Wali Miyaanad Xajin !!!
-
Shiikh C/raxmaan Sh. Cumar
Waxaan jeclaan lahaa qormadan in aan
Allah ugu dhawaado oo aan xusuusiyo
walaalaha aan cimrigood tagin guriga
Alle si ay u gutaan tiirka shanaad
ee tiirarka Islaamka.
Xajka wuxuu kamidyahay calaamadaha
waaweeyn ee diinta islaamka ee uu
qofka dareemayo hadduu iimaan
leeyahay addoonimada alle, waayo waa
kulansanadeedka muslimiinta ka kala
yimaada daafaha dunida oo dhan,
iyadoo ay ka jawaabayaan
ogeeysiintii nabi Ibraahim ee Allah
amray “ ogeeysii dadka xajka waxay
kuu imanayaan iyagoo lugeeynaya,
iyagoo saran mid bog laaban dushiisa
kana imanayo meelkasta oo fog”.
Waxaa lug ku xajin jiray
awoowayaasheen mar wax ka badan,
maxaa nagu dhacay innagoo haysanna
gaadiidka saacadaha soconaya.
Alle wuxuu leeyahay aayad fasirkeedu
yahay “ Alle wuxuu dadka ku
waajibiyay xajka ninkii kari
karo,ninkii gaaloobana Allah waa ka
deeqtoomaa”. Culumada waxay
yiraahdeen maxaa aayadda loo
dabadhigay “ninkii gaalooba” waxay
yiraahdeen ninkii aan xajin isagoo
inkirsan waajibnimada xajka waa gaal
kii kalena waa dambiile weeyn ee
haya wadadii gaalada.
Fadliga Xajka: Rasuulka scw wuxuu ku
yiri xadiis fasirkiisu yahay:”
ninkii xajiya oo aan xaaraan sameeyn
iyo faasiqnimo wuxuu soo noqdaa
isagoo lamid ah maalintii hooyadii
dhashay” maxaa ka weeyn dambi
dhaafka intaa la eg ee uu xajku
leeyahay.Xadiis kalena wuxuu ahaa
fasirkiisa “ Xajka lagu baarrinimo
falay (si wanaagsan loo gutay) abaal
aan janno aheeyn ma laha”.
Yuu
ku waajibay xajku?
Wuxuu ku waajibay xajka qof kasta oo
muslim ah,caqli leh,qaangaar ah,xor
ah, helikara sahay uu uga tago inta
uu masruufo iyo sii socod iyo
soosocod sahaydeeda, jidkuna ammaan
yahay.Haweeneeyda waxaa intaa u
dheer in ay heeysato maxram kexeeya
soona celiya.Haddii intaa lagaa helo
ama ay kusoo martay cimrigaada
xajkii waa kugu waajibay ee ogoow
qofka muslimka ahoow.
Cumar binu khadaab waxaa laga
wariyey markii islaamka madaxda uu u
ahaa in uu yiri “waxaan hamminaa in
aan magaalooyinka u diro ciidan soo
baara dadka helikara wax ay ku
xajiyaan oo aan xajiyin si aan u
saaro “jisyo”(canshuurta laga qaado
dadka aan muslimka ahayn ee la nool
muslimiinta) kuwaas ma aha muslimiin.
Xujeeyda sanadkan waxaa looga
baahanyahay inay ku dadaalaan in ay
u xajiyaan sidii Rasuulkeenna scw uu
xajiyey sida uu u yiri “ iga qaata
manaasigtiinna”, xoolaha aad ku
xajineeyso xalaal ha noqdaan, dadka
ha dhibin xujeeyda ah, badi Allah
xuskiisa,maalinta carrafo duceeyso
una ducee inta aad jeceshahay iyo
muslimiinta guud ahaan,raac culimada
faraha badan ee la socota xujeeyda,
ha noqon xaajigii aan xajin.Waxaan
ula jeedaa haddii tusaale ahaan meel
carafo ka baxsan aad hargasho adigoo
u maleeynaya in carafo ku jirto
xajkaagii waa burree ogoow xaajiyoow.
Xajka waxaa laga helaa culumo aad
fursad u weeysay in aad la kulanto
sida Sh. Cumar Faruuq, Shariif Cabd
– Nur ee ka faaiideeyso la
kulankooda, muxaadarooyinkooda iyo
fatwadooda.Allah ha aqbalo xajkeenna
iyo camalkeenna oo idil, Allah ha
nasiiyo dambidhaaf iyo naxariistiisa.
Shiikh C/raxmaan Sh. Cumar
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19,
2006