- Galdogob:Madaxwaynaha puntland Gen:cade
muuse oo galdogob si heersere ah loogu soo dhaweeyey.
- Galkacyo: magaalada galkacyo ee xarunta
gobalka mudug ayaa laga daremayaa dhaqdhaqaaq xoogan.

Galdogob:Madaxwaynaha
puntland Gen:cade muuse oo galdogob si heersere ah loogu soo dhaweeyey.
A/rizak koronto
garowe puntland
Agoosto 10, 2006: Madaxwaynaha Puntland Gen.
Cade Muuse ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyay degmada goldogob oo ka
tirsangobalka mudug, socdaalka madaxwayanaha ayaa ku soo beegamay xili ay
isbalaarinayaa midowga maxkamadaha oo sheegay in ay tagayaan meeshii looga yeero
isla mar,ahaantaana shiikh xasan daahir awayas uu shegay in aysan galkacyo ka
mid ahyn maamulka puntland ayna tagi doonaa hadii looga yeero maxkamadaha.
Gen: cade muuse oo hadalkaas ka jawaabay ayaa
yiri anaga waxaa nala yiraahdaa puntland cidii isku dayda in ay amaankayaga
galiso khalkhal ayada ayaa ku jabi doonta waxa uu sheegay madaxwayne cade muuse
in puntland ay tahay amaan leedahayna maxkamad dastuuri ah islamar ahaantaan
aysan dadka reer puntland doonayn in amaankooda lagu sameeyo khalkhal cidii isku
dayda in nabada puntladn ku samaysa carqaladna ay tusi doonaan waajibaadkooda.
Waftiga madaxwaynaha puntladn Gen:cade muuse
uu ku tagay magaalada goldogob ayaa waxaa ku weheliya xubno ka tirsan golaha
wasiirada Puntland agaasimayaal iyo saraakiilsha aamaanka.
Sidoo kale cade muuse inta uu joogo magaalada
goldagob ayaa lagu wadaa in uu xaliyo khilaafka soo kala dhexgalay golaha
deegaanka degamadaas oo tan iyo markii la doortay ka bixi waayay isqabqabsi iyo
khilaaf dhexdooda ah.
Socdaalka cade muuse ayaa siwayn loo hadal
hayaa isaga oo ku soo beegmay xili midowga maxkamaduhu ay si wayn ula wareegeen
maamulkii degmada baladweyn oo 300km waqoyiga ka xigata magaalada caasimada ah
ee somalia muqdisho iyaga oo kula wareegay magaaladaasi dagaal socday
qadar daqiiqada ah dagaal aan dhiig ku daadan.
Galkacyo: magaalada galkacyo ee xarunta gobalka
mudug ayaa laga daremayaa dhaqdhaqaaq xoogan.
Agoosto 10, 2006: Magaaalda galkacyo oo ka mid
ah maamul gobaleedaka puntland ah na xarunta gobalka mudug oo 600km dhanka
waqooyi ka xigta magaaladax caasimada soomalia ee muqdisho ayaa laga dareemayaa
dhaqdhaqaaq ciidan kadib markii ay ku soo siqeen maal mihii ugu danbaysay
maleeshiyaadka midowga maxkamadaha ee fadhigoodu yahay magaalada muqdisho.
Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa yimid xili ay
magaaladasi ku jirto ganacsi kii ugu sareeyay ganacsiga magaalada galkacyo ayaa
xudun u ah bariga iyo galbeedka iyo koonfurta somalia kuwaasoo dhamanba
wadooyinka ka soo gala dhan walba ay sababtay in magaaladaasi ay sare u kacdo
dhanka dhaqaalaha 10kii sano ee ugu danbeeyay.
Magaalada galkacyo oo ah xarunta gobalka mudug
ayaa waxaa ku dhaqan dad kabadan nusmalyuun oo kala ah qabiilooyin kala duwan
waana magaalo soo kobcaysan dhan walba marka laga eego.
Galkacyo hada waxaa soo food saartay cabsi
dagaal waxaan maaalmihii ugu danbeeyay magaaladaasi ku sii ququlayay ciidamaa
daraawiishda DGPL. iyo ciidamada loo yaqaan dhafoorka puntland oo aad u
hubaysan una xoogan.
Magaalada godogab oo ka mid ah degmooyinka
dagaalkani saamaynta ku yeelan doono hadii uu dagaal ka dhaco gabalkaasi mudug
mar uu maanta ka hadalyaya madaxwayanah Puntland oo booqasho hada kumaraya
degmadaasi goldogob ayaa cadeeyaya mowqifkiisa ku aadan dagaalka waxana uu
sheegay in hadii la isku dayo in nabada puntland la galiyo khalkhal iyo cawaaqib
kala kulmi doonaan kooxaha dhulbalaarsiga wada ee reer muqdisho iyaga ooo hadaba
shaati nooc ah isku bedbedeliay mana naqaano ayuu yiri kooxo diiin ku gabanaya
dadkana laynaya kooxahanai waxay tabar kawadaan allqacida waxayna la
kulmidoonaan iska caabin iyo dagaal kharaar cade muuse oo hadalkiisu u dhacayay
maxkamadaha ayaa yiri nin aan dagaal aqoon ayay u daran tahay iyaga oo aan
dhalan ayaan dagaalamayay hada dagaalku wuu la macaanyahay balse wuu la
kharaaraan doonaa wayna ka shalaayi doonaan waxa ay ka soo jiryaan Puntland.
Nin kii xaqdara wada waa ninka ka soo duulay
600km oo ah muqdisho waana naqaanaa kooxahan waa dhuldoon wayna ka shalaayi
doonaan ayuu maanta yiri madaxwaynah puntland oo ka hadlayaya shir uu ku qabtay
magalada goldagob oo ka mid ah degmooyinka hoos yimaada maamul gobaleedka
puntland.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2006
(Aug 7, 2006)
DHEGEYSO:
Hadalkii uu Jeediyey Geeddi
Codbixintii Baarlamaanka Kaddib.... (July 30, 2006)
DHEGEYSO:
Doodii
Baarlamaanka ee Kalsoonida Ra'iisul wasaaraha ee July 30, 2006
Roobow “Geeddi uma
suurageli doonto in saaxiibadeyn caddow nooga dhigo”
»Kulan
ay xalay wada yeesheen C/lahi, Shariifka iyo Geedi..
»Wasiirka
arrimaha Dibadda ee Kenya oo ku soo fool leh..
»Sheekh
Shariif “Waxaa jira dad u adeegaya shisheeyaha..
»Banaanbax
looga soo horjeedo in Maxaakiimtu Galaan..
»Garowe:
ururka counterparty international ayaa ugu deeqay
»Dhoollatus
uu sameeyay ciidanka xoreynta ee Cirjiidh...
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... GUJI... Aug 9
»Qoraal
ka soo baxay Xisbiga Ramaas Political Party...
|