ICG: Cabdullaahi Yuusuf ha kala diro Xukuumadda
jirta, Casumaadna ha u fidiyo Hogaamiye Sare oo ka tirsan Beesha Hawiye oo soo
dhisa Xukuumad Qaranka Midaysa oo lagu soo dhisayo la tashiga Maxkamadaha
Islaamiga...
- "Si shuruud la'aan ah ha loo bilaabo
wadahadalkii DFKMG & Maxkamadaha Islaamiga. Golah ammaanka Qaramada
midoobeyna ha isku dayo dhexdhexaadin DFKMG iyo Maxkamadaha Islaamiga ah, iyo samayn
dowlad qaranka mideysa" ICG
Ururka ICG (International Crisis Group)
oo Khamiis Agoosto 10, 2006 magaalooyinka Nairobi iyo Brussels ka soo saaray
qoraal dheer oo ka kooban 36 baal kuna saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay
in dalka Soomaaliya uu dagaal kusii siqaayey ilaa markii la doortay dowladda
Federaalka Kumeelgaarka ah sannadkii 2004. Waxana qoraalku sheegay in arrintaasi
ay dardar sii gashay dhowaanahan, taas oo ah, ayey yiraahdeen, is hor fadhiga
DFKMG iyo Itoobiya oo isku dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah Maxkamadaha
Islaamiga ee hadda xakuma Muqdisho.
Qoraalka ICG waxa uu si toos ah ula hadlay
Madaxweynaha Soomaaliya, Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ah, Maxaakiimta
Islaamiga ah, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, Dowladaha Itoobiya &
Eritrea, Midowga Afrika, IGAD iyo
dowlada
Maraykanka. Qodabada qoraarlka lagu soo koobay ay SomaliTalk.com soo tarjumteyna
waa kuwan:
Ku Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ee Dowladda
Federaalka ee kumeelgaarka ah:
1. Kala-dir dowladda hadda jirta, isla mar
ahaan-taasna casumaad u fidi hogaamiye sare oo ka tirsan beesha Hawiye si uu u
soo dhiso dowlad qaran mideeye ah oo lagu soo dhisayo wadaxaajoodka
Maxkamadaha Islaamiga ah.
Ku Dowladda Federaalka Kumeelgaalka ah:
2. Si shuruud la'aan ah u aqbal dib u bilaabida
wadahadalkii maxkamadaha sida ugu dhaqsaha badan
3. Ogolow in dib loo eego (wax looga bedelo)
qorshaha qaranka ee nabad xasilinta, oo uu ku jiro qorshe kasta oo la xiriira
keenista ciidamo shisheeye ayadoo lala xaajoonayo maxkamadaha Islaamiga
Ku Maxkamadaha Islaamiga:
4. Si shuruud la'aan ku aqbal wadahadalka Dowladda
Federaalka kumeelgaarka
5. Ku dhawaaq in si kumeelgaar ah mudada
wadaxaajoodka aydin maxkamado cusub ka hirgelineyn meelaha aysan weli ka jirin
6. Xaqiiji tixgelinta wadajirka dhulkeed
Itoobiya
7. Markale xaqiiji ballantii ahayd la
dagaalanka argaggaxisada, casumaad rasmi ahna u dir Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobey si ay baaritaan ugu sameeyeen inay argaggaxiso caalami ah joogto iyo in
kale dhulka
ay ka taliyaan maxkamaduhu
Ku Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey:
8. Si xoogan u dalab joojinta faragelinta ay
wadamada shisheeye ku hayaan Soomaaliya, isla mar ahantaasna qadarin sii
cunaqabatayntii hubka
9. Weydii Xoghayaha Guud, ayadoo la sii marayo
wakiilkiisa gaarka ah, in uu qaado tallaabo ah xallinta mashaakilka, ayadoo:
(a) si dhow loola shaqaynaya dalalka xubanaha ah
iyo hay'adaha caalamiga ee danaha ka leh, lehna khibarada, oo ay ka mid yihiin
IGAD, Midowga Carabta & guddoomiyahooda, Sudan, Midowga Afrika, iyo sidoo kale
wadamada Contact Group (U.S., European Union, Italy, Sweden, UK, Tanzania
iyo Norway), iyo
(b) isku day dhexdhexaadin DFKMG iyo Maxkamadaha Islaamiga ah, iyo samayn
dowlad qaranka mideysa
10. U diyaar garow abuurid hab lagu
taageerayo isku dayga lagu asaasayo dowlad mideysa qaranka ayadoo haddii loo
baahdo la ganaaxayo carqaladeeyayaasha
11. Weydii ururuka la dagaalanka argaggaxisada
& Al-Qaeda in ay radiyaan wada shaqaynta Maxkamadaha Islaamiga iyo DFKMG arrinta
ku saabsan baaritaanka lagu samaynayo in argagaxiso calami ah joogto Soomaaliya
iyo in kale.
Ku Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea:
12. Joojiya dhammaan faragelinta militari ee
Soomaaliya iyo hadalada nin-tooxsiga ee ka badbadinta ah ee ku saabsan xaaladda
halkaas ka jirta
Ku Midowga Afrika iyo wadamada xubnaha ka
ah IGAD
13. Joojiya
qorshaha la xiriira hawlgalada daabulaada taageerista nabada taas oo ku
xiriirsan heshiiska u dhexeeya DFKMG iyo Maxkamadaha islaamiga
Ku dowlada
Maraykanka
14. Taageer
isku dayga dublamasiyadeed ee lagu fududaynayo dowalda qaranka (Soomaaliya)
midaysa ayadoo lala shaqaynayo qaybaha kala duwan ee Comtact Group, oo ay la
jiraan dowladaha furaha ah iyo hay'adaha caalamiga ah, dhammaadkana soo magacaw
dublamaasi sare oo ah ergey khaas ah oo leh awooda ku haboon ee dhexdhexaadineed.
Qoraalkaas
Halkan ka akhri
(Pdf) ama qoraalka oo ah WORD
ka akhri halkan)
Tarjumadii: SomaliTalk.com | ISHA:
Qoraalkii ICG ay ka soo saareen
Nairobi/Brussels, 10 August 2006.
MA DEGGAN TAHAY
MINNESOTA, SABTIDA HA MOOGAAN XAFLADDA WANQAL BUUG CUSUB.. XAGGEE... GUJI...

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2006
(Aug 7, 2006)
DHEGEYSO:
Hadalkii uu Jeediyey Geeddi
Codbixintii Baarlamaanka Kaddib.... (July 30, 2006)
DHEGEYSO:
Doodii
Baarlamaanka ee Kalsoonida Ra'iisul wasaaraha ee July 30, 2006
|