SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: AUg 12, 2006

  • Shir ay isugu yimaadeen Beesha Daarood ee ku Dhaqan Magaaladda
  • Cadde Muuse iyo Cabdi Qaybdiid oo kulan ku yeeshey..
  • Banaanbax looga soo horjeedo Yahuuda oo ka dhacay Muqdisho..
  • Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Putland ay ka codsadeen…
  • Sida ay beelahu u qaybsadeen wasaaradaha Dowlada Federaalka .
  • C/qaadir Walaayo oo xarigiisii ku tilmaamay Mid Xadgudub ah..
  • Ciidamo ka socda maamulka Somaliland oo dhaqdhaqaaq ka bilaabey Deegaanka..
  • Galkacyo: shirjaraaid uu maanta (Aug 11) ku qabtay madaxwayne cade muuse...



Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Putland ay ka codsadeen…

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah Guddoomiyaha Golaha Shuruurada ee Maxaakiimta Islaamiga ah oo haatan ku sugan deegaanka Gelinsoor ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in uu codsi uga yimid maamul Gobaleedka Puntland kaaso ah in wixii khilaaf ah ee jira lagu dhameeyo wada hada.

“Waan ka aqbalnay in wadahadal lagu dhameeyo wixii khilaafaad ah ee jira” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo intaa raaciyay “waxaan ku soconaa rabitaanka shacabka ee waxaa noo yeeray shacabka ku dhaqan Koonfurta Gaalkacyo oo iyagu mudooyinkaanba ku jiray dhibaato. “Puntlnad ma dooneyso in Koonfurta Gaalkacyo laga bixiyo dhibaata ee waxcay dooneysaa in ay weligeed ku sii jirto” ayuu yiri Sheekh Xasan oo sheegay in degmadii ma gobalkii u yeera ay si dhaqsi leh u gaari doonaan sidii halkaasi looga furo maxkamad islaami ah.

Maamul Gobaleedka Punntland ayaa iyagu walaac ka muujiyay Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee ku soo siqaya Magaalada Gaalkacyo, waxayna sheegeen in ay iska difaaci doonaan ciidamadaasi haddii ay ku soo xadgudbaan Deegaanada Maamul Gobaleedka Puntland, waxaana haatan Magaalada Gaalkacyo la soo dhoobay ciidamo aad u fara badan oo laga keenay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe. {Hoos ka akhri Madaxweyne Cadde Muuse oo shir jara'id qabtay]

Shir ay isugu yimaadeen Beesha Daarood ee ku Dhaqan Magaaladda

Shirkan oo uu soo abaabay, isla markaasna uu shir guddoominayay Ugaaska Beesha Sadde ahna Afayeenka Salaadiinta Beelaha Daarood, ayna kasoo qeyb galeen 40 qofood oo isugu jira oday dhaqameedyada, culima’udiinka, aqoonyahanada iyo saraakiisha ku abtirsada beelaha Daaroodwaxaa si qodda dheer looga dooday xaaladda uu dalku marayo. Isbadalkii ka dhacay magaaladda muqdisho iyo arimo kale, falanqeyn dheer kadib waxaa ka soo baxay afar qodob:--

1. Beesha Daarood waxay soo dhoweysay isbadalkii ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasoo durba la dareemay nabad galyadiisa, daganaashihiisa iyo horumarkiisa.-

2. Beeshu waxay si buuxda u taageertay baaqii ka soo yeerey Guddoomiyaha Middowga Maxaakimta Sh. Shariif Sh. Axmed ee ku saaabsanaa hanti isu celinta, waxayna beeshu u aragtaa baaqaas talaabo loo qaaday dhinaca wanaagsan, taasoo horseedi karta dib u heshiisiintii mudda dheer la raadinayay, Isla markaana waxay fura u noqon kartaa dib u soo celintii qarnimadii ummadda somaliyeed.-

3. sidoo kale beeshu waxay baaq u soo jeedisay dowladda KMG iyo Maxaakimta Islaamiga ah inay u istaagaan sidii ay uga badbaadi lahayd ummaddu dagaal sokeeye oo mar kale ka qarxa Soomaaliya, waxayna dowladda si gooniya uga codsadeen inay citiraafto soona dhoweeyaan isbadalkii wanaagsanaa ee ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasoo ay horseed ka ahaayeen Maxaakimta Islaamiga ah.-

4. beeshu waxay dooratay guddi ka kooban 11 xubnood, guddi gani wuxuu u adeegi doonaa danaha guud ee beesha daarood, gaar ahaan Golobka Banaadir, guddigani wuxuu beesha ku matali doonaan wax kasta oo waafaqsan shareecadda Islaamka iyo caqliga saliimka ah.-

Cadde Muuse iyo Cabdi Qaybdiid oo kulan ku yeeshey..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo waxay sheegayaan in Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Cadde Muuse iyo Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ay kulan ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa la sheegay in markii hore ay isku arkeen degmada Goldogob halkaas oo uu Cabdi Qaybdiid ku uruurinayo ciidamo la sheegay in la doonayo in laga horgeeyo Golaha Maxaakiimta oo iyagu ku soo siqaya ama ku soo dhawaanaha magaalada Gaalakcyo. Kulanka dame ee ka dhacay magaalada Gaalkcyo ayaa la sheegay in uu albabaadu u xirnaayeen, balse warar ayaa waxay sheegayaan in labadooda uu ay isla soo qaadeen sidii looga hortagi lahaa Maxaakiimta islaamiga ah, iyadoo Cabdi Qaybdiid uu ka codsaday maamulka Puntland inay ka taageeraan dhinaca hubka iyo saanadda.

Cadde Muuse ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa ay iska difaaci doonaan Maxaakiimta Islaamiga ah, isagoo sheegay in Maxaakiimta islaamiga ah ay u socdaan sidii ay nabadgelyo xumo uga abuuri lahaayeen Gobalada Puntland oo uu sheegay in ay haatan xasiloon yihiin.

Banaanbax looga soo horjeedo Yahuuda oo ka dhacay Muqdisho..

Maalintii shalay ahayd ayaa banaanbax aad u balaaran oo si aad ah loo soo agaasimay waxa uu ka dhacay Fagaaraha Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, waxaana banana-baxaasi soo abaabulay Golaha Maxaakiimta, waxaana looga soo horjeeday Falalka ay Yahuudu ka wado bariga dhex gaar ahaan wadamada Lubnaan iyo Falastiin.

Banaanbaxaani ayaa dadkii ka qaybgalay waxay ku dhawaaqayeen ereyo looga soo horjeeday Yuhuuda iyo waliba Dowladda Itoobiya, waxaana ereyadaasi ka mid ahaa “Waa boqol Yuhuudiye rag baa biirinaya ee barqo laguma gaareyn”, waxyana dadweynihii banaanbaxayey ay halkaasi ku gubeen calanka Yuhuuda iyo Itoobiya, waxaana xubnihii halkaasi ka hadlay ka mid ahaa Sheekh Shariif oo ah Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah, waxa uuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay si aad ah uga soo horjeedaan dhibaatada lagu hayo shucuubta Falastiin iyo Lubnaan, waxaa kaloo halkaasi gabayo iyo shirabyo ka soo jeediyay Abwaan Sheekh Abshir Nuur Faarax (Bacadle).

Sida ay beelahu u qaybsadeen wasaaradaha Dowlada Federaalka .

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ah Dowladda Federaalka ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare uu durbadiiba uu u gudbiyay Madaxweynaha sida wasaaradaha loogu qaybiyay Beelaha.

Afarta beelood ee waaweyn waxay heleen min Todobo wasaaradood, haddii aan soo qaadano Beelaha Hawiye oo kala ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Howlaha Guud, Waxbarashada, beeraha, Ganacsiga, macdanta iyo biyaha io shaqada iyo shaqaalaha, Beesha Daarood waxaa iyagan ku soo hagaagay, Wasaradda Gaashaandhiga, Warfaafinta, kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Batroolka iyo Tamarta, Boostada iyo Isgaarsiinta, iyo dib u dhiska iyo dib u dejinta.

Beesha Direed waxaa ku soo hagaagay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda beeraha, Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, iyo Wasaaradda Warshadaha iyo Aw-qaafta, Beelaha Digil iyo Mirifle waxaa iyana ku soo hagaagay Amniga Qaranka, Maaliyada, Garsoorka iyo Cadaalada, Gaadiidka Cirka iyo dhulka, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Xanaanada Xoolaha, iyo Hidaha iyo tacliinta Sare, beesha Shanaad waxaa ku soo haagaagay Wasaaradda Dalxiiska iyo Duurjoogta, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, iyo Wasaaradda maareeynta aafooyinka, maanta ayaana la filayaa in lagu dhawaaqo Dowladda Cali Max’ed Geeddi.

C/qaadir Walaayo oo xarigiisii ku tilmaamay Mid Xadgudub ah..

C/qaadir Maxamuud Walaayo oo ka mid ahaa raggii u tartamayay Guddoomiye ku xigeenada Gobalka Banaadir ayaa maalintii doraad ahayd asaga iyo musharax kale oo lagu magacaabo Cali Cadde ciidamo ka tirsan Maxaakiimta ay ka wateen Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqadisho.

C/qaadir Walaayo ayaa waxa uu sheegay in lagu xiray xabsi ku yaala deegaanka Dayniile, isagoo ku tilmaamay xarigaasi mid xadgudub ku ah oo uu sheegay in uu ku dhacay hubsiimo la’aan.

“Waxaa la igu xiray qol cariiri ah oo ay nadaafaddiisu aad u xun tahay, isla markaana qof Bini’aadam uusan u qalmin in lagu xiro” ayuu yiri C/qaadir Walaayo. Walaayo waa saxafi rug cadaa ah oo mudo ku soo dhex jiray saxaafadda, isla markaana waxa uu ahaa raggii sida aadka ah u taageersanaa kacdoonkii shacbiga ee Maxaakiimtu horkacayeen, waxaana xarigiisa cambaareeyay Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha iyo Ururada Saxaafadda.

Ciidamo ka socda maamulka Somaliland oo dhaqdhaqaaq ka bilaabey Deegaanka..

Warar aanu ka helany Deegaana Laascaanood waxay sheegayaan in ciidamadii isku horfadhiyay deegaanka Ari-Caddeeye ee magaalada Laascaanood kana kala tirsnaa maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa la sheegay in ciidamadii ka socday maamulka Somaliland ay bilaabeen dhaqdhaqaaq xoogan kaddib markii ciidamadii ka socday Puntland xoogoodii halkaasi laga soo saaray loona soo dhaqaajiyay dhinaca degmada Gaalkacyo oo looa cabsi qabo in ay soo gaaraan ciidamo ka socda golaha Maxaakiimta. Maamulka Somaliland ayaa haatan u muuqda mid uu ku furmay labo aak, iyadoo ciidamada isku hor fadhiyay deegaanka Ari-Caddeeye uu dhowr jeer dhex maray isku dhacyo kaas oo ay ku dhinteen dhowr qofood. Dhaqdhaqaaqa ay sameenayaan ciidamada Somaliland ayaa walwal iyo walbahaar waxa uu ku abuuray maamulka Puntland. Dhinaca kale waxaa maalintii shalay ahayd magaalada Laascaanood looga dhawaaqay maxkamd Islaam ah, waxaana maxkamaddaasi guddoomiye looga dhigay Sheekh C/qani Maxamuud Caalin, waxayna sheegeen Culuma’udiinku in maxkamaddaani ay tahay mid ku timid rabitaanka shacabka ku nool magaalda Laascaanood.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com

Galkacyo: shirjaraaid uu maanta (Aug 11) ku qabtay madaxwayne cade muuse oo kaga hadlay xooga ciidankiisa in uu aaad ugu kalsoonyahay.

A/rizak koronto
Garowe puntland

Madaxwayanah DGPL Gen: cade muuse ayaa ku soo laabta magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ka dib socdaal qaatay maalmo oo uu ku tagay magaalada galdogob.

madaxwayne cade muuse oo shirjaraaid ku qabtay magaalada gaalkacyo markii uu soogaaray ayaa ka hadlay kalsoonida uu ku qabo ciidankiisa oo aad ugu sii qul qulayay maal mihiii ugu danbeeyay magaaladaasi gaalkacyo una diyaar garoobay dagaal kaga yimaada dhanka maxkamadaha.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland inay joojiyaan ciidamo aruurin , wuxuu intaasi raaciyay shacabka Puntland markii loo baahdo inay diyaar garoobaan.

Shacabka Puntland canshuurta ayaad bixisaan, dalkiinna ayaad dakhli soo galisaan , marka waa in la idin difaaco" ayuu yiri madaxwaynaha Puntland, oo sheegay in illaa Boosaaso dadku ay ciidamo ka abaabulayaan taasna aan loo baahnayn.

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in qabiil duullaan kusoo yahay , asagoo sheegay in qabiilna uusan qabiil ka adkaan karin, xoogna ku qabsan karin .


Wuxuu xusay in 15 maalmood uu arimo milatari Gaalkacyo u joogay, iyo guud ahaan gobalka mudug haddana ay meel fiican u marayaan arimaha kusaabsan difaaca dalka.

" Dadka ku haya dad baan musliminaynaa , hajoojiyaan arintaasi, anagu Islaamnimada waligeen waan soo haysannay" ayuu yiri Cadde Muuse haday iyaga maanta ku cusubta muslinimadu anaga naguma cusba diinta islaamka waxaan haysanay iyga oo aan haysan haday hada barteen waana ka badinaa ku dhaqanka diinta islaamka iyo shareecada.

Ciddii gude iyo dibad Puntland kaga soo duusha ayuu sheegay inay Puntland u diyaar garoowday , gacan adagna ku qaban doonto aynan iska caabinayso cidkasta oo ku soo xadgudubda ciida puntland oo ah goob amaan ah cid walbana ay ku nabad galayso ilaa iyo 15 kii sano ee somalaia dagaalku ka taagnaa puntland waxay ahayd goobta kaliya ee dadku ku soo jabay kuna amaanka galay, hada cidii iskau dayda in ay khal khal galiso amaanka iyo nabada puntland waxay la kulmi doontaaa cawaqib xun iyaga ayaana ka mas'uul ah wixii dhib ah ee ay puntladnkula soo gal gashaan.

" haatan waxan u soo jeesannay inaan dalka dhisanno, tacliinta sare u qaadno nabaddana xoojino"hada waxaan joognaa guul dhan walba ah oo aaan ka gaarnay dhanka amaanka iyo hormarka dadka iyo dalka ayuu yiri madaxwayne Cadde.

16kiisano ee somalia burbursanayd waxan anagu dhisanaynay amaankayaga iyo hormarkayaga cidii hada tacabkayagii 16 sano aha ahada duulaan ku soo noqotana oo damacda in ay khalkhal galiso iyada ayaa cawaaqib xun kala kulmi doonto waana iska difaacaynaa angu cidna duulaan kuma nihin balse cidii na soo weerarta waan iska difaacaynaa.

Mar wax laga waydiiyay xiriirka ka dhexeeya koonfur Mudug iyo Puntland ayuu sheegay in mar la arko ay xiriir joogto ah leeyihiin , isla markaana iskaashigoodu uu joogto yahay kana shaqeeyaan dhanka hormarka iyo wanaaga loona baahan yahay in la sii xojiyo.

Mar wax laga waydiiyay in ciidanka Puntland ay ka bexeen xudduuddooda ayuu sheegay inay kusugan yihiin goobihii ay horay ujoogi jireen,wuxuuna raaciyay in dhinaca koonfureed ciidamadeedana inay wada shaqayn leeyihiin difac adagna ay ku jiraaniyo hegan kii ugu sareeyay.

" Anaku wax aysan koonfur ogayn marnaba ku tallaabsan mayno" ayuu yiri madaxwaynaha oo la waydiiy in maamulka koonfur Gaalkacyo uu la socdo hawlgalladooda.

Mar wax laga waydiiyay inay maxkamadaha xiriir la sameeyeen iyo in kale wuxuu sheegay in maxkamadaha ay rag qaarkood kawada xiriireen , islana soo qaadeen xasiloonida dalka, hase ahaatee wuxuu sheegay in wada hadalladu aysan badnayn.

Waxaa ugu danbayntii la waydiiyay Md: Cadde sida uu xaaladda ka filayo, wuxuuna sheegay in Puntland ay mar walba ay nabadda diyaar u tahay , haddii la soo weerarona ay is difaacayso , ayadoo kaalmo ka helaysa , shacabkeeda, culimadeeda iyo qaybaha kalada duwan ee bulshada puntland waxana uu intaa ku daray in amaanka puntland uu yahay mid aad u sareeya cidii ku soo xadgudubtana ay siinayaan cashar lama ilaawaan ah.

Galdogob: wafdigii madaxwaynaha puntland Gen: cade muuse oo soo gabagabeeyay socdaalkii uu ku tagay galdogob kuna soo laabta galkacyo.

Wafdigii uu hogaaminayay madaxwaynaa DGPl Gen: cade muuse uu ku tagay magaalada goldogab ayaa soo gaba gabeeyay socdaalkii ay ku tageen magaaladaasi galdogob waxana ay hada  ku sugan yihiin wafdigii madaxwayne cade muuse magaalda galkacyo ee xarunta gobalka mudug.

Wafdigii madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntand ee uu hogaaminayay madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Cadde Muuse ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo.

Wafdigan oo qorshohoodu ahaa inay maalmo sii joogaan Goldogob ayaa soo gaabiyay socdaakooda kadib markii ay sheegeen in xaaladda Gaalkacyo doonayaan inay il gaara ku eegaan

Wafdigan markii ay tageen magaalada Goldogob waxay dhagaysteen dhinacyada kala duwan ee maamullada iyo bulshada magaalada Goldogob oo madaxwaynaha siinayay warbixinno isugu jira cabashooyin iyo codsiyo la xiriira sida ay wax u doonayaan.

Saxafi ka hawl gala Idaacadda Goldogob oo lagu magacaabo Jibriil Xaashi ayaa  sheegay in madaxwaynaha uu la kulmay guddoomiyaha Goldogob ee la doortay iyo maamulka golaha deegaanka.

Waxaa uu sheegay in dhinacyada kala duwanba madaxwaynuhu uu ka codsaday inaan loo baahnayn khilaaf iyo is jiid jiid , ee loo baahan yahay in maamul buuxa looga dhawaaqo Goldogob.

Waxaa la isku afgartay in afar xubnood oo maamulka degmada kamid ah ay madaxwaynaha Garoowe ugu tagaan , isla markaana ay soo afjaraan muranka golaha deegaanka ee jira.

Waxaa la filayaa in guddoomiyaha degmada ee uu magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug Dhuubane inuu xilka wareejiyo, sidaasina lagu hawl galiyo golihii deegaanka ee horay u jiray.

Magaalada Goldogob ayaa bishii ugu danbaysay bartanka uga jirtay xiisad kusaabsan golaha deegaanka, ayadoo lagu murmay maamul looga dhawaaqay Goldogob.

Madaxwyaaha intii uu ku sugnaa magaalada galdogob waxaa uu cadeeyay mowqifkiisa ku aadan midowga maxkamadaha isaga oo sheegay in maxkamaduhu ay wadaan dhul balaarsi islamarkaana aysan indha ka qabsan doonin waxa ay wadaan maxkamaduhu.

Cade muuse ayaa heegan galiyay ciidamadiisa daraawiishta iyo dhafoorka tan iyo wixii ka danbeeyay in maxkamaduhu ay la wareegeen maamulkii degmada baladwayne  ee  xarunta gobalka hiiraan.

Waxaa hada laga cabsi qabaa in dagaal kharaar uu dhexmaro puntland iyo maxkamadaha kaasi oo horseedi kara dagaal sokeeyay.

Adis Ababa: Janaraal Ethiopian ah ayaa u baxsadey dalka  eritrae oo ethiopia xuduud laleh dagaalan ka dhexeeyo xaga xuduuda ah.

Janaraal Ethiopian ayaa u baxsadey dalka  eritrea oo ethiopia xuduud laleh dagaal xoogana  ka dhexeeyo oo ku saabsan  xaga xuduuda ah Jeneraal Kemal iminka waxa uu joogaa waddanka Eritrea isaga iyo hal cornel iyo ciidan garay 150 askari oo  Jeneraalka ku weheliyaya  baxsashadaas uu u baxsaday dhanka eritrea maahan markii ugu horaysay  oo ciidmado ethiopian ah ay u baxsadaan dalkaasi eritrea.

Telefeshanka Ethiopia waxa uu Jeneral Kemal ku eedeeyey inuu yahey nin abuuraayey khilaafaad oo colaad dhex-dhigayey dadweynaha, isla-markaana ku jirey hawlo sharci-darro ah.

Ethiopia iyo Eritrea waxa dagaal ku dhexmarey xuduudda labada dal, kaasoo dhamaadey sanadkii 2002dii, laakiin Ethiopia ciidankeeda kama aysan bixin gobolka Badme oo dhex-dhexaadiyaashu ay siiyeen Eritrea.

Tan iyo waagaas, xiriirka labada dal ma wanaagsaneyn oo xiisad ayaa weli u dhaxeysa, waxana weli xuduudda ku teedsan kumannaan askarta ka tirsan labada dal.

Jeneraal Kemal waxa uu mar hogaaminayey ciidanka Ethiopia qeybtiisa 18aad.

Warar la rumeyn karo ayaa sheegey in Jeneraal Kemal ay la baxsadeen oo Eritrea ay u raaceen hal Korneel iyo ciidamo tiradoodu tahey 150 asakri.

 A/rizak koronto
Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 12, 2006

Roobow “Geeddi uma suurageli doonto in saaxiibadeyn caddow nooga dhigo”
»Kulan ay xalay wada yeesheen C/lahi, Shariifka iyo Geedi..
»Wasiirka arrimaha Dibadda ee Kenya oo ku soo fool leh..
»Sheekh Shariif “Waxaa jira dad u adeegaya shisheeyaha..
»Banaanbax looga soo horjeedo in Maxaakiimtu Galaan..
»Garowe: ururka counterparty international ayaa ugu deeqay
»Dhoollatus uu sameeyay ciidanka xoreynta ee Cirjiidh...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI... Aug 9

»Qoraal ka soo baxay Xisbiga Ramaas Political Party...

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD