Ma
Xalbaa in Dowlado Shisheeye La Adeegsado
Marka hore waxey mahad idilkeed u sugnaatay
Allaah, naxariis iyo nabadgelyana
Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.
Waxa ayaandaro ah Soomaali oo horey uu u soo
baa’iyay { dagaalo sokeeye, qax, abaaro,
sunta badaha lagu duugo, fatahaada wabiyada
}, in maantana loogu daro duqeyn cirka iyo
dhulkaba ah. Arintaasi waxaan oran karaa
mas’uuliyadeeda waa wax aan annagu isu
geysanay. Itoobiyaan nooma ay yimaadeen
haddii aynaan u yeeran, dowlado kale nooma
yimaadeen haddii aan laga faa’ideysan
khaldaadkeena.
Dowladda kumeelgaarka ah waxaan oran lahaa
war sidani xal maaha, Soomaali ha baaba’do,
haddii ayan ( DFKS) shaqeyneen. Taasi maaha
mid caqli gal ah, oo waxaan idinkula talin
lahaa war siyaabo kale oo aad dadka ku
kasbataan baa baddan, ee arintan waa inaad
deg deg wax uga qabataan, oo aad Itoobiya
dalka ka saartaan. Haddii leydinku khaldamay
waxaad furi kartaan new dialogue oo aad meel
walba ku muujin kartaan khaldaadka aad
tirsaneysaan, ee inaad dalki kusoo
hogaamisaan Dowlado shisheeye waa wax aad
looga naxo. Taariikhda arintaasi baal mugdi
ah ayey ka galeysaa.
Maxkamadaha islaamiga ah waxaan oran lahaa,
horeynaa waan u iri war libinti aad
kasbateen ha iska kala daadinina. Dagaal xal
ma noqdo, war maamul iyo kala danbeyn u
sameeya meelaha aad gacanta ku heysaan.
Ummaddi oo dhan baa ku qanacsanaa wanaaga
faraha baddan aad sameyseen, ee haku
badalanina in xumaan leydiin qaado. Waxaana
idin oran lahaa joojiya dagaalka. Taariikhda
iyadaa isqoreysa, oo wax walboo wanaag ah
aad sameysaana waa loo jeedaa, ee warhooy
libintaad kasbateen ha iska dayacinina.
Dowladda kumeelgaarka ah iyo Midowga
Maxaakiimta islaamigaba waxaan wadjir ahaan
ugu baaqayaa inay dib usoo fariistaan Miiski
dib u heshiisiinta, oo ay bilaa shuruud
dagaaladaas joojiyaan. Wadahadal waa sida
kaliya ee uu xalku ku iman karo. Qolo
walbana ha isku daydo inay waxoogaa
tanaasulaad ah sameyso, si heshiis wadjir ah
loo gaaro, oo leysugu soo dhawaado. Taas
micnaheedu maaha inaan leeyahay wax ayan
Diintu raali ka aheyn ha la isku qanciyo.
Mar walba waxaan leeyahay wax walboo
Diinteena Islaamka ah ka hor imanaya daaqada
halaga tuuro.
Itoobiya waxaan mar kale ku celinayaa waxa
muhiin ah inaad derisnimada dhowrtaan, oo
aad ka deysaan faragelinta iyo weerarda
gardarada ah ee aad ku waddaan Soomaaliya.
Itoobiya waxaan ugu baaqayaa inay
waddankeena si shuruud la’aan ah uga baxdo.
Dunida waxaan ogeysiinaynaa in ay itoobiya
ay nagu soo xadgudubtay. Aqoonyahanada
Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa inay
arintaas u soo bandhigaan ra’yul caamka, oo
ay qoraalo baddan ka sameeyaan. Ha
abaabulaan shirar baddan oo arimahan loogu
soo bandhigayo World Press – ka.
Sidoo kale Eritariya waxaan ugu baaqayaa
inay naga deyso faragelinta ay nagu heyso,
oo ha eegto wanaagi loo galay waagi ay
xorriyadeeda raadsaneysay. Mar labaad waxaan
ku celinayaa Eritariya faraha hakala baxdo
arimaha Soomaaliya. Sidoo kale aqoonyahanada
hasoo bandhigaan faragelinta ay Eritariya
nagu heyso.
Waxaan hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa
Soomaaliyeey aynu iska deyno caadifada
Qabiilka iyo qof Jecleysiga. Si wadjir ah
aynu waddankeeni u raadino sida uu xalku ku
jiro. Mar walba nabadda ayaa ah muhiim in la
raadiyo waayo Soomaaliya dagaal wey ka
daashay oo hadduu qiimo leeyahay dagaal, 16
sano ayaanu xabad isku heysanay. Waxaa
muhiim ah inaad eegtaan dadka Soomaaliyeed
ee waqtiga xaadirka ah ay fatahaada webiyadu
waxyeeleeyeen, oo cidlada hurda. Ma dowbaa
in dadki noocaas ah lagu weeraro diyaarado.
Soomaaliyeey innagaa isugu wacan arintaas ee
aynu isdaba qabano. Qabiil meel lagu gaarayo
ma jirto, waxa loo bahan yahay waa Midnimo.
Qoraalkeygi waa iga intaas, wixi aan asiibay
waxey ka sugnaatay Allaah, wixi aan ku
khaldameyna waa nafteyda iyo sheydaan.
By:-
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser
saicentadv@yahoo.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Dec 26, 2006
Tacsi
– Marxuum ( Dr. Maxamed Cali xasan )
Innaa lilaah wa Inna Ileyhim Lanuraajicuun
Dhammaan Shaqaalaha iyo Maamulka hay’adda
Somali advice & Information Centre, oo
fadhigeedu yahay magaalada Leicester ee
dalka ingiriiska, waxa ay tacsi tiiraanyo
leh u dirayaan dhammaan ehelada iyo qoyski
uu ka geeriyooday Marxuum Dr. Maxamed Cali
Xasan ( Gacmo Gaab ), oo shalay oo ay bishu
aheyd 24ki December ku geeriyooday magaalada
Kismaayo.
Dr Maxamed Cali Xasan waxa uu ahaa, muwaadin
Soomaaliyeed oo aqoontiisa ugu soo adeegay
Qaranka Soomaaliyeed. Wuxuu xilal kala duwan
kasoo kala qabtay, isagoo ahaa Taqtar caan
ka ah gayiga Soomaaliyeed gaar ahaan
magaalada muqdisho, wuxuu ahaan jiray
maamulaha isbitaalka Guud ee Digfeer
sanadihi todobaatameeyadi, wuxuu kaloo
noqday Agaasimaha guud ee Wasaaradda
Caafimaadka, sidoo kale wuxuu ahaa Wasiir
kuxigeenki Wasaaradda Caafimaadka.
Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali
Xasan, wuxuu ahaa nin aad uga tilmaaman
bulshada, aadna loo jecelyahay, laguna
xasuusto waxqabadki uu bulshada usoo qabtay
Hay’adda Saicent waxa ay leedahay Allaha
isagana Janatul Ferdowsa ka waraabiyo,
qoyski iyo eheladiisiina iyo dhammaan
ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan
ka siiyo. Aaaamiin.
By:- Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser