Dagaalka
Dalkii ka jira iyo Doorkii qurbe jooga oo
Maqan.
Illaah baa
mahad ileylkeed iska leh, Nabadgalyo iyo
Naxariis Nabi muxamed korkiisa ha ahaato.
Intaas kadib maqaalkaan gaaban ee
ciwaankiisu kor ku xusan yahay maahan war
bixin iyo xog waran waxa dalkii ka jira
balse waa bararujin iyo kifradayda ku aadan
arintaan.
Mana doonayo in aan ka waramo arinta
soomaaliya ka jirta sababtoo ah qof kastaa
waa ka dheragsan yahay war ahaan, waxaana
laga yaabaa qofka gudaha jooga iyo kan
dibada jooga in ay isku si uga war hayaan,
hase yeeshee waxaan rabaa in aan wax yar ka
iraahdo waxa jira iyo waxa aan ka qaban
karno hadaan nahay dadka soomaaliyeed ee
qurbaha jooga.
Aan ku bilaabee Somaaliya waxay gashay
marxalad cusub, waa marxalad dagaal oo aad u
daran, waa dagaal ka duwan kuwii mudooyinkii
dambe ka dhacayay soomaaliya. Waa dagaal
diin iyo mabda’ ku salaysan . Arintaas dhan
markii laga eego waa faa’iido, oo waxaa
baxaya dagaaladii qabaa’ilka, waxaana laga
yaabaa in aan midnimo iyo isu soo dhawaansho
ka qaadno, dhanka kale marka laga eegana waa
dagaal halistiisa leh oo mustaqbalka
soomaaliya mugdi galin kara. Waa arin
qofkasta oo soomalai ah in uu ficilka ku
aadan ka qaato looga baahan yahay.
Marka laga fiiriyo dhanka Taariikhda qoran,
Itoobiya 100 sano ayay ku haminaysay
siyaasada ay maantay ka wado soomaaliya
dagaalkaana ku salaysan yahay, laga soo
bilaabo Melilikh ilaa maanta iyo Zenawi waa
siyaasad isku ujeedo ah balse waqtiyo kala
duwan Hogaan kala duwan soo martay, waxaana
Daliil ugu filan waraaqdii caanka ahayd ee
uu Melilikh 14/04/1895 u qorey Dawladihii
reer Yurub ee africa qaybsanayay isagoo ku
acwiyayay in soomaaliya ay tahay dhul isaga
laga qabsaday muslimiinna ka qabsadeen
xuduuda dalkiisuna ku egtahay Bad-weynta
India. Xiligaan cusub waa Dagaal loogu talo
alay in lagu damiyo iftiinka iyo ilayska
cusub ee soomaaliya ka soo ifay, kadib
markii Itoobiya 16 sano soomaaliya hub isugu
dhiibaysay ayaa maanta waxaa soo xirmay
wadadii hubkaas ay marin jirtay ee ahayd
dagaal oogeyaashii soomaaliga ee laga
qakhalusay, taas oo ku kaliftay Dawlada
Itoobiya in ay dagaal horornimo ah ku soo
qaaday dalka soomaaliya cir iyo dhulba.
Waxba yaanan war idinku daaline dagaalku waa
go’aankii mustaqbalka soomaaliya. Hadaba
waxay is weydiintu tahay soomaalida qurbaha
joogta maxay dagaalkaan ka gaysan karaan?
Muxuse yahay doorka kaga aadan?
Tan dambe hadaan ku hor maro doorka kaga
aadan qofkasta oo soomaali ah Arintaan waa
in uu qofkastaa go’aansada in dagaalkaan uu
yahay ku xadgudub madaxbanani qaran, weerar
lagu soo qaaday dalkaagii diintaadii iyo
sharaftaadii. Quluubta waa in laga saaraa
shakiga iyo maxay yihiin maxaakimtu, xataa
hadii aadan maxaakimta taageersanayn meesha
waxaa taal ku xadgudub madax banani qaran,
jabinta shuruucda aduunka u taal iyo
horornimo cad oo itoobiya soomaaliya ku soo
weerartay.
Tan labaad ee ah maxaan ka gaysan karnaa,
aniga aragtidayda waa waa waajib muqadas ah
in qofkastaa uusan hagran wuxuu awoodo,
waxaanse isleeyahay afar arimood ayaan wax
ka qaban karnaa, inteena badan afartaba waan
awoodna kii aan awoodina ugu yaraan mid ka
mid ah ayuu awoodaa.
1) In dalkii difaaciisa laga qayb-qaato
laguna laabto, si mutadawacnimo ahna
dagaalka looga qayb galo.
2) In aan dhaqaale joogtaa ku bixino difaaca
dalka, diinta iyo dadakeena, una hurno
biilka aan cunno intaan ka qadno in aan
dalka iyo diinta iyo dadkeena ku difaacno:
Tusaale ahaan dalka Erateria la dhaho
dadkiisa dibada jira, qofkasta oo ka mid ah
waxaa ku waajib ah in uu bishii bixiyo $5
hadii kale uusan dalkii dib ugu noqon karin,
Iran ayaa ayana ka mid ah wadamada
siyaasadaan ku soo dhaqmay hadase joojiyay
markay isku filaadeen.
3) In aan dalkeenii u ducayno markasta iyo
meel kasta oo aan joogno, in ilaahay guusha
na siiyo: Arintaan waa muhiim, waana in la
ogaadaa in ducadeena la aqbalayo labo
sababood awgood sidii Nabigu (CSW) noo balan
qaaday,sababtoo ah marna waxaan nahay
Dulmanayaal, Marna waxaan nahay qurbe
joogayaal(qaa’ibiin) Labadabana Nabigaa
sheegay in la aqbalayo ducadooda.
4) Iyo Aan mudaharaadyo iyo isu soo baxyo
joogtaa ka samayno meel kasta oo dadkeenu
qurbaha ka joogo, si aan ugu cabirno uguna
cadayno aragtideena ku aadan gadaalkaan,
gaar ahaan magaalooyinka waa weyn. Sida
London iyo Toronto Miniapolis IWM. Waxaa
jirtay in hada ka hor markii ay socdeen
dagaalkii Itoobiya iyo Erateria ay qurbe
jooga reer Erateria ee UK ku noolaa ay 7
bari iyo habaynadooda si aan kala go’ lahayn
ugu dibad baxayeen irida Xafiiska Tony
Blair. Taasi waxay cadaynaysaa in ay naga
wadanisanyihiin balse waxaan aaminsanahay in
aan ku dayan karno ugu yaran.
Haddaba si arimahaas wax looga qabto waxaa
lagama maarmaan ah in la is abaabulo waliba
si deg deg ah loo hawl galo, shirar deg deg
ah in la qabto dibadbaxyo joogtaana la
abaabulo.
FG: Qofkii fikradaas ila qaba ama u arka wax
shaqaynay kara waxaan ka codsanayaa in ay
ila soo xiriiraan si aan uga shaqayno sidii
arimahaas wax looga qaban lahaa. Loona hor
marin lahaa, isku deygu wuxuu dhaamaa
catawga iyo dib ka shalayga.
Qore: C/wali Maxamuud Qurux. London UK
Email:
qurux09@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Dec 26, 2006