Wararkii: Agoosto 31, 2006
- Muqdisho:
Markab muwaacino ah oo maanta ku soo xiranaya..
- Dowladda
Suudaan oo wada qorshe ah. in IGAD..
- Shariif Xasan
oo la kulmay Madaxweynaha wadanka suudaan..
- Beesha Suleymaan Cabdalla oo
Qaadacdey Maamulka looga…
- Waaxdeeda Caafimaadka ee golaha
maxaakiimta oo bilowday Dayactirka Xaruntii hore ee Wasaaradda
Caafimaadka..
- Laascaanood: mudaharaad ka
dhacay magaalada laascaanod oo looga soo horjeedo faragalinta
ethoipia.
- Qoraagii najiib maxfuud oo ku geeriyooday
Qaahira
- Midowga
Yurub oo Liiskeeda Argaggaxisada ka saartay Axmed Yuusuf oo ka
tirsanaa Al-barakaat
Markab
muwaacino ah oo maanta ku soo xiranaya..
Waxaa maanta la filayaa
in dekedda weyn ee Muqdisho uu ku soo xirto markab sida macaawino oo u
raran hay’adda WFP, ee Qaramada Midoobey, waana markabkii ugu horreeyey
oo hay’addaas leedahay oo ku soo xirta dekedda weyn ee Muqdisho 11-sano
kaddib.
Khamiistii hore ayay
aheyd markii dekeddaasi uu ku soo xirtay markabkii ugu horreeyey ee
ganacsi, kaddib markii ay Golaha Maxaakiimta ay ku dhawaaqeen in dekedda
ay furan tahay.
Imaanshaha markabkaan
ee u raran WFP ayaa waxaa la filayaa iney ka qeyb galaan mas’uuliyiin ka
tirsan Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, iyadoo macaawinadaani hay’adda
WFP ay ugu talagashay dadka tabaaleysan ee ku nool dalka.
Sannadkii hore ayey
aheyd markii hay’adda WFP laga afduubtay markab macaawino u siday
Soomaaliya, waxaana afduubtay kooxo burcad badeed ah oo ku sugnaa
deegaankaa Xarar-Dheere, waxeyna saraakiisha WFP ay ka digeen xiligaasi
in macaawinada markabkaasi la iibsado maadaama uu dad tabaaleysan wax u
siday.
Dowladda
Suudaan oo wada qorshe ah. in IGAD..
Iyadoo urur Gobaleedka
IGAD uu ku kala qaybsan yahay ciidamo loo soo diro Soomaaliya kaddib
markii wadamada Kenya, Itoobiya iyo Yugaandha ay balanqaadeen in ay
soomaaliya u soo dirayaan ciidamo, balse arrintaan ayaa waxaa moodaa
inay dhex dhexaad ka tahay Dowladda Suudaan, oo la sheegay in ay haatan
dooneyso in meel dhexe la isugu keeno dowlaha IGAD ee ku kala qyabsamay
Arrimaha Soomaaliya, waxaa la filayaa in hadii ay hirgalaan wada
hadalada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta in ergey ka
socda dalka Suudaan uu booqashooyin ku soo kala bixiyo wadamada IGAD.
Dowladda Ereteriya ayaa
waxay horey iyadu ugu hanjabtay inay Soomaaliya u direyso Ciidamo haddii
ay Ciidamo u diraan Wadamada Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha, hase yeeshee
Dowladda Suudaan waxay dooneysaa in Ciidamo ka socda wadamada Afrika loo
diro Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay ilaalin doonaan goobaha
Dowladda oo qura
Shariif
Xasan oo la kulmay Madaxweynaha.wadanka suudaan..
Waxa dhawaan magaalad
Khartuum kulan ku wada yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Golaha
Maxaakiimta iyo Madaxweynaha Suudaan Al-Bashiir, waxa uuna Sheekh
Shariif u gudbiyey Madaxweynaha mowqifka Golaha Maxaakiimta ee arrimaha
Soomaaliya.
Habeenkii xalay ahaa
ayaa Guddoomiyaha Baarlmaanka Shariif Xasan waxa uu kulan la yeeshay
Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay isla soo qaadeen
arrimaha Soomaaliya, waxaa isna laga dhageystay Mowqifka Dowladda ee xal
u helida Arrimaha Soomaaliya, waxaana la filayaa in 1-da bisha ay
furmaan wada hadalada.
Beesha Suleymaan Cabdalla oo Qaadacdey
Maamulka looga…
Aqoonyahano, waxgarad, siyaasiyiin iyo
nabaddoono ka tirsan beesha Suleymaan Cabdalle ee Dir ayaa waxey soo
saartay warsaxaafadeed ay ku wargelineyso dowladda federaalka, maamul
goboleedka Puntland, Maxkamadaha Islaamiga ah iyo maamulka cusub ee
Galmudug, in beeshooda aaney ka tirsaneyn maamulka dhawaan looga
dhawaaqay magaalada Gaalkacyo.
Beeshu waxey warsaxaafadeedka ku
sheegtay iney beeshu degto deegaanno aad u ballaaran oo kala ah:
Towfiiq, Galhagoog, Ceel-dhanaane, Dhinowda, Garacad, Jarriiban,
Balli-busle iyo, Seemade iyo tuulooyin badan.
“Kama soo horjeedno maamulka looga
dhawaaqay Gaalkacyo, balse waxaan soo jeedineynaa in beesha Sacad ay ku
dhawaaqday maamulkaasi, ay xaq dhawrto beelaha kale ee la dega” ayaa
laguyiri war saxaafadeedkaasi, oo inaasi raaciyey, “Waxaa jira maamul
kale oo daris la ah oo la yiraahdo Puntland, iyagana kama tirsanin ee
waxaa naga dhaxeeya daris wanaag iyo Islaanimo, waxaana wanaagsan in
arrintaasi la wada dhawro”.
Waxaana war saxaafadeedkaasi ku saxiixnaa
xubno ay ka mid ahaayeen: Dr. Max’ed Aadan Cali, Dr. Khaliif Max’ed
Nuur, Sheekh Mahad Max’ed Cali, Ing. Aadan Nuur Dhegood, Nabaddoon
Max’ud Nuuryare Max’ed (Gaani), Nabaddoon Saciid Max’ud Xuseen, Suldaan
C/llaahi Max’.W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Waaxdeeda
Caafimaadka ee golaha maxaakiimta oo bilowday Dayactirka Xaruntii hore
ee Wasaaradda Caafimaadka..
Wasaaradii caafimaadka ayaa noqotay
midii ugu horaysay oo ay golaha maxaakiimta islaamiga ahi ay iclaamiyeen
inay dayac tiri doonaan ,madaxa caafimaadka golaha maxaakiimta islaamiga
ah sh,muxaydiin maxamed cumar ayaa saaka shir jaraa,id ku qabtay
xaruntii hore ee wasaaradii caafimaadka oo uu ka muuqdo burbur xoogan ,iyadoo
aysan shaqayn mudo ka badan 15sano .
Madaxa waaxda caafimaadka golaha
maxaakimta islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Muxyadiin Maxamed Cumar”
kulankeena manta wuxuu ku saabsan yahay soo celinta dhismihii wasaaradii
caafimaadka ee ay lahaan jirtey dowladii hore iyo sidii loogu shaqayn
lahaa dhismahaa laftiisa oo aan runtii isku dayey in aan so celino
xarumihii caafimaadka sidoo kale waxaa kale oo aan inshaa alaahu soo
celin doonaa unburutooriyadii ceelgaabta iyo meelaha la mid ka ah oo ay
manta umaddu aysan ku xisaabtameynin si ay umadu u hesho xarumihii ay
caafimadka u mari jireen nidaamkoodii iyo djismahoodii intaba :

Madaxa caafimaadka sh,muxayadiin
maxamed cumar ayaa sheegay inay dayac tiri doonaan xaruntan iyo
xarumihii kale ee dowladii hore balse ay kala hor marin doonaan ,sidoo
kale sh,muxayadiin ayaa sheegay inay tahay hoygan wasaarada caafimaadka
oo ah mid ay si weyn ugu baahan yihiin shacabku waayo ayuu yidhi
shacabku aad ayay ugu baahan yihiin inay helaan howlo caafimaad oo ku
filan .
Sidoo kale waxaa madaxa caafimaadka
golaha maxaakiimta ku weheliyey goobtaasi gudoomiye ku xigeenka
caafimaadka golaha maxaakiimta islaamiga ah sh,c/laahi cumar ciid iyo
kuy xigeenka labaad maxamed xaashi fara cadde ,madaxa caafimaadka
sh,muxayadiin ayaa saxaafadu waydiisay bal inuu noo sheego cida ku
taageeraysa dhaqaalaha lagu dayac tirayo xarumahan burburka weyn uu ka
muuqdo .
Sh,muxayadiin ayaa ku jawaabay inay ku
taageerayaan ganacsatada kala jooga dalka iyo dibadaba ,sidoo kale waxaa
la waydiiyey idinku ma waxaad rabtaan inaad qaab dowladeed oo kale
metshaan maxaa idinku qasbaya inaad arimahan noocan oo kala ah aad
qabataan oo ah arimo dowladeed ayuu waxuu ku jawaabay ;anagu dowladna ma
nihin ee waxaanu ku shaqaynaa rabitaanka shacabkayaga waxaanuna
doonaynaa inaanu dib usoo noolayno kaabayaashii dhaqaalaha sida xaruntan
caafimaadka oo kale iyo kuwii lamidka ahaaba .
Si kastaba ha ahaatee sh,muxaydiin ayaa
manta shirkiisa jaraa,id ku qabtay xarun uu ka muuqdo burbur aan lasoo
koobi Karin balse dadka qaarkiis ku noqotay fajaciso halka dadka qaar ay
u arkaan yididiilo wanaagsan oo ay wadaan golaha maxaakiimta islaamiga
ahi.
Muuse Maxmuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
002521576666/002521653623
Laascaanood:
mudaharaad ka dhacay magaalada laascaanod oo looga soo horjeedo
faragalinta ethoipia.
waxaa subaxnimadii Arbacada ka
dhacay magaalada laascaanood mudaharaad wayn kaasi oo looga soo
horjeedo ciidamo la sheegay in ay soo galeen gudaha dalka somalia
gaar ahaana magaalooyinka gaalkacyo iyo baydhabo.
mudaharaadkan intii uu socday wax
dhib ah ma gaysan dadkuna waxay socoda ku marayeen wadooyinka
waawayn ee gudaha magaalada laascaanood.
Maxamed Maxamuud faarax indho buur
oo kamid ah masuuliyiintii soo qaban qaabisay banaan baxan
lagudiidanaa ciidamo ethiopian ah oo la sheegay in ay ku soo
fooleyihiin magaalada laascaanood ayaa sheegay in Madaxweyne ku
xigeenka puntland uu kula kulmay magaalada laascaanood saraakiil
Ethiopian ah taas weeye taanu ka soo horjeednaa oo aanu saaka banaan
baxan u dhignay" Ayuu Yidhi mr indho-buur oo ka mid ahaa qaban
qaabiyayaashii mudaharaadka maanta ka dhacay magaalada laascaanood
ee gobalka sool.
Mudaharadkani waa kii ugu horeyaya
ee lagaga soo horjeedo ciidamada la shegay in ay soo galeen gudaha
dalka somalia ee ethoipinka ah ee ka dhacay laascaanood.
Mudaharaadkan ayaa waxa uu ku soo
beegmayaa xili ay magaaladaasi laascaanood ku sugan yahay madax
wayne ku xigeenka puntland kaasi oo baryahan ka waday magaaladaasi
sidii ay ku yeelan lahayd golaha deegaanka ee degmada laascaanood
isla markaana la xaliyaya khiulaaf badan oo ka jiray magaalada
laascaanood.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Qoraagii
najiib maxfuud oo ku geeriyooday Qaahira
30.8.2006
 |
qoraaga najiib maxfuud |
waxaa saaka (Agoosto 30) magaalada
qaahira kugeeriyooday qoraaga caanka ee reer masar najiib maxfuud.
najiib maxfuud ayaa mudo
xanuunsanaa wuxuuna ahaa ninkii ugu ruwaayad qoris badnaa dhamaan
dunida carabta,janasada najiib maxfuud waxaa kasooqayb galidoona
madaxwaynaha masar iyo mas uuliyiin kale oo dowlada masar kamid ah,
waxayna noqon doontaa janaasad ay ka qayb galidoonaan ciidan xooga
dalka soomaaliyeed,waxaana janaasadaas lagu tukan doona masjidka al-rushdan
ee xaafada madiinatu nasr,najiib mafxuud isaga ka dar daarmay in
janasadiisa lagu tukado masjidkaa al rushdan.najiib maxfuud ayaa
ahaa nin isagu adabka aad ugu yaqiinay wuxuuna ahaa ninkii ugu
horeeyey dalka masar ee qaatay abaal marinta nobel ee xaga wax
qorista,janasadisa waxa kaloo tacsi kasoo direy madaxwayne bush iyo
madaxwaynaha faransa chec chirac.qoraagu wuxuu kudhintay 95 jir
isagoo ah,
najiib maxfuud ayaa qoray in
kabadan 50 riyaawaayadood oo ubadanaa sheekooyin,iyo qisooyin aad
looxiiseenjirey,kutubtii uuqoray waxa ugu cansanaa {bayna qasrayn oo
lamacna ah labadii qarsi dhexdooda} iyo iyo qasri qowq iyo weliga
arlaadu xaaratana oo aaniga abdirizak ahaan hada hayo kitaabkan
kitaabka awlaadu xaaratana ayaa jamacada azhar ay mamnuucday in
ladaabaco.
taariikhdiiisa oo
kooban
 |
qoraa rer masar u ooyeen |
wuxuu dhashay 1911 wuxuuna
kudhashay magalada qahira,wuxuuna kabaxay jamacada qahira wuxuuna
kasoo shaqeeyey masaarada awqafta.
hada kahor aya nin isagu xag jir ah
toorey la beegsaday najiib maxfuud isagoo dhaawacay kadib dowlada
ayaa aad u ilaalin jirtay qoraaga,1994 falkaas dhacawa lagu fuliyey
ayaa waxaa kadanbeyey fatwo uusoosaarat sheekh cumar cabdirahman
kasoo katirsanaa jamacada ukhwaanul al-muslim ragooda sar sare.
beri ayaa najiib maxfud lagu aasi
donaa xabaalaha taariikhiga ah ee magaalada qaahira
abdirizak A.kaneec
kaneec1@hotmail.com
Midowga Yurub oo Liiskeeda Argaggaxisada ka
saartay Axmed Yuusuf oo ka tirsanaa Al-barakaat
Agoosto 30: War kasoo baxay
wasaarada arrimaha dibada Sweden ayaa lugu sheegay in kadib markii
Mareykanka liiska dadka uu ku xirriiriyey argagaxisada uu ka saaray
midkii ugu dambeeyey ee sadexdii dhalinyarro ee soomaalida sweden
ahaa kana tirsanaa shirkadii xawaalada Al-barakaat ee albaabada la
iskugu laabay, ayaa dhinacoodana waxey shaaca ka qaadeen in laga
bilaabo maanta oo 30 agoosta ee sanada 2006 uusan kamid aheyn
shaqsiyaadka lugu xirriiriyey argagaxisada.
Warka oo dhan... GUJI...
Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 31,
2006