MAGACYADA WASIIRADA UU
MAGACAABAY CALI MAX’ED GEEDDI
Magacaabista Wasiirada
Xukuumadda Cali Max’ed Geeddi, waxaa ka maqnaa goobtii
looga dhawaaqayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan, waxaa
kaloo ka maqnaa Ra’isul Wasaare Geeddi, waxaana akhriyey
afhayeenka Xukuumadda C/raxmaan Nuur Max’ed (Dinaari).
Sh.
Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) |
wasiirka garsoorka. |
Ismaaciil
Hurre Buubaa |
wasiirka
arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga |
Xuseen Maxamed
Ceydiid |
wasiirka
arrimaha gudaha ahna ra'iisal wasaare ku xigeen. |
Barre Aadan
Shire (Hiiraale) |
wasiirka
Gaashaandhiga. |
C/lalahi Cabdi
Garuun |
wasiirka
amniga Qaranka. |
C/llaahi
Sheekh Ismaaciil |
Maxamed
Maxamud Xeyd |
Xuseen
Ceelaabe Faahiye |
wasiirka
Qorsheynta iyo tirikoobka |
Xasan Maxamed
Nuur Shaatigaduud |
Wasiirka
Maaliyadda |
Fowsiyo
Maxamed Sh Xasan |
wasiirka
Horumarinta iyo arrimaha qoyska. |
Saalim Caliyow
Ibrow |
wasiirka
Xanaanada xoolaha, ahna Ra'iisal wasaare ku
xigeen. |
C/qaadir Nuur
Caraale |
Wasiirka
Beeraha |
Xasan Abshir
Faarax |
wasiirka
kaluumaysiga iyo kheyraadka badda |
C/llaahi
Yuusuf Maxamed |
wasiirka
Betroolka iyo tamarta. |
Maxamed M.
Guuleed (Gacmadheere) |
wasiirka
hawlaha guud iyo guryeynta. |
Maxamed
Ibrahim Xaabsade |
wasiirka
Gaadiidka cirka iyo dhulka. |
Cali Ismaaciil
Cabdi (Giir) |
wasiirka
Dekada iyo gaadiidka badda. |
C/llaahi Axmed
Afrax |
Wasiirka
Ganacsiga |
Maxamud Salaad
Nuur |
wasiirka
Macdanta iyo biyaha. |
C/raxmaan
Cabdi Waare |
wasiirka
waxbarashada. |
Mowlid Macaane
Maxamed |
Wasiirka
Isboortiga |
Saalax Cali
Faarax |
wasiirka
Shaqada iyo horumarinta shaqaalaha |
Cabdi Maxamed
Tarax |
wasiirka
Boostada iyo isgaarsiinta. |
Maxamed C/llaahi
Kaamil |
wasiirka
Warshadaha |
Sh Xasan
Ismaaciil Bile |
wasiirka
Awqaafta iyo arrimaha diinta. |
Cali Axmed
Jaamac Jangeli |
wasiirka
Warfaafinta |
Saciid Xasan
Shire |
wasiirka Dib u
Dhiska iyo dib u dejinta. |
C/casiis
Sheekh Yuusuf |
wasiirka
Caafimaadka. |
Xuseen Maxamud
Sh Xuseen |
wasiirka
Hidaha iyo tacliinta sare |
Cali Maxamed
Maxamud (Xareed |
Wassiirka
Dalxiiska iyo Duur Joogta |
Maxamed
Maxamud Xeyd |
Wasiirka
Deegaanka |
Maxamuud
Cabdulaahi Jaamac ( Sifir ) |
Wasiirka Dib u
Heshiisiinta iyo Jaaliyadaha |
Magacyadda Wasiiru -
Dowlayaasha
Magaca |
Xilka loo
Magacaabey |
Khadiijo
Maxamed Diiriye |
wasiiru
dawlaha warfaafinta |
Sh Aadan
Madeer |
wasiiru
dawlaha qorsheynta iyo tirikoobka. |
Cabdalla Boos
Axmed |
wasiiru
dawlaha kaluumaysiga iyo kheyraadka badda. |
c/kariim Axmed
Cali |
wasiiru
dawlaha maaliyada. |
Maxmud Sayid
Aadan |
wasiiru
dawlaha arrimaha gudaha. |
W/D: Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Magaalada Qaahira: Laba
tariin oo isku baa ba'ay
Shil tareen oo aad u ba'an
ayaa saaka barqadii kadhacay dalka masar caasimadisa
qaahira dhankeeda waqooyi, shilkan waxaa kugeeriyooday
in ka badan 80 qof halka 163 kale ay ku dhaawacmeen,
dhilkan ayaa dowlada masar kutirey inuu yahay kii ugu ba,
naa mudo haatan laga joogo afar sanadood.
Kooxaha qaabilsan bad
baadada ayaa iyagu goortii uu shilka dhacay tagay si ay
ubadbaadiyaan dadka labada tariin dhexdooda ku baa ba
ay, dowlada masar ayaa iyada madaxdeeda ka hadleen
waxaana kamid ah madaxdii ka hadashay madaxwayne xusni
mubaarik, waxaa kaloo mesha shilka ka dhacay tagay
wasiiro uu kamid yahay wasiirka arimaha gudaha iyo
raysal wasaaraha iyo weliba wasiirka caafimaadka, wixii
intaas dheer ee soo kordha waanu idinla soo socod
siindoonaa..
Abdirizak A.kaneec
Kaneec1@hotmail.com
Qaaahira masar
Minneapolis:
Munaasabad Loo Qabtay Jaamacad laga hirgalinayo Kismaanyo
Galabnimadii Axada (Agoosto 20) waxaa
magaalada Minneapolis, gaar ahaan xaafada Cedar ee Soomaalidu u badan yihiin,
lagu qabtay shir looga gol lahaa hirgalinta Jaamacada Kismaayo (Jubba
University). Waxaana shirkaas marti u ahaa Daud Zwink oo ah Madaxa Hay'ada
Somali Relief Fund oo ah Hay'ad gargaar oo ka hawl gasha wadanka Soomaaliya.
Daud Zwink waa Muslim u dhashay Maraykan,
waxana uu muddo dheer joogey Soomaaliya halkaas oo uu horraantii 70-naadkii
ku islaamay. Waxana uu si xeeldheer uga hadlay muhiimada ay leedahay
hirgelinta Jaamacadaha Soomaaliya, gaar ahaan jaamacada xaflada loo qabtay
ee Kismaayo laga hirgelinayo ee Jubba University of Kismayo.
Waxaa kale oo munaasabadaas ka hadlay Keith
Ellison oo ah nin Muslim ah isla mar ahaantaasna u tartamaya aqalka
Odayaasha Maraykanka (U.S. Congress) kuna jira musharaxiintii xisbiga
dimoqraadiga ee doorashada koowaad ee dhici doonto September 12, 2006. Sidoo
kale waxaa halkaas erayo dhiiri gelin ah ka soo jeediyey Maxamuud Wardheere
oo dadka ku guubaabiyey wanaag ay leedahay hirgelinta Jaamacada. Waxaa kale
oo ka hadlay waxgarad kale oo dhammaantood muujiyey baahida ay Soomaalidu u
qabaan in la hir geliyo goobo wax barasho si dadka jahliga looga saaro. "QORIGA
DHIGA, QALINKA QAATA".

Bidix: Keith Ellison | Midig: Daud Zwink

Wardheere iyo akhyaar kale oo ka hadlaya xafladda
Dad ka mid ah kasoo qaybgalayaashii
munaasabada ayaa goobtii shirka waxa ay ku bixiyeen (Ballan qaadeen) lacag
dhan shan-kun ($5,000) oo doolar oo loogu deeqay Jaamacada Kismaayo.
Reer Minnesota intii ka maqnayd xafladii
waxa ay deeqda Jaamacada Kismaayo ku hagaajin karaan ama kala xiriiri karaan
Maxamed Ciise: Email: hajiissa@gmail.com
ama 612-310-3833.
Golaha
Maxaakiimta oo sheegay in ay dhamaatay xiligii 4.5..
Shir jaraa’id oo ay shalay qabteen Golaha
Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxay kaga warameen arrimo fara badan oo la
xiriira xaaladda dalka iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka goobaha ay ka
taliyaan Golaha Maxaakiimta.
War saxaafadeedkaan oo uu faahfaahiyey
madaxa Dacwada iyo Warfaafinta ee Golaha Maxaakiimta Sheekh C/rixiim Cali
Muudey waxa uu sheegay in Golaha Maxaakiimta gebi ahaanba mamnuuceen in la
dhoofiyo dhuxusha & jarida jirta iyo waliba Ugaarta, isagoo sheegay in
ciddii lagu arko iyadoo ku xadgudbeysa sharcigaasi Maxkamad lala tiigsan
doono.
“Wey dhaamatay xiligi wax la yiraahdo 4.5,
umadda Soomaaliyeed dhamaantood way siman yihiin” ayuu yiri Sheekh C/rixiim
oo sheegay in ay jihaad la geli doonaan ciidamada IGAD ee la sheegay inay ku
soo fool leeyihiin Gudaha Dalka Soomaaliya.
“Dowladda Kenya waxay la mid noqotay
Dowladda Itoobiya oo aan dooneyn in Soomaaliya ay hesho nabad iyo xalisooni”
ayuu yiri Sheekh C/raxiin oo u soo jeediyeen wadamada doonaya in ay
Soomaaliya u soo diraan ciidamo nabad ilaalin ah in ay arrintaasi ka
digtoonaadaan.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho u
yimid arrimo la xiriira..
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah
Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee maxaakiimta islaamiga ah ayaa maalintii
shalay ahayd dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Inkastoo aan faahfaahin laga bixin,
sababaha uu Sheekh Xasan u yimid Magaalada Muqdisho ayaa imaanshihiisa waxaa
ka dambeeyay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh
Axmed oo isagu booqday Gobalada dhex, halkaasna ay iska soo raaceen.
Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta
ayaa waxay sheegeen in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu u yimid Magaalada
Muqdisho sidii uu u arki lahaa howlaha Nabadgelyada ee ka socda magaalada
Muqdisho iyo waliba sidii kulamo la tashiyo ah uu ula sameyn lahaa
mas’uuliyiinta sarsare ee Golaha Maxaakiimta taas oo ay ugu horeyso sidii
looga hortagi lahaa ciidamada ku soo wajahan Soomaaliya ee ka socda IGAD.
Max’ed Cabdi Yuusuf oo ka dabcay
mowqifkiisii ahaa in dalka aan la keenin ciidamo Shisheeye..
Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf ayaa ka
dabcay mowqifkiisii ku aadanaa keenista ciidamo shisheeye, waxa uuna sheegay
in waqtigaan loo baahan yahay in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye ha
noqdeen kuwo safka hore iyo kuwa safka dambe ah.
“Anagu isma aaminsanin cid na soo dhex
gashana si aad ah ayaa loogu baahan yahay” ayuu yiri Max’ed Cabdi Yuusuf oo
ka mid ahaa Xildhibaanadii sida aadka ah uga soo horjeeday in Soomaaliya la
keeno ciidamo Shisheeye.
Max’ed Cabdi Yuusuf waxa uu sheegay in
Golaha maxaakiimta ay wax weyn u qabteen bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna
Dowladda iyo Maxaakiimta u soo jeediyey in ay ka qaybgalaan shirka Khartuum.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo gebi ahaanba la
wareegay Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo..
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo
waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiradoodu gaareyso 400 oo
askari ay shalay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo.
Ciidankaan ayaa durbadiiba isku qaybiyey
labo qaybood kuwo degay Duleedka magaalada iyo kuwa ku dhex jira gudaha
Garoonka, laman garanayo sababaha ay ciidamadaasi ula wareegeen garoonkaasi,
sidoo kale Dowladda Federaalka wax faahfaahin ah kama bixin ciidamadaasi la
wareegay garoonka Diyaaradaha.
Dhawaan ayaa ciidamo ilaalo ka ahaan jiray
garoonkaasi waxay u soo baxsadeen dhinaca Maxaakiimta Islaamiga ah kaddib
markii ay cabasho ka muujiyeen dhaqaale la’aan iyo darxumo.
Ciidamada Itoobiya ayaa dadka qaar waxay
sheegeen inay horey ugu sugnaayeen magaalada Badydhabo kaddibna ay u
dhaqaaqeen garoonkaasi, waxaana la sheegay in sababaha ciidamadaasi garoonka
u qabsadeen ay tahay iyadoo maanta lagu wado inay ka soo deg aan ciidamo
Itoobiyaan ah oo aad u fara badan, hase yeeshee qabshada garoonkaasi waxa uu
u soo beegmay xili aan weli la dhisin dowladdii la kala diray ee Cali Max’ed
Geedi.
Goob lagu tumi jiray Mingiska iyo Booranaha
oo albaabada loo laabay..
Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo ka
tirsan Golaha maxaakiimta gaar ahaan Maxkamadda Islaamiga ah ee Ridwaan ee
Degmada Huriwaa waxa ay xireen goob lagu tumi jiray Mingiska iyo Booranaha.
Ciidamadaasi ayaa waxa ay gacanta ku
dhigeen dadkii tumi jiray Mingiskaasi iyo Buranahaasi iyo kuwii laga tumayay
oo isugu jiray rag iyo dumar, sidoo kale waxay ciidamada Maxaakiimtu
burburiyeen dhamaan qalabkii wax lagu tumi jiray ee yiilay halkaasi, sidoo
kale xiligii ay Maxaakiimtu albaabada u laabanayeen xaruntaasi oo ku taala
Yaqshiid ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhex yiilay xoolo fara badan oo
halkaasi lagu qalay.
Arrintaan ayaa waxaa si weyn u soo
dhaweeyay dadweynaha deegaanka oo sheegay inay dhibaato weyn ku qabeen
goobtaasi.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Wasiiro
kasocda Puntland ee ku sugan Maraykanka oo booqday Inver Hills Community
College
Minneapolis:- Wasiirada ka socda
Dowlada Puntland ee safarka ku jooga dalka Maraykanka ayaa booqday mid kamid
ah jaamacadaha Maraykanka ee ku xiran Jaamacadaha ka dhisan Gobalada
Puntland. Wasiirka Maaliya ee Dowlada Puntland Md.Mohammed Ali Yusuf, iyo...
AKhri warka oo dhan... (pdf)
Garowe:
Macalimiin mudaharaadka Ka hordhigay wasaarada waxbarashada DGPL ee garowe.
Magaalada garoowe ee caasimada Puntland ayaa
waxaa Axadii dibad bax ka dhigay macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada Hoose,
Dhexe ee gobolada Puntland oo baryahaan uu siminaar uga socday garwowe.
macalimiinta dibad baxa ka hordhigay
wasaarada waxbarashada puntland ee garowe ayaa kakala yimid dhamana
gobalada puntland oo bilihii aanu soo dhaafnay uu tababar uga socday
magaalada Garoowe ayaa waxa ay ka cabanayaan qaabka uu ku sucdo maamulka
tababarka iyo rajo xumo ay ka muujinayeen mustaqbalkooda taasi oo laxiriirta
marka uu dhamaado siminaarkan ay aadka uga cabanayaan.
Wasaarada waxbarashada puntland ayaa
mudooyinkii ugu danbaysay ku hawlanay sidii ay puntland ku heli lahayd
baryaal xirfad u leh hawlaha macalinimada dugsiyada hoose,dhexe ee gobalada
puntland.
Wasaaradda Wax barashada ee Puntland ayaa
waxa ay sheegtay in tiro ka mid ah macalimiintaasi laga xulan doono marka uu
dhamaado tababarkaas kuwaasi oo wasaaraddu ay mushaar u qori doonto intii ku
gudubta imtixaanka marka laqaado.
Wasiirka wax barashada ee Puntland Dr:
Axmed Siciid Aw-nuur ayaa waxa uu sheegay in cabashadasi ay wadaan
macalimiin uu ku tilmaamay in aysan aqoon lahayn oo ay ka cabsi qabaan in ay
ku guulaysan kari waayeen imtixaan uu sheegay in ay qaadayaan marka uu
tababarkaasi dhamaado.
Sikastaba Waa markii labaad oo muddo laba
bilood gudohood ah ay macalimuuntaasi ay mudaharaad noocani oo kale ah oo ay
ku soo bandhigayaan cabashooyinkooda ka dhigaan xarunta wasaarada
waxbarashada puntland ee Garowe.
Wasiirka wasaarada waxbarashada ayaa ah wasiirkii
ugu horeeyay ee tiro macalimiiin gaaraysa in kabadan 300 ufuray siminaarkii
ugu horeeyaya ay si guud isugu arkaan tiro intaa la eg ee barayaal ka ah
guud ahaan gobalada puntland macalimintaan ayaa ah kuwa wax ka dhiga
dugsiyada hoose, dhexe, ee deegaanada puntland oo dhan.
Garowe:
Imtixaankii sanad dugsiyeedka sanadka oo sixitaankiisi dib loogu soo
celiyay deegaanada puntland, Gambool-na guul ka soo hooyay.
Imtixaankii sanad dugsiyeedka dugsiyada sre
ee puntland ayaa maalintii shalay ahayd sixitaankiisii dib loogu sooceliyay
caasimada puntland ee Garowe.
Dugsiga sare ee gambool secondary school
ayaa soo hooyay guul wax ku ool ah taasi oo farax galisay waalidiinta iyo
maamulka dugsiga sare ee gambool iyo maclimiinta iyo waliba ardayda kaasi
oo u furtay markale ardayda gobalka nugaal in ay hogaanka ama majraha u
qabtaan hogaanka waxbarashada deegaanada puntland.
85 ayaa u soo fariiisatay imtixaankii
sanadakan dugsiga gambool oo kalia waxaana ay dhamaantood ku baaseex
imtixaankii sanad dugsiyeedka dugsiyada sare mana jirin hal qof oo dhacay
sida ay cadaysay haayada unesco oo iyadu hada gacanta ku haysa sixitaanka
imtixaanka dugsiyada sare ee puntland.
32 arday oo ka mid ah ardaydaas imtixaanka
u fariisatay ee gambool ayaa keentay grade A waana tiradii u badnayd oo
hal imtixaan loo fariisto dugsiyada sare ee puntland mar kaliya keentay
grade A tan iyo markii dib loo furay dugsiyada sare ee puntland.
Tan iyo markii la keenay imtixaanka ayaa
arday ku faraxsnayd natiijada imtixaankii la keenay iyaga oo sheegayay in
ay tahay xaqoodii ay shaqaysteen mirihiisana ay dhamayaan.
Iyada oo cadaadis la saaray markii loo
fariisnaayay qaadista imtixaanka oo sixun loo ilaalinayay ayay hadana ka
soo baxeen cadaadiskaas saarnaa oo ay hada ku faraxsan yihiin natiijadii ka
soo baxday imtixaankoodii ay galeen.
Cadaadiskaas saarnaa ayay ardaydu aad uga
cabanayeen iyo tirabadnida imtixaanka iyaga oo loo ilaalinayay markii uuu
imtixaanku biaalamay si xun oo adag.
guusha ay hada mira heeda dhadhan sanayaan
ayaa ahayd mid adag oo ay soo mareen mudo 4sano oo ay u soo fadhiyeen
subaxwalba in ay u kalahaan dugsiga sare ee gambool ardayda gobalka nugaal
ee sanadkan u guulaysatay guul wax ku ool ah.
Sanadkii ugu horeeyay ayaa dugsiga sare ee
gambool waxa uu majarha u qabtay in ardaydii ka qalin jabisay ay ahaayeen
kuwii ugu sareeayay imtixaanada dugsiyada sare ee puntland iyaga oo
sanadkaas galay kalimaha 1aad iyo 2aad guud ahaan dugsiyada sare ee puntland
oo ay ahaayeen markaasna ardaydii ugu badnayd ee xaga baasitaanka
imtixaanada sanadkaas.
Sanadkan ayay mar kale u qabteenmajaraha
in ay ka sooo hooyaan guul wax ku ool ah iyaga 32 ka mit ah ardayda dugsiga
sare ee gambool ay ku baasto gradeka loo yaqaano A mana jirin sanadkan cid
dhacday sanadkan dugsiga sare ee gambool.
Guushaas ay soo hooyeen ayaa waxaa habmalyo
iyo bogaadin warqad ka turjumaysa soo gaarsiiyaya maamulha dugsiga iyo
guud ahaan ardayda dugsiga sare ee gambool imtixaan qaadihii ee ka socday
haayada uneco oo hada jooga magaalada nairobi Mr:Rowl, oo isaga mudooyinkii
ugu danbeeyay ku hawlanaa hawlaha waxbarashada puntland gaar ahaan kuwa
dugsiyada sare ee puntland oo dhan.
Baghdad: 20 qof ayaa ku dhimatay 300 oo
kalena waa ku dhaawacmeen xus diimeed kadhacayaya iraq.
Ugu yaraan 20 aya ku dhimatay 300 oo
kalena dhaawacyo ayaa ka soo garay kadib markii uu nin hubaysani rasas
ooda kaga qaaday dad xusayay xusdiimeed oo dhamaandood ahaa shicada
dalka iraq.
Xujaydan ayaa xusaysay xusdiimeed
sadakasta loo dhigo Imam Musa Kadhim, oo ay aamin sanyihiin in ay tahay
waajib saaran in la xuso Imamka muslimiinta shicada ah ee u badan
dalkaasi Iraq.
Sida ay waraku xaqiijinayaan ninka
xabada ooda kaga qaaday dadkaasi xusayay xuskaasi ayaa lagu sheegay in
uu ahaa nin ah muslimiinta sunida dalkaasi Iraq.
Wasiirka caafimaadka dalkaasi iraq ayaa
xaqiijiyaya in ay meelo kale ka dheceen qaraxyo dadna ay wax ku noqdeen.
Kooxaha qaabilsan amaanka dalkaasi iraq
ayaa baaraya sida ay wax u dhaceen iyaga oo baarbuuta ka baaraya
waxyaabaha qarxa.
Wasiiraka difaaca dalka iraq oo lagu
magacaabo General Abdul Qader Jassim ayaa warfidiyenada u sheegay in la
qabtay 30 qof oo looga shakiyaya in ay ku lug lahaayeen dhacdadaasi
sidoo kale 14 booliis ah ayaa ka mid ahaa dadkii dhaawacmay sida ay
shaacisay wasaarada difaaca dalkaasi iraq.
Xusdiimeedkaan ayaa ah mid sanad walba
lagu qabto dalkaasi iraq sandkii hore waxaa ku geeriyooday qarxyo lala
beegsaday xusdiimeedkaasi dad gaaraya 1,000 tiro intaa kabadana
dhaawacyo ayaa ka soo gaaray dhamaan dadkaasi waa wada shicada u badan
dalka iraq.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Ra'iisul wasaare Cali Maxamed
Geedi oo Saaka ku Dhawaaqay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub.
Agoosto 21, 2006| Baydhabo
Ra'iisal wasaaraha dowladda
federaalka kmg ee Soomaaliya mudane Cali Maxamed Geedi ayaa saaka
ku dhawaaqay magacyada xubnaha golaha wasiirada xukuumadiisa
cusub.
C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari)
oo ah afhayeenka xukuumada FKMG ah ayaa warfidiyeenada u
akhriyey, isla mar ahaantaasna qoraal ahaan ugu qeybiyay
magacyada wasiirada cusub ee xukuumada ra'iisal wasaare Cali
Maxamed Geedi, waana ku wan magacyada wasiirada oo ka kooban 31
wasiir iyo 5 wasiiro dowlayaal.
Magacyada Wasiirada Saaka lagu dhawaaqey.
- 1-Wasiirka arrimaha gudaha ahna
Ra'iisal wasaare ku xigeenka Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid.
- 2- Wasiirka Gaashaandhigga Col. Barre
Aadan Shire (Barre Hiiraale)
- 3- Wasiirka Maaliyada Col. Xasan
Maxamed Nuur (Shati Guduud)
- 4- Wasiirka arrimaha dibada iyo
Iskaashiga Caalamiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa)
- 5- Wasiirka Garsoorka Sheekh Aadan
Maxamuud Nuur (Aadan Madoobe)
- 6- Wasiirka Amniga Qaranka C/laahi
Cabdi Garuun
- 7- Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha
Federaalka ahna ra'iisal wasaare ku xigeen C/laahi Sheekh Ismaaciil
- 8- Wasiirka qorshaynta iyo tirakoobka,
Xuseen Ceelaabe Faahiye
- 9- Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo
arrimaha Qoyska Fowsiyo Maxamed Sheekh Xasan
- 10- Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo
Dhirta iyo Daaqa ahna ra'iisal wasaare ku xigeen Saalim Caliyow Ibrow.
- 11- Wasiirka beeraha C/qaadir Nuur
Caraale
- 12- Wasiirka Kalluumaysiga iyo
Kheyraadka Badda Xasan Abshir Faarax
- 13- Wasiirka Batroolka iyo arrimaha
Tamarta C/laahi Yuusuf Maxamed
- 14- Wasiirka Hawlaha guud iyo
guryeynta Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo Dheere)
- 15- Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka
Badda Cali Ismaaciil Cabdi Giir
- 16- Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo
Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade
- 17- Wasiirka Ganacsiga C/laahi Axmed
Afrax
- 18- Wasiirka Macdanta iyo Biyaha
Maxamuud Salaad Nuur
- 19- Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan
Cabdi Waare
- 20- Wasiirka Dhalinyarada iyo
Isboortiga Mowliid Macaani Maxamuud
- 21- Wasiirka Shaqada iyo horumarinta
Shaqaalaha Salaax Cali Faarax
- 22- Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta
Cabdi Maxamed Tarrax
- 23- Wasiirka Warshadaha Maxamed C/laahi
Kaamil
- 24- Wasiirka Arrimaha diinta iyo
Awqaafta Sheekh Xasan Ismaaciil Bile
- 25- Wasiirka Warfaafinta Cali Jaamac
Jangali
- 26- Wasiirka Dib u dhiska iyo dib u
dejinta Siciid Xasan Shire
- 27- Wasiirka Caafimaadka C/casiis
Sheekh Yuusuf
- 28- wasiirka Dib u heshiisiinta iyo
Jaaliyadaha dibadda Maxamuud Cabdullaah Jaamac (Sifir)
- 29- Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare
Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen
- 30- Wasiirka Dalxiiska iyo Duur joogta
Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed)
- 31- Wasiirka Deegaanka Maxamed
Maxamuud Xayd
Magacyada wasiiro dowlayaasha saaka lagu
dhawaaqey.
- 1- Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha
Maxamuud Sayid Aadan
- 2- Wasiiru dowlaha qorshaynta iyo
tirakoobka Sheekh Aadan Sheekh Mader
- 3- Wasiiru dowlaha Warfaafinta
Khadiijo Maxamed Diiriye
- 4- Wasiiru dowlaha Kaluumaysiga iyo
Kheyraadka badda Cabdalla Boos Axmed
- 5- Wasiiru dowlaha Maaliyadda C/kariim
Axmed Cali
Wasiiro ku xigeenada golaha wasiirada ee
saaka ku dhawaaqey oo ka koobnaan doona 31 wasiiro ku xigeen ayaa dib laga
soo magacaabi doonaa iyadoo wasiirada saaka lagu dhawaaqey maalinta
talaalada ah oo bari ku beegan baarlaamka la hor gayn doono.
Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)
Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 21, 2006
Golaha Maxaakiimta oo ka digay dadka ku Qaraabta magaca
Maxkamadaha…
»Dagaal
dhex maray maleeshiyooyin Daba-Geed & Cabdi Waal
»Soomaalida
Sweden oo ku banaanbaxday safaarada Itoobiya
»Dowlada
Jabuuti oo gaashaanka ku dhufatay in Soomaaliya
»Culuma’diinka
Magaalada Marka oo raali gelin u diray...
»Dowladda
Yemen oo wada qorshe ay ku dooneyso in ay..
»Bosaso:
Boliska oo bilaabay hawlgal ay ku soo qabana..
»Ufayn:
wasiirka xanaanada xoolaha ayaa gaaray degmeda
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...
Aug 20