Duqa
magaalada Aarhus oo la shiray ururka Jaaliyada Soomalida Danmark.

Shir maanta (12/8/06) oo sabti ah ka
dhacay xaruunta ururrada brabrand ee magaalada Aarhus, oo uu ka soo qayb
galay duqa magaalada Aarhus oo ah magaalo madaxda labaad ee Danmark.
Nicolej warmen, ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Gudoomiya Ururka
Somali Community in Danmark C/rashiid SH. Maxmuud (siyaasi) shirkaan oo
ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa waxaa looga wada hadlay arimo
badan oo ay ka mid ahayd howsha Somali Community ay ka qabato Danmark
iyo weliba arimo kale oo quseeya Soomaliya.
Ururka Somali Community ayaa soo
bandhigay howlaha kala duwan oo ay u qabtaan mujtamaca Soomaalida gaar
ahaan kuwa magaalada Aarhus, ayaa waxaa ka mid ahaa bandhigooda Mashruuc
cusub oo ay hirgeliyeen howl wadeenada Somali Community, mashruucaan oo
layiraahdo Somalihoajskole, oo loogu talagalay hooyooyinka iyo caruurta
soomalida in ay ka faa,idaystaan weekend-yada, waxaa kaloo kamid ahaa
mashruuca Shaqo, cayaaraha, waxbarashada Iwm.
Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen howl
wadeenada guud ee ururka iyo Somalida degan Magaalad Aarhus,ayaa waxaa
sidoo kale lagu soo bandhigay isbedelka shaqo ee Soomalida Afartii
bilood ee ugu danbeeysay, warbixintaan oo ay soo bandhigeen Mulki C/samad
Xaji xuseen Iyo Abshir X, Shiikhdoon (Gaalkacyo), kadib markii ay
dhamaatay warbixintii Ururka Somali Community ayaa waxaa halkaas ka
hadlay Duqa Magaalada Aarhus NicolajWarmen oo isagu sheegay in uu aad
ugu faraxsan yahay isbedelka Soomalida iyo horumarka ay gaareen, waxaa
uu si xeel dheer uga hadlay yoolka la tiigsanayo iyo in loo baahan yahay
wada shaqayn dhab ah, waxaa uu ku amaanay ururka Somali Community iyo
laamaheeda hoosyimaada shaqada ay qabteen, Nicolaj Warmen ayaa balan
qaaday in uu garab istaagayo ururka Somali Community iyo Soomaalidaba.
Gabagabadii ayaa waxaa si furan laysku weydaarsaday su’aalo iyo jawaabo.
Shirkaan ayaa waxaa ka horeeyay
shirarkale oo uu Ururka Somali Community soo qaban qaabiyay kaas oo ay
ka soo qayb galeen poliska, iyo masuuliyiin kale oo Dowlada Danmark ka
socday. Siddoo kale waxaa uu Ururka Somali Community sahlay in ay wada
kulmaan Wafdigii DKMG ee uu horsocday Xildhibaan C/rashiid Ciro iyo
madaxda magaaladan Aarhus oo uu hor kacayay Duqa magaalada Aarhus
Nicolaj Warmen.
Sikastaba waxaa Ururka uu ku balamay in
wada shaqaynta iyo da’daalka laga sii wado meesheeda.
Somali Community in Danmark
Xiriiriyaha ururka.
Abdi Maxmuud Faarax
Macaane75@hotmail.com
Dowladda
Uganda oo Muuse Suudi , Bashiir Raage ku xareysey Xero..
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Sida uu noo sheegay Weriyaheen Faarax
Max’ed Cali (Faarax Blue) oo ku sugan dalka Uganda, waxaa xero Milatari
oo ku taala duleedka dalka Uganda la geeyay Muuse Suudi Yalaxow, Bashiir
Raage Shiraar iyo C/qaadir Beebe oo dhawaan soo gaaray Dalka Unganda.
Raggaan oo ay Dowladda Uganda si weyn u
ilaalineyso ayaa waxaa loo diiday inay sameeyaan wax dhaqdhaqaaq ah,
warar ayaa waxay sheegayaan in Muuse Suudi Bashiir Raage iyo C/qaadir
Beebe ay codsadeen in loo qaado Dalka Itoobiya, waxaana la sheegay in
Dowladda Uganda ay ka fiirsaneyso codsigaasi iyadoo shir ay kal hore
yeesheen Wadamada IGAD ay ku go’aamiyeen in aan wax martigelin ah loo
sameyn Karin xubnihii ka mid ahaa Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada
kaddib markii IGAD u aqoonsatay dambiilayaal dagaal.
Xubnahaan ayaa mudo ku sugnaa magaalada
Bunya oo u dhexeysa Xuduuda kala qaybisa wadamada Uganda iyo Koongada
Dimiquraadigaa.
Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay
Maxkamada loogu Magacdarey Hanti isu celinta..
Shacabka Soomaaliyeed guud ahaantiis
ayaa si weyn u soo dhaweeyay golaha Maxaakiimta oo ku dhawaaqay in la
sameeyay maxkamad loogu magacdaray Maxkamadda isu celinta hantida la
kala haysto, ha noqoto mid shaqsiyeed ama mid qaran, waxayna ku
tilmaameen shacabka Soomaaliyeed mid sii xoojineysa nabadgelyada
magaalada Muqdisho.
“Aad baaan ugu faraxsanahay in
Maxaakiimtu sameeyaan Maxkamadaasi, waayo ayaa hantidoodii la haystay
16-sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo isugu jira Beero, Guryo, Gawaari
iyo wixii la mid ah” ayuuyiri Wiil dhallinyaro ah oo ku ganacsanayey
Suuqa Bakaaraha mar aan halkaasi kula kulannay.
“Gurigeygii aniga oo arkaya ayaa xoog
looga jiraa, hadiise maxkad haatan la sameeyay aad baan ugu faraxsanahay”
ayay tiri Hooyo Faadumo Cali oo dib ugu soo laabatay Muqdisho oo
dooneysa in ay ku noolaat gurigeeda oo ay ka maqneyd mudo 16 sano ah.
Maalmahan ayaa Maxaakiimta Islaamiga
qaarkood ee ka dhisan Degmooyinka Gobalka Banaadir waxa ay dib ugu
celinayeen dadkii guryaha laga haystay, iyadoo guryo fara badan oo ku
yaala deegaanka Buula Xuubey dib ay u hanteen dadkii lahaa markii
Maxaakiimta Islaamiga ah ay amreen in dib loogu celiyo dadkaasi
guryahooda.
Golaha Maxaakiimta oo laga codsaday in
ay wada hadal..
Maalintii shalay ahayd ayaa magaalada
Muqdisho waxaa soo gaaray toban xubnood oo isugu jira Xildhibaano,
Siyaasiyiin Ganacsato iyo culuama’udiin ka socday Dalka Kenya, waxaana
hogaaminayay Xildhibaan Bile Keerow, waxaa kalloo ka mid ahaa Sheekh
Max’ed Cabdi (Sheekh Umal), waxayna Magaalada Muqdisho u yimaadeen sidii
ay u eegi lahaayeen xaaladda magaalada iyo is bedelka ka dhacay, waxayna
shalay hotel Peace kulan kula yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Golaha
maxaakiimta oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga Fulinta Sheekh
Shariif Sheekh Axmed, waxayna isla soo qaadeen sidii loo sii xoojin
lahaa nabdgelyada magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale, waxay kaloo
isla soo qaadeen sidii Golaha Maxaakiimtu uga qayb-qaadan lahaayeen
Shirka Khartuum, isla markanaa ay wada hadal ula furi lahaayeen dowladda
Federaalka, isla markaana loo soo afjari lahaa khilaafka jira. Bile
Keerow wuxuu sheegay in shacabka Kenya ay aad ugu farxeen nabadgelyada
Magaalada Muqdisho. Wafdigaan ayaa waxa uu horudhac u yahay wafdi
balaaran oo ka socda Wadanka Kenya oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha
dibadda ayaa la filayaa inay soo gaaraan Muqdisho maalinta beri ah,
iyadoo Dowladda Kenya ay dooneyso in dib loo soo nooleeyo wada hadaladii
Magaalada Khartuum hase yeeshee wara ayaa waxay sheegayaan in dowladda
Kenya ay dooneyso in dalkeeda ay ku martigeliso Dowladda Federaalka iyo
Golaha Maxaakiimta si loo dhameeyo wixii xurguf ah ee u dhexeeya labada
dhinac.
Bootaan Ciise oo la degay saaxiibkiis
Qanyare…
Wararka naga soo gaaraya magaalada
Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd wasiirkii hore ee
dhaqancelinta maleeshiyoo-yinka Bootaan ciise oo ay la socdaan dhowr
maleeshiyo ay shalay gaareen Baydhabo, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay
saaxiibkiis ay wada dhiseen Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada ee
looga awood roonaaday magaalada Muqdisho.
Bootaan ayaa la sheegay in uu ka yimid
dalka Itoobiya gaar ahaan Xuduuda u dhexeysa Soomaaliye iyo Itoobiya oo
mudooyinkii la soo dhaafay uu ku sugnaa.
Bootaan Ciise waxa uu markiiba la degay
Max’ed Qanyare Afrax, waxayna haatan ka mid yihiin Xildhibaanada
Baarlamaanka, hase yeeshee waxay qalqaalo ugu jiraan sidii ay uga mid
noqon lahaayeen dowladda uu dhisayo Cali Max’ed Geeddi oo beri lagu
dhawaaqayo.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Dowladda
Federaalka martigeliso xubnihii la dagaalanka Argagixisada, waxaana
horey Baydhabo u gaaray Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Max’ed Cumar
Xabeeb (Max’ed Dheere) iyo Xubno kale
Bile Keerow “Muqdisho waxan dhihi karaa
waa Nabad..
Xildhibaan Bile Keerow oo ay la socdeen
xildhibaano ka tirsan Wadanka kenya yaaa shalay ka soo degay garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Bile waxa uu sheegay in Muqdisho uu ku
soo wareegay, isagoo sheegay in uusan ku arin wax wata qori, “Muqdisho
waxaan dhihi karaa 100% waa nabad, waxayna keeni kartaa in dalka oo dhan
uu nabad noqdo” ayuu yiri Bile Keerow oo sheegay in shacabka Kenya ay si
aad ah ugu farxeen nabadgelyada ka soo cusboonaatay dalka Soomaaliya,
gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Wafdiga uu hogaaminayo Bile Keerow ayaa
Golaha maxaakiimta ka dhaadhicinaya sidii ay uga qaybgali lahaayeen
shirka Khartuum si loo soo afjaro khilaafka u dhexeeya Dowladda iyo
golaha Maxaakiimta, iyadoo maalinta beri ah Muqdisho soo gaari doono
wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya oo la filayo in uu wada hadal
la yeesho Golaha Maxaakiimta kaddib uu u gudbo magaalada Baydhabo.
Maanta
ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo..
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo
mudo tobaad ah loo qabtay inuu ku soo dhiso Dowladdiisa oo ka kooban 31
wasiir ayaa warar aanu helnay waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaruhu uu
maanta ku dhawaaqayo.
Waxaa lagu waramay in Ra’isul Wasaaraha
iyo Maadaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay isku waafaqeen qaabka
uu u soo dhisay xukuumada oo ay beelaha waaweyn u heleen min todobo
wasiir, halka beelaha shanaad heleen sadde wasiir, iyadoo ay muuqato in
Ra’isul Wasaare Geeddi uu si aad ah isugu dheeli tiray Dowaldda.
Dowladda lagu dhisay Magaalada Nayroobi
way ka duwan tahay dowladaani, waayo dowladii hore waxaa awood lahaa
hogaamiyaasha kooxaha oo Ra’isul Wasaaraha u keenayay ninka ay iyagu
doonaan, halka maanta uu Ra’isul Wasaaaruhu u madax banaan yahay qofkii
uu doono oo u qalma jagadaasi.
Warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul
Wasaaraha uu dib u soo celin doono dowladdi la kala diray tobaadkii hore
oo ka koobneyd boqol iyo dhowr wasiir, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay
maanta u dheg taagayaan ku dhawaaqista Golaha Wasiirada iyo cidda ka mid
noqon doonta, waxaana idiin ballanqaadeynaa in aan idiin soo gudbino
magacyada wasiirada iyo beelaha ay ka so jeedaan.
Bandow lagu soo rogay Magaalada Garoowe…
Magaalada Garoowe oo xarun ah Maamul
Gobaleedka Puntland ayaa maalintii shalay ahayd lagu soo rogay bandow
bilaabanaya 10:00 fiidnimo kuna eg 6:00 subaxnimo kaddib markii ay soo
baxeen sida ay maamulku sheegeen dad u guuxaya is bedelada ka dhacay
magaalada Muqdisho.
Bandowgaan ayaa waxaa keenay kaddib
markii maalintii shalay ahayd nin wata Microphone uu dadka ugu baaqayay
in ay taageeraan maxaakiimta Islaamiga ah ninkaas ayaa la sheegay in ay
qabteen ciidanka Booliiska, xabsigana ay dhigeen, maamulka ayaa waxa uu
ku dhawaaqay in aan la sameyn Karin wax dhaqdhaqaaq ah oo lagu
taageerayo Maxaakiimta Islaamiga, sidoo kale waxaa la joojiyay
Banaanbaxyada lagu taageerayo Maxaakiimta.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Hogaanka
sare ee xisbulaah hassan nasrulaah ayaa ku tilaamay go'aankii xabad
joojinta golaha amaanka in uu ahaa mid dhinac u xaglinaya.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Hogaanka sare ee xisbulaah hassan
nasrulaah ayaa ku tilaamay go'aankii xabad joojinta golaha amaanka ee
qaramada midowbay in uu ahaa mid dhinac u xaglinaya una xaglinaya
isreal oo sii wada duqaynta ay ku hayso dhulka lebanone ayuu yiri
nasrullah.
Sikastaba, Sheikh Hassan Nasrallah ayaa
sheegay in xisbullah ay sii wadi doonto dagalaka inta ay isreal ku jirto
fudaha lebanon loona baahan yahay in la iska difaaco weerarada
sahnuuniyada ay ku wadaan dhulkayaga ayuu yiri nasrullah oo u waramayay
TV.
qaramada midowbay ayaa ugu baaqay
dhamaan in ay u hogaansamaan go'aanka ka soo baxay golaha amaanak
maalitnii jimcihii kaasi oo ugu baaqay in la geeeyo lebanon ciidamo
nabad ilaalina islamarkaana lagaaro xabad joojin rasmi ah.
Balse isreal aya xoojisay dagaalka ay
ku hayso iyo duqaynta koonfurta lebanon taasi oo aan waxba ka badalin
go'aankii golaha amaanka ee xabadjoojinta lagagaaray dagaalka isreal iyo
lebanon.
Waiirada isreal ayaa shir isugu yimid
ay kaga arinsanayaa qaraarkii ka soo baxay qaramada midowbay ee ahaa
xabadjoojinta, golaha wasiirada isreal ayaa sheegay in ay isreal sii
wadi doonto dagaalka ilaa inta laga keenayo ciidamo nabad ilaalineeda oo
xisbullahna hubka ka dhiga xaqna ay tahay in ay isreal isdifaacdo.
xassan nasrulah oo u warmayay TV
almanar ee xisbullah ay leedahay maalintii sabtida ahayd aya sheegay in
go,aankii golaha amaanka ka soo baxay uu ahaa mid aan cadaalada ahayn
islamarkaana dhinac u xaglinaya waxana uu sheegay in ay tahay
lagamamaarmaan in xisbullah ay sii wado dagaalka.
wuxuu intaa ku daray in aanay
dhamaanayn dagaalku waxaana aan sii wadaynaa dagalaka maanta waxba
iskama badalin waxaana aan filayaa in barina aanay waxba iska badalayn
colaada ay isreal wado aysana isreal u hogaansamin qaraarkii ka soo
baxay qaramada midowbay taasina ay muujinayso in aanu dhamaad lahaayn
dagaalkan halkan ka socda.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka
isreal iyo lebanon 12 july waxaa ku geeriyooday 1.000 lebanon ah oo
intooda badani ay yihiin dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo 120
isreali ah oo u badan ciidamada isreal ee ku soo duulay koonfurta
lebanon.
Baaqa qaramada midowbay ayaa soo baxay
xili way isreal sii xoojisay dagaalka ay ku hayso koonfurta lebanon.
Qaraarka ayaa ugu baaqaya in si dag dag
ah loo geeyo koonfurta leabnon ciidamo xabad joojin ah oo ay ku jiraan
15.000 oo ah askarta lebanon oo aan awood u lahayn in ay isreal hubka ka
dhigaan lakiin xisbullah ayaa ku tilmaantay qaraarka in uu yahay mid ka
fog xaqiiqada dhinacna u xaglinaya daacadna aan ahayn.
Garoowe:
Taliyaha Saldhigga booliska Garoowe Cabdi ganni ayaa kutilmaamay Xasan
Daahir Uways in uu Puntland mar kale la maaggan yahay cadaawad aan kala
go'lahayn.
Taliyaha saldhiga garowe cabdi ganni
ayaa maanta ka digay midowga maxkamadaha oo ku soo duula puntland mar uu
maanta shirjaraaid ku qabtay magaalada garowe.
Taliyaha saldhigga booliska Garoowe
Cabdi Gaanni ayaa maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ,
wuxuuna ka hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin isbalaarinta
maxkamadaha iyo dada u dhashay gobalada puntland oo buuyiri u
hanqaltaagaya maxkamadaha muqdisho.
Shirkan jaraaid uu qabtay taliyaha
ciidankan booliska garowe ayaa ku soo aaday xili manata xabsiga loo
taxaabay nin soo dhigay gaarigii uu watay salshiga booliska kaasi oo
uu ku soo dhajiyay calamo uu ku taageerayo maxkamadaha taiyuhu mar uu
arimahaas ka hadlayayena waxa uu sheegay in uu aad ula socdo dhaqdhaqaq
kasta oo ay samayaan dadka aan waxba garanayn ee maangaabka ah waxana uu
cadeeyay in magaalada garowe lagu soorogay bandow ka bilaamanaya caawa
5ta habeenimo ee cawa.
Bandawga lagu soo rogay magaalada
garowe ayaa isla caawaba dhaqan galaya sida uu cadeeyay taliyaha
saldhiga booliska garowe cabdi ganni oo maanta shir jaraaid ku qabtay
magaalada garowe.
Taliyuhu waxa uu cadeeyay in ay
puntland ku sugan yihiin dad badan oo aan u dhalan waxana uu sheegay in
ay aad ula socdaan dhaqdhaqaaqa ay dadkaais wadaaan sidoo kalena waxaanu
la soconaa dadka soo dhawaynaya, guryaha ay dagan yihiin,
ujeedaooyinkooda waxaaana laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan cidii
amaanka puntlandgalisa khalkhal iyo wax aan loo dulqaadan karin,
Ninkii oran lahaa gurigayga ayaa madfac
ku dhacay guri ayaa la iga dumiyay iyo dhib aya ala iigaystay hadeerba
waanidiin sheegaynaa ee ka digtoonaata dhibta ay wadaan dadka
waxmagaratada ah ee ku soo gabanaya bulshada puntladn oo aan jeclayn wax
nabadgalyo xumo ayuu yiri taliyaha saldhiga garowwe cabdi ganni oo
maanta shirjaraaid ku qabtay garowe.
A/rizak koronto
Garowe puntland