, waxaan si cad
Itoobiya uga codsanay inay faragalinta joojiso, waxaanan weydiisanay
quwadaha dibadda ah inay is-xakameeyaan oo bulshada soomaaliyeed fursad u
siiyaan inay mustaqbalkooda go’aan ka gaadhaan.
01August 2006.
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio
Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865
KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha Talaadada iyo
Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Diyaarada
Jubba Airways oo noqotey Diyaaradii ugu horeeysey oo ganacsiga ah oo 11-sano
kaddib...
»C/llaahi Yuusuf oo soo
dhaweeyay Kalsoonidii uu ka helay..
»Ma dhabbaa in
Ciidamada itoobiya ay ka Bexeen Qaybo..
»Banaanbax lagu
taageerayo Geeddi oo ka dhacay..
»London: Mudaaharaad
looga soo Horjeedo Itoobiya...
»Garaad Jaamac iyo
safarkiisii beerta nabada...
Wararkii oo dhan
ka akhri halkan.... July 31
Range Resources oo
si Qarsoodi ah dad ugu dirsatay Degaanka Buruc...
Shacabkuna ay Arrintaas ka digeen...
Akhri...
July 31
Ra'iisul Wasaare
Geedi oo ka Badbaadey in Xilka laga qaado kadib markii …
88 xildhibaan ayaa u codeyey in xilka loo daayo, halka
126 xildhibaan u codeeyeen in xilka laga qaado...
AKhri…
July 29
Ra'iisul wasaare
Geeddi oo Eedeeyey Masar, Liibiya iyo Iiraan...
»Cabdalla Deerow muxuu
aaminsanaa intii aan la dilin..
»Ma dhabaa in
Madaxweyne C/llahi uu habeen ku soo baryey
»Maxkamadaha Islaamiga
ah oo u digay dadka ku ganacsada..
»Cali Max’ed Geeddi oo
kulamo gooni gooni aha la leh.
»Warar ku saabsan
Xaaladda Magaalada Byadhabo...
Wararka oo dhan
ka akhri halkan.... July 30
Golaha Wakiilada DGPL oo Madaxtooyada Puntland dib ugu Ceshay Xeer Oranayay
in Garsoorku uu hoos-yimaado
Wasaarada Caddaalada
Akhri