SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK
Daabaco Boggan | Print
MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

:::SIR FAKATAY:::

Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Akhri..
MASJIDKA ISBAHAYSIGA:::
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

BAAQ KU WAJAHAN DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND & MAXKAMADAHA ISLAAMKA 

OO KA SOO BAXAY WAX-GARAD GOBOLKA U DHASHAY OO KU NOOL WADDANKA UK. 

Shir ay shalay galabnimadii isugu yimaadeen wax-garad ka soo jeeda gobollada Puntland oo deggen magaalada London ayaa waxaa ka soo baxay baaqyo ku kala wajahan dhinacyada isku hor fadhiya duleedka magaalada Gaalkacyo.

Waxgaradka oo arrinta lafagurayey muddo 6 saacadood ah, dhinacyo badanna ka fiiriyey ayaa hoosta ka xarriiqay arrimahan soo socda: 

  1. Dagaal maanta gobolka ka dhaca waxaa ka dhalanaya khasaarooyin aan marnaba la qiyaasi karin oo isugu jira naf, maal, barakac, khasaarooyin siyaasadeed iyo kuwo amni intaba.
  2. Marka la fiiriyo dabeecadda gaarka ah ee gobolka iyo xasaasiyaddiisa waxaa noo muuqata in aan qolona guul ka gaari karin dagaal  holca. Waxaana dhacaysa, sida ay annaga noogu muuqato, in dagaalku dheeraado wajiga hadda wax ku socdaanna iska beddelo.
  3. Markii aanu la xiriirnay dad xog’ogaal ah oo ka tirsan maamulka Puntland, waxaannu ogaannay in ay jiraan dhinacyo gaar ah oo maamulka ku riixaya in maxkamadaha dagaal lala galo.

PUNTLAND:-

      Maamulka waxaannu u soo jeedinaynaa talooyinkan:

      1. Waxaannu ugu baaqaynaa in ay qaataan tallaabo walba oo dagaal lagu baajin karo. Wada hadalna la furaan Maxaakimta.
      2. In ay ciidammada Itoobiyaanka ah ka saaraan ciidda Soomaaliyeed. Arrintaasi waxaanu u aragnaa ceeb iyo sharaf-dhac uu maamulku u soo hoyiyey dadka gobolka deggen, iyo magaca Soomaali. Waa wax dhaleecayn mudan.
      3. In ay ciidammada ka soo qaadaan koonfurta Gaalkacyo, iyadoo weliba taasi qayb ka ahayd heshiiskii hadda ka hor la isla gaarey.
      4. Waxaa boqolkiiba boqol khaldan in Kooxihii Xamar laga soo cayriyey ay gacan iyo gabbaadba ka helaan Gaalkacyo. Taasi waa gardarro iyo daandaansi.
      5. Waxaanu canbaaraynaynaa hadalladii uu Madaxweyne Cadde Muuse British Broadcasting Corportion ka sii daayey Arbacadii, oo aan u qalmin jagada uu hayo.  Arrintaasi waxay ahayd soo noolayn Qabyaalad waa hore dhimatay. [Halkan ka dhegeyso]

M. MAXKAMADAHA ISLAAMKA:

      Waxaanu iyana kula talinaynaa:

  1. In ay joojiyaan ku soo siqista millateri ee dhanka Gaalkacyo. Wada hadalna la furaan maamulka PL.
  2. In ay isku miisaamaan faa’iidada ku jirta tegitaankooda Gaalkacyo iyo khasaaraha arrintaas ka imaan karta.
  3. In ay fahmaan xasaasiyadda ka jirta Gobolka, iyagoo taas ka duulayana ay hadda ka tanaasulaan tegitaanka Gaalkacyo. Taasi waxaa ku baaqanaya:
    1. Isku dhac labada dhinac, oo dhiig badani ku daato.
    2. Isku dhac Maxkamadaha iyo Itoobiyaanka oo iyagu (ETHIOPIA)  si aad ah u doonaya dagaal ay la galaan Maxkamadaha Islaamka. Arrintaasi ma ahan mid dani ugu jirto Maxkamadaha oo xil innaga wada saaranyahay ilaalinta guulihii ay ka gaareen K. Soomaaliya.

WAXGARADKA & CULUMADA PUNTLAND:

  • Waxaanu u soo jeedinaynaa waxgaradka & culumada Puntland in ay fadhiga ka kacaan arrimaha taaganna ka ciyaaraan dowrka kaga haboon. Dhexdhexaadin ayaad samayn kartaan.
  • Dowladdu waxay ka weecatay dawgii kaga habboonaa xallinta arrimaha taagan, waxayna u baahantahay sixid iyo toosin.

Guddiga Xiriirka iyo Talo Bixinta

Wixii faahfaahin ah waxaa lagala soo xiriiri karaa:

  • Axmed Cabdi:   Afhayeen   07852918892  
  • Cabdisamad Cabdulle:  Xoghaye  07931889846/02076392534
  • Cabdirisaaq Maxamed  Xirsi: Guddoomiye  07903202517
  • Faarax-Deeq Siciid Maxamed:  Xubin   07984854861
  • Xassan C/llaahi:    Xubin

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 26, 2006


16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo.. Guji...

 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD