Sheekh
Shariif oo sheegay in Gobalka Sh/hoose uu yahay Gobol Gacan
siiyey Maxkamadaha ee Dacaayada Raqiiska ah halaga daayo..
Maalintii
shalay ahayd ayaa Guddoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta
Islaamiga ah Shiikh Shariif Sheekh Aadan waxa uu xariga ka
jiray tobanka Buundo ee deegaanka Tixsiile ee Gobalka
Sh/hoose, kaddib markii Buundadaasi dayactir lagu sameeyay.
Sheekh Shariif oo la hadlayey dadkii ka qaybgalay
munaasabaddii lagu furayay buundadaasi ayaa waxa uu
mahadceliyay maamulka gobalka Sh/hoose waxa uuna sheegay in
mas’uuliyiinta gobalkaasi ay weyn u qabteen bulshada. ”Waa
in gobalka laga daayaa dacaayadda raqiiska ah, waayo gobalka
waxaa ka jira nabad buuxda, waana gobalkii gacnta siiyey
Maxaakiimta Islaamiga ah, wixii qaladaad ah ee jirana waa la
saxayaa” ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in dadweynaha
ku nool Gobalka SH/hoose ay haystaan nabadgelyo buuxda,
isagoo sheegay in gobalka aysan ka jirin wax dhibaato ah.
Waxaa kaloo ka hadlay munaasabaddaasi guddoomiyaha Ammaanka
Golaha Maxaakiimta Sheekh Max’ed Siyaad (Indha Cadde) oo
yiri ”Dhismaha Buundadaani waxa ay ka tarjumeysaa sida uu
maamulka Gobalka Sh/hoose ugu heelan lahan yahay in uu ka
qaybqaato horumarinta gobalka” sidoo kale waxaa halkaasi
warbixin ka soo jeediyay Guddoomiyaha nabadgelyada
degmooyinka Afgooye, Wanlaweyn iyo Aw-Dhiigle, Xuseen Cali
Weheliye (Cirfo) oo sheegay in dayactirka buunadadaani ay ka
qayb-qaateen shirkadaha isgaarsiinta, Ganacsatada
Soomaaliyeed, Maamulka Gobalka Sh/hoose, isagoo sheegay in
Buundadaani ay muhiimad gaar ah ugu fadhiso dadweynaha
gobalka, waxa uuna u mahadceliyay intii gacanta ka gaystay
dhismaha buundadaasi oo dayactirkeedu socday mudo.
Cadde Muuse
oo booqday halka ay ku sugan yihiin Ciidamada Ka horjeeda.
Maalintii
shalay ahayd ayaa Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland
waxa uu booqday wajiga hore ee ay fadhiyaan ciidamada loo
diyaariyey in ay ka hor tagaan Ciidamada Maxaakiimta
Islaamiga ah ee ku sugan deegaanka Gelinsoor.
Madaxweynuhu waxa uu warbixin kaga dhageystay halka xarunta
u ah Ciidamada ee Dagaari taliyaasha ciidamada, waxaana
Madaxweynuhu sidoo kale halkaasi kula kulmay Cabdi Xasan
Cawaale (Qaybdiid).
Madaxweyne
Cadde Muuse ayaa waxa uu u soo jeediyay ciidamadaasi inay ka
hor tagaan kooxaha doonaya in ay carqalad ku abuuraan maamul
Gobaleedka Puntland, waxa uuna sheegay in uusan mar dambe
ogolaan doonin in ciidamo ka socda Maxaakiimta Islaamiga ah
ay soo gaaraan magaalada Gaalkacyo.
Waxaa
halkaasi ku sugan ciidamo ka tirsan maamul Gobaleedka
Puntland iyo kuwo uu horkacayo Cabdi Xasan Cawaale
(Qaybdiid), iyadoo qarashka ku baxaya ciidamadaasi la
sheegay in uu bixinayo Maamulka Puntland.
Magaalada
Gaalkacyo oo lagu xirxiray dad taageersan Golaha
Maxaakiimta..
Wararka
naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo waxay sheegayaan in
ciidanka Booliiska ee maamul Gobaleedkaasi ay shalay gacanta
ku dhigeen 10 dhallinyaro ah oo la sheegay inay taageerayaal
u ahaayeen Maxaakiimta Islaamiga ah.
Dhallinyaradaas oo haatan ku xiran saldhiga booliiska ee
Magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi lagu weydiinayaa su’aalo
la xiriira waxa ay ka soo dooneen gobalka Mudug, hase
yeeshee warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in
dhallinyaradaasi ay isugu jireen dad halkaasi u tagay in ay
ka tahriibaan iyo kuwo u tagay arrimo ganacsi.
Dhinaca
kale wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo waxay
sheegayaan in Gaari Xamuul ah oo la sheegay in uu waday hub
iyo raas lagu qabty duleedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la
sheegay in gaarigaasi uu ka yimid Magaalada Gelinsoor.
Hubkaas iyo
rasaastaas ayaa waxaa la sheegay in lagu wareejiyay taliya
ciidanka daraawiishta ee Puntland C/llaahi Cali Mire
(Careys).
Golaha
Baarlamaanka oo maanta la hor keenayo xubnaha wasiirada..
Iyadoo
maalintii shalay ahayd uu Ra’isul Wasaare Geeddi uu ku
dhawaaqay Xukuumaddiisa oo ka kooban 31 xubnood ayaa maanta
la filayaa in lagu hor dhaariyo Golaha Baarlamaanka isla
markaana kalsooni loo weydiiyo golaha.
Dhismaha
Dowladdaan ayaa waxa uu khilaaf ka dhex dhaliyey
mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka kaddib markii
ay isku qabsadeen cidda loo magacaabayo xilalka wasiirada.
Bishii hore
ayay ahayd markii Ra’isul Wasaare uu ka badbaaday in la rido
dowladdiisa, hase yeeshee markay taasi Ra’isul Wasaare
Geeddi lagu waayay ayaa qaar ka mid ah Wasiiradii Dowladda
ay bilaabeen in ay is casilaan, kaddibna Ra’isul Wasaare
Cali Max’ed Geeddi, waxa uu bilaabay in uu buuxiyo boosaskii
ay baneeyeen wasiiradii is casilay, khilaafkaasi waxaa
markii dambe soo kala dhex galay Wasiirka Arrimaha Dibadda
ee Itoobiya oo isagu meel dhexe isugu keenay mas’uuliyiinta
ugu sareysa dowladda, laguna heshiiyey in la dhiso dowlad
yar oo ka kooban 31 wasiir.
Banaanbaxyo rabshado wata
oo ka dhacay Magaalada Baydhabo..
Baanaanbaxyo rabshado wata
ayaa shalay ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana ka
qayb-qaatay dadweyne aad u fara badan kuwaas oo ku
qaylinayey Dowladda Federaalka ha dhacdo, kaddib markii
dadweynuhu dareemeen in Xabsiga Magaalada Baydhabo lagala
bixi gaaray dad lagu tuhunsan yahay dilkii Xildhibaan
Cabdala Deerow Isaaq.
Waxaa xirmay ganacsigii waxaa is taagay is socodkii gaadiika,
iyadoo dadweynaha qaar ay burburinayeen tabeelayaasha ay ku
qoran yihiin magaca Dowladda Federaalka, hase yeeshee
Taliyaha xabsiga dhexe ayaa waxa uu si kulul u beeniyay in
ragga lagu tuhunsanaa dilkii Cabdala Deerow Isaaq la
doonayay in laga baxo xabsiga Magalada
MAGACYADA
WASIIRADA IYO BEELAHA AY KA SOO JEEDAAN
Magacaabista Wasiirada
Xukuumadda Cali Max’ed Geeddi, waxaa ka maqnaa goobtii looga
dhawaaqayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan, waxaa kaloo
ka maqnaa Ra’isul Wasaare Geeddi, waxaana akhriyey
afhayeenka Xukuumadda C/raxmaan Nuur Max’ed (Dinaari)
Magaca |
Xilka loo doortay |
Sh. Aadan Maxamed
Nuur (Madoobe) |
wasiirka garsoorka.
/ Mirifle /Hadamo |
Ismaaciil Hurre
Buubaa |
wasiirka arrimaha
dibada iyo i. Caalamiga /Isaaq / Gerxajis
|
Xuseen Maxamed
Ceydiid |
wasiirka A/gudaha
ahna R/Wasaare ku xigeen. /Sacad/Hab. |
Barre Aadan Shire
(Hiiraale) |
Wasiirka
Gaashaandhiga. /Mareexaan |
C/lalahi Cabdi
Garuun |
wasiirka amniga
Qaranka. /Mirifle /Geeladle |
C/llaahi Sheekh
Ismaaciil |
Wasiirka D. iyo
Federaalka ahna R. ku xigeen / Biyomal |
Xuseen Ceelaabe
Faahiye |
wasiirka
Qorsheynta iyo tirikoobka /Gedebiirse |
Xasan Maxamed Nuur
Shaatigaduud |
Wasiirka
Maaliyadda /Mirifle /Xariin |
Fowsiyo Maxamed Sh
Xasan |
Wasiirka
Horumarinta Iyo Arr. Qoyska. Mirifle /Eelaay |
Saalim Caliyow
Ibrow |
wasiirka Xanaanada
ahna R/Wasaare ku xigeen. /Digil/ Jiido |
C/qaadir Nuur
Caraale |
Wasiirka Beeraha /Murusade
|
Xasan Abshir
Faarax |
wasiirka
kaluumaysiga iyo kheyraadka badda /Majeerteen |
C/llaahi Yuusuf
Maxamed |
wasiirka Betroolka
iyo tamarta. /Owrtable |
Maxamed M. Guuleed
(Gacmadheere) |
wasiirka hawlaha
guud iyo guryeynta. / Suleymaan/Ha. |
Maxamed Ibrahim
Xaabsade |
wasiirka Gaadiidka
cirka iyo dhulka. /Mirifle /Liisaan |
Cali Ismaaciil
Cabdi (Giir) |
wasiirka Dekada
iyo gaadiidka badda. Leelkase |
C/llaahi Axmed
Afrax |
Wasiirka Ganacsiga
/Abgaal /Waceysle |
Maxamud Salaad
Nuur |
wasiirka Macdanta
iyo biyaha. /Cayr/ Habargidir |
C/raxmaan Cabdi
Waare |
wasiirka
waxbarashada. /Xawaadle |
Mowlid Macaane
Maxamed |
Wasiirka
Isboortiga /Jareer / Shiidle |
Saalax Cali Faarax |
wasiirka Shaqada
iyo horumarinta shaqaalaha /Gaaljecel |
Cabdi Maxamed
Tarax |
wasiirka Boostada
iyo isgaarsiinta. / Ogaadeen |
Maxamed C/llaahi
Kaamil |
Wasiirka
Warshadaha / Ciise Madoobe |
Sh Xasan Ismaaciil
Bile |
wasiirka Awqaafta
iyo arrimaha diinta. / Isaaq /H.Awal |
Cali Axmed Jaamac
Jangeli |
wasiirka
Warfaafinta / Dhulbahante |
Saciid Xasan Shire |
wasiirka Dib u
Dhiska iyo dib u dejinta. / Warsangeli |
C/casiis Sheekh
Yuusuf |
wasiirka
Caafimaadka. /Dir |
Xuseen Maxamud Sh
Xuseen |
wasiirka Hidaha
iyo tacliinta sare /Dabare |
Cali Maxamed
Maxamud (Xareed |
Wassiirka
Dalxiiska Iyo Duur Joogta /Carab Saalax |
Maxamed Maxamud Xeyd |
Wasiirka Deegaanka
//Muuse Dheri |
Maxamuud
Cabdulaahi Jaamac ( Sifir ) |
Wasiirka Dib u
Heshiisiinta iyo Jaaliyadaha /Isaaq /H.Jeclo |
Magaca |
Xilka loo Magacaabey |
Khadiijo Maxamed
Diiriye |
wasiiru dawlaha
warfaafinta /Yibir |
Sh Aadan Madeer |
wasiiru dawlaha
qorsheynta . /Mirifle /Luway |
Cabdalla Boos
Axmed |
Wasiiru Dawlaha
Kal. Iyo Kheyraadka Badda. /Isaaq |
/kariim Axmed Cali |
wasiiru dawlaha
maaliyada. /Baadicadde |
Maxmud Sayid Aadan |
wasiiru dawlaha
arrimaha gudaha. /Mareexaan |
Wasiiro si aad ah
looga yaqaanay Dowladdii hore ayaa waayey xilalkoodii
waxaana ka mid ah Cusmaan Xasan Cali Caato, C/risaaq Cusmaan
Jurile, Max’ed Cabdi Xayir Maareeye, Max’ed Cabdi Xaashi, C/llaahi
Cosoble Siyaad iyo xubno kale, hase yeeshee su’aasha la is
weydiinayo waxay tahay, Xubnaha Barlamaanka ma ansixiin
doonaa wasiirada cusub ee uu shalay ku dhawaaqay Ra’isul
Wasaare Cali Max’ed Geeddi, waxaa sidoo kale Dowladda Cali
Max’ed Geeddi hor yaala sidii ay uga qayb-qaadan lahayd dib
u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, isla markaana ay wada
hadal ula furi lahayd Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah,
iyadoo waxyaabihii ugu weynaa ee lagu eedeeyay Cali Max’ed
Geeddi ay ka mid ahayd dhinaca dib u heshiisiinta, sidoo
kale Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha weli kama aysan hadlin
wasiirada uu magacaabay Ra’isul Wasaare Geeedi.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
DEEGAANKA GELIN SOOR OO
LALA GAAREY LABA BOOYADOOD OO SI JOOGTO AH U DHAANSADAAN
Dadka
ku dhaqan tuulada gelin soor ee gobolka mudug ayaa loogu
deeqay si ku meel gaar ah laba booyadood oo ay biyo ku
dhaansadaan ka dib markii uu jabay ceelkii biyaha ee ay
laheyd gelinsoor , Ka dib markii ay dadka degan tuulaa
gelinsoor ee gobolaka galgaduud ay cabshooyin badani ka soo
yeereen isla markana uu ceelkii biyaha uu ka halaabay ayaa
waxaa jawaab ka bixiyey cabashadaas golaha samafalka iyo
horumarinta somaliyeed sida uu ku waramay mukhtaar axmed
shiikh Oo Sida uu
sheegay madaxa gargaarka degdega ah ee golaha samafalka iyo
horumarinta somaliyeed muqtaar axmed shiikh mar uu ka
hadlayey waxyaabihii ay garsiiyen tuulada gelinsoor wuxuu
yiri " golaha horumarinta iyo samafalka somaliyeed waxey ugu
deeqeen tuulada gelinsoor oo ka tirsan gobolka galguduud
laba booyadood oo biyoo u dhaamiya si ku meel gaara maadaama
uu halaysan yahay ceelkii ay cabi jireen cabashooyin badane
ay halkaasi naga soo gaareen ,
Manta ayeyna bilaabayaan
booyaduhu in ay biyo dhaamiyaan inshaa alaahu hadii alle
yiraahdo
Madaxa gargaarka degdeg ah
ee golaha samafalka iyohorumarinta somaliyeed ayaa sidaa ku
sheegay warsaxaadfadeed uu ku qabtey xafiiskiisa oo ku yaalo
magaaladaan muqdisho muqtaar axmed shiikh
Dadka deeganka ayuu ugu
baaqay in ay biyaha si cadaalad ah u qeybsadaan wuxuuna
hadalkiisii ku soo gabagabeeyey in ay halkaa ka sii wadi
doonaan howlaha safalka ah ee ay bulshada u hayaan
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
002521576666/002521653623