Wararkii: Agoosto 25, 2006
- Madaxwayne Cadde Muuse oo Qirtay Ciidamo
Ethiopian ah in ay joogaan Galkacyo, iyo dawlada Ethiopia oo beenisay
ciidankeedu in ay galeen Galkacyo.
- Nigeria: Shaqaale ajnabi ah oo lagu afduubtay
waddanka Nigeria ayaa la sii daayey.
- Paris: Farasiiska oo ogolaaday in uu ciidamo
dheeraad ah u dirayo dalka Lebanon.
- Furitaanka iyo ku biiritaanka
midowga maxaakiimta oo weli ka soconayo magaalada muqdisho
- Sheikh Shariif oo Aqoonkororsi u furay 70
Garsoorayaal & Qaadiyaal ah...
Xawaaladaha Soomaaliyeed ee
Minnesota oo oo Cabasho u Gudbiyey Senator Coleman

Maamulayaasha shirkadaha xawilaadaha Soomaaliyeed ee
Minnesota oo isugu tegey xafiiska Sen. Coleman ka dib markii ay la soo deristay
digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay lacagaha ku xawili jireen...
Akhri...
Madaxwayne
Cadde Muuse oo Qirtay Ciidamo Ethiopian ah in ay joogaan Galkacyo, iyo dawlada
Ethiopia oo beenisay ciidankeedu in ay galeen Galkacyo.
Madaxwaynaha puntland Gen: Cadde Muuse ayaa si
rasmi ah u qirtay oo aan leexleexad lahayn in ay ku sugan yihiin puntland gaar
ahaana magaalada galkacyo ciidamo Ethiopian ah.
Qirashada uu qirtay Cadde Muuse in ay Gaalkacyo
joogaan ciidan Ethiopian ah ayaa ku soo beegmaysa xili dawlada Ethiopia ay
beenisay in ciidamadeedu ay u gudbeen gudaha puntland gaar ahaana magaalada
gaalkacyo oo ay beenisay warkaasi oo ka soo yeeray markii horeba maxaakiimta
islaamiga ah ee magaalada muqdisho iyadoo kadibna ay cadeeyeen ama si cad looga
soo sheegay gudaha gaalkacyo sida ilo lagu kalsonyahay ay qirayaan.
Hadalka Cade Muuse uu ku qiratay in ay joogaan
gudaha puntland ciidamo Ethiopian ah ayaa ahaa mid ka fogaa diplomasiyada
waxana uu cade muuse muujiyaya qiraal dhab ah oo dhamaystiran marba hadii uu
afkiisa kaga qirtay in ay jiraan ciidankaasi oo si aan leex leexad lahayn uu
cade muuse afkiisa uga qirtay.
La iskuma diidana dhamaan in ay joogaan ciidamo
Ethiopian ah guud ahaan somalia balse sanadihii la soo dhaafay waa ay ku
yaraayeen ciidamo ka socda Ethiopia in lagu arko gudaha puntland tanina waxay
hoosta ka xariiqaysaa sida ay Ethiopia ugu ooman tahay in ay faragalin toos ah
ku samayso dhulka somalidu dagan tahay oo dhan.
Cade muuse ayaa sheegay in ciidanka ka yimid
Ethiopia ay ahaayeen ciidan gaaraya hal-batalyan sida uu carabaabay tira ahaana
uu ku sheegay 250 ciidan gaaraya waxana uu yiri waxay puntland u yimaadeen in
ay tababar siiyaa ciidamada puntland gaar ahaana saraakiisha maadaama ay iska
dhamadeen guud ahaan saraakiishii dawladii somalia qaarkoodna ay hawlgab noqdeen
halka buu yiri qaarkakalena ay noqdeen wax dalka kamaqan taasina ay tahay
lagamamaarmaan in lahelo saraakiil tababar qabta oo dhaqaajisa hawlaha
ciidamada puntland si aanu ula jaanqaado ciidamada aduun waynaha oo ka
haqabtiran dhanwalba ee ciidan.
Xiriirka puntland iyo Ethiopia
Puntland iyo ethiopia waxaa ka dhexeeya xiriir
soo jireey ilaa iyo SSDF ayuuna taxanyahaya xiriirkayaga, ayuu yiri Cadde, marla
arkana waanu ka wadahadalnaa arimaha amaanka iyo wax isdhaafsiga puntland iyo
qoomiyada somalida ethiopiana waa dad walaalo ah oo siku reer ah sidaa darteed
waxaanu nahay dad xiriir wanagsan leh ayuu yiri.
xiriirka maxaakiimta iyo puntland
Mar uu ka hadlayaya xiriirka maxaakiimta iyo
puntland cade muuse waxa uu sheegay in maxaakiimta uu xiriir fiican kala
dhexeeyo puntland, waana wadahadalnaa waana isnaqaanaa raga waawayn waxayna noo
cadeeyeen in aysan puntland weerar ku soo ahayn anaguna aanu weerar ku
ahayn,balse marla arko waxaa jira kuwo yar yar oo maxakiimta ah oo meelahaa ka
booteeya oo yiraahda cirkaanu soo duminaynaa anaguna kuwaas yar yar ee
bootaynaya waanu isu diyaarinay ayuu yiri cade muuse.
Madaxwayne cade muuse oo hada ku sugan
magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa warkaasi cadeeyay, cade muuse
ayaan ka gaban ama aan qarin ciidanka ethiopia balse waxa uu aad ugu adkaystay
in ay ciidankaasi yihiin kuwo tababarayaal ah oo aan dagaal iyo in ay cid
daafacaan aan u socon.
Cade muuse ayaa maalmihii ugu danbeeyay kawaday
magaalada gaalkacyo hawlo lagu sifaynayo amaanka magaalada, cade muuse waxa uu
maalintii shalay ahayd booqasho ku tagay ispitaalka guud ee magaalada gaalkacyo
waxana uu warbixino ka dhagaystay madaxda ispitaalka guud ee gaalkacyo waxana uu
ugu danbayntii xaalada ispitaalka u saaray gudi isaga oo sheegay in ay
ispitaalku leeyahay dhaqaatiir
fiican oo aqoon u leh hawlaha caafimaadka loona baahan yahay in wax wayn laga
qabto xaalada isbitaalka guud ee magalada gaalkacyo.
Nigeria: Shaqaale ajnabi ah oo lagu afduubtay
waddanka Nigeria ayaa la sii daayey.
Lix shaqaale ajnabi ah oo u kala dhashay
wadamada Britain, Ireland iyo Poland kuwaas oo laga afduubtey meel lagu caweeyo
oo ku taal magaalada xeebta ah ee Port Harcourt, 13-kii bishan August ee ay nu
soodhaafnay ayaa maanta sarakiisha amaanka ee dalkaasi Nigeria shaaca ka qaadeen
in si rasmi ah loo siidaayay.
Shaqaalaha lasiidaayay ayaa mudo 10 casho ah ku
jiray gacanti afduubtay, shaqaalahaan ayaa ahaa kuwo ajnabi ah oo ka baarayay
dalkaasi nigeria saliid uu wadankaasi hodanka ku yahay.
Toddobaadkii la soo dhaafay dawladda Nigeria
waxay qaadday tallaabo ka dhan ah afduubayaasha kuwaasi oo lagu baadi goobayo
ragii wax afduubay si loo samatabixiyo shaqaalihii ajnabiga ahaa ee la afduubay waxana
dhacdooyinkaas loo xirxiray dad gaaryaa 100 qof intooda badana waa la sii daayay
markii danbe.
Kooxo dabley ah ayaa inta badan afduubyo kula
kaca shaqaalaha shisheeyaha ah ee ka hawl gala goobaha saliidda dalkaasi uu
hodanka ku yahay waxana ay kooxahaasi diidan yihiin siyaasadda dawladda ee
qaybsiga khayraadka dabiiciga ah sidoo kalena kooxaha afduubayaasha ah ayaa
dalbada lacag madaxfurasho ah inta badana dawlada nigeria ayaa diida in ay
bixiso lacag madaxfurasho ah taasi oo ay dawladu ku tilmaanto in ay noqn karto
shaqo kale oo u furanta dhamaan dadka ku kacsan dawlada iyo kooxaha qawlaysatada
ah dalkaasi nigeria.
si kastaba dawlada nigeria ayaa ku guulaysata
intabadan soo furashada dadkii la afduubay.
Paris: Farasiiska oo ogolaaday in uu ciidamo
dheeraad ah u dirayo dalka Lebanon.
Madaxwaynaha dalka faransiiska ayaa cadeeyaya
in dalkiisu uu diyaar layahay ciidamo gaaraya hal-batalyan in uu u diro dalka
Lebanon.
hadalka uu madaxwayne Jacques Chirac ka
jeediyay telvitionka ayuu ku cadeeyay in uu u dirayo ciidamo gaaraya ilaa iyo
1600 oo ciidan nabad ilaalinta ka qayb qaata dalkaasi lebanon.
Faransiiska oo horay u shaaciyay in uu
hagooamin doono ciidamada nabad ilaalinta ee qaramada midowbay u dirayso dalka
lebanon ayaa ka gaabsaday kadib markii uu ka codsay golaha amaanka in ay soo
hordhigto dalkiisa shaxda lagu galayo dalkaasi lebanon arintaas oo ku kalifta
francesk in uu soo diro 200 oo ah ciidan xirfad layaal ah kuwaasi oo uu ku
kordhiyay ciidamadii hore ee lebanon ka joogay dalkaasi lebanon taasi oo markaas
noqotay arin kale oo qaramada midowbay ku kaliftay in ay raadiso dawlad kale oo
hogaanka u qabata ciidamada nabada ilaalinta lebanon la gaynayo.
Dalka talyaniga ayaa hogaanka u qabanaya
ciidamada nabad ilaalinta qaramada midowbay ee lagaynayo dalkaasi lebanon,
talyaniga ayaa u diraya ciidamo gaaraya 3000 halka franceskuna uu maanta
ogolaaday in uu dirayo ciidamo isku gaaraya 2000.
Mr: Chirac ayaa cadeeyay in ciidamadiisu ay
hoostagayaa kuwa nabad ilalainta qaramada midowbay ee la gaynayo lebanon wixii
ka yimaadana ay masuuliyadeeda qaadanayso qaramada midowbay.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Furitaanka
iyo ku biiritaanka midowga maxaakiimta oo weli ka soconayo magaalada muqdisho ,
Maxkamada
nuurul islaam waa maxkamada y furatey beesha garre magac ahaan balse shaqadeedu
ay gaaridoonto marka laga soo tago dalka gudihiisa wadamada deriska ah sida
kenya ,iethopia , iyo jabuuti , maxkamada oo laga markii ugu horeeysay laga
bilaabay sii sii iyo shiirkole ayaa u xuubsiibtey midowga maxaakiimta sida ay
sheegeen gaarka mid ah mas,uuliyiinta ka soo qeyb galay furitaanka maxkaamda
nuurul islaam ,
Ku biirtaanka Midowga
maxaakiimta waxey ka turjameysaa sida raaliga looga yahay ku dhaqanka kitaabka
aale waana cisi sharafta aan garney ayey diidan yihiin kuwa dalbanayo in ciidamo
la keeno dalka sidaas waxaa yiri sh: qaasin sh: maxamed nuur mar uu ka hadlayey
furitaankii xaflada looga dhawaaqay maxkamada nuurul islaam ee xafada dagmada
hodan maxkamadaan oo ah maxkamadii 32aad kuwaas oo maalin walbo kasbado
taageerayaal farabadan ,
Xafladaas oo aheyd mid
siweyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadlay suldaan cabdulahi
sh: cusmaan oo ku hadlaayey magaca odoyaasha dhaqanka ee beesha garre wuxuuna
carabka ku dhuftey in ay isaga baxeen dhamaan xeerarkii ay la lahaayeen beelaha
kale waxii maanta ka danbeeyane ay kula xukluntamidoonaan ku dhaqanka shareecada
islaanm wuxuuna meesha ka saaray wax yaabihii xunxumaa ee laga dhaxlay dhaqamadi
gaboobay ee dib u dhaca ku keenay bulsho weynbta somaliyeed sida , bacmadow ,
iyo diyada aan gaarsiisneyn xadkii ay u qeexday shareecada islaamka ,

Waxaa munaasibadaas hadalo
ka soo jeediyey sh: nuur baaruud gurxan oo sheegay in uu aad u soo dhaweynayo
furitaanka maxkamadaan nuurul islaam iyo ku dhaqan ka manhajka kitaabka quranka
kariinka ah wuxuuna xusay in loo bahan yahay in xariga eebe la wada qabsado taas
oo lagu gaarayo liibaan aduunyo iyo mid aakhiro wuxuuna ugu baaqay beesha garre
iyo guud ahaan somalida oo dhan in ay xariga ilaahey wada qabsadaan ,
Furitaankaan maxkamada
islaamka ah ee nuural islaam waxaa ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashey
mas,uuliyiin ka socotey midowga maxaakiimta islaamka iyo kuwa maxkamadaha
degmooyinka gobolka banaadir waxaana xubnihii ka hadlay ka mid ahaa dr
cabdulaahi cabdi ibraahin garweyne oo ah ninka u qaabilsan maxkamadaha dhinaca
waxbarshada , sh: nuur baaruud gurxan oo ka socday golaha majmaca culumada
somaliyeed iyo aadan xasan maxamed ( abuu dujaan) kuwaas oo guud ahaan ka
waramay guulaha isdaba jooga ah ee maxaakiimtu ka faareen dalka iyo
dhibaartooyiinkii ay soo mareen culumada somaliyeed iyaga oo sheegay in
dhibaatooyin joogto ah lagu haayey iyado oo qaarna la dilo halka kuwa kalana la
dhoofin jirey balse nasib wanaag maanta in shacbiga somaliyeed ay ka xoroobeen
arintaas uur ku taalada leheyd ,
Ugu danbetii waxaa
munaasibadaas gabagabadi ka hadlay sh : xasan cusmaan xuseen oo ahaa gufoomiyaha
cusub ee loo magacaabay maxkaamda nuurul islaam isaga oo sheegay in ay maxkamadu
ka howl gali doonto gobolada dagmooyinka ay beeshu dag iyo dowlaha dariska la
ah somaliya sida keynya ,iyo eithiopia deegaano ka tirsan
Maxkamadaan ayaa waxaa
gudoomiye u ah sh : xasan cusmaan xuseen ku xigeena waxaa u ah sh: soomow
cusmaan halka uu afhayeenka yahay cabdirisaaq xaaji xasan .
Sheikh Shariif oo Aqoonkororsi u furay 70
Garsoorayaal & Qaadiyaal ah...
Guddoomiyaha Golaha
Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,ayaa Khamiistii siminaar aqoonkororsi
oo socon doono mud 14 maalmood ah oo u dhiganta 40 saacadood oo weliba gelinka
danbe ah u furey in ka badan 70 garsooreyaal ama qaali kuwaas oo isug jira kuwa
hore iyo kuwo cusub ,xaruuntii hore ee maxkamadda gobolka Banaadir..
Waxaa la furayaa
doorad loogu talagalay in wadaado garsoorayaal ah oo u kala baxa ragii hore uga
shaqeyn jirey iyo kuwa hada ka shaqeeya rag aqoon yahano shirci ah loogu
talagalay in ay laba asbuuc ku qaataan tababar iyo isxasuusin wixii la iloobay ,
Waxaa lagu bilabay
aayado quraan ah oo uu halkaa ka aqriyey mcacalin abuukar shuqaale ,
Waxaa shirka furay
godoomiyaha labada xaafadood ee xamar jajab iyo xamarweyne sh: xuseen kuna soo
dhaweeyey gudigii ka socday midowga maxaakiimta in ay halkaa ka sii amba qaadaan
barnamijka ,
Shirka waxaa ka soo
qeyb galay ,Gudiga garsoorka iyo gudiga fulinta ee midowga maxaakiimta islaamka
gudoomiyaha labada xaafadood ee maxkamada islaamiga ah ,godoomiyayaasha
maxkamadaha islaamiga ah ee gobolka banadir ,garsoorayasha ,rag kale oo
muxaadiriin ama ka soo qeyb galayaal ah sida wariyayaasha iyo goobjaagayaalka ,
xubnaha Siminaarka waxa furey waxaa ka mid ah Sheekh Xasan cusman axmed (xasan
mahdi ) oo ka mid ah guddiga fulinta ee golaha maxaakiimta islamarkaasna ka
tirsan islamarkaasna ah madaxa Garsoorka ,Garsooreyaasha ,asagoo ka hadllaya
siminaarka ayaa wuxuu u mahad celiyey dadkii babaadiyey xarunta maxkamadda,
Waxaa halkaa
warbixin ka soo jeediyey sh: ibraahin sh: maxamed oo ka mid ahaa dadkii
badbaadiyey dhismaha maxkamada gobolka oo aan waxba laga bililiqeysan intii ay
ku jirtey xaalada howgabka ahey ,

“Walaalayaa
maxkamadaan wax badan ayey soo martey mar ay galo ka shaqeyneysay ,mar dad
muslim ah ay ka shaqaynayeen ,taariikhdeeda ma dhawa dhismahaan waxaa la dhisay
1988 dii inkasta oo hada burbur ka muuqdo waxaa lagu tiring karaa dhismayaasha
cusub 1988 dii ayaa faraha laga qaaday kahorna waxey aheyd jiingdo ,
waxaa soo maray
garsoorayaal iyo dad badan oo shqaqaale ah wax dhintey iyo wax noolna waa
leeyihiin wax hada shaqada wax ka haayo waa leeyihiin sidaa daraadeed maadaama
uu garsoorku uu yahay arin culus qofka bini aadanka ah wax shaqo uu ka dhigto
aysan eheyn garsoorku waa dhib badan yahay ,
garsoorku wa
tikniko oo kale hadi uu halaabo waxaa dhacayso wixii nagu dhacay waxey ka
bilowdeen garsoorkii oo xumaaday waxaa hada dhisan maxkamada racfaanka ,xeer
ilaalintii ,maxkamadaha dagmooyinka 16 ka degmo cadaaladu waa muhiin garsoorkii
hore iyo kuwii danbe waa fadhiyaan , markii ay maxkamaduhu burbureen nin waliba
danihiisa ayuu qabsaday , ninkii rooti gaada ,kii moos gada ,kii gaari gacan
riixi kara dhamaan shahaado oo dhan waxba waa teri weyday runta ayey tagtey iyo
maxaad qabsan kartaa ,hada hadii la isu soo celiyo oo garsoorkii la keeno wa
alxamdu lilaahi , sahreecada islamka in wax lagu xakumo waa wax aad loogu baahan
yahay xukunka shareecada lama diidi karo waxaa la isku qilaafa qaadista dacwada
ee lama diidano xukunka ,
“ ninka tuuga ah oo
qof dilay dadka oo dhan waxey jecel yihiin in uu fakado waxeyna ku doodayaan
sidaas muu iska yiraahdo sidaa muu iskaga difaaco , haduu waxaas dhihi laha waa
lasii deyn lahaa dadka oo dan waxey la jiraan ninkaas tuuga ah marka dadka waa
hooseyaan garsoore dhisan waa loo baahan yahay waana lagu so biiri karaa wixii
wax ka garanaya xukunka islaamka ,
maxkamadu waxey ka
kooban tahay sadax dabaq waana lagu shaqeyn jiray dhamaantood oo waa la buuxin
jirey ayuu ku soo koobay hadalkiisii ,
waxaa manta
goobjoog ah raga maxkamadaha islaamiga ah had ka shaqeeya rag kale oo qabiiriin
ah oo runtii aqoon yhano waaweyn ah laakiin aan heysann fulin iyo awood
kuligoodna waxaa la rabaa in la mideeyo lana keeno rag saldhig u noqdo garsoorka
in lag soo saaro ,
sh: shariif sh:
axmed “ mahadcelin ka dib walaalayaa dakaanu wuxuu u burburey cadaalad daro
cadaalad oo dhana waxaa ay ku jirtaa kitaabka alle waxaa dhacday cadaalad
siyaasadeed ,mid bulsho ,iyo mid garsoor intaba waa dhaceen taasu waxey keentay
dalkaanu in uu burburo 16 sano na uu soo kabsan waayey ilahey fadligiisa dadaal
badan ka dib umadu waxey u baahan tahay in cagaha dhulka loogu saaro iyada oo la
adeegsanayo cadaalada ,
“ waxaad ogsoon tihiin shacabku markii uu dhibtooday in uu samaystey maxkamado
islaami ah waxay shaqeeyeen intii ay qaban karaan howsha umada waxey u bahan
tahay juhdi badan iyo fursad la bixiyo garsoorayaal badan la diyaariyo si loo
mideyo howsha umada meelksta oo ay jooganba dadka beeska u noqonayo waa dadka
beesha fadhiyo manta hadii ay cadaalad sameyaana nin aan ku soo talagelin in uu
cadaalad sameeyo aqqonkast ha lahaadee dhif mooyee wax horumar ah lagu arki mayo
,
sh : shariif wuxuu
u cadeeyey garsoorayaashii halkaa fadhiyey in uu isagu xataa soo bargay sharciga
uuna ka soo baxay kuliyada qaanuunka doonayane in uu dadkiisa iyo dalkiisa uga
faaiideeyo ,
Sidoo kale wuxuu
sheegey addunka inay ugu sharaf badan yihiin Garsooreyaal caaddil ah diiniyan
iyo maaddi labadaba ,wuxuuna kula dardaarmey inay dhowraan caddaaladda
Isaga oo tusaale u
so qaatey garsoore gurigiisa loogu tagay oo laga dhadhiciyey arintii oo dhan ka
dibna markii uu maxkamadii yimid ay isku dhaceen dhinacii kale iyo
garsoorayaashii la qasheynayey ,
Ugu danbeyntii
wuxuu hadalkiisa uga baxay dadka loo garqaadayo yaanan macaamilo idinka
dhaxeynin oo aan ka aheyn maxkamada horrteeda ha iskuugu kiin danbeyso marka
aad xakunka ridaan oo aad tiraahadaan marka aad albaabka ka baxdaan macsalaama
dib danbe agteyda ha soo joogsanina intaasu waxey ka mid tahay waxyabaha
cadaalada kor u qaada
Muuse Maxuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 25, 2006
Warar
Googoos ah: Agoosto 24
»Kongo:
Heshiis lagu dhammeeyey rabshadihii ka dhacay...
»UN:
Qaramada midowbay oo ka hadashay caruur...
»Hambalyo
loo diray Cali Axmed Jaamac (Jangali)...
Wararka oo dhan ka akhi halkan.... Guji...
C/Qaasim “Aniga ayaa igu horeeya oo Qoriga Qaadanaya haddi aysan
Tigreega ka ..”
»Ciidamo
Itoobiyaan ah oo soo galay deegaanka Gobolka...
»Maxaakiimta
oo tababar u furtay Dhalinyaro ka tirsanaan..
»Shalay
oo la dhaariyey Xubnihii cusbaa ee golaha Wasiirada
»Xildhibaan
Guuleed oo soo jeediyey Dowlada & Maxaakiimta
»Xildhibaan
Jinni Boqor “Dowladda uu soo dhisay waa Jug..
»Daahir
Rayaale oo la kulmay Gudoomiyaha Beelaha Gabooye
»XAFLADII
QALIN JABINTA ARDEYDA SOOMAALIYEED EE KARACHI
»Dalladda
Dhakhaatiirta Xoolaha Soomaaliya Oo Shir Uga..
»Garowe:
Shir ku saabsan caafimaadka xoolaha ayaa lagu..
»Nairobi:
Wiil la waayey - muddo dhan 40 malmood
Wararka oo dhan akhri... Guji.... Aug 23