Wararkii: August 5, 2006
- Senator Coleman oo Ku Dhawaaqay
$106,971 oo loogu Deeqay CSCM
- Barre Hiiraale oo noqday wasiirkii
50-aad ee ka taga dowladdaa Geedi..
-
Dowladda Yemen oo dooneysa
in ay Badbadiso shirkii Magaaladda..
- Cabasho ka soo yeertay Tuulooyin ka
tirsan Degmooyinka ..
- Mowliid Macaane “Wasiirada is casilay
marka hore Dowladda waxay ku soo galeen..”
-
Xarunta wada hadalka iyo
horumarinta oo lagu qabtay dood ku saabsan..
- Hay’adda Green Gate oo tababar u soo
gebagabeysay 25 xubnood
- Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta oo u
mahadceliyey Ururada
- MUDAHARAAD LOOGA SOO HORJEEDAY ETHOPIA
OO KA DHACAY LONDON
Waxaa wararka isku soo
dubaridey:
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Senator Coleman oo Ku Dhawaaqay
$106,971 oo loogu
Deeqay “Confederation of Somali Community in
Minnesota (CSCM)”
Isha warka: Warsaxaafadeed ka
soo baxay xafiiska Coleman
(Minnesota: USA) Senator Coleman
oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa (Agoosto 3) ku dhawaaqay in “Confederation
of Somali Community in Minnesota (CSCM)” loogu deeqay lacag dhan $106,971,
lacagtaas oo uu bixinayo xafiiska Maraykanka u qaabilsan dejinta Qaxootiga.
Deeqdaas oo loogu talo galay in lagu gacan qabto Xarunta East African Women’s
Center oo laga caawinayo barashada luqada, u diyaar garowga iskuulka, arrimaha
caafimaadka, iyo adeegyada bulshada.
"Waxaan ku faraxsanahay in aan ku
dhawaaqo in CSCM ay heli doonaan deeqdaas" ayuu yiri Coleman, oo intaas ku daray
"Minnesota waxaa ku nool Soomaalida ugu tirada badan ee ku dhaqan dalka (Maraykanka),
waxaana ka taageeray aqalka Congress-ka. CSCM waxa ay shaqo wanaagsan u qabatay
jaaliyada. Waxaan ku faraxsanahay in aan ku taageeray sidii ay deeqdaan uga heli
lahaayeen Xafiiska US ee Dejinta Qatootiga ayadoo la aqoonsaday muhiimada CSCM."
"Waxaan ku faraxsanahay in aan
deeqdaan helo" sidaas waxaa yiri Siciid Faahiye oo madaxa CSCM. Waxana uu intaas
ku daray "Deeqdaasi waxay caawin doontaa dumarka Soomaaliyeed si ay u dhexgalaan
Gobolka Minnesota. Senator Coleman ayaa naga caawiyey si deeqdaasi aan u helno,
waana uga mahad celineynaa."
Senator Coleman waxa uu aad ula
shaqeeyaa Jaaliyadda Soomaaliyeen, dhowaana waxa uu ku guulaystey in sharciga
kumeel-gaarka ah loo kordho Soomaali ku nool Maraykanka. Sidoo kale Coleman
waxaa shaqaalaha xafiiskiisa ka mid ah Maxamuud Wardheere oo ah Immigrant, si uu
uga caawiyo korna ugu qaado la xiriirka Jaaliyadda Soomaaliyeed.
Barre
Hiiraale oo noqday wasiirkii 50-aad ee ka taga dowladdaa Geedi..
Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ah
wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Dowladda Federaalka ayaa shalay shaaca
ka qaaday in uu iska casilay xilkii Wasiirnimo, kaddib markii uu Ra’isul Wasaare
Geeddi ku eedeeyay inuu ka gaabiyay dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed.
Waa wasiirkii 50-aad ee iska casila golaha
Wasiirada, waxaana la sheegay in wasiiro kale iyana iska casili doonaan
xilalkooda.
Dowladda gudaheeda ayaa waxaa ka bilowday
tartan dhinaca is casilaada ah, waxaana haatan bilowday in Golaha Baarlamaanka
guddi hoosaadyadiisii ay is casilaan, waxaana ilaa iyo haatan is casilay 20
xubnood oo ka tirsanaa guddi hoosaadyadaasi, hase yeeshee ilaa iyo hadda ma
jirto xildhibaan iska casilay xilkii Xildhibaannimo.
“Haddii ay run sheegayaan may iska casilaan
labada dhinac” ayuu yiri nin odey oo inoo waramay.
Waxaa haatan muuqda in uu bilowday loolan
siyaasadeed oo u dhexeeya Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Dowladda Yemen oo dooneysa in ay
Badbadiso shirkii Magaaladda..
Warar diblamaasiyadeed oo aan helnay ayaa waxay
sheegayaan in madaxweynaha wadanka Yemen Cali Cabdalla Saalax uu wado qorshayaal
ah in uu badbaadiyo shirka Khartuum uuna dalkiisa ku martigeliyo dowladda
Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta oo iyagu qabsaday Magaalada Muqdisho iyo
nawaaxigeeda.
Waxa la filayaa in maalmaha soo socda uu soo
gaaro Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ergay ka socda Dowladda Yemen, kaasoo
labada dhinac kala hadli doona sidii ay uga soo qaybgali lahaayeen kulankaasi,
hase yeeshee Golaha Maxaakiimta ayaa iyagu sheegay inay diyaar u yihiin ka
qaybgalka kulankaasi, balse, waxay shuruud uga dhigeen in marka hore dowladda
Itoobiya ay ciidamadeeda kala baxdo Gudaha Dalka Soomaaliya.
Cabasho ka soo yeertay Tuulooyin
ka tirsan Degmooyinka ..
Qoraal ay shalay na soo gaarsiiyeen Odoyaasha,
Culuma’udiinka iyo waxgaradka degmooyinka Qoryooley, Awdhiigle, Afgooye oo ka
tirsan Gobalka Sh/hoose ayaa waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in 435 tuulo oo ka
tirsan degmooyin-kaasi ay la soo gudboonaadeen biyo la’aan kaddib markii mudo
saddex sano ah deeganadaasi aysan ka degin wax roobaba ah.
Waxay sheegeen odoyaashaa in xooluhu ay sii
dhamaanayaan, waxayna biyo la’aantaasi xitaa ay saameysay dad iyo duunyaba,
waxayna ka codsanayaan Hay’adaha Samafalka, Guddiga Taakuleynta Abaaraha, in
gargaar lala soo gaaro tuulooyinkaasi oo ay sheegeen in ay dhibaato xoog leh soo
wajahday, waxaan qoraalkaan Odoyaashu soo saareen ku saxiixnaa Xaaji Max’ed Gaab
oo guddoomiyaha Deegaanka Farsooley, Max’ed Sheekh Abuukar ku xigeen, Max’ed
Aadan xuseen Xubin, Aadan Isaaq Aadan Xubin, Gaabow Buule Xasa Guddoomiyaha
deegaanka Tuuratuurow, Sheekh Ibraahim Cabdule Guddoomiye ku xigeen, Max’ed
Xasan Xidagey xubin, Cumarow Fulaay iyo Xaaji xuseen C/raxmaan xubin iyo xubno
kale.
Mowliid Macaane “Wasiirada is
casilay marka hore Dowladda waxay ku soo galeen..”
Mowliid Macaane oo ah wasiirka dhulka ayaa wax
laga weydiiyay sida uu arko wasiirada iska casilaya xilalkooda, kana tirsan
Dowladda Federaalka, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Marka hore
wasiiradaasi orod ayay ku soo galeen Golaha, maanta orod ayay uga baxeen”. Waxa
uu intaasi sii raaciyay “waxaan hubaa in Ra’isul Wasaare uu si dhaqsi leh u
buuxin doono boosaskii ay baneeyeen wasiiradaasi”.
“Anigu isma casilayo waxaana noqonayaa ninka u
dambeeya, waayo aniga xilka waxaan u hayaa beesha Jareer-Weyne, markii ay iyaga
ii soo jeediyaan ayaan iska casilayaa” ayuu yiri Mowliic Macaane oo sheegay in
Ra’isul Wasaare Geeddi uu kursiga ku helay awood qaybsi, cid ka dejinta kartaana
aysan jirin.
Mowliid Macaane waxa uu sheegay in Ra’isul
Wasaare uu kalsooni ka helay dhawaan Golaha Baarlamaanka, taasina ay tahay
sumcad u soo hoyatay Golaha Dowladda. “Markii wax looga qaadi waayay Golaha
Baarlamaanka, ayaa la damcay in si kale wax loo raadiyo” taasoo ah in la iska
casilo xilalkii wasiirnimo”, ayuu yiri Mowliid oo sheegay in Geeddi uusan
marnaba ka degin doonin xilkaasi.
Xarunta wada hadalka iyo
horumarinta oo lagu qabtay dood ku saabsan..
Xarunta Wada hadalka iyo
horumarinta ayaa maalintii khamiista hayad lagu qabtay dood ku saabsan
haysashada qabiilka iyo tiigsashada qaran, waxaana ka qaybgalay qaybaha kala
duwan ee bulshada, waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay qoraalka caanka ah
ee C/qaadir Oroma, waxa uuna si aad ah ugu dheeraaday qabiilka iyo qaranka, waxa
uuna sheegay in dadka soomaaliyeed si fudud wax looga dhaadhicin karo, marka ay
helaan wacyigelin fara badan, isagoo sheegay in qabiilka looga bixi karo marka
uu qaranku damaanad qaado bulshada, waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Cumar Idiris
Cumar Dheere oo isna sheegay in Bulshada Soomaaliyeed ay yihiin dad xadaarad
fog, isla markaana si dhaqsi leh looga baabi’in karo abiilka, waxaa kaloo
halkaasi warbixin ka soo jeediyay madaxa xarunta Bashiir C/qaadir Macallin, waxa
uuna sheegay in sababaha ay doodaani u qabteen ay ahayd sidii ay xaruntu u
uruurin lahayd macluumaad fara badan oo la xiriira dhinaca dhaqanka bulshada.


Hay’adda Green Gate oo tababar u
soo gebagabeysay 25 xubnood

Sawirada waxaa qaaday: AMiin Yuusuf
Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel
Ambassador lagu soo gebagabeeyay tababar u socday 25 xubnood oo ka kala socday
toban gobol oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, waxaana tababarkaan
iska kaashaday Hay’adda Green Gate oo gacan ka heleysa Hay’adda UNICEF.
Tababarkaan oo socday mudo 10
maalmood ah ayaa waxay xubanahaasi baranayeen ka hor taga cudurka AIDS-ka,
muhiimadda Talaalka, Wacyigelinta waxbarashada Caruurta iyo daryeelka
caafimaadka iyo nadaafadda, waxaana casharo ka bixinayeen macallimiin ka socotay
Hay’adda SOPHPA.
Dr. Cabdi Nuur ayaa isagu bixinayay
ka hor taga cudurka AIDS-ka, dhinaca Talaalka waxaa bixinayay Max’ed Xuseen,
Waxbarashadana waxaa iyana bixiyay Dr. Cabdi Ladiif iyo Axmed Jaamac oo isna
bixiyay casharo la xiriiray dhinaca Isgaarsiinta.
Axmed C/raxmaan (Dharbaaxo) oo ah
xoghayaha fulinta ee Hay’adda Green Gate ayaa halkaasi ka hadlay waxa uuna
sheegay in xubnahaani loo tababaray sidii ay bulshada ugu wacyigelin lahaayee,
dhibaatooyinka haysta, gaar ahaan waxa uu sheegay inay ka howlgali doonaan
xerooyinka dadka soo barakaca.
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Dr.
Dishibiliin oo ka socday Hay’adda UNICEF, waxana uu ugu baaqay xubnaha uu
tababarku u dhamaday inay la yimaadaan jiljileec iyo naxariis, waxaa kaloo
halkaasi ka hadlay, Nuurto Xaaji Max’ed oo ka mid ah xubnaha Hay’adda Green
Gate, waxayna kula dardaaran tahay xubnihii uu u dhamaaday tababarku in ay
waxyaabihii ay ka faa’iideysteen tababarka u gudbiyaan bulshada dhibaateysan,
waxaana ka qaybgalayaashii tababarka la siiyay shahaadooyin.




Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta oo u
mahadceliyey Ururada

Kooxda k/Cagta Qaranka waxaa dhinaca qalabka ka
taakuleeyay Ururada Sportiiga ee ala ah
1. SOMALI SPORTS AND YOUTH DEVELOPMENT –NORWAY
oo Uu Gudoomiye u yahay Garsoore caalami C/qaadir
Cadaay
2. URURKA DHALINYARADA EE SUKAO oo Uu Gudoomiye
u yahay Sharmaarke Calasow
3. HILAAC RESTAURANT : Milkiile Maxamed Yuusuf
Xasan (Naxaaf)
Xiriirka soomaliyeed waxuu u mahadcalinayaa
kaalinta lama iloowaanka ah ee ay ka qaateen taageerada Qaranka waxaana sidoo
kale ka rajeyneynaa ururada kale ee soomalida ee yurub ku nool inay ayaguna
kaalintaan oo kale ay qaataan




W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
MUDAHARAAD LOOGA SOO HORJEEDAY ETHOPIA OO
KA DHACAY LONDON

WAXAA
MAANTEY OO AY TARIIQDU TAHAY 04.08.06 KA DHACAY MAGALADA LONDON ,MUDAHARAAD WAYN
OO LOOGA SOO HORJEEDAY FARAGALINTA QAAWAN EE ETHOPIA KU HEYSO DHULKA IYO DADKA
SOOMALIYEED,BANAANBAXAAS OO AHAA MID SI HEERSARE LOO AGAASIMAY AYAA AHAA MID
JAALIYADA SOOMALIYEED EE KU NOOL YURUB ,QASATAN MAGALADA LONDON KU MUUJINAYEEN
FARAGALINTA IYO JOOGITAANKA CIIDAMADA XABASHIDA AMA TIGREYGA EE JOOGA SOOMALIYA
INAY ISAGA BAXAAN WALINA JOOJIYAAN GARDARADA IYO DHIBATEYNTA AY KU HAYAAN
CIIDA SOOMALIYA.

DADWAYNIHI
KASOO QAYB GALAY OO KA KoOBNA QAYBAHA BULSHADA AYAA KU MUJIYEY DIIDMADA AY
DIDAN YIHIN IN CIIDAMO TIGREE GA EE JOOGA GOBALADA SOOMALIYA QASATAN BAYDHABO
IYO BAKOOL ,GEDO ERAYADI AY KU DHAWAQAYEEN WAXA KAMID AHAA :
MELES
ZENAWI JOJI FARAGALINTA SOOMALIYA AAD KU HEYSO,KALA BAX CIDAMADADA GUDAHA
SOOMALIYA,SOOMALIYEEY TOOSOO,MIDNIMADA IYO WADAJIRKA UMMADA SOOMALIYEED WAA
MUQADAS ,ETHOPIA DOONI MEYNO ,IGAD DOONI MEYNO,DOWLADA TAAGTA DARAN WAA INAY
WADA HADAL WAXS KU QADATAA OO AY JOOJISAA UYEERASHADA CADAWGA UMMADA,
MAXKAMADUHU
WAA GUUSHA SHACABKA IYO NABADA,SOMALIYA GUUL , WARLORDS HA DHACEEN
SHIRIB
HALKAAS AY KU MUUJIYEN WAXA U AHAA MID SI WAYN LOOGU SACABA TUMAY
AMXAARAA
JID KU SOO JIRTEE INLA JIHAADO WAA JIRTAA
TIGREE JID KU SOO JIRTEE IN LA JIHAADO WAA
JIRTAA
UGU DAMBEYNTI BANAANBAXAAN AYAA WARQAD
BAYAAN AH OO AY SOO DIYAARIYEEN GACANTA LOO GALIYEY POLICE BRITAIN OO AMNIGA SI
WAYN U ILAALINAAYEY SI AY SAFARADA UGU GUDBIYAAN CABASHADA SHACABKA SOOMALIYED
EE KU WAJAHAN FARAGALINTA IYO JOOGITAAN CIDAMADA TIGREEGA EE JOOGA QAYBO BADAN
OO SOOMALIYA KA TIRSAN.
DADKI
ISKUGU SOO BAXAY AYAA LO SHEEGAY IN AY SAXIIXAN WARAAQO LOO GUDBIN DOONO
XUBNAHA XILDHIBANADA BAARLAMAANKA EE XAFADAHOODA LAGA SOO DOORTO SI AY UGU
GUDBIYEEN AQALKA WAKIILADA DOWLADA AMA BAARLAMAANKA INGIRISKA ,WARQADAS OO
UJADADA KAS DAMBEYSA TAHAY DIIDMADA IN SOOMALIYA LAGA QAADO CUNA QABATEYNTA
GOLAHA AMNIGA OO U INGIRISKA OLALAHEEDA U WADO INU JOOJIYO.
WAXAA XUSID MUDAN IN MAR DHAW BANAANBAXAN MID
LAMID AH U KA DHICI DOONO DOWNING STREET LONDON OO AH XAFIISKA RAISAL WASARAHA
DOWLADA INGIRIISKA EE TONY BLAIR
WAXAA SOO DIYAARIYEY OO SAWIRADA KASOO QAADAY
YUSUF MOHAMED ABDI YUSUF
mrsomalia@hotmasil.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Aug 5, 2006
AFRICAN AIR OO FADHIDA
GAROONAK MUQDISHO... AKHRI

AKHRI HALKAN..... |