Samiir Xusni: U maleyn maayo in uu baaqan
doono shirka ..Samiir Xusni oo
ah sarkaal sare oo ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu shaaca ka
qaaday in Jaamacadda Carabtu ay rajo wanaagsan ka qabto in uu qabsoomo
kulanka ay isugu imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta
Islaamiga ah, kaasoo la filayo in uu ka dhaco maalinta beri ah Magaalada
Khartuum ee Dalka Suudaan. “Rajo wanaagsan ayaanu ka qabnaa in
kulankaasi qabsoomo, waayo labada dhinac waxay ballanqaadeen qaadeen in
ay ka qaybgalayaan kulankaasi” ayuu yiri Samiir Xusni oo sheegay in ay
labada dhinac xiriiro la sameeyeen. Samiir Xusni oo hadalkiisa sii wata
ayaa sheegay in magaalada Qaahir ay dhawaan kulan kula yeesheen
mas’uuliyiin ka socotay golaha Maxaakiimta, waxa uuna sheegay in
kulankaasi Golaha Maxaakiimtu ka caddeeyeen in ay ka qaybgalayaan
kulanka Khartuum. Dhinaca kale Dowladda Kenya ayaa iyana dadaal ugu
jirta sidii ay isku soo hor fariisan lahaayeen Dowladda Federaalka iyo
Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana maalmahan Magaalada Muqdisho ku
sugnaa xildhibaano ka tirsan Dowladda Kenya, iyadoo wada hadal la
yeeshay Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, warar ayaa waxay sheegayaan in
maanta magaalada Muqdisho uu soo gaari doono wasiirka arrimaha dibadda
ee Wadanka Kenya oo Maxaakiimta ka dhaadhicinaya in ay ka qaybgalaan
kulanka Khartuum, sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa waxaa gaaray
dhambaalo fara badan oo looga dalbanayo ka qaybgalka kulankaasi.
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo
laga codsadey in uusan dib u dhigin Magacaabista..
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa
la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo xubnihiisa golaha
Wasiirada oo ka koobnaan doona 31 wasiir.
Maalintii shalay ahayd aya la filayay
in ay Ra’isul Wasaare Geeddi uu ku dhawaaqo xubnihiisa Wasiirada, hase
yeeshee waxaa dib u dhigay markii muran xoogan uu soo wajahay qaabka
qaybsiga beelaha wasiirada loo qoon deeyay.
Beelaha sida aadka ah isugu dhegan
waxaa ka mid ah beesha Hawiye iyo beesha Daarood oo iyagu isku mari la’
cidda loo magacaabayo wasiirnimada, iyadoo beelaha qaarkood ay soo
jeediyeen in la siiyo labo wasiir.
Dhinaca kale maalintii shalay ahayd
kulan waxaa yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiye Shariif Xasan
iyo Ra’isul Wasaare Geeddi, waxaana kulankaasi looga wada hadlay in
uusan dib u dhac ku imaan waqtiga la magacaabayo golaha Wasiirada oo ku
eg Maanta, inkastoo ay weli taagan yihiin khilaafaadka u dhexeeya
Beelaha Soomaali-yeed e dhinaca qaybsiga.
Cadde Muuse oo kulan gaar ah la yeeshay
Culamaudiinka Ahlu Sunna Wal Jameeca..
Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland
oo maalmahan ku sugnaa Gaalkacyo ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu
kulan la yeeshay Culuma’udiinka Ahlusunna Waljameeca ee ku dhaqan
koonfuta iyo waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana kulankaasi looga
halday sidii iskaashi u dhex mari lahaa dhamaan culuma’udiinka ku dhacan
Gaalkacyo, gaar ahaan kuwa Ahlusunna Waljameeca.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday
Culuma’udiinka in ay ka shaqeeyan nabadgelyada gobalka Mudug gaar ahaan
Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna kulankaani ku soo beegmay xili dhawaan
Golaha Maxaakiimtu damceen in ay galaan Magaalada Gaalkacyo, balse lagu
dhameeyay wada hadal iyo is afgarad, waxayna taasi keentay in ciidamada
Golaha Maxaakiimta ay dib ugu laabtaan Gobalka Galguduud, dibna u
qabsaday magaaloo-yinka Xarardheere iyo Ceeldheere.
Madaxweyne Cadde Muuse waxa uu u
sheegay culuma’udiinkaasi in maamul Gobaleedka Puntland ay uu iska
difaaci doono cid kasta oo ku soo `xadgudubta deegaanada ay ka taliyaan,
wuxuu kaloo sheegay Cadde Muuse in loo baahan yahay in dadweynaha ku
nool gobalka Mudug ay gacmaha is qabsadaan oo ay iskaashadaan.
Golaha Maxaakiimta oo gacana ku dhigay
Degmooyinka
Warar naga soo gaaraya gobalada dhexe
waxay sheegayaan in Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee ku sugan
gobaladaasi ay shalay subax gacanta ku dhigeen magaalooyinka Xarardheere
iyo Ceel Dheer oo ka kala tirsan gobalada Galguduud iyo Mudug, ciidamada
Maxaakiimta ayay u suuragashay in ay halkaasi ku qabsadaan sadde gaari
oo kuwa dagaalka ah, oo ay lahaayeen xubnihii ka tirsnaan jiray
isbahaysigii la dagaalanka Aragaxisada, sidoo kale waxay gacanta ku
dhigeen qoryo fudfudu, iyadoo sidoo kale xabsiga u taxaabay
maleeshiyadii halkaasi ku sugneydn.
Maxaakiimta islaamiga ah ayaa ku sii
fidiya gobalada dalka, iyadoo dhawaan ay damacsanaayeen in ay galaan
koonfurta Gaalkacyo, hase yeeshee waxaa lagu dhameeyay arrintaai wad
ahadal, iyado maalamaha soo socda la filayo in Gaalkacyo looga dhawaaqo
Maxkamad ilsaami ah.
Isbaarooyin ku soo kordhay Magaalada
Muqdisho..
Iyadoo maalmahan Magaalada Muqdisho ay
ka da’ayeen roobab is daba joog ah ayaa waxay roobabkaasi keeneen
khasaarooyin dhinaca wadoodiyinka ah iyagoo sii burburiyay isla markaana
biyo dhigay wadooyinka qaarkood.
Wadooyinka ay khasaaraha gaarsiiyeen
biyuhu waxaa ka mdi ah wadamada Sodonka, waxaana gawaarida kui adkaatay
in ay maraan wadadaasi, iyagoo u leexday dhinaca wadooyinka yar yar ee
xaafadaha dhexdooda, waxaase dadweynihii degenaa xaafadaha bilaabeen in
ay wadooyinka gooyaan iyagoo diidan in gawaaridu halkaasi maraan.
Inkastoo wadooyinka aan la kala xigin
ayaa waxaa mararka qaarkood dhacda in gawaarida dhibaatooyin loogu
gaysto, waxa dhacday in maalintii shalay ahayd qof jirran la damcay in
laga soo qaado xaafaddiisi iyadoo gaari Taksi ah oo la soo kireeyayna
geli waayay xaafaddii, waxa uuna Taksiilihii sheegay in laamiga ku
sugayo oo halkaa loogu keeno qofka, waxaana dadkii qofka ka xanuunsanaa
qasab ku noqday in qofkii soo qaadaan ilaa iyo wadada laamiga halkaana
ay Taksigii ka saaraan.
Darawalo badan ayaa cabasho badan ka
muujiyay arrintaani, iyagoo mar la weydiiyay sababta ku kalifeysa in ay
xaafadaha dhex maraan sheegay in wadooyinkii ay biyo fariisteen, waxa
uuna darawalkaasi yiri “Maamulka cusub ee haatan magaalada gacanta ku
haya waxaan u soo jeedinayaa in ay soo farageliyaan jidadka ka layska
goosanayo, oo aysan ogoleyn Diinta Islaamku”.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay
Deeganka Balambale..
Wararka naga soo gaaraya Gobalada Dhexe
waxay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u xoogan ay soo galeen
deegaanka Balanbale oo ka tirsan Gobalka Galguduud 60Km u jira Magaalada
Guriceel.
Ciidamadaasi ayaa dadweynaha
weydiinayay in ay arkeen ciidamo ka socda golaha Maxaakiimta oo soo
galay deeganadooda.
Warar ayaa waxay sheegayaan in dhowr
qof ay ciidamada Itoobiya xabsiga u taxaabeen, sidoo kale dhowr qofood
ayaa la sheegay in iyana ay ciidamadaasi jir dil u gaysteen. Ciidamada
Itoobiya ayaa waqtiyadan dambe waxay xero taraar ku soo sameynayeen
deegaanada ku dhow dhow xuduuda Soomaaliya waxayna arrintaani sii
kordhiyeen markii Maxaakiimtu gacanta ku dhigeen Magaalada Muqdisho.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Tacsi: Abwaan Axmed Ismaaciil “Qaasin” oo
ku geeriyoodey magaalada Hargeysa Sabtidii 12/08/06
Inaali laahi wa inaa ileyhi raajicuun
Hawl-wadeennada
Ururka dhaqanka, afka iyo Suugaanta ee Aftahan Org, waxa ay tacsi u
dirayaan dhammaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo idil ahaan bah-weynta
curshaaga iyo hal-abuurka af soomaaliga ku hadla, iyagoo uga
tacsiyadeynaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee - abwaan Axmed
Ismaaciil Diiriye (Qaasin) oo Sabtidii 12/08/06 ku geeriyoodey
magaalada Hargeysa.
Qaasin alle ha u raxariistee waxa uu ka
mid ahaa buuni ay tixdiisu carceertay oo ka caanbaxay dhulalka ay
soomaalidu degto. afsoomaaliga laga hadlo, ruug-caddaaga hal-abuurka
casriga ah ee soomaalida. Qaasin wuxuu ahaa maansayahan Ilaahay hibo u
siiyey curinta maanso xigmad iyo miisaan leh oo hal-hays iyo hal-ku-dhig
ba noqotay “Waxaan ahay qadhaadh iyo macaan meel ku wada yaal”.
Taariikhda ayaa xusi doonta kaalinta uu
kaga jirey halgankii gobanimo-doonka iyo kii caddaalad-doonkaba iyo
quruxda farshaxanimo ee ay maansadiisu xambaarsanayd, iyo sida uu
dareenka bulsho uga turjumi jirey. Ilaahay naxariistii janno ha ka
waraabiyo.
Waxaan shaki ku jirin in maansooleydii
soomaalida maalinba mid iilanayo oo Alle oofsanayo, xaqiina ku soo
degayo. Waxayse is weydiintu tahay; sidee looga faa’iidaystay ama intee
in le’eg oo murti iyo maanso ah ayaa lagala hadhay? Waxa kale oo yaab
leh, sida joogtada ah ee ay isugu xig xigaan. Waxa saddexdii sanno ee
ugu dambeeyey geeriyoodey, Jaamac-gacmadheere, Yuusuf X. Aadan,
Ibraahin-gadhle, Yamyam iyo Qaasin. Kolley anagoon (Aftahan ahaan)
canaan badan ku lahayn, haddana annagaa uga calaacal dhow kuwo badan oo
aan dareensanayn, kaalinta Abwaanka iyo aqoonyahanku kaga jiraan
horumarinta afka iyo hiddaha.
Abwaan Qaasin –Kaah damay; Alle ha u
naxariisto, samir iyo iimaanna ha inaga wada siiyo. Aammiin.
Allaa mahad leh
AFTAHAN ORG
aftahanc@hotmail.com
Kullan
ballaaran oo ay yeesheen jaaliyadda Digil & Mirifle ee Magaalada
London
Kullan ballaaran oo ay soo qaban
qaabiyeen Jaaliyadda Digil & Mirifle ee magaalada London oo
maalmahan ka soconayay magaaladaasi, ayna ka soo qeyb galeen
Aqoonyahannada beeshaasi, loogana hadlayay Dilkii magaalada Baydhabo
lagu dilay Wasiirkii hore ee Dastuurka dowladda Federaalka KMG ah ee
Soomaaliya Allaha u naxariistee Cabdalla Deeroow Isaaq.
Dood dheer ka dib waxaa shirkan laga
soo saarey qodobbo ay ka mid ahaayeen:-
1. In Beesha Digil & Mirifle uu ka
dhammaaday dulqaadkii ay u lahaayeen, hadda iyo wixii ka dambeeyana
ayan beeshaasi u dulqaadan doonin dil la soo qorsheeyay oo loo
geysto madaxdooda.
2. In beesha ay xoogga saarto
Illaalinta midnimadeeda dhexdeeda.
3. In Caddaaladda la hor keeno ciddii
ka dambeysay abaabulka & dilka Cabdalla Deerow Isaaq.
4. Waxaa kaloo ay go'aan ku gaareen in
ay la xisaabtami doonaan xubnaha D/M ee ku jira dowladda iyo
baarlamaanka haddii ay arrintaan wax ka qabanwaayaan oo ay xil iska
saari waayaan, taariikhdana ay qori doonto .
Kullankan dadkii ka qeybgalay waxay ku
xuseen doorkii shariifka ahaa ee uu ku lahaa beesha dhexdeeda iyo
Soomaaliweyn, taariikhdana ay xusi doonto wixii uu u qabtay dalkiisa
& dadkiisa.
Qoraalkan waxaa ku saxiixnaa:-
1. Max'uud Axmed Dalab
2. Ibraahim Siidoow
3. C/risaaq Sh. Muxudiin
4. C/kariim Max'ed Cali Yaanyuuroow
5. C/rashiid Xaaji Xassan
6. Ibraahim Aadan Cabdi
7. Abba Sheikh Abuu
8. Aamino Maxamed cali Daqarre
9. Shariif Axmed Sh. xassan
10. Sayid Cali Maxamed
11. Shariif Maxamuud (Sanbarre) & Aqoonyahanno
kale oo fara badan.La xiriir:
Saleban hassan Alasow
alasow73@hotmail.com
puntland somalia
Ramaas political party
RPP35/20006
Date:13/8/206
Ku:socota saxaafada madaxbanaan ee
somalia
ogaysin: shacab waynaha puntland
Ujeedo: difaaca dalka iyo diintu
waa muqadis
Tan iyo intii ay bur burtay dawladii
somalia waxaa konfurta somalia ka abuurmayay kooxo hubaysan oo
dhibaato ku hayay umada somaliyeed kooxa haas oo ay ugu dhibato
badnayd kooxdii la oran jiray USC oo ilaa iyo maanta dhibaato wayn
ku haysa baraxlay ilaa iyo xuduuda kenya ee somalia markii dadkii ku
noolaa deegaanadaaas ay noqdeen dad u kala qaxa gobolada somaliyeed
ee nabada ah sida puntland iyo somaliland, ayay maantana waxay
bilaabeen shaati kale oo ay ugu magac dareen maxaakiimta iyaga oo
doonaya dadkii ka badbaaday dhibaataadii somalia in ay iyagana ay
dhib ku abuuraan.
Somalia waxay soo martay dagaal
sokeeye oo ay iyagu sabab u ahaayeen,waxay dheceen dadka guryihiisii
iyo beerihiisii, waxay xalaalaysteen dhiigiisii, ma jirto meel looga
heshiiyay ama la isku cafiyay waxaa la yaab leh dadkii noocaas ku
shaqaynayay in ay yiraahdaan oo caalamka maqashiiyaan somaliya ayaan
waxaan ku soo dabaaalaynaaa diinta islaamka.
Diinta islaamku waa diinu sharaf, waa
diinu amni,waa diintii illaahay u soo dajiyay koonka in uu ku
maamulo, waa diin kala bad baadinaysa dadka naftiisa iyo maalkiisa.
Hadaba shacab waynaha puntland waxaa
xisbiga ramaas u soo jeedinayaa in ay u diyaar garoobaan difaac
dalkooda iyo diintoodaba oo ay gacan ka siiyaan maamulka puntland
maxaa yeelay waxaa dalka ku soo wajahan kooxdii USC oo gashatay
shaati diineed una socota gumaysi iyo dhul balaarsi, hada ka hor
1991 kii sidii geesinimada lahayd ee ay isaga celiyeen cadawga umada
somaliyeed oo duulaan ku ahaa maatadooda hada ka hor 1992dii
dagaalkii uu horkacayay xasan daahir aways isaga oo ay la
shaqaynayaan kooxo calooshood u shaqaystayaal ah oo aan indheer
garad ahayn galkacyo ilaa iyo saliid dagaal ku simay oo ayna xaadir
ku yihiin dalka dadkii dagaalkaas ku naafoobay caruuro badana ay ku
agoomoobeen, oo aan laga heshiis la islana soo qaadin, xasan daahir
aways ma umulbaa ilowsho dhawaaa, dhibtaas uu u gaystay shacab ka
puntland walina uu u hamuun qabo in uu markale ka abuuro cadawad iyo
bur bur.
Puntland waa meeshii ninkasta oo ka
yimaada koonfurta somalia oo ka taga xaalada biniaadaminimo oo wata
mindi dhiigleh waa tii ku soo celinaysay biniaadaminimada ama
nolashiisi caadiga ahyd, ina qaybdiidna kama duwana dadkaas.
Hadaba xisbiga ramaas xubnihiisa kala
duwan iyo shacab waynaha puntland wuxuu xasuusniayaa in aan loo
kala harin difaaca dalka iyo diinta maxaa yeelay hadii la dhayalsado
waxaa imaan doonta in jiilal badan mustaqbalkoodu lumo oo ay xirmaan
madarasado badan masaajido badan oo ay wax ku bartaan shacab isugu
jira umada somaliyeed oo dhan kuna soo hiloobay amaanka aaan haybta
lahayn ee ka jira puntland.
Puntlandna waa isha kaliya ee
mustaqbalka somaliya ka imaan karo.
Afhayeenka xisbiga Ramaas
Daahirciiro
Shirka
Iskuxirka Qowmiyadda aw-digil oo kaga Qayb qaatey Khadka Talefoonka:
Waxaa
maalintii labaad galey shirka isku xirka Qowmiyadda awdigil,kaas oo ay
kaga tashanayeen aayahooda dambe ,iyo sidii loola jaanqaadi lahaa
isbeddellada ka dhacey soomaaliya. Shirka ayaa maanta waxa uu la
kowsaday maalin roobaad ,taas oo ay odeyaasha dhaqanku ku sheegeen inuu
shirku yahay mid guuleystey,taas oo ay sabab uga dhigeen kheyrka uu la
kowsadey.
waxaa la guda galey ajanddeyaasha
shirka u yaalley ,kaas oo ay ugu muhiimsan yihiin in ay midoowddo
qowmiyaddan islamarkaasna la dhiso guddiyo la shaqeeya guddiga fulinta
ee Ameerika .Guddiyadaas oo ka kooban Guddiga fulinta,Golaha dhaxe,
Guddiyada Degmooyinka iyo guddiga samafalka.Haddaba shir guddoonka iyo
xoghayntiisa ayaa waxa erggooyinka ka codsadeen in la qaybsado guddiyada
kala duwan ee ururka loo dhisayo.
Intaas ka dib beel kasta waxay la
wareegtey xubnihii ay qaybta u heshey ,taas oo beelaha qaarkood
durbadiiba ku heshiiyeen,halka kuwa kalena ay ku guda jiraan qeybsiga
guddiyadooda.Intaas ka dib waxaa shirka si toos ah oo telefoon ah uga
soo qayb galey madaxda sare ee ururka kuwaas oo sheegey inay aad ugu
farxeen kulankan ballaaran ee Taageereyaasha koonfurta Soomaaliya ku
leeyihiin Darusalaam, taas oo ah bay yiraahdeen mid taariikhi ah .
Sidoo kale masuuliyiintu waxay shacabka
ururka taageera ugu bishaareeyeen in haddii ay midoobaan `ay heli
doonaan iskuullo ,isbitaallo iyo mashaariic waaweyn oo horumarineed ,taas
oo ay aad u soo dhoweeyeen ka qaybgaleyaasha shirku .Waxayna
masuuliyiinta haddallada guubaabada iyo qiirada ku dhisanaa oo ay
jeediyeen ku ilmeeyey dad badan oo ku sugnnaa goobta shirka .
Si
kastaba ha ahaatee khudbooyinka masuuliyiinta Midowgga Koonfurta
Soomaaliya waxay farxad iyo rajo weyn gelisey in badan oo ka mid ah Qowmiyadda
awdigil oo quus taaagnnaa inay iskuxirkooda ayna isku Talo noqdaan .Masuuliyiinta
khudbbooyinka taariikhiga maanta shirweynaha u jeediyey waxaa ka mid ah
Madaxweynaha Koonfurta Soomaaliya Dr:Aadan Cumar Abuukar,Maxamed Siid
Cabddulle Cali Caliyoow Maxamed,Maxamed Abuukar, Injineer Cabdulqaaddir
Khaliif iyo Sheekh Nuur .
Intaas ka dib waxaa hadallo qiiro iyo
suugaan halkaas ka soo jeediyey abwaaniin ka tirsan erggooyinka shirka
oo halkaas ka soo jeediyey ereyo kicin iyo guubaabooyin iskugu jirey
taas oo ay ka qaybgaleyaashu aad ula dhaceen ,islamarkaasna ay dumarka
midowgga Koonfurta soomaaliya alalaas iyo mashxarado ka dhinaca wadeen.
Si kastaba ha ahaatee waxaa manta
bulshweynta Qowmiyadda awdigil u ahayd maaln weyn oo fasrxadeed ,oo la
dhehi karo waa maalinta xorriyadda awdigil.Jawiga magaalada Daarisalaam
ayaa wuxuu ahaa mid aad u degan oo qobow raaxo leh xanbaarsan.waxaana la
isku soo laaban doonaan maalinta saddexaad ee burritoah insha allaah.
Bayaan Ka Soo
Baxey shirweynaha Qowmiyadda Aw-digil ee ka socdey Daarisalaam:
Shirweynihii
Ballaarnaa ee u socdey beelaha awdigil islamarkaasna socdey muddo saddex
maalmood ah ,ayaa waxaa maanta (Agoosto 12) laga soo saaarey qodobo
taabanaya dhinacayo badan .Waxana haddallada ku qoran bayaanka aad ugu
maqsuudey ka soo qqaybgaleyaasha shirka .wuxuuna bayaanku ka kooban
yahay 17 qodob oo si faahfaahsan uga hadllaayey ujeedada shirka iyo
mustaqbalka beelaha awdigil. wuxuuna bayaanku u qornaa sedan:
Bayaanka shirweynaha Aw-Digil ee
Daarisalaam:
Shirweynaha Aw-Digil ee lagu qabtay
Degmada Aw-dheegle beesha Daarasalaam
10—12/08/06:
Markuu dersay waraaqihii ururka SSU,
markuu arkay xaalada murugsan ee uu dalku marayo iyo isbedelada cusub ee
soo kordhay dalka wuxuu soo saaray bayaankan:
-
In lagu dhaqmo Shareecada Islaamka.
-
In la dhisay hoggaanka sare ee Aw-Digil
-
In la dhisay guddiyo howlgal oo kala
duwan
-
In la joojiyo dhoofinta Dhuxusha iyo
duur joogta wadanka, lana mamnuuco beeridda iyo ka ganacsiga maan
dooriyeyaasha.
-
In la joojiyo xaalufinta dhirta iyo
daaqa oo si ficil ah looga howlgalo.
-
In la dhowro deris wanaagga, ha ahaato
mid beeleed, mid degmo, iyo mid goboleedba.
-
In la soo dhoweeyo cid kasta oo
maalgashi ku sameyneysa dalka ajnabi iyo Soomaaliba.
-
Shirweynaha wuxuu u ogolaaday Ururka
SSU inuu ku hadli karo codka Aw-Digil.
-
Waxaan soo dhoweyneynaa Hay’adaha
samafalka si ay u daboolaan baahida keentay dowlad la’aanta.
-
Shiwrynaha Aw-Digil wuxuu go’aansaday
In xarunta Aw-Digil noqoto Daarasalaam ee Degmada Aw-Dheegle.
-
In la isu celiyo hantida ma guurtada
ah, Soomaaliduna ay is cafiso.
-
Shirweynaha wuxuu soo dhoweynayaa
guusha ay gaareen Midowga MAxaakiimta Islaamiga ah
-
In la sii ambaqaado wadahadalka
Dowladda KMG ah iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, taasoo
qowmiyada Aw-Digil diyaar u tahay inay gacan ka geysato si loo gaaro
xal waara.
-
In la dhowro xuquuqul insaanka
saldhigna looga dhigo diinta Islaamka.
-
In la dhowro xuquuqda Haweenka sarena
loo qaado aqoontooda.
-
Kulan weynaha Aw-Digil wuxuu
go’aansaday in la dhowro cadaaladda saddexdeeda qeybood:
-
a)
Cadaaladda guud ee dabiiciga ah
-
b)
Cadaaladda Ijtimaaciga.
-
c)
Cadaaladda qaanuuniga.
-
Kulan weynaha Aw-Digil wuxuu
go’aamiyay in la dhowro Mabda’a nabad ku wada noolaanshaha iyadoo
loo hoggaansamayo aayadda 208 ee Suuratul Baqara.
Waxaa bayaankan si xamaasad leh ku
ansixiyay shirweynaha Aw-Digil:
Salaadiinta Aw-Digil:
-
Ugaas Siideey Xaaji Maxamed Nuur
_________________
-
Wakiilka Suldaanka Beesha
Tunni,Jeylaani Maxamed Oofow ________________
-
Suldaan Buube Suldaan Cabdulle
___________________
-
Suldaan Sayid Cali Xasanow Caliyow
Ibrow ___________________
-
Malaaq Siidow Maadow Muuse
___________________
-
Ibraahim Cusmaan Daasow, wakiilka
Ugaas Max’ed Macalin ___________________
-
Ugaas Xaaji Xasan Ibraahim (Ugaas
Banduuq) ___________________
-
Suldaan Sheekh Aabow Maxamed Nuur
___________________
-
Suldaan Cali Maxamed Cabdi Cumarow
-
Malaaq Cumar Ibraahin Axmed
___________________
Wabillaahi Towfiiq
JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA
Taariikh 12/08/06
Ujeeddo:
Qaraar
Qowmiyadda
Aw-Digil wuxuu qaraar toos ah ka soo saaray cadaalad darrada lagu hayo
beelaha Digil iyadoo hore u tirsaneysay:
Haddaba
waxaan Dowladda Federaalka KMG ah baaq ugu jeedineynaa inaysan dhicin
cadaalad darradii hore u soo dhacday, haddii ay dhacdo inaan ka
fiirsaneyno ka mid noqoshada DFKMG ah.
Wabillaahi
Towfiiq
Salaadiinta
Aw-Digil
Muuse Maxamuud Jiisow |
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya | 002521576666/002521653623
Duqa
magaalada Aarhus oo la shiray ururka Jaaliyada Soomalida Danmark.

Shir maanta (12/8/06) oo sabti ah ka
dhacay xaruunta ururrada brabrand ee magaalada Aarhus, oo uu ka soo qayb
galay duqa magaalada Aarhus oo ah magaalo madaxda labaad ee Danmark.
Nicolej warmen, ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Gudoomiya Ururka
Somali Community in Danmark C/rashiid SH. Maxmuud (siyaasi) shirkaan oo
ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa waxaa looga wada hadlay arimo
badan oo ay ka mid ahayd howsha Somali Community ay ka qabato Danmark
iyo weliba arimo kale oo quseeya Soomaliya.
Ururka Somali Community ayaa soo
bandhigay howlaha kala duwan oo ay u qabtaan mujtamaca Soomaalida gaar
ahaan kuwa magaalada Aarhus, ayaa waxaa ka mid ahaa bandhigooda Mashruuc
cusub oo ay hirgeliyeen howl wadeenada Somali Community, mashruucaan oo
layiraahdo Somalihoajskole, oo loogu talagalay hooyooyinka iyo caruurta
soomalida in ay ka faa,idaystaan weekend-yada, waxaa kaloo kamid ahaa
mashruuca Shaqo, cayaaraha, waxbarashada Iwm.
Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen howl
wadeenada guud ee ururka iyo Somalida degan Magaalad Aarhus,ayaa waxaa
sidoo kale lagu soo bandhigay isbedelka shaqo ee Soomalida Afartii
bilood ee ugu danbeeysay, warbixintaan oo ay soo bandhigeen Mulki C/samad
Xaji xuseen Iyo Abshir X, Shiikhdoon (Gaalkacyo), kadib markii ay
dhamaatay warbixintii Ururka Somali Community ayaa waxaa halkaas ka
hadlay Duqa Magaalada Aarhus NicolajWarmen oo isagu sheegay in uu aad
ugu faraxsan yahay isbedelka Soomalida iyo horumarka ay gaareen, waxaa
uu si xeel dheer uga hadlay yoolka la tiigsanayo iyo in loo baahan yahay
wada shaqayn dhab ah, waxaa uu ku amaanay ururka Somali Community iyo
laamaheeda hoosyimaada shaqada ay qabteen, Nicolaj Warmen ayaa balan
qaaday in uu garab istaagayo ururka Somali Community iyo Soomaalidaba.
Gabagabadii ayaa waxaa si furan laysku weydaarsaday su’aalo iyo jawaabo.
Shirkaan ayaa waxaa ka horeeyay
shirarkale oo uu Ururka Somali Community soo qaban qaabiyay kaas oo ay
ka soo qayb galeen poliska, iyo masuuliyiin kale oo Dowlada Danmark ka
socday. Siddoo kale waxaa uu Ururka Somali Community sahlay in ay wada
kulmaan Wafdigii DKMG ee uu horsocday Xildhibaan C/rashiid Ciro iyo
madaxda magaaladan Aarhus oo uu hor kacayay Duqa magaalada Aarhus
Nicolaj Warmen.
Sikastaba waxaa Ururka uu ku balamay in
wada shaqaynta iyo da’daalka laga sii wado meesheeda.
Somali Community in Danmark
Xiriiriyaha ururka.
Abdi Maxmuud Faarax
Macaane75@hotmail.com
Shir
ay yeesheen Beelaha Darood ee ku dhaqan magalada Muqdisho
10-08-06
shirkan oo ka
dhacay Hotel Waamo3 ee magaaladda Muqdisho.
Shirkan oo uu soo
abaabay, isla markaasna uu shir guddoominayay Ugaaska Beesha Sadde ahna
Afayeenka Salaadiinta Beelaha Daarood, ayna kasoo qeyb galeen 40 qofood
oo isugu jira oday dhaqameedyada, culima’udiinka, aqoonyahanada iyo
saraakiisha ku abtirsada beelaha Daaroodwaxaa si qodda dheer looga
dooday xaaladda uu dalku marayo. Isbadalkii ka dhacay magaaladda
muqdisho iyo arimo kale, falanqeyn dheer kadib waxaa ka soo baxay afar
qodob:-
1. Beesha Daarood waxay soo dhoweysay
isbadalkii ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasoo durba la dareemay nabad
galyadiisa, daganaashihiisa iyo horumarkiisa.
2. Beeshu waxay si buuxda u taageertay
baaqii ka soo yeerey Guddoomiyaha Middowga Maxaakimta Sh. Shariif Sh.
Axmed ee ku saaabsanaa hanti isu celinta, waxayna beeshu u aragtaa
baaqaas talaabo loo qaaday dhinaca wanaagsan, taasoo horseedi karta dib
u heshiisiintii mudda dheer la raadinayay, Isla markaana waxay fura u
noqon kartaa dib u soo celintii qarnimadii ummadda somaliyeed.
3. sidoo kale beeshu waxay baaq u soo
jeedisay dowladda KMG iyo Maxaakimta Islaamiga ah inay u istaagaan sidii
ay uga badbaadi lahayd ummaddu dagaal sokeeye oo mar kale ka qarxa
Soomaaliya, waxayna dowladda si gooniya uga codsadeen inay citiraafto
soona dhoweeyaan isbadalkii wanaagsanaa ee ka dhacay magaaladda Muqdisho,
kaasoo ay horseed ka ahaayeen Maxaakimta Islaamiga ah.
4. beeshu waxay dooratay guddi ka
kooban 11 xubnood, guddi gani wuxuu u adeegi doonaa danaha guud ee
beesha daarood, gaar ahaan Golobka Banaadir, guddigani wuxuu beesha ku
matali doonaan wax kasta oo waafaqsan shareecadda Islaamka iyo caqliga
saliimka ah.