Jendayi
Frazer: oo ku hor Kuftey Siyaasadda
Soomaaliya
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho,
Soomaaliya
Jendayi Fraszer waxay
dhawaan sheegtay in seddax Nin oo ka dambeeyay Qaraxyadii
magaalooyinka Nayroobi iyo Daara Salaam ay ku sugan yihiin
dalka Soomaaliya, isla markaana ay gacanta ku hayaan
Maxkamadaha Islaamiga, hadalka ka soo yeeray haweeneydaasi
wuxuu la yaab ku noqday Shacabka Soomaaliyeed, maxaa yeelay
shacabka Soomaaliyeed waa kuwo mar walba jecel inay ogaadaan
wixii ku soo kordha isla markaana ah kuwo aan ku dhax milmi
Karin dadka kale ee shisheeyaha ah, tusaale haddii aad tagto
tuulo aadan weligaa tegin dadka ayaa kugu soo xoomaya iyagoo
ku leh “War nin yahow degaankan waad ku cusub tahaye xaggee
ka timid”?, haddii aadan dhaqsa isku sheegin waxaa laga
yaabaa inay dhibaato ku soo gaarto, in kastoo dadka
Soomaaliyeed ay yihiin kuwo marti soorka ku wanaagsan.
Markii Maraykanku dagaalka ku qaadayay Ciraaq, waxa uu
caalamku uu ka dhaadhiciyay in Ciraaq ay haysato Hubka
Nukleyeerka ah, war bixintaasina uu ka helay dad ay si aad
ah isugu dhow yihiin Saddaam Xuseen, hase yeeshee Maraykanka
oo si wanaagsan u dhiraadhirin war bixintaas ayuu Dalkaas
Shab yiri, haddaba cid kasta way ka dheregsan tahay wixii
Maraykanka ka raacay waddanka Ciraaq, waxaana weli muuqa
dhibaatadii laga dhaxlay beentaas iyo warbixinadii kale ee
Maraykanka loo gudbiyay.
Waxaa xaqiiqa ah in dad Soomaali ah. ay Dawladda Maraykanka
ay u gudbiyeen warbixin la mid ah middii Maraykanka horey
loogu gudbiyay ee waddanka Ciraaq, iyadoo hoggaamiyaasha
qaarkood ee arrimaha sidan ah ay u adeegsadaan sidii
siyaasadoodu ay u meel mari lahayd isla markaana meel ku
gaari lahaayeen beentaas ay gudbiyeen, sidoo kale dadka
Soomaaliyeed ayaa warbixinta sidan oo kale oo beenta ah
waxay u adeegsadaan arrimo qabiili ah si ay mar uun uga
aarsadaan qabiilka kale ee ay iska soo hor
jeedaan.Cabdullaahi Yuusuf sanadkii 2002dii wuxuu caalamka u
sheegay in degaanka shimbiraale ee Gobolka Bari ay farriisin
u tahay Kooxo argagixisa ah, markiise halkaa la tegay ayaa
waxaa loogu tegay Dad kalluumaysato ah oo hawlahooda ku
mashquulsan, illaa iyo haatana Cabdullaahi Yuusuf wuxuu
wadaa in Soomaaliya ay ku sugan yihiin argagixiso, si mar
uun uu ugu helo taageero Millatery si uu uga aarsado
Maxkamadaha Islaamiga oo ku yimid rabitaanka Shacabka markii
ay u adkaysan waayeen hoggaamiye Kooxeedyadii.
Shirkaddii Barakaat ayay ahayd markii Albaabada loo laabay
isla markaana la xayirey hantideedii oo ay ugu adeegeysey
shacabka Soomaaliyeed ee ku nool daafaha adduunyada, waxaana
xiritaankan ka dambeeyay hoggaamiyo Kooxeedyo Soomaaliyeed
oo markaas Maraykanka u gudbiyay warbixin khalddan oo ah in
shirkadda Barakaat ay u shaqayso waxa ay ugu yeeraan kooxaha
argagixisada, kaddib markii baaritaan dheer la sameeyay ayaa
waxaa la ogaaday in shirkaddaas wax lug ah ku lahayn
argagixisada caalamka ah,waxayna ujeedada warbixintaas
khalddan loo gudbiyay ay ahayd sidii Soomaaliya oo xilligaa
ku jirtay burbur siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba in la sii
wiiqo si aysan dib uga soo kabanin dhibtii ay dagaalada
sokeeye u geysteen, waxaana warbixinta laga dhadhansanayay
sidii hoggaamiyaasha Kooxaha ay Maraykanka ugu beerlaxowsan
lahaayeen sidii ay wax uun san-dureerta ah ay uga heli
lahaayeen.
Hadalka ka soo yeeray Jendayi Freszer wuxuu ahaa mid aan
laga fiirsan oo lagu deg degay, Soomaaliduna waxay tiraahdaa
BEENI RAAD MA LEH, Murti kale ayaa oraneysa wax wax socda
waxaa ugu gaabiya Been oo waa tii iyaduna la yiri Been
fakatay Run Ma gaarto, haddaba su;aasha is weydiinta u
baahan waxa ay tahay hadalada ka soo yeerey haweeneydan ma
yihiin kuwo ka gadmaya Aqalka Cad ee Maraykanka oo ay hadda
ku soo bateen kooxaha Diimuquraadiyiinta?, Markii uu
Maraykanku yimid Soomaaliya, Sanadkii 1992dii wuxuu ku mar
marsiyoodey in Soomaaliya uu gacan ka siinayo dhinaca
abaaraha iyo macluusha hase yeshee siyaasiyiin Soomaaliyeed
ayaa Qub Moos u tuuray oo yiri” haddii Maxamed Faarax
Ceydiid la qabto wax walba waa hagaagayaan waana la ogaa
sheekadaas halkii ay ku dambeysey iyo wixii ka raacay
Maraykanka Waddanka Soomaaliya.
Dowladda Maraykanka waxaa haboon inay wax ka weeydiiso dadka
Soomaalida ee iyagu wax ka og xaqiiqda Soomaaliya ka jirta
dhab ahaantii, waana middaas midda Maraykanka u roon xitaa
Dawladda Itoobiya warbixinada ay Maraykanka u gudbinayso waa
mid ay danaheeda ku raadsanayso oo markii hore soo marey
hogaamiyaasha siyaasadda soomaaliya ugu dambayntiina
Soomaalidu waxay tiraahdaa HUBSIINO HAL DHAN BAA LA SIISTAA”
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Tartanka Dhinaca Saxaafadda ee Xubnaha Maxkamadaha:
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 21, 2006
YAA UMAQAN TAARIIKHDA
SOOMAALIDA

Akhri HALKAN....


|