SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: Agoosto 15, 2006

.Roobabkii ka da’ay Muqdisho oo khasaaro u gaystay jidadka Muqdisho
.Xaggee ku dambeysey Ballantii Gaagaab in Toos looga waraysan doono Telefishanka Soomaalida ee Minnesota?
.Isqabqabsi hareeyey ku dhawaaqistii Golaha Wasiirada..
.Golaha Maxaakiimta oo shuruud ku xiray ka qaybgalka Shirka..
.Ciidamada Itoobiya oo shalay xayiraad ku soo Rogay Gawaaridii..
.Baydhabo: Wafdi ka socda kenya oo si wayn loogu soo dhaweeyay baydhabo kulamana la qaatay madaxda dawlada somalia.
.War saxaafadeed ku saabsan Ciidamada Ethiopia iyo xasuuqa ay gaysanayaan.
.Darusalaam: GO’AANNADA KA SOO BAXAY SHIRWEYNAHA QOWMIYADDA AW DIGIL


Xaggee ku dambeysey Ballantii Gaagaab in Toos looga waraysan doono Telefishanka Soomaalida ee Minnesota?

Wariyayaasha Tv-ga:
Halkan ka dhegeyso weriyaha oo sheegay in uu baqday waraysigii wasiirka

Habeenimadii Isniinta (Agooso 14, 2006), sidii horay Soomaalida loogu sheegay, waxaa la sugayey in Wasiirka Maaliyadda DGPL, Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) uu soo fariisto Telefishanka Somalida Minnesota si toos dadweynuhu ay su'aalo u weydiiyaan. Laakiin, markii la gaarey xilligii la filayey in wasiirku telefishanka soo fariisto ayaa waxaa shaashadii soo qaabilay weriyayaashii oo meeshii laga filayey hadalka ah: "hadana ku soo dhowaada wasiirka", ayaa mid ka mid ah uu sheegay in waraysigaasi uu baaqday, weriyaha oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri "Barnaamijyada aan caawa idiinku talo galay ayaa waxaa ka mid ahaa in aan idiin soo gudbino waraysi aanu la yeelan doono wasiirka maaliyadda ismaamulka Soomaalida ee Puntland..... .... nasiib darro.... ..... .... arrimo awgeed waa uu baaqday caawa anagoo mar labaadna jecel in aan idinka raali gelino duruufo jira awgeed." [Halkan ka dhegeyso hadalkii weriyaha.]. Telefishanku ma sheegin wax farriin ah oo uu wasiirku u soo faray Soomaalida Minnesota ee sugeysey in ay su'aalaha tooska ah weydiiyaan amaka dhegeystaan warbixin.

Puntland: Waxaa Nalaku Dhiiri Geliyaa in aan Dalka ka Go'no...
Wasiirka Maaliyadda DGPL ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dowlado iyo hay'ado ku dhiiri geliyey in Puntland.. Guji...

Nidaamka la qorsheeyey ayaa ahaa in muddo soddon daqiiqo ah uu wasiirku fadhiyo telefishanka halkaasna ay dadweynaha daawanaya si toos ah su'aalaha u soo weydiiyaan. Arrintaas oo aad uga duwan qaabka ay u shaqayso saxaafada Puntland ee ay wasiirdu xakumaan lagana siidaayo waxa ay rabaan oo qura, ama la weydiiyo su'aalaha ay rabaan oo keliya.

Waxay ahayd habeenkii Jimcada Agoosto 11, 2006 markii uu wasiirka maaliyadu la kulmay Soomaalida Minnesota, waxaan ahabeenkaas dadka loo sheegay in waqtigu uu wasiirka hadda ku yaryahay oo aan su'aalo la weydiin karin, laakiin uu telefishanka soo fariisan doono si su'aalo loo weydiiyo, ballantaas oo ahayd Isniin Agoosto 14, 2006, waana tan noqotay mid baaqatay.

Roobabkii ka da’ay Muqdisho oo khasaaro u gaystay jidadka Muqdisho

Waxaa maalmahan Magaalada Muqdisho ka da’yay roobab is daba joog ah oo ah roobabkii xagaayaha oo kuwaas oo u da’yay si xoogan, waxayna roobabkaani khasaarooyin lixaad leh u gaysteen wadooyinkii horey ugu burburay dagaaladii sokeey, kuwaas oo wadooyinka qaarkood ka qoday boholo waaweyn oo biyo fariistaan, iyadoo gawaaridii isaga kala gooshi jirtay magalada Muqdisho ay yaraadeen kaddib markii ay kari waayeen in ay maraan wadooyinkaasi biyo buux dhaafiyay aawadeed.

Dadkii raaci jiray gawaarida BL-ka ama kuwa dadweynaha ayaa bilaabay in ay cagta maalaan , sidoo kale roobabkaani waxay khasaarooyin u gaysteen dadka ku jira xeryaha dadka soo barkacay kuwaas oo haatan la dhibaateysan hoy la’aan, sidoo kale roobabkaasi ka da’ay Muqdisho iyo nawaaxigeeda waxay cirka ku shareereen raashinkii quutul daruuriga ahaa kaddib markii labo bilood aysan wax maraakiim ah ku soo xiran dekedaha xagaayaha da’aya awgeed, sidoo kale waxaa magaalada ka yaaraaday dhuxushii, iyo caanihii kaddib markii gawaaridii soo qaadi lahayd ay kari waayeen in ay soo maraan wadooyinka burbursan, iyadoo gawaari yar yar oo lagu keenay caanaha iyo yaanyahada Magaalada meelaha qaarkood lagu kala iibsanayay lacago adag.

  

Isqabqabsi hareeyey ku dhawaaqistii Golaha Wasiirada..

 

Labo maalmood ayaa dib u dhac ku yimid xiligii lagu ballansanaa in Ra’isul Wasaare Geeddi ku dhawaaqo golihiisa wasiirada, waxaana shalay la filayay in Ra’isul Wasaare Geeddi uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirada, hase yeeshee warar ka imaanaya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in uu isqabqabsi hareeyey ku dhawaaqistii golaha Wasiirada, kaddib markii ay beelaha Soomaaliyeed isku khilaafeen cidda loo magacaabayo Wasiirnimada. Khilaafka ugu xoogani waxa uu ka taagan yahay Beelaha Hawiye iyo beesha Daarood, waxaana shalay kulan isugu yimid oo arrintaani looga hadlayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaarahaba, kulankaan oo qaatay dhowr saacadood ayeysan ka soo bixin wax natiijo ah oo la xiriirta ku dhawaaqista golaha Wasiirada ee Ra’isul Wasaare Geeddi, warar hoose oo aan u helnay ayaa waxay sheegayaan in Saddex mas’uul ee ugu sareysa Dowladda uu ka dhex jiro khilaaf ah cidda lagu darayo Golaha Wasiirada, iyadoo saddexdooba ay wataan shaqsiyaad horey taageero ugu ahaa, waxaana la sheegay in dhowr maalmood oo kale uu dib u dhac ku yimaado ku dhawaaqista Golaha Wasiirada. Madaxweyne C/llalahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa kulan la yeeshay Xildhibaanada baarlamaanka ee beelaha Hawiye waxayna ka codsadeen Madaxweynaha in uu soo kala dhex galo iyaga iyo Ra’isul Wasaare Geeddi kaddib markii qaar ka mid ah Xildhibaanada ay sheegeen in Xubanaha wasiirada Hawiye ka dhigay xubnihii isaga taageersanaa.

Golaha Maxaakiimta oo shuruud ku xiray ka qaybgalka Shirka..

 

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday Dowladda Kenya oo uu horkacayay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Dalkaasi, waxa uuna wafdigaasi ku hor maray Magalada Baydhabo oo uu kulan kula yeeshay saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka oo ay isla soo qaadeen sidii looga qaybgali ahaa shirka Khartuum, waxayna dowladdu u caddeysay wafdigaasi in ay ka qaybgalayaan kulankaasi, iyadoo ku tilmaamay in uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed.

 

Markii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho waxay kulan la yeesheen Golaha Maxaakiimta waxa uuna socday hal saac, waxa uuna Golaha Maxaakiima ka qaybgalka Shirka Khartuum hor dhigeen shuruud ah in marka hore ciidamada Itoobiya ka baxaan gudaha Soomaaliya, iyagoo sheegay in Itoobiya xitaa shalay soo gashay gudaha Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay halkaasi ka wadaan dil dhac, kufs iyo arrimo kale.

 

Wafdigasi ayaa maanta la filayaa in ay warbixin hor dhigaan shir ka furmaya Magaalada Naryoobi oo ay isugu imaanayaan wadamada IGAD kaasoo looga hadlayo sidii soomaaliya loogu diri lahaa ciidamo shisheeye.

Ciidamada Itoobiya oo shalay xayiraad ku soo Rogay Gawaaridii..

 

Waraka naga soo gaaraya Gobalada dhexe waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah ay shalay soo gaareen oo ay qabsadeen deeganada Jawiil iyo kalabeyr oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

 

Ciidankaas oo ay watay dhowr iyo sodon gaari oo tikniko ah ayaa xayiraad ku sameeyay gawaaridii isaga kala gooshi jritay gobalada Soomaaliya, gaar ahaan gobalada dhexe, waxaana la sheegay in ay dadka weydiinayeen in ay arkeen ciidamo ka socda golaha Maxaakiimta.

 

Dhinaca kale banaanbaxyo looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ayaa shalay ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galguduud, waxayna dadku ku dhawaaqayeen ciidamada Itoobiya ha ka baxeen dalkeena iyo ereyo kale oo la mid ah.

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Baydhabo: Wafdi ka socda kenya oo si wayn loogu soo dhaweeyay baydhabo kulamana la qaatay madaxda dawlada somalia.

Wafdi Kenyan ah oo uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka arimaha dibeda Dowladda Kenya  ayaa dhawaan ka soo dagaya garoonka diyaaradaha ee  Magaalada Baydhabo oo hada ah xarunta kumelgaarka ah ee dawlada somalia.

Wafdigaan oo ay ka mid yihiin xubno sarsare oo ka tirsan Dowladda Kenya, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxay hadda ku sugan yihiin Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo ay kulammo kulan leeyihiin saddexda Mas'uul ee Dowladda Federaalka ugu sarreysa.

Wafdigani waa kii ugu sareeyay ee ka socda wasaarada arimaha dibeda kenya oo soogaara tan iyo intii la dhisay dawlada uu madaxda ka yahay madaxwayne c/laahi yuusuf axmed dalka somalia.

Kulanka ay wafdigaan la leeyihiin Madaxda Sarsare ee Dowladda oo loo diiday inay saxaafaddu ka qaybgasho, ayaa ah mid ay albaabbadu u xiran yihiin, balse ilo wareedyo ku dhowdhow saddexda mas'uul ee dowladda ugu sarreysa ayaa waxay sheegayaan in waxyaabaha laga wadahadlayo ay ugu weyn tahay ka qaybgalka shirka berri lagu wado inuu ka furmo Magaalada Khartoum ee dalka Sudan

sikastaba wafdigan ayaa u kicitimay xarunta somalia ee amgaalada muqdisho oo dhawaan gacanta u gashay maxkamadaha  ayaa  waxaa la filayaa in ay iyagana kala hadlaan sidii ay u ayidi lahaayeen kulanka  wadahadalada somalida ee ka dhici doona khartuum oo dhawrjeer oo hore dib u dhacay kualnkiisii labaad ee lagu balan sanaa in uu ka dhaco dalka sudaan casimadiisa khartuum. 

wafdigani waxay marka ay u dhamaato booqashadoodu waxay ku laaban doonaan caasimada kenya ee nairobi halkaasoo ay warbixino ka siin doonaan madaxda dawlada kenya. 

A/rizak koronto
Garowe puntland


War saxaafadeed ku saabsan Ciidamada Ethiopia iyo xasuuqa ay gaysanayaan.

Agoosto 14, 2006: Gudoomiyaha ururka SORASOD Eng Idiris Hassan Farah waxuu soo saarayaa war saxaafadeed kaan ku saabsan Ciidamada Ethiopia xasuuqa ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Sidaa tarteed waxaanan ka xunahay ciidamada Ethiopia ee soogalay magaalada Balanbal ee G/Galguduud kana bilaabeen falal ka dhan ah shacabka soomaaliyeed ayagoona argagax galiyay shacabka isla markaana barakiciyay laayayna shacab soomaaliyeed oon waxba galabsan.

Sidookale ciidanka Ethiopia waxay xasuuqeen maalmahii nasoo dhaafay dad shacab ah iyo xoolohoodii oo ku noolaa tuulada laasacaanood oo ka tirsan degmada Caabudwaaq ee G/Galguduud.

Sidaa darteed waxaan cambaaraynaynaa gumaadka ay ciidamada Ethiopia ku hayaan shacabka soomaaliyeed islamarkaana ay caalamka u sheegto Ethipia inay ka baqayso argagixiso ooga timaado dhanka soomaaliya halka ay ayadu argagixiso maadaaba aanay jirin cid soomaalida u doodo dawlad la aanta ka jirto darted.

Sidaa darteed waxaa muuqato in Ethiopia xalaalaysatay gumaadka shacabka soomaaliyeed ayadoo dawlad ku sheega ka jirto Baydhabo noqotay mid u adeegto Ethiopia isla markaana raali ka ah wax kastaa oo dhibaato ah oo ciidamada Ethiopia la beegsadaan shacabka soomaaliyeed.

Hadaba shacabka reer G/Guduud ,Gedo,Bakool,Hiiraan oo ah gobolada ay Ethiopiyaanku dulaysteen ayaan kula talinaynaa inay wax la qayb sadaan kacdoonka shacabka ee ka bilaamay Xamar si loo soo celiyo karaamadii umada soomaaliyeed.

Ugu dambayntii waxaan guud ahaan umada soomaaliyeed oogu baaqaynaa inay ka hortagaan cid kastaa oo lid ku ah sharafta ,karaamada, umada soomaaliyeed

Wada shaqyan wacan

Gidoomiyaha ururka SORASOD
Eng Idiris Hassan Farah
Laixiir:
idirishf@hotmail.com


GO’AANNADA KA SOO BAXAY SHIRWEYNAHA QOWMIYADDA AW DIGIL

EE LAGU QABAY DAAR-US-ALAAM OO KA TIRSAN DEGMADA AW-DHEEGLE:

Waxaa Beesha Daar-us-Salaam oo ka tirsan Degmada AwdQheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka socday muddadii u dhexeysay August 10-13, 2006 Shirweyne si heer sare ah loo soo abaabulay oo ay isugu yimaadeen beelaha ku abtirsada Qowmiyadda Aw Digil, waxaana ka soo qaybgalay Salaadiinta, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahannada, Saraakiisha, Culumaa’udiinka, Dhallinyarada iyo Haweenka oo ka kala yimid Gobollada Shabeellada Hoose, Jubbooyinka, Gedo iyo Baay.

Muddadii uu shirweynuhu socdey waxaa looga dooday arrimo kala duwan oo dhinacyo badan ka taabanayo nolosha, dhaqanka, isku xirka gudaha iyo dibedda, hadafka iyo aayaha dadweynaha u dhashay koonfurta Soomaaliya, iyo guud ahaan kaalinta ay ku leeyihiin isbedellada dalka ka socda.

Gebagebadii Shirweynaha waxaa ka soo baxay go’aanno dhaxalgal ah oo taabanaya dhinacyo badan oo ahmiyad weyn u leh qaddiyada reer Aw Digil.

Iyadoo la tixgelinaayo go’aannadii horey uga soo baxay shirarkii isdabajoogga ahaa ee ay isugu imaan jireen Golaha Odayaasha Aw Digil ee sannad kasta la qaban jiray iyo hadafka lagu abuuray Ururka Midowga Koonfurta Soomaaliya (SSU)  oo ay abuureen dadweynaha iyo aqoonyahannada ku nool dalka dibeddiisa, kuwaasoo dhammaantood xambaarsanaa xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta gobollada ay degaan beelaha Aw Digil iyo guud ahaan gobollada koonfurta Soomaaliya, waxaa manta wixii ka dambeeya la mideeyey halganka gudaha iyo kan dibedda, iyadoo loo aqoonsaday “Ururka Midowga Koonfurta Soomaaliya” (SSU) inuu yahay ururka rasmiga ah ee metela danaha dadweynaha u dhashay koonfurta Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaanna beelaha ku abtirsada Qowmiyadda Aw Digil.

Shirweynihii ballaarnaa ee u socdey beelaha Aw-Digil islamarkaasna socdey muddo saddex maalmood ah, ayaa waxaa maanta laga soo saaarey bayaan ka kooban qodobo  taabanaya dhinacayo badan. Waxaana haddallada ku qoran bayaankas aad ugu maqsuudey ka soo qaybgaleyaasha shirka. Wuxuuna bayaanku ka kooban yahay dhowr iyo labaatan qodob  oo si faahfaahsan uga hadlaayey ujeedada shirka iyo mustaqbalka beelaha Aw-Digil.

Afhayeenka shirka oo la hadlaayey wariyeyaasha madasha shirka ka soo qeybgaley, asagoo ay barbartaaganyihiin Salaadiinta iyo wufuudda kale oo ka soo qeybgashey shirka wuxuu hadalkiisa ku caddeeyey in beelaha Aw-Digil manta wixii ka bilowdey yeesheen hal albaab oo laga soo gala, lagana baxa, iyo in wax Alle wixii howlgal ah ama tala ah oo beesha quseeya loo soo maro Golaha cussub iyo Guddiyada la doortey oo ka kooban Qowmiyadda Aw-Digil.

Waxaa kale uu sheegey afhayeenku in Ururka Midowga Koonfurta Soomaaliya (SSU) ay mateleyso danihii beesha Aw-Digil oona ku hadli karto magacii beesha, haddii ay noqoto la xaajoonta shirkadaha iyo Hay’adaha caalamiga, haddii ay noqoto shaqsiyaad dibadaha ku nool oo daneynaaya dadka ama dalka Qowmiyadda Aw-Digil, iyo haddii ay noqoto Ururada siyaasadeed ee wadanka ama caalamkaba ka dhisan. Wuxuu afhayeenku cadeeyey in isku xirka gudaha iyo dibadda  Qowmiyadda Aw-Digil ay maanta gaartey heerka ugu sarreeya uuna socon doono Insha Allah. Afhayeenku oo hadalkiisa sii wato wuxuu asagoo ka hadlaayo dilkii loo geystey marxuum Cabdalla Deerow Issaaq yiri:

“Waxaan tacsi u direynaa reerkii iyo eheladii uu ka geeriyoodey marxuum Cabdalla Deerow Issaaq. Waxaan Eebe ka baryeenaa in uu Jannada ka waraabsho, intii uu ka dhinteyna samir iyo iimaan siiyo. Waxaan rajeyneeynaa in kuwii dilka ka dambeeye oo shirqoolkaas dhigey iyo gacanta marxuumka disheyba la soo hor taagi doono maxkamadda oo la abaal marin doono Insha Allah”.

Afhayeenka shirka oo hadaladiisa sii wato asagoo wijigiisa ay ka muuqato murug iyo caro intaba wuxuu ku nuuxnuuxsadey asagoo aayadaha Qur’aanka iyo Sunnada Rasuulka dareerinaaya wuxuu ku adkeestey in Shareecada Islaamka lagu dhaqmo bacdaama uu yiri,  “waa sheygi kali ah oo lagu heli karo Xuquuqul Insaanka. “Shareecada Islaamka waa in ay noqotaa saldhiga wax kasta oo wadanka laga sameynaayo”, ayuu yiri afhayeenku.

Afhayeenku wuxuu ku darey hadalkiisa: “In beel kasta xaq u yeelato in ay dhisato maamulka deegaankeeda oo laga faragelinin, iyo in si deg deg ah loo dhiso maamul madax banaan oo beelaha ay ka sameystaan deegaandooda.

“Waa in la dhisaa maamullo beel kasta oo ku dhaqan Deegmooyinka ay iska dhex arki karto iyadoo loo aabayeelin awoodooda militari iyo jinsiyadooda intaba. Dadka laga tira badanyahay oo ku dhaqan Degmooyinka iyo Gobolada iyo kuwa loo yiqaano ‘looma ooyaan” waa in la dhowra xuquuqdooda iyo dadnimadooda”, ayuu ku darey afhayeenku.

Dhowr iyo labaatanka qodobadood oo shirka ka soo baxay waxaay yihiin sedatan.

1. In wadanka lagu dhaqo shareecada Islaamka oo ah sheygi kali ah oo lagu heli karo Xuquuqul Insaanka. Shareecada Islaamka waa in aay noqotaa saldhiga wax kasta oo wadanka laga sameynaayo.In Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka Koonfurta Soomaaliya oo dhan lagu dhisaa Shareecada Islaamka  loona daayaa dadka deegaanka u dhashey in ay dhistaan maamuladaasi.

2. In Gebi ahaan la qaado isbaarooyinka hadda yaalla Degmooyinka iyo Gobolada Koonfurta oo dhan.

3. In adeegga bulshada dib loo bilaabo iyo in wixii dhaqaale ah oo canshuur ahaan loo qaadaayo lugu bixiyo adeegga bulshada oo kali ah.

4. In maamul iyo guddiyo gaar ah la dhiso oo beel kasta ay iska dhex aragta oo cilmiyeeysan oo wax garad ka kooban oo wadani ah. Digil waa in uu helaa hal albaab oo laga soo galo oo la xaajooda dowladaha, hay'adaha, shaqsiyaad ama ururo kale sidii maxaakiimta islaamiga iwm.

5. In Arimaha quseeya Gobolada iyo Degmooyinka Koonfurta oo dhan lagala tashto dadka deegaanada u dhashey lana tixgeliyo rabitaankooda.

6. In la Joojiyo dhoofinta dhuxusha iyo duur joogta wadanka, lana mamnuuco beeridda iyo ka ganacsiga maandooriyeyaasha.

7. In la joojiyo xaalufiinta dhirta iyo daaqqa sida ugu dhaqsiyaha badan. In laga ilaaliyo wixii badda iyo barrigaba dhibaato u keeni kara oo kheyraadka laga heli lahaa dhibaateeyo sida sunta lagu daadinaayo xeebaha wadanka.

8. In la tixgeliyo ganacsi madaxbannaan oo shareecada ku dhisan iyo in aan la caburinin dadka danyerta ahi.

9. In lala xisaabtama Hay’adaha samafalka oo ka howlgala gobolada koonfur.

10. In la dhowro deris wanaagga, ha ahaato mid Beeleed, mid Degmo iyo mid Goboleedba.

11. In la soo dhoweeyo cid kasta oo maalgalis ku sameyneysa dalka, ajnabi iyo Soomaaliba.

12. In Hay'adaha samafalka ay soo galaan Gobolada si ay u daboolaan baahida la qabo oo dowlad la'aantu keentey. In Hay'adahaas ay la macaamilaan dadka deegaanka iskaleh oo baahidooda og, loona soo marinin dad kale oo wadanka marti ku ah.

13. Shirweynaha Aw-Digil wuxuu go’aansaday in xarunta Aw-Digil noqoto Daar-us-Salaam ee Degmada Aw-Dheegle.

14. In hantida lakala dhacey la isu celiyo, siiba kuwii maguurta ahi, iyo in laga baxo hantida dowladdu lahaan jirtey. Soomaaliduna ay is Cafiso.

15. Shirweynahu wuxuu si weyn u soo dhoweynayaa nabadgelyada iminka ka jirto magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda iyo furitaanka goobaha muhiimka ah sida goroonka caalamiga iyo dekadda weyne ee magaalada Muqdisho.

16. Shirweynuhu wuxuu caro ka muujinayaa in Midowga Maxaakiimta Islaamka iyo Dowladda Kumeelgaarka labaduba iska indhatireen dhibaatada ka jirta Gobolada Koonfurta Soomaaliya, ayna ku mashquuleen Gobolada Dhaxe oo dhibaatto noocaasi ah iminka ka jirin.

17. Shirweynuhu wuxuu taageeri u fidinayaa wadahadalka Dowladda KMG ah iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, taasoo Qowmiyada Aw-Digil diyaar u tahay inay gacan ka geysato si loo gaaro xal waara.

18. Shirweynuhu wuxuu ku boorinayaa dadka Soomaaliyeed in ay dhowraan xuquuqda Haweenka iyo Caruurta, sarena loo qaado aqoontooda iyo caafimaadkooda.

19. Shirweynuhu wuxuu go’aamiyay in la dhowro mabda nabad kuwada noolaanshaha ah iyadoo loo hoggaansamaayo Aayadda 208 ee Suuratul Baqara.

20. In la dhiso Dowlad Goboleedyo uu Fidiraalka ka koobanyahay oo weliba lagu saleysiiya habka awood qeybsiga ee 4.5 oo axdiga lagu heshiiye ahaa. Taasi waxay meesha ka saareysaa in beel ay beelaha kale ka batsato awooda ay ku lahaankarto Dowladda Fidiraalka iyo in Dowlad Gobooleedyada aysan ka badanin tirada beelaha ee 4.5. Waxaan ola jeednaa in wixii la dhahaayey Jubbaland ama Ex-Banaadir ay meesha soo gali karin.

21. Koonfurta Soomaaliya waxaan ola jeednaa todoba gobol oo ah: Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo, Baay, Bakool, Shabeelada Hoose iyo Banaadir. Goboladaan waa in ay is raacaan oo ay isku noqdaan hal Dowlad Goboleed.

22. Waxaan aqoonsaneynaa oo kali ah Soomaaliya in ay ka koobnaato Soomaaliland, Puntland, Central Soomaaliya iyo Southwest, magacyadaas ama magacyo kale oo beelihii ku wada dhaqan gobolkaas ku magacaabaanba. Beel kasta oo Soomaali ah waxay lahaaneeysaa hal dowlad goboleed, laakin koonfurta waxay ku darsaneysaa nuski soo harey maxaa yeeley beelaha qeybti shanaad ahi waxay deganyihiin ooy u badan yihiin Koonfurta Soomaaliya.

23. Shirweynuhu wuxuu go’aamiyey in Ururka Midowga Koonfurta Soomaaliya (SSU) oo urur siyaasi ah uu yahay ururka kali ah oo ku hadli kara magaca Qowmiyadda Aw-Digil iyo in shaqsiyaadka   daneeynaaya dadka iyo dalka Qowmiyadda Aw-Digil kala xiriiraan arimaha siyaasadda iyo tan bulshadaba ururkaas.

Shirweynuhu wuxuu go’aansaday in la dhowro cadaaladda saddexdeeda Qeybood:

a) Cadaaladda guud ee dabiiciga ah.
b) Cadaaladda Ijtimaaciga.
c) Caddaaladda qaanuuniga.

Waxaa bayaankan si xamaasad leh ku ansixiyay shirweynaha Aw-Digil. Waxaa go’aankaan saxiixey Salaadiinta beelaha Aw-Digil oo shirka kasoo qeybgaley ama wakiiladooda.

Salaadiinta Aw-Digil waxaay qaraar toos ah ka soo saareen cadaalad darrada lagu hayo beelaha Aw-Digil. Salaadiinta waxay taariikh ahaan soo xuseen in dowladaha Soomaaliya ka jiri jirey dagaalada sookeeye ka hor iyo kuwii lagu soo dhisey Carta iyo Mbagathiba ay ku saleysanyihiin xadgudud lagula dhaqdo beelaha Aw-Digil. Shirweynuhu wuxuu go’aamiyey in hadda wixii ka dambeeya aan loo dulqaadan karin xaqdarada iyo dulmiga lagu haayo Qowmiyadda Aw-Digil.

Si kastaba ha ahaatee shirweynuhu wuxuu xuseey in isbedelka wadanku uu iminka maraayo awgeed la filaayo in wax iska bedelaan xaaladda guracan oo iminka ay ku suganyihiin Soomaalida ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya. 

Haddaba waxaan Dowladda Federaalka KMG ah iyo Midowga Maxaakiimtaba baaq ugu jeedineynaa in aysan dhicin ama sii soconin cadaalad darradii hore u soo dhacday ama haddaba jirta. Waxaan cadeyneynaa in haddii taasi ay dhacdo ama sii socoto inaan ka fiirsan doonno ka mid noqoshada DFKMG ama la shaqeynta Midowga Maxaakiimta Islaamka.

Salaadiinta Aw-Digil:

1. Ugaas Siideey Xaaji Maxamed Nuur.
2. Jeylaani Maxamed Oofow, Wakiilka Suldaanka Beesha Tunni, Suldaan Cumar Faqi Xaaji Aweys.
3. Suldaan Buube Suldaan Cabdulle.
4. Suldaan Sayid
Cali Xasanow Caliyow Ibrow.
5. Malaaq Siidow Maadow Muuse.
6. Ibraahim Cusmaan Daasow, wakiilka Ugaas Max’ed Macalin.
7. Ugaas Xaaji Xasan Ibraahim (Ugaas Banduuq).
8. Suldaan Sheekh Aabow Maxamed Nuur.
9. Suldaan
Cali Maxamed Cabdi Cumarow.
10. Malaaq Cumar Ibraahin Axmed.

Wa Billaahi Toowfiiq.

Xafiiska waraka DMC

 ee Daarisalaam

DMC - Muqdishu

Muuse Maxamuud Jiisow

Muqdisho somaliya

002521576666

002521653623

Laxiriir: MUUSE MAXAMUUD JISOW | somali39@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2006


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD