Wararkii: Dec 23,
2006
- Wararkii ugu
dambeeyay ee dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyo
Maxkamadaha…
- Magaalada
Addis-Ababa oo laga dareemay dagaalka ka socda
Soomaaliya
- Ciidamo daacad u
ahaa Max’ed Dheere oo ka soo goostey ..
- Khilaaf soo kala
dhex galay Dowladda iyo Saraakiisha Itoobiya..
- Dood ku saabsan
Afka Soomaaliga oo uu qabtey Naadiga Pen..
- Bosaso: 70
dhalinyaro ah oo laga shakiyay ayaa gacanta lagu soo
dhigay.
- Bosaso: Qaxooti dib
ugu soo guryo noqday dalkooda
- London: Kasmo oo ku
Guuleystay Abaalmarin
Wararkii ugu dambeeyay ee
dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyo Maxkamadaha…
Maalintii afraad ayuu galay dagaalka u dhexeeya ciidamada
Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Kuwa Itoobiya, waxa uuna
dagaalkaani ka socdaa Gobalka Bay, gaar ahaan Iidaale iyo
Danynuunaay, waxa uuna dagaalkaani shalay ka socday
Deegaanka Iidaale oo la isku adeegsaday hubka culus iyo
midka fudud, waxayna Ciidamada Maxaakiimtu sheegeen in ay
Deegaanka Iidaale kor u dhaafeen gaar ahaan dhinaca Baydhabo
ilaa iyo 10Km, iyagoo gacanta ku dhigay hub iyo sanaad,
sidoo kale waxay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen war
biyood ay Ciidamada Itoobiya ka cabi jireen, taas oo
muhiimaad gaar ah ugu fadhiday ciidamada Maxaakiimta
Islaamiga ah, waayo ciidamada Itoobiya waxaa biyo ugu dhow
Magalada Baydhabo.
Sidoo kale ciidamada
Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxay gacanta ku dhigeen 12
qoryaha waaweyn iyo dhowr Gaari oo ay ku jiraan nooca loo
yaqaano Uuralka oo ay aad u isticmaalaan Ciidamada Itoobiya,
hase yeeshee Afhayeen u hadlay Dowladda Federaalka ayaa waxa
uu sheegay in shalay dagaalkii dhacay ay ku gacan sareeyeen
dibna ay u riixeen ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga ah
isagoo sheegay inay ku dileen ciidamo badan, hase yeeshee
dadka deegaanka ayaa mar aan la xiriirnay waxay noo sheegeen
Ciidamada Maxaakiimta ay soo gaareen ciidamo xoojin ah oo ka
yimid gobalka Jubbadda Dhexe.
Sidoo kale Warar ayaa waxay
sheegayaan in ciidamo aad u xoogan oo ka tirsan Maxaakiimta
Islaamiga ah kana tegay gobalka Hiiraan ay shalay gaareen
Tiyeegloow, waxaana la sheegay inay uga sii gudbeen dhinacaa
iyo Degmada Qansax Dheere oo la sheegay inay ku sugan yihiin
Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah.
Marka aan fiirinayo dhinaca
Daynuunaay, waxaa isna shalay ka dhacay dagaal la isku
adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo afhayeen u
hadlay Maxaakiimta Islaamiga ah uu sheegay in shalay
ciidamada Itoobiya ka dileen ilaa iyo lixdan Askari. Sidoo
kale afhayeenku waxa uu sheegay inay markii hore ahaayeen
ciidamo difaac ah, basle haatan u diyaar-garoobeen sidii ay
weerar ugu qaadi lahaayeen Ciidamada Itoobiya ee ku sugan
gudaha dalka Soomaaliya. [AKhri
Wararkii shalay ee dagaalka]
Magaalada Addis-Ababa
oo laga dareemay dagaalka ka socda Soomaaliya
Wararka naga soo gaaraya Dalka Itoobiya gaar ahaan Magaalada
Adis-Ababa waxay sheegayaan in Magaaladaasi si weyn looga
dareemay dagaalka u dhexeeya Ciidadama Soomaaliyeed ee
Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Itoobiya, waxaana Adis-Ababa
lagu arkayey ciidamo fara badan oo la soo dhoobay dariiqyada
iyadoo ka cabsi qaba in magaalada ay ka dhacaan qaraxyo ay
dhigaan taageerayaal ka tirsan Maxaakiimta islaamiga ah,
sidoo kale dagaalka u dhexeeye Ciidamada Maxaakiimta
Islaamiga ah iyo kuwa Itoobiya, waxaa si weyn looga dareemay
dhamaan dalka Itoobiya, gaar ahaan Kililka Shanaad oo ay
Soomaalidu degto, iyadoo ciidamadii Itoobiyaanka ahaa eek u
sugnaa Deegaanada ay Soomaalidu degto gebi ahaan toodba ku
uruureen xeryo Milatari kaddib markii ay ka cabsadeen in ay
weeraro kaga yimaadaan dadka Soomaaliyeed.
Dadka Itoobiyaanka ah ayaa aad uga walwalsan dagaalka ka
socda Soomaaliya, waxayna qaarkood sheegeen in aysan
garaneyn sababaha ay ciidamada Itoobiya ugu dhimanayaan
dalka Soomaaliya oo ay taageerada gaarka ah u siinayaan dad
Soomaali ah, waxayna codsadeenin si dhaqsi leh Ciidamada
Itoobiya looga soo saaro gudaha dalka Soomaaliya.
Ciidamo daacad u ahaa
Max’ed Dheere oo ka soo goostey ..
Ciidamo Gaaraya Lixdan oo wata hubkooda iyo hal gaari oo
Tikniko ah ayaa shalay soo gaareen deegaanka Jawiil ee
Gobalka Hiiraan, kaddib markii ay ka soo goosteen xero ay
tababar u qaadanayeen oo ku taala soonka shanaad ee Itoobiya
ay ee Soomaalidu degto.
Ciidamadan ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka
Jawiil, waxayna codsadeen in dib loogu celiyo goobihii ay ka
yimaadeen, sidoo kale qaar ayaa iyana codsaday inay ku
biiraan Maxaakiimta Islaamiga ah. ciidamadan ayaa ka soo
jeeda Gobalada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Gobalka Banaadir,
qaarkood waxaa la sheegay inay taageersanaayeen
Guddoomiyihii Gobalka Hiiraan Yuusuf Daba-Geed.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamo ka soo goostaan
Dowladda Federalka iyo Hogaamiye kooxeedyadii hore, dhawaan
ayay ahayd markii 200 oo Ciidan ah oo wata Lix gaari oo
Tikniko ah ay ka soo goosteen Dowladda Federaalka, kuwaas oo
ku soo biiray Maxaakiimta Islaamiga ah, oo inta badan
gacanta ku haya Koonfurta Soomaaliya.
Khilaaf soo kala dhex
galay Dowladda iyo Saraakiisha Itoobiya..
Iyadoo maalintii afraad uu galay dagaalka u dhexeeya
ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Itoobiya ayaa
haddana wararka aan ka heleyno Baydhabo waxay sheegayan in
khilaaf ba’an u dhexeeyo Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobalka Baay.
Khilafkaan ayaa waxa uu yimid markii Saraakiisha Itoobiya ay
waayeen ciidamo Dowladda ah oo ka barbar dagaalama ciidamada
Itoobiya, taas oo ay si weyn uga caroodeen Ciidamada Itobiya,
waayna sheegeen qaarkood in lagu soo siray Soomaaliya.
Khilaafkaan waxa uu keenay in kulan deg deg ah ay isugu
yimaadeen Madaxweyne C/llaahi Yuuusuf, Ra’isul Wasaare
Geeddi iyo xubnaha kale ee Dowladda, waxayna shalay ka
arinsanayeen waxa laga yeelayo dagaalkaan oo keenay in gebi
ahaanba ay go’doonto Magaalada Baydhabo, isla markaana ay ku
soo bataan ciidamada Itoobiya, oo haatan laga cabsi qaba
inay ka bataan dadka kale ee Soomaalida ah ee ku sugan
Baydhabo.
Dood ku saabsan Afka
Soomaaliga oo uu qabtey Naadiga Pen..
Dood ku saabsan Afka Soomaaliga uuna soo qaban-qaabiyey
Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka Soomaaliyeed (Somali
Pen) ayaa lagu qabtay Maktabadda Muqdisho waxaa ka qaybgalay
dad aqoon dheer u leh afka Soomaaliya, waxaana halkaasi ugu
horeyn warbixin kasoo jeediyey Guddoomiyaha Naadiga Pen ee
Koonfurta Soomaaliya Cabdi Muxumad Amiin oo sheegay in
Naadigu u istaagay sidii uu badbaadin lahaayeen afka
Soomaaliya oo uu ka sii lumayo jiilka haatan jira, waxaa
kaloo ka hadlay madaxa Bisha Cas ee Soomaaliya Mudane
Shariif, waxa uuna isna sheegay loo baahan yahay in dadaal
loo gali sidii afka Soomaaligu u noqon lahaa af ay Ummadda
Soomaaliyeed ku wada hirato.

Waxaa kaloo ka hadlay
Guddoomiyaha Jaamacadda Xamar Faarax Qare oo sheegay in
Jaamacadda Xamar ay bixiso koorsooyin la xiriira dhinaca
Afka Soomaaliya, waxaa kaloo ka hadlay Prof. Ciise Max’ed
Siyaad oo sheegay in Naadiga Pen looga baahan yahay in uu
uruuriyo caqabadaha hor taagan in farta Soomaaliga uu
hormaryo, waxaa kaloo ka hadlay C/qaadir Nuur Xuseen (Maax)
oo isna halkaasi ka soo jeediyey qodobo muhiim ah oo ku
aadan waxa hor taagan afka Soomaaliya, waxaa kaloo ka hadlay
xoghayaha Naadiga C/naasir Yuusuf Macalin oo sheegay in
Naadiga Pen uu dhowr jeer qabtay doodo ku saabsan afka
Soomaaliya, isagoo sheegayin ujeedooyinkiisa ay tahay sidii
Afku ku horumari lahaa u noqon lahaa af ka horeeya afafka
kale ee adduunka jira.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Bosaso: 70 dhalinyaro ah oo
laga shakiyay ayaa gacanta lagu soo dhigay.
70 dhalinyaro ah oo dhamaantood ka yimid koonfurta somalia
ayaa gacanta lagu soo dhigay hawlgal ay Jimcadii si wada jir
ah u qaadeen ciidanka amaanka ee gobalka Bari.
Taliye xigeenka ciidanka Booliska puntland Gashaanle sare
Siciid Gacamay ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada ku sugan
aaga kantaroolka ay Jimcadii qabteen 75 dhalinyaro ah
kuwaasoo lagu tilaamay in laga shakiyay islamarkaana la
sheegay in ay tababarqbaan oo ay doonayaan in ay khalkhal
galiyaan amaanka Gobalada puntland.
Taliyekuxigeenku wuxuu sheegay in ay dhalinyaradaani ay
yihiin kuwo tababaran oo ka yimid Koonfurta Somalia
islamarkaasna doonaya, waa siduu hadalka u dhigaye, in ay
khalkhal galiyaan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari,
taliyaaha ayaa sheegay in dhamaan dhalinyaradaani ay tababar
qabaan.
G/sare wuxuu sheegay in aysan iminka diyaar u ahayn in ay
xabsiga dhigaan balse ay si dhakhso ah ay dib ugu celinayaan
deegaamaadi ay ka yimaadeen markii hore ee koonfurta somalia
waa sida uu hadalka u dhigaye taliyuhu.
Dhalinyaradaan la qabqabtay ayaa waxaa la waydiiayay halka
safarkoodu ku wajahanyahay waxaya ka sinaayeen in safarkoodu
uu ku wajahanyahay tahriib ayna u sii jeedaan dalka Yeman oo
uu qorshahoodu ahaa markii horeba balse xukuumada puntland
ayaa walaac ka muujisay dhalinyaradaan badan waxayna
sheegeen in dhamman dib loo celinayo oo aysan joogayn
puntland xabsina aan la dhigayn dibna loogu celin doono
meelihii ay ka yimaadeen sida ugu dhakhsaha badan.
Bosaso: Qaxooti dib ugu
soo guryo noqday dalkooda
Waxaa galabta si lama filaan ah uga soo dagay magaalda
Bosaso ee xarunta gobalka Bari diyaarad sida qaxooti
somaliyeed kuwaaso ka yimid dalka Yeman waxayna sheegeen in
ay iyagu doorteen inay dalkooda dib ugu laabtaan iyaga oo
aysan cidna khasbin.
Qaxootigan oo siw ayn loogu soo dhaeeyay magaalda Bosaso
ayaa ah Qaxooti ka soo jeeda koonfurta somalai waxayna
sheegeen in ay maalmo joogi doonaan Bosaso inta ay dhinac u
dhayso colaad hada ka taagankonfurta somlia wixii ka
danbeeyana ay tagi doonaa marka ay colaadu istaagto.
Dib u laabashada dadkan ayaa waxaa iska kaashaday wadahadal
mudo dheer u socda kadib dawladda Yemen, dawlad goboleedka
Puntland iyo hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan
qaxootiga ee UNHCR waxaana aakhirki lagu guulaystay in la
soo qaado qaxootigan oo tiradooda lagu sheegay 60 qof
kuwaasoo dhamaan ah somalia ka timid dalka Yeman
go'aansadayna dib u noqoshada dalkooda hooyo.
A/rizak koronto
Garowe puntland
London: Kasmo oo ku
Guuleystay Abaalmarin
" 12 December 2006,
Wargeyska Kasmo waxay u ahayd maalin farxad leh. Kasmo wuxuu
ku guuleystay abaalmarinta'The London Press Awards' oo
sannadkiiba mar la bixiyo.
Abaalmarinta sannadkan waxaa lagu saleeyey sidii qaxootiga
iyo magangelyo-doonka wax looga qoray 'for good pratice in
coverage of refugee and asylum issues'. Ilaa afar category
ayaa lagu gelayey, wargeyskiiba mid ahaan ama ka badan ku
tartamayo.
Abaalmarinta (Awards) waxaa soo bandhigay Duqa Magaalada
London (The Mayor of London) iyo Agaasimaha (Director)
Hey'adda Liberty, iyadoo ay gacansiinayaan National Union of
Journalists, UNHCR, LBC Radio, iyo kuwo kale.
Guddiga qaadanaya go'aanka Abaalmarinta waxaa ka mid ahaa
British Refugee Council, Network of Exiled Journalists,
London Refugee Voice iyo kuwo kale. Afarta Category ee mid
walba abaalmarin lagu helayey waxay kala ahaayeen:
1.News Reports;
2.Comments articles;
3.Visual material;
4.All the three categories in a faith or BAME (Black, Asian
and Minority Ethnic) papers.
Kasmo waxay ku faraxsan tahay in categoriga No.4 iyadu ku
guuleysatay, ku saabsan 'Editorial Content'- iyadoo
abaalmarinta uu guddoonsiiyey Duqa Magaalada London, Ken
Livingstone, munaasabad si weyn loo maamuusay oo ka dhacday
xarunta Golaha Magaalada London, meesha lagu magacaabo Qolka
Fadhiga London (London's Living Room),saacaddu markay ahayd
3- 4.30 galabnimo, talaado, 12ka December 2006
Halkaas Kasmo waxay soo gaddoontay iyadoo xambaarsan Glass
Abaalmarin ah. Run ahaan waa aqoonsi weyn oo ayan fududayn
in la gaaro. Waxaa socda baahinta cidda sannadkan ku
guuleysatay 'London Press Awards'- Soomaalidana sharaf bay u
tahay in ay kaalintaas soo gaartay."
Faahfaahin intaas ka badan, iyo sawiradii dhacdadaas, waxaad
ka kala bixi kartaan bogga Kasmo (www.kasmo.info).
C/qaadir Shire Faarax,
Tifaftiraha Kasmo
Ma
Ogtahay:::
Ma Ogtahay: Aleskandr Litvinenko
oo ahaa ninkii Ruusha ahaa ee lagu sumeeyey London in uu
Islaamka soo galay ka hor intii uusan dhiman. Aabihiis waxa
uu Radio Free Yurub u sheegay in uu wiilkiisii soo Islaamay
ka hor intii uusan dhiman sidaas daraadeedna ay tahay in loo
aaso sida Muslimiinta loo aaso....
EEG HALKAN...
Col.
Aadan Kaalmoy oo Hadallo La Yaab leh Ku Hadlay:::
dadkaas ayaa nagu af ah, oo waa soo goyneynaa, oo intaan
keeneynaa, wax adduunyada lagu arkay ma ahan. Dastuur ayey
Itoobiya leedahay ee iyaga maxaa ka khuseeya, dastuurkooda
iyagaa leh haddey goosanayaana iyagay khuseysaa...
Daawo Waraysiga..
Soomaalida
Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
"Nabadda
Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto"
Sidaas waxaa yiri....
Akhri....


|