Xubnahan ka socday beesha Gabooye waxay
madaxweynaha ka wada hadleen guud ahaan dhibaatooyinka dhaqaale,
waxbarasho,iyo dhinaca cadaalada darrada ee beeshaasi dul saarnayd
sanadaha tirada badan ee sida cadaalada ka fog loogu takoorayay
beeshaasi Gabooye, waxaanay ka doodeen sidii xukuumada Somaliland ay
gacan u siin lahayd sidii beeshu ay uga soo kaban lahayd
dhibaatooyinkaasi una heli lahayd cadaalad iyo xaq soor u siman guud
ahaan bulsho weynta Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid si weyn ay isugu
afgarteen Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Beesha Gabooye waxaa la isla
gartay in Xukuumada Somaliland ay si weyn wax uga qaban doonto
cabashooyinka jira ee beeshu ay tabanayso isla markaasna waxa
Madaxweynuhu uu sheegay in dhamaan muwaadiniinta Somaliland ay yihiin
qaar u siman sharciga hortiisa isla markaasna xukuumadiisu ay wax la
qaban doonto beeshan boqolaalka sanadood la takoorayay.
Gudoomiyaha Beesha Gabooye ee Qaarada
Yurub iyo Waqooyiga Ameerika Mudane Maxamed Ciise Caabi oo jariidadan
Somali Voice uga warramay kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha, waxa uu
yidhi
Jariidada Somali Voice waxay ugu baaqaysaa
qof kasta oo Muslin ahiba inuu u hawl galo sidii loo tirtiri lahaa
cadaalad darrada iyo hayb sooca lagu hayo beeshan, waxaa sidoo kale aanu
ugu baaqaynaa Guud ahaan Shacbiweynaha Somaliland iyo Xukuumada
Somalilandba inay u hawlgalaan sidii wax loola qaban lahaa beeshan wadaniyiinta ah
gaar ahaan dhinacyada dhaqaale, waxbarasho, iyo horumarineed si beeshan
loo soo gaadhsiiyo beelaha kale ee Somaliland.
www.thesomalivoice.co.uk
XAFLADII
QALIN JABINTA ARDEYDA SOOMAALIYEED EE KARACHI
Waxaa
maalintii khamiista aheyd taariikhduna ku beegneyd 17ka Agosto 2006 lagu
qabtey magaalada Karachi, gaar ahaan hotelka caalamiga ah ee Shereton
Hotel, Xafladii qalinjabineed ee 13aad (13th Convocation Ceremony,
2006) taasoo si heersare ah loosoo agaasimey eey qabateyna Jaamacada
weyn ee "Preston University" ahna jaamacadaha gaarka ah tan ugu weyn
uguna Cimriga dheer wadankan Pakistan (The oldest and largest private
University in Pakistan). Jaamacadan waxaa la aasaasey 1980, waxeyna
Campus-yo ama xarumo ku leedahay dhamaan 10-ka magaalo ee ugu waaweyn
wadankan Pakistan. Xafladan oo eey ku qalin jabinayeen ardey gaareysa
dhowr boqol isuguna jirey Pakistaan iyo Ajaanibba ayaa waxaa ka mid
ahaa lix ardey oo Soomaali ah. Ardeydaa nasiibsatey ee Soomaaliyeed ayaa
waxeey kala ahaayeen:
- Xasan Cabdullaahi Diiriye
- Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdi
Boqor)
- Maxamed Cali Faarax (Ugaaska)
- Bashiir Cumar Ciise
- Ismaaciil Faarax Yuusuf (Xaaji
Dacam).
- Axmed Cismaan Faarax (Zaahid)
Xafladu waxey ka koobneyd labo galin.
Galinka hore waxaa isugu yimi oo kaliya dhamaan ardeydii qalin
jabineysey, shaqaalaha, maamulka iyo macallimiinta jaamacada, ayadoo loo
sharaxayey qaabka habsamida leh ee xaflada u dhici doonto iyo waxyaabaha
laga rabo ardeydaa qalin jabineyso, tusaale ahaan: sida ey gaardis ugu
soo galayaan hoolka xaflada, iyo hadhoow sida ey ku baxayaan, sida ugu
haboon ee la rabo in ey isaga tiiriyaan daqiiqadaha lagudoonsiinayo
shahaadada oo ey masraxa taaganyihiin ayadoo camera-men-yadana sawirada
ku boobayaan I.W.M. Qeybtaa "Rehearsal session-ka" ah oo bilaabatey
9:00am ayaa 12:00kii duhurnimo soo gabagaboowdey.
Galinkii dambe ayaa xaflada si
official-ah waxeey u bilaabatey 6:00pm halkaasoo ey kusoo xaadireen
dhamaan mas'uuliyiintii loogu tala galay. Xaflada oo uu kasoo qeybgali
lahaa ninka labaad ee ugu awooda badan wadankan Mr. Mohammedmian Soomro
ee ah Chairman Pakistan Senate, ahna kusimaha madaxweynaha marka uu
wadanka banaankaba uga boxo, ayaa waxeey u suurta galiweysey in uu
yimaado, roobab aanan horey loo arag oo galabtaa daadad meelkasta
buuxiyey darteed oo ey macquul noqon weysey in kolonyada mas'uulkaasi ee
amnigiisa ilaalinaya si aan hakad laheyn kusoo gaaran hotelka. Roobabkaa
xooga badan ayaa ilaa 27-qof ku diley magaalada Karachi.

Programkii xaflada sida uu u dhacay
- 6:00pm- Marti sharafkii ayaa
goobta kusoo xaadirey
- 6:16pm- Ardeydii qalin jabineysey
(The Graduates) ayaa gaardis kusoo galay goobta
- 6:20pm- Aayadaha quraanka kariimka
ah ayaa lagu furey xaflada
- 6:23pm- Muusikada qaranka (The
National Anthem) -dabcan waa tan pakistaane- ayaa kooxda Bambeyda
halkaa ku garaaceen
- 6:25pm- Madaxii xaflada (The Chief
Guest) ayaa ku dhawaaqay in xafladu furantahay
- 6:26pm-Warbixin sanadeed ayaa
halkaa waxaa ka jeediyey Vice Chancellor-ka: Dr.Nazir A. Mughal
- 6:36pm- Qudbadii soo dhaweynta
ayaa waxaa halkaa ka jeediyey Chancellor-ka: Dr.Abdul Basit
- 6:45pm- Senior program
Director-ka: Mr. Anwar A.Ansari ayaa halkaa ka aqriyey liiska
ardeyda qalin jabineysa ee markaana meesha xaadirka ku ah
- 6:50pm- Madaxa xaflada ayaa
Shahaadooyinkii qalin jabinta gudoonsiiyey ardeydii qalinjabineysey.
- 7:40pm- Madaxa xaflada ayaa
Billado Dahab ah (Gold Medals), iyo Shahaado Sharafyaba (Merit
Certificates) gudoonsiiyey ardeydii qalinjabineysey ee guulaha
gaarka ah gaarey (CGPA: 3.5 or above) kadib markii shahaadooyinka
caadiga ah dhamaadeen
- 7:50pm- Madaxa xaflada (The Chief
Guest) ayaa qudbadiisii halkaa ka jeediyey.
- 8:00pm-Erayo mahadnaq ah ayaa
waxaa halkaa ka jeediyey Pro-Chacellor-ka: Justice (retired) Syed
Deedar Hussain Shah
- 8:09pm- Madaxii xaflada ayaa
iclaamiyey in xafladu xeran tahay
- 8:10pm - Ardeydii qalin jabineysey
ayaa gaardis uga baxay hoolka xaflada
- 8:15pm- Sawiro koox koox ah (Group
Photographs) ayaa madaxdii iyo ardeydii meesha kuwada galeen
- 8:30pm - Meeshii ayaa casho
sharaftii lagu wada taabtey leyskuna macasalaameeyey.
Wabillaahi Towfiiq
Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdi
Boqor)
Karachi-Pakistan
Halkan ka daawo dhamaan sawiradii xaflada
cabdiboqor@gmail.com
Dalladda
Dhakhaatiirta Xoolaha Soomaaliya Oo Maanta Shir Uga Furmay Garoowe
22 August 2006
Radio
Nugaal (Garowe): Daladda dhakhaatiirta xanaanada xoolaha Soomaaliya ee
marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano SLPF (Somali livestock
professional forum) ayaa maanta waxaa magaalada Garoowe uga furmay shir
wadatashi ah oo socon doona mudo saddex maalmood ah.
Ajendaha shirkaan ayaa ah xoojinta iyo
dardargalinta hawlaha daladda oo dhawaanahaan habacsanaan gashay iyo
weliba soo bandhigidda hawlaha ururrada xubnaha dalladda ka ah ay ka
qabteen aagagga kala duwan ee dalka Soomaaliya sida Somaliland, Puntland
iyo Koonfurta iyo bartamaha Somalia.
Shirkaan
oo ay kasoo qaybgaleen xubno gaaraya 20 xubnood oo ka tirsan dalladdaan
SLPF ayaa waxaa kaloo goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada
dawladda goboleedka Puntland, waxaana shirkaan si rasmi ah u furay
wasiir kuxigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha, deegaanka iyo beeraha
Puntland Mudane C/laahi Maxamed Barre (Cabdullaahi Caato), oo halkaas
hadallo furitaan iyo bogaadin ah uga kasoo jeediyey, Mr Caato waxa uu
sheegay in dhismaha dalladda SLPF ay soo jiidatay mashruuca SAHASP oo
wax weyn ka qabtay caafimaadka xoolaha gobolada kala gedisan ee
Soomaaliya, waxa uuna dhakhaatiirtii shirka kasoo qaybgashay kula
dardaarmay inay hawshooda labo-jibbaaraan.
Waxaa kaloo isna halkaasi ka hadlay
guddoomiye kuxigeenka dalladda SLPF Dr Xirsi Cabdille Guuleed oo
sharaxaad ka bixiyey ujeedada kulankaan dalladda, waxa uuna sheegay in
ay dhakhaatiirtu ka wada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta
iyo iskaashiga dalladda, isagoo sheegay in boorka laga jafayo
habacsanaan dalladda in dhawaale ka jirtay.
Aggaasimaha
guud ee mashruuca caafimaadka xoolaha ee SAHASP, Maxamed Faarax Diiriye
oo isna shirkaas ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey hergalinta
mashruucaan, Mudane Maxamed waxa uu sheegay in mashruucaan uu yahay mid
laga hirgaliyey wadamo badan oo Afrika ku yaalla, laguna xoojiyey
wasaaradaha xanaanada xoolaha ee wadamadaas, balse iyadoo Soomaaliya
aysan horey u lahayn dawlad dhexe sannadihii lasoo dhaafay ayaa la
dhisay mashruucaan SAHASP uu la shaqeynayey daladdaha dhakhaatiirta
xoolaha gobolada Soomaaliya iyo weliba wasaaradaha xanaanada xoolaha ee
maamulada jira sida Puntland iyo Soomaaliland, waxa uuna sheegay in
mashruucani wax weyn ka qabtay caafimaadka xoolaha intuu ka shaqeynayey
golada kala duwan ee dalka Soomaaliya.
Dalladda SLPF waxaa la aasaasay
sanadkii 2000, waxaana ku mideysan ururrada dhakhaatiirta xoolaha iyo
xirfadleyda kale ee xanaanada xoolaha ee Somaliland, Puntland iyo
koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Muuse C/risaaq Mire
Mmire19@hotmail.com
Garowe: Shir ku saabsan caafimaadka
xoolaha ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe.
kulan balaaran oo ay isugu yimaadeex
khuburo ku ka shaqaysa caafimaadka xoolaha ayaa maanta ka furmay
xarunta PRCR ee magalada garowe.
kulan ballaaran oo ay soo qaban
qaabiyeen lix haya’ddoo doo
ka shaqeeya caafimaadka xoolaha kana kala yimid Puntland, Somaliland iyo
koonfurta Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta haayada
PRCR ee magaalada garowe, kaas oo looga gol leeyahay sidii loo midayn
lahaa amaba la isugu xiri lahaa hay’adaha ka shaqeeya dhinacayada caafimaadka
xoolaha.
Kulankan ayaa waxaa furay wasiir
kuxigeenka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka dhirta iyo daaqa, Mr: Caato,
waxana uu sheegay in kulankan oo kale uu muhiimad gaar ah u leeyahay
caafimaadka xoola loona baahan yahay in had iyo goor laga shaqeeyo
caafimaadka xoolaha somalida guud ahaan.
Sikastaba kulankani maahan kii ugu
horeeyaya oo looga hadlayo caaafimaadka xoolaha somalida ayna ka soo
qaybgalaan qaybo badan oo ka mid ah somliya, waxaana jiray kulamo badan
oo isdaba jooga ah tan iyo markii uu sucuudigu joojiyaya iibka xoolaha
somalida kaasi oo looga arinsanayay iibka xoolaha iyo caafimaadkooda oo
marar badan ka dhacay guud ahaan somalia.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Muqdisho: "Siyaarada Biyimaalow
maxakamadaha fasax ma looga weydiistey?"
Siyaradii Macalin Maxamed Cabdi
Biyimaalow oo muddo ka badan bil ka socotay Magaalada Muqdisho ayaa lagu
wadaa in caawa la soo gaba gabeeyo, iyadoo bananbaxa Siyarada ay Galabta
banaanbaxeedu dhacay, waxaan siyaarada ka soo qeybgalay Culumaa’udiin
magac ku leh diinta Islaamka.
Waxaa siyaarada sanadkaan uga duwaneyd
iyadoo khaadumiinta ay lahaayeen kaarar lagu aqoonsado, waxaana sidoo
kale galabtii iyo habeenkii wacdiyo diini ah ka soo jeedin jiray
Masjidka macalin Biyimaalow Culumaa’udiin waa weyn oo ay ka mid ahaayeen
- sh:
maxamuud owcabdule cariif
- sh:
muxyadiin xasan ayaanle
- cabduqadir colow
- sh:
maxamuud dauud
- sh:
cabdulaahi maxamed xasan (gaywarow )
- sh:
abuukar xasan maalin
- sh:
maxmauud guri ceyl
- sh:
cabdifataax maxamuud gawiid
- sh:
xasan bayaan
-
sh : abuukar sh: cali faray
-
sh shariif xasan yuusuf
-
sh: cabdirisaaq yare
-
sh: cabdulaahi cali cabdi
- sh
muxudiin sh: cali muumin
Waxaa sidoo kale wareysi dheer la
yeelanay XoghayahaUrurka Duruqu Suufiyah Sheekh C/Qaadir Maclin Nuur oo
ka warbixiyay qaabka diyaargarowga siyaarada iyo arrimo kale oo ay
weydiiyeen suxufiyiintu,wuxuuna hoosta ka xariiqay in siyaaradu
bilaabatay 1-dii bisha Rajab islamarkaana ay dhamaan doonto 2-da bisha
Shacbaan, wuxuuna sheegay in siyaaradan ay tahay tii 52-aad ee lagu xuso
Maclin Biyimaalow.
“Siyaarada sanadkaan waxaa looga kala
yimid goobo fog fog oo dalka gudihiisa iyo dibadda ah sida Gobolada
Dhaxe, hiiraan, Puntland, Gedo, Bay iyo Bakool, Jubooyinka iyo dalal
dibaddda ah oo ay ka mid tahay UK, Ameerika, Finland, iyo dalal kale oo
dhowr ah” ayuu yiri Sheekh C/Qaadir Maclin Nuur oo sheegay in Jameecada
dhuruqu Suufiyah ay joogto meelo kala duwan oo dunida ah.



“ calamada siyarada suran waa 500 oo
calan waxeyna soo surnaan jireen tan iyo intii la siyaranayey sheekh
mudo 52 sanadood ah iyada oo sanadkiiba ay ku siyaadaan 167 calan
sanadkii horena ay gaarayeen xarunta mowlaca sh; macalin biyo maalow ,
cid loogu dan leeyahayna ma jirto waxaana calamadaas dhexda uga qoran
towxiishka waana astaantii lagu garanayey dariiqooinka” ayuu yiri sh:
Cabduqaadir Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo sheegay in mudadii ay socotey
siyaradu la quudinayey masaakiinta inta timaada mowlaca maalin kastane
waxaa la qabanayey wacdiyo dini ah, wuxuuna sheegay in siyardu ay wadaan
jameecada macalin biyo maalwo oo uu sheegay in ay ku caan baxday
faafinta quraanka kariimka ah iyo baridiisa wuxuuna sheegay in ay
gacanta ku hayaan 985 dugsi quraan iyo 27 masaajid oo lagu aqriyo cilmig
kala duwan ,
mar wax laga weydiiyey in qabashada
siyaaradaan ay wax fasax ah weydiisteen midowga maxaakiimta shareecada
ayuu sheegay oo horey u amarta oo wax isku iomaatin ah oo ay san ogeyn
la qaban Karin ayuu kaga jawaabay sida aad ogtihiin magaalada muqdisho
waxaa la wareegay gacan ku heynteeda midowga maxaakiimta islaamka inti
ka danbeysana wax qilaaf ah oo dhexmarey ma jiraan maamulka cusub iyo
ahlu suna waljameeca su,aashaan ku saabsan in fasax la weysdiisto kuma
jirto kulan diimeed waayo iyaga ayaaba fahamsan in diin la faafiyona cid
fasax loogama qaato diinta waa la faafin jiray iyaguna magac diimeed
ayey ku socdaan diintana waa faafineynaa xiriiro waa jiraan fasax aad
sheegaysaana ilaaheybaa samada ka soo dejiyey wuxuu ilaahay na faray
ayaan wadnaa xumaanta ayaa reebeynaa samaanta ayaan faafineynaa sidaa
darted hadii la dukanaayo cid aad fasax uga baahan tahay ma jirto tana
waxey la mid tahay iyada oo la dukanayo
Sheekh C/Qaadir Maclin Nuur oo xiligii
aan wareysaneynay Tusbax weyn oo dhowr Boqol qoorta u surnaa ayaan wax
ka weydiinay fikirda kala duwan ee laga qqbo tusbax inuu cadeyn ka
bixiyo wuxuuna yiri “Fikirka ay Soomaalidu ka aamin san tahay waa mid
qalad ah, waxaana ugu jawaabayaa la qodob waa maree Soomaalidu Ninkii
Tusbax wata waxey u taqaan nin Jaahil ah oo duqon ah , waxaan u
sheegeenaa dadka in xiligii an hana qaadnay nala geeyay goobaha
waxbarashada oo dalka iyo dibaddda ah oo aqoonyahano Soomaaliyeed ah,
waxaan u sheegeenaa Dadka Caamada ah Inuusan caqli kordhinayn caqlina
dhimayn, tan labaad Tusbaxu waa jiri jiray ilaa waqtigii Nabiga NNKH
waxaana heysan jiray Saxaabigii Abuu Hureyrah kaasoo gaaraayay ilaa kun
xabo, waxaana Dhigaaya Kutubo badan, muraadka laga leeyahayna waa in la
kaalmeysto, mana aha wax Bidco ah” ayuu kusoo gunaanaday hadalkiisa.
Intaas waxaa halkaas ka duceeyay
Sh.Axmad Gabale iyo Maclin Nuur Maxamed Siyaad, waxaana halkaas goob
joog ka ahaa Sheekh Axmed Sh. Aadan Dheere, Sheekh Maxmuud Ow Cabdule
Cariif iyo Mashaaiq kale oo faro badan
dhinaca kale waxaa halkaa ku
wareysanay Drs Xabiibo Macalin Nuur oo ka timid dalka ingriiska waxeyna
sheegtey in haweenka siyaarada yimid ay ka yimaadeen dalal ka mid ah
yurub iyo amerika waxeyna intaa ku dartey in sababta ugu weyn ee halkaan
u yimaadeen ay tahay ka qeyb galka siyaarada Macalin Biyo Maalow,
waxeyna sheegtay in siyaarada marka ay dhamaato ay dib ugu laban
doonaan iyada iyo xubnaha la socda Dalalkii ay ka yimaadeen.
Muuse Maxamud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdsiho somaliya
002521576666/0025.....21653623
Sheekh Shariif: Gobalka Sh/hoose waa Gobol Gacan siiyey
Maxkamadaha...
»Cadde
Muuse oo booqday halka ay ku sugan yihiin..
»Gaalkacyo
oo lagu xirxiray dad taageersan Golaha..
»Golaha
Baarlamaanka oo la hor keenayo xubnaha wasiirada..
»Banaanbaxyo
rabshado wata oo ka dhacay Baydhabo..
»MAGACYADA
WASIIRADA IYO BEELAHA AY KA SOO JEEDAAN
»DEEGAANKA GELIN SOOR OO
LALA GAAREY LABA BOOYADOOD
»Laascaanood:
wafdigii uu hogaaminayay m/kuxigeenka..
»Burundi:
Booliska wadanka Burundi oo xabsiga dhigay..
»Hargaysa:Daahir
Riyaale oo soo saaray digreeto uu..
windows media player
Akhri:
Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan
Soomaaliya | 2000 | Dr.
Bashir
MINNEAPOLIS:::
ARDAY QALIN JEBISEY::::::::
GUJI [WARAR HORE]
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
©
www.SomaliTalk.com