Wararkii: Aug 8, 2006
Beelaha
Soomaaliyeed oo si weyn uga walwalsan Tirada wasiiradda..
Iyadoo Dowladdii lagu soo
dhisay Magaalada Nayroobi ee Dalka kenya lagu qaybsday 4.5 in laga dhigo
Golaha Wasiirada iyo golah Baarlamaanka ayaa hadda waxaa maalintii shalay
ahayd Golaha Baarlmaanka loo sheegay in Dowladda uu soo dhisi doono Cali
Max’ed Geeddi ay ka koobnaan doonto 31 wasiir, waana tiro aad u yar, marka
la fiiryo Beelaha Soomaaliyed oo baaxadooda weyn tahay, hase yeeshee 4-ta
beelood ee waaweyn, waxa ay middiiba heleysaa 7-Wasiir, halka Beelaha
Isbahaysiga ay helayaan 3-wasiir.
Hadaba (haddii lagu dhaqmo
qaabkii 4.5) Su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay 7-da wasiir ee ka soo
aadeysa beesha Hawiye qaabka ay u qaybsan doonaan, tusaale Beesha
Habargidir, waxaa ku soo aadi kara marka si sax ah loo qaybsado hal wasiir,
beesha mudulood hal wasiir, halka Beesha Bahargidir ka haysatay ilaa iyo 6
Wasiir, sidoo kale Beesha Daarood ayaa iyana waxa ku soo aadeysa 7 wasiir,
iyadoo beesha Majeertaan qayb ahan ka heli doonto hal Wasiir, halka ay
markii hore ka heshay ilaa iyo 4 wasiir.
Haddaba Dowladda Cali
Max’ed Geeddi waxaa looga fadhiyaa sidii ay u qancin lahayd Wasiiradaasi,
balse ragga siyaasadda u dhuun daloola waxay sheegayaan in Cali Max’ed
Geeddi uu siduu rabo u soo dhisi doono, maadaama markii hore Dowladdii
Nayroobi ay xoogeeda lahaayeen qabqablayaasha dagaalka, iyadoo la og yahay
in qabqablayaashii dagaalka maanta awoodoodii yaraatay kaddib markii Golaha
Maxaakiimtu ay ka saareen magaalada Muqdisho.
Ku Duul Jubba Airways

6-gaari oo
Tikniko ah oo uu lahaa Muuse Suudi oo maxaakiimta gacanta ku soo dhigeen.
Wararka naga soo gaaray
Gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan in 6 gaari oo tikniko ah oo uu lahaa Muuse
oo waayadan isku uruursanayay baadiyaha Gobalka Sh/dhexe ay shalay gacanta
ku soo dhigeen Golaha Maxaakiimta, markii uu iska hor imaad ba’an dhex
maray.
Lixdaan Gaari oo ka cararay
Deegaanka Balcad ayaa mudooyinkaan lagu raad joogay, iyadoo ay doonayeen
inay qalalaase iyo qas ka abuuraan deegano ka tirsan Gobalka Sh/dhexe.
Lixdaan Gaari oo labo ka
mid ah yihiin Zuu, afarta kalana ay yihiin Dhashiikayaal, waxaana haatan
lagu soo xareeyay Deegaanka Balcad.
Ciidankii Gaaridaa saarnaa
ayaa ku kala firxaday baadiyaha Gobalka Sh/dhexe, iyado sidoo kale ay ka soo
uruursadeen Maxaakiimtu maleeshiyadaasi ilaa iyo dhowr iyo 20 qori.
Sidoo kale ciidamo iyana ka
baxsaday Jowhar taageerana u ahaa Max’ed Dheere ayaa la sheegay in iyana ay
ku dhuumaaleysanayaan Deegaano ak tirsan Gobalka Sh/dhexe, waxaana ku raad
jooga Golaha Maxaakiimta, inta badan Golaha Maxaakiimta, waxay gacanta ku
dhigeen tiknikadii ay lahaayeen Isbahaysigii la magacbaxay la dagaalanka
Argagixisada.
Sheekh
Shariif oo amaray xariga Max’ed Xuseen Gudbaaye..
Sheekh Shariif Sheekh Axmed
ayaa waxaa la sheegay in uu amray in la soo xiro Max’ed Xuseen Gudbaaye oo
ka tirsanaa maamulka Degmada Balcad ee Gobalka Dh/dhexe, kaddib markii uu
dacwad ka soo gudbiyay Macallin Xaashi oo ka mid ah Golaha Shuurada ee
Golaha Maxaakiimta.
Gudbaaye oo shalay loo soo
gudbiyay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu wax isdaba
mariyay, iyadoo Gudbaaye ay habeen hore gurigiisa ugu galeen Ciidamo ka
socda Golaha Maxaakiimta oo ku sugan Degmada Balcad.
Gudbaaye waxa uu ka mid
ahaa raggii gacanta siiyay markii ay Maxaakiimtu gacanta ku dhigayeen
Degmada Balcad, waxa uuna ahaa ninkii ugu horeeyay oo Tikniko kala fakada
Muuse Suudi Yalaxow, gaarayna Degmada Afgooye.
Inkastoo aan si cad loo
faahfaahin sabaha lagu soo xiray Max’ed Xuseen Gudbaaye, haddana waxaa la
sheegay in uu ku soco baaritaan xoogan oo la xiriira waxyaabaha lagu soo
eedeeyay Max’ed Xuseen Gudbaaye.
Dowladdii Cali Geeddi oo la
kala diray loona soo jeediyey..
Halkan ka dhegeyso
Hadalkii Madaxweyne C/laahi...
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa
shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in la kala diray dowladdii uu Ra’isul
Wasaaraha ka ahaa Cali Max’ed Geeddi, iyadoo Madaxweyunuhu uu Ra’isul
Wasaare Geeddi u soo jeediyay in Todobo maalmood gudahood uu ku soo dhiso
Gole Wasiiro oo ka koobna 31 xubnood.
“Waa dhamaatay Dowladdii tiro badan ahayd,
waxaa la soo dhisayaa Dowlad Tayo wanaagsan leh” ayuu yiri Madaxweynaha oo
shalay la hadlayay Golaha Baarlamaanka oo uu u faahfaahinayay waxyaabihii ay
ku heshiiyeen saddexda mas’uul ee ugu sareysa, waxa uuna meesha ka saaray in
ay heshiisiiyay Dowladda Itoobiya.
“Qorshahan dib loogu habeynayo Dowladda,
waxaa soo jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, isaga ayaana ka
dambeeyay in sidaan wax loo wado” ayuu yiri Madaxweyn C/llaahi Yuusuf Axmed
oo sheegay in Ra’isul Wasaare Geeddi uu mudo saddex bilood gudahood ah uu
Golaha Baarlamaanka u soo gudbin doono.
Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa waxa uu
sheegay in uu dhamaaday khilaafkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka, wixii
haatan ka dambeeyana ay Dowladdu si wadajir u qabsan doonto howlaheeda.
Dowladda
Kasakhistaan oo si kulul u beenisay in ay Muqdisho geysey..
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha
dibadda ee Dowladda Kasakhistaan ayaa si kulul loogu beeniyay in Dowladdaasi
ay shixnado hub ah ay dhawaan keentay Magaalada Muqdisho, waxayna warkaasi
ku tilmaantay mi daan sal iyo raad toona lahayn.
“Waxaan dhowreynaa cunaqabateynta hubka
Soomaliya, mana doonayno in aan ku xadgudubno cunaqabateyntaas” ayaa lagu
yiri warkaas cad ee ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda
Kasakhistaan.
Waxay kaloo beenisay in Diyaaradda Muqdisho
ka soo degtay ay lahayd Kasakhistaan.
“Calanka Kasakhistaan waa la yaqaanaa,
calanka la soo bandhigayna ma ahan calankeenii, waa mid la soo been abuuray”
ayaa lagu yiri hadalkaasi, oo lagu sheegay in wararkaasi ay faafiyeen rag
doonaya in ay wax u dhimaan sharafta wadanka Kasakhistaan.
Dhawaan ayaa labo Diyaaradood ka soo degeen
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ilaa iyo haddana waxa ay sideen
diyaaradahaasi lama faahfaahin, hase yeshee diyaaradahaasi ayaa la sheegay
in ay soo kireysatay Dowladda Ereteriya oo la sheegay inay hub u siday golah
Maxaakiimta.
Ciidamo
iyo Tikniko aad u fara badan oo ka tirsan Maxaakiimta oo gaarey..
Ciidamo iyo Tikniko aad u fara badan oo ay
leeyihiin Golaha maxaakiimta kana tagay Magaalada Muqdisho ayaa maalintii
shalay ahayd gaaray Magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaasi loogu sameeyay
soo dhaweyn aad u balaaran iyadoo uu horkacayay Guddoomiyaha golaha Shuurada
Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Ciidankaasi waxa uu u badnaa Maxkamadda
Islaamiga ah ee Furqaan, waxayna ku sii jeedaan Magaalada Gaalkacyo o la
doonayo in Golaha Maxaakiimtu ay ka furaan Maxkamad islaami ah, hase yeeshee
wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Gaalkacyo, waxay sheegayaan in
iyana Ciidamo Punland ah ay si aad ah ugu sii qulqulayeen Magaaladaaasi,
waxaana la sheegay inay doonayaan in ay ka hortgan Ciidamada Maxaakiimta oo
Gaalkacyo ku sii siqaya, iyadoo Cabdi Qaybdiidna uu ciidamo ku uruurinayo
Galdogob.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Dad Soomaali ah oo lagu xirxiray magaalada
Juba ee konfuta Sudan
Dadkan oo lagu
xirxiray Juba ee koonfurta Sudan ayaa Somali ganacsi ku heysatay magaladan
wixii ka dambeyay December-tii sanadii hore dadkaan oo isuga jiro ganacsato
dukaamo ku leh iyo kuwa qandaraaslayal ah iyo kuwa kale oo keena saacadaha
iyo mopel-kada xariga lagula kacay dadkan ayaa wuxuu bilaawday waabirigi
maalinimadii Jimcaha wuxuuna ahay mid sidii qafaal ah oo waxaa waxaa
magalaada lagu soo si dayay dhowr baabuurta pick up Land-Gruiser ah kuwaas
oo ay la socdeyn rag dhar cad oo wato qoryaha fudud kuwaas oo loo yaqaano
National Sucurity Force waxayna dadka u sheegayeen markii ay ugu imaadan
goobahooda ganacsiga in ay raacan si loo weydiiyo su’aalo yar .
Hadaba arintaan
waxay noqotay marki ugu horesay ay dhacday xarig nuucan oo kale ah ayadoo ay
ku jiraan dadka la xir xiray kuwa kuwatay markaas lacag aad u fara badan oo
ay oo sida la sheegay ay suura gal tahay in ay gaarto 50,000 $ shaqsiga
lacagtaan watay waxa uu ahay ganacsade Petrol-ka keena waxa uu markas u
socday dalka Kenya oo uu ka keeno shidaal-ka intaas kuma eka dadka ay
jeebabkooda lacagta badan ku jirtay ee waxaa kalo kale jira dhowr qof oo
aanan hada ogeyn wixii ay wadateen lakin la huba in lagu watay aygoo
lacgtooda wato waxaana la sheegayaa in tirada dadka la xirxiray ay
gaarayaan ilaa 70 qof hadii aan idinkaga sheego qaar ka mid ah waxa ay kala
yihiin :
1. Maxamed
Cabdi Adan ( contractor of transporter)
2. C/raxmaan
Axmed (petroleum dealer )
3. Shido Axmed
Cumar (ganacsade )
ragaan waa
raga ugu waaweyn oo lagu hayo xabsiga dhaxe ee magaalada Juba
waxyaabaha
loo maleyn karo in loo xirxiray
- ganacsi
xoogan oo u dhaxeeyo somalida meeshas ku nool iyo dadka asal kooda
carabta ka soo jeedo ee dagan Juba
- sido kale
in la la xariirinayo argagaxiso iyo in looga cabsoonayo arintaas taasna
waxaa noo xaqiijiya mar aan la kulmay masuul UNHCR-ta u shaqeyo oo
deeganka u dhashay
- Diin iyo
islaanimo
Waa
halkee Magaalada Juba
Magaalada
Juba waxay ku taala koonfurta dalka Sudan waana magalo 21 sano xarun u aheyn
ciidanka xukumada Khartum meeshas oo laga hagayay xoogaga Khartum dagaal-ka
ay kula jireen jabhada SPLA oo uu madax u ahay John Garang oo shil
diyaaraded ku geeriyoday sanadkii hore .
Magaaladan waxay aheyn todobaatameyadii magaaloyinka ugu balaaran dhinaca
ganacsiga Eest Africa lakin wuxu hal mar iftiinka ka tagay markii uu
bilawday dagaalka sokeeye ee Sudan waxayna noqotay meel laga geedi guuro .
Lakin
hada waxaa keenay in lagu so laabto heshiiskii Nifasha oo ay kala saxiixdeyn
labada dhinac somalidana waxay noqdeyn dadki ugu soo horeyay ee ku so
yaaco si ay maalgashi ugu sameystaan magaalada baabuurta badan ee Juba
Fahfaahin
dheerad ah
tell
249122174271
W/D Naafac Mohamed Omar (juqorafi ) Juba south Sudan
Email:
naafac1000@hotmail.com
Madaxweynaha,
Ra'iisul Wasaaraha, Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMGS, oo maanta ka hor
hadleen Baarlamaanka Soomaaliya.
Sadexda masuul ee ugu sareysa DFKMG ah ee
Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah shaaca uga qaadey heshiiskii ka soo baxay
kulamadii lagu doonayey in lagu dhameeyo khilaafaadka u dhaxeeyey Madaxda
ugu sareysa Dawlada Federaalka.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, R’isalwasaare
Cali Max’ed Geedi ayaa maanta waxay khudbad ka hor jeediyeen Baarlamanka KMG
ah ee Soomaaliya.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ugu horeyn halkaasi hadal ka jeediyey ayaa
wuxuu tibaaxay inay ku heshiiyeen sidii loo dhisi lahaa xukuumad tiro kooban
oo gaareysa 31 wasiir, iyadoo loo qaybsanayo nidaamka 4.5 ee ay dhawaan wax
ku qaybsanayeen Soomaalida.
C/laahi
Yuusuf wuxuu khubadiisa ku sheegay in xiligan ay soo dhamaatey xiligii ay
isku tiro dhawaadaan.
" Ma aqbali doono in dadka wasaaradaha
maamulaya ay noqdaan dad aan u qalmin xilalka loo dhiibayo".
" Ma sii jiro doonto xiligan in ay jirto laba xukuumadooda oo hal Baaralaman
yeesha"
" Tirada wasaaradaha la sameynayo waxa ay yeelan karaan wasiir iyo wasiir
kuxigeen marka laga reebo wasaarado aan u aragno in aysan aheyn kuwo sidaasi
aan muhiim u laheyn" ayuu yiri C/laahi Yuusuf oo sharaxaad ka bixinayey
xukuumada la soo dhisayo.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ay khudbadiisa ka muuqatey xamaasad ayaa u
muuqdey in uu faraxsanaa, waxaana uu sidoo kale carabka ku dhuftey in lala
xisaabtamayo xukuumadda la dhisayo muddo 3 bil ka dib waxyaabaha ay soo
qabatay.
"Waana in Baarlamanka uu 24 saacadba uu ula socdaa wax qabadka xukuumadda"
ayuu ku yiri khudbadiisa Madaxweynaha.
Madaxweynahu wuxuu qirey mudadii ay jirtay xukuumadda Geedi ay la soo
daristay wax qabad la'aan, walow uu tibaaxay in ay jireen daruufo adag oo ay
xukuumadu ka dhaqaaqi wayday.
C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu si gaar ah ugu amaaney heshiiskan iyo
isfahamka la gaarey in uu ka dambeeyey Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan
Sheekh Aadan, isagoo sheegay in fikirkii uu soo jeediyey Shariif Xasan ay
qaateen isaga iyo Cali Max’ed Geedi.
Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariirf Xasan
Sheekh Aadan oo isna hadal ka hor jeediyey Baarlamanka ayaa wuxuu ka
codsadey Baarlamanka Soomaaliya inay u furaan shacbiga Soomaaliyeed
xukuumada cusub ee la dhisayo, isla markaana aysan isku soo koobin golaha si
fursad loo siiyo dadka aan xildhibaanada aheyn.
Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu tilmaamey in la is afgartey, isla markaana
Ra’islawsaaraha DFKMG ah Soomaliya Cali Max’ed Geedi ayaa wuxuu intaasi
raaciyey in loo baahan yahay sidii looga gudbi lahaa khilaafaadka, isla
markaana loo turo shacabka.
Cali Max’ed Geedi wuxuu cadeeyey in loo baahan yahay sidii loo ilaalin lahaa
dastuurka, iyo amaanka magaalladan Baydhabo.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf, Gudoomiye Shariif Xasan iyo Ra’isalwasaare Cali
Max’ed khudbadahooda kuma aysan soo darin waxa laga yeelayo kulankii lagu
wadey in uu dhexmaro Maxkamadaha Islaamiga ah iyo DFKMG ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale Masuuliyiintan kama aysan hadlin in heshiiskan uu ka soo
shaqeeyey Wasiirka Arimaha dibada ee Itoobiya Siyuum Musfin oo isagu
Baydhabo u yimid sidii loo xalali lahaa khilaafka u dhaxeeya madaxda Dawlada
Federaalka.
Abdifitah Ahmed
Baydhabo
abdifitahaam@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 8, 2006
Culuma-u-diinka
Maamul Gobaleedka Puntland oo digniin u direy Cabdi Qaybdiid..
»Baydhabo:
Xildhibaano ka xumaaday Wasiir Itoobiya ah oo..
»Itoobiya
oo qabanqaabineysa kulan dhexmara Madaxda..
»Golaha
Maxaakiimta oo DFKM ku tilmaamey mid ku shaqeysa
»Hay’ado
Cambaareeyay Dilkii loo geystey..
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... GUJI... Aug 7
Israel:
Isreal oo markale ku gantay lebanon gantaalo culus iyo weeraro aan kal go'
lahayn.
A/rizak koronto
Garowe puntland
AUg 7, 2006: Qaraxyada ay isreal kuwado
dalka lebanon ayaa isasoo taraya iyada oo ay gantaalo cusub ku tuurtay xadka
ay la leedahay dalkaasi lebanon sidoo kalena isreal ayaa bartilmaadyo cusub
ku riday gantaalo dooxada loo yaqaano Bakea oo kutaala waqooyiga dalkaasi
leabanon ayay markii ugu horaysya kantaalo ku riday.
wararka laga helayo dalkaasi lebanon ayaa
sheegaya in ay ku dhinteen dagaalkan saaka dad gaaraya 11 qof oo dhamaantood
ah dad rayid ah isreal ayaa kantaaladaan ku riday waqooyiga lebanon.
Talaabadan ay isreal ku dhaqaaqday aya
timid maalin kadib markii ay gantaalada xisbulah ku riday isreal ay ku
dhinteen 15 qof oo ah askarta isreal sida laga soo xigtay saraakisha
dalkaasi isreal.
Diplamasi ka tirsan UN ka ayaa ku baaqay in
wadahadaladii xabad joojinta markale laga dib loo furo lagana furo xarunta
UN ka ee new york si loo gaaro heshiis xabad joojin ah islamarkaana
xisbulaah hubka looga dhigo loona diro dalka lebanon ciidamo nabad ilaalina.
balse isreal ayaa maanta shaacisay in ay
ka baxayso dalkaasi lebanon sarkaal sare oo ka tirsan isreal ayaa shaaciyay
in isreal ay hada gaadhay guulihii ay ka lahayd xisbulaaah taasina ay
suurtagali ka dhigayso in isreal ay kala baxdo ciidamadeeda koonfurta
lebanon sii joogitanka askarta isrealna aysan wax macna ah keenayn mar hadii
isreal ay gaadhay guulo waawayn sidaas waxaa shaaciyay sarkaal ka tirsan
isreal.
hase ahaatee waxaa gaanshaaka u daruuray
hadalkaas xisbullaah oo sheegtay in isreal aysan waxba ka bur burin
islamarkaana ay sii wadayaan difaaca dalkooda iyo dadkooda.
Xisbulaah ayaa hada ku jirta buuraha
konfurta lebanon taasi oo suurta gal kadhigtay in isreal ay soo dhaafto
koonfurta lebanon oo ay xisbulaah si wayn isaga caabisay.
In kabadan 900 oo lebanon ah ayaa ku
geeriyooday dagaalka labada dhinac u dhexeeya intoodabadnina dadkaasi waa
shacab rayid ah halka 80 isreal ahna ay ku dhinteen oo intooda badani ay
yihiin askarta isreal.
dagaalka u dhexeeya labada dhinac ayaa ka
bilowday 2 askari oo isreal ah oo ay xibulaah afduubatay 12 july.
Dhinaca kalena waxaa maanta shir isugu
imaanaya dalkasi lebanon caasimadiisa bairut hogaamiyayaasha carabta oo uu
ku jiro caamir muusa oo ah xog hayaha jaamacada carabta si ay uga wada
xaajoodaan xaalada iminka ak taagan dalkaaasi lebanon.
tan iyo intii uu dagaalku ka qarxay
dalkaasi kumaan kun oo qaxooti ah ayaa ka baxay una baxay dalalka dariska ah
waana diradii ugu badnayd ee qaxooti dunida u baxday tan iyo wixii ka
danbeeyay dagaalkii 2aad ee dunida soo maray.
intabadan qaxootiga dalkaasi lebanon ayaa
aaday dalka ay dariska yihiin ee suria.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Dood-Cilmiyeed:
Isbedelka Cusub ee Soomaaliya Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo
raadka uu... Dhegeysi...
|