Wararkii:
Dec 8, 2006
Gabar yar
oo la xanuunsan Biyo Caloosha uga buuxa
Dr
Cismaan Dufle oo soo jeediyey In gabadhan loo gargaaro
Maalintii Talaadada ahayd
ayaan booqanay Isbitaalka Dr Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle,
waqtigaas oo aan gaynay Haweeney muddo xanuunsaneed, markii
aan la kulanay Dr Dufle ayuu yiri “Waxaa maanta Isbitaalka
ku sugan, gabar yar oo 11 jir ah oo caloosha biyo uga
buuxaan, ee ma dooneysaan inaad soo eegtaan maadaama uu igu
ogaa wariye gacan siiya dadka dhibaataysan”, markaas ayaan
waxaan ku iri diyaar ayaan u ahay.

Markiiba waxaan u dhaqaaqnay halkii gabadhii yareyd ay ku
sugneed, ka dibna waxay indhahaygu qabteen gabar aan is iri
maxaa caloosha uga buuxa, Dr Dufle ayaa wuxuu yiri waa tan
gabadhii aan idiin sheegayay,waan naxay, murugo ayaa I
qabatay, indhahaygii baa Ilmo isku soo taageen, markaas
ayaan waxaan Ditoorkii ku iri Ditoore wax Kaamira ah ma wato
maanta , makaas ayuu igu yiri aad baan uga xumahay, gabadhii
yareyd oo maqlaysey inaan Kaamiro la’aan ahay ayaa waxa ay
tiri Dittoore maanta dib ma iigu dhigi kartaa Biyihii layga
miirayay, markaas ayuu Ditoorkii gabadhii yareyd ku yiri Sow
ma xanuunsanaysid, markaas ayay waxay la soo booday “Maya,
Maya Ditore Maalinta Khamiista ayaan soo laabanayaa si
Sawiro la iiga qaado si xanuunkeyga loogu gudbiyo Bulshada
Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa iyo gudihiisa si ay
iiga gar gaaraan cudurkan I haya”

Aamino oo
mararka qaarkood wajigeeda ay ka muuqatay farxad rajana ka
qabto in mar uun Alle ka caafiyo cudurkan ayaa waxa ay ku
cataabaysey “Ilaahoow Caafimaad I Sii, Ilaahoow Caafimaad I
Sii Ilaahoow C……….”, Aamino mar kasta waxay nagu cel
celinaysay in qayla dhaanteeda aan gaarsiino Bulshada
Soomaaliyeed ee ku kala nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Aamino oo cudurkan la taahaysey muddo lix sana ah ayaa mar
aan ka waraysanay Dr Dufle ayaa wuxuu noo sheegay in
gabadhan iyadoo yar oo ciyaareysa WIIFOW in Wadnaha wax ay
ka gaareen taasoo sababtay in Coloosha Biya joogta ah ku
furmaan isagoo intaa raaciyay in gabadhan Caafimaadkeeda
dalka gudihiisa aan wax looga qaban Karin maadaama aan la
hayn qalabkii si rasmi ah wax looga qaban lahaa gabadhaas, .

Gabadhan oo ka soo jeedda qoys sabool ah ayaa waxa ay u
mahad celiyeen waaliddiinteeda Dr Cusmaan Dufle oo dhowr
goor gacan ka siiyay si Caloosheeda Biyaha looga saari lahaa
maadaama markii ay mudda joogtaba ay u baahan tahay biyo
saariddaas.

Haddaba, ciddii dooneysa inay gabadhaas gacan siiso waxay
kala soo xariiri karaan
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 2521-5532494
Hooyo Saynab
oo heshey Gargaarkii ugu horeeyey

Hooyo Saynab Yuusuf Xirsi
oo la xanuunsan Cudurka T.B.da Caloosha ayaa markiiba waxay
heshay gargaar deg deg ah oo ay ka heshey Gabar soomaaliyeed
oo lagu magacaabo Cabban .M. Cabdiraxmaan oo ku sugan dalka
Mareykanka. Hooyo Seynab waxaan markiiba ula cararnay
Isbitaalka uu ka hawl galo Dr Cusmaan Dufle si wanaagsan
ayuu noo soo dhaweeyay waxaana uga war bixinay xaalada Hooyo
Seynab oo aan u sheegnay in muddo dhowr sano ah ay la
xanuunsaneed cudurkaas oo ay kari weeysey inay u shaqaysato
caruurteeda, .
Dr Cusmaan wuxuu ku sameeyey baaritaan dhinaca dhiigga ah,
sidoo kale wuxuu haweeynadaas saaray aaladda Kunbuyuutarka
ee dhinaca caloosha wuxuuna sheegay in baaritaanadani ay
yihiin kuwo lacag la’aan ah oo uu ku taageeray haweeneydaas,
Hooyo Seynab waxay markiiba u mahad celisey Dr Dufle iyo
dadkii kale ee gacanta ka siiyay in lagala tacaalo cudurkaas.

Dr Cusmaan Dufle ayaa baaritaankaasi shaaca uga qaaday in
haweeneydani ay muddaba la xanuunsaneyd cudurka T.B,da
caloosha gaar ahaan kan ku dhaca Xuubka Sare ee Caloosha,
wuxuuna Dr Cusmaan Dufle haweeneydaas u qoray daawo
soconaysa muddo dhowr bilood ah, sidoo kale wuxuu sheegay
inay u baahan tahay nafaqa joogta ah, maa daamada
culeyskeedu uu yahay 35 kiilo isagoo ugu danbayntiina u soo
jeediyay Ummadda Soomaaliyeed in haweeneydaas gacan la siiyo
inta ay si rasmi ah uga bogsanayso cudurkaas oo ah mid si
fudud lagu daaweyn karo.
Hooyo saynab manta waxay u baahan tahay gargaar deg deg ah
si xaaladdea caafimaad wax looga qabto , xanuunka haya hooyo
saynab waxaa u sii dheer Markii ninkeedii ay u dhashey
Ubadka uu ku deyriyey xanuunka Alla u keeney dartiis
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Tel 2521-5532494
Hooyo soomaaliyeed oo u
baahan in laga daweeyo Cudurka TB-da
 Hooyo
Saynab Yuusuf Xirsi waa Hooyo Soomaaliyeed oo muddo 3-Sano
ku xanuunsan Magaalada Muqdisho. Mar aan ku booqday Guri ay
degan tahay ayaa waxaan aad uga naxay sida ay u liidato
Hooyo Saynab, waxaa dhowr jeer gacan siiyey Dadka dariska ah
balse ma ‘aheyn gacansiintaas mid kaafin kartay Hooyo Saynab
oo markan la kulmayey ay ag fadhiyeen labo Caruur ah ay
dhashay waxaa labadaas Caruur ah haatan quudiya Dadka
dariska ah.waxaa haya haweeneydaan Gabar ay deris yihiin oo
lagu magacaabo Canab Maxamed .
“ kaalma yar oo ku soo gaarta ma’ahan mid ku kaafin karta,
waxaas oo dhan waxaa igala wanaagsanaan lahaa anigoo hela
Caafimaad buuxa” ayey tiri Hooyo Saynab oo markii hore ahayd
Haweeney u xamaalin jirtay Caruurteeda waxay intaas sii
raacisay” waxaan maanta goystay inaan isku dhiibo Bulsho
waynta Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo
dibaddiisaba si ay Gacan Baniaadanimo ii siiyaan.
Hooyo Saynab waxay la taaheysaa Cudurka TB-da Caluusha
waxayna waysay Cid gacan ku siisa kana daawaysa Cudurkaasi
oo ah mid si sahal ah lagu daawayn karo, Hooyo Sayanab oo
jir ahaan u dhamaatay ayey waxay ku hadlaysay Cod aad u
daciif ah oo ka soo gu’ayay Caluusha aad baan uga naxay
anigaaba ku sigtay in ay illin iga timaado “ waxaan ku iri
Hooyo Inshaa’Allah waad caafimaadi doontaa waxaan kuu ogahay
in Dadka Soomaailyeed ay yihiin Dadka isu naxariista isuna
gargaara, inta ay Madaxa luxday ayey Tiri” iga gaarsii Dadka
Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba
inay Il naxariis ah igu eegeen, Hooyo Saynab Cid ahel u ah
kuma sugna Magaalada Muqdisho waxay ii sheegtay in Dadkeeda
ay ku sugan yihiin Magaalada Hargeysa.
Hooyo
Saynab waxay u soo jeedinaysaa Ummadda Soomaaliyeed ee ku
nool Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba inay kala tacaalaan
Cudurkaasi oo si fudud loogu Daweyn karo Dalka haddii loo
helo dhaqaale.
Ciddii doonaysaa inay caawinto Haweeynaydaan inay kala soo
xiriiri karaan
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
amiinkhasaaro@yahoo.com
Tel 2521-5532494
Maxaakiimta Islaamiga
oo Ballan Qaaday inay Dhisi doonaan Garoonka Garoowe
sidaas
waxaa shaaca ka qaaday Afhayeenka xisbiga RPP ee Yurub,
C/Naasir Guure Faarax [jeer],
oo...
Akhri...
Soomaalida
Minnesota oo $20,000 u ururiyey
Dadka
Soomaaliyeed ee ku tabaaloobey fatahaada iyo daadadka ka dhacay webiyada iyo
xeryaha qaxootiga
Akhri...
Soomaalida
Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
"Nabadda
Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto"
Sidaas waxaa yiri....
Akhri....
Heshiis
Dhex maray Maxkamadaha iyo Wadamada IGAD oo dhan
iyo warar Googoos ah
Akhri.... Dec
4
Qaraarkii Golaha
Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu
Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia...
Akhri


|