Kismaayo: Waddo 3km oo la dayac tiray...
Wajigii labaad ee
barnaamijka loogu magacdaray dib u dhiska iyo
bilicsami ku soo celinta wadooyinka magaalada
Kismayo ayaaArbacadii waxaa xariga ka jaray wasiirka
dib u dhiska iyo dib u dajinta dowlada FKG ah ee
somaliyeed xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre
Hiraale) waxaana xariga laga jaray wado aad u bur
bursaneyd oo dherirkedu gaarayo ilaa 3 KM ayadoo
xarig ka jarida wadadaan ay goob joog ka ahayeen
masuuliyiin ka tirsan dowlada FMG ah iyo waliba
maamulka Isbahaysiga .

Wadadaan oo ahayd
wado bacaad ah oo hadana ay boholo ka qodnaayeen
ayaa haatan waxaa laga dhigay wado jey ah oo ay
baabuurtu si dhib yar u mari karaan halka awal ay
ahayd wado aad u burbursan oo ay baabuurta xamuulka
ah ee marta ay kala kumi jireen dhibaato aad u fara
badan oo isugu jirta gadoon iyo xanibaad .
Wadadaan xariga
laga jaray dhismaheeda ayaa waxaa ay isku xirtaa
xaafada VIA Afadmood ee galbeedaka magalada Kismayo
iyo halka loo yaqaano Qacle ee bartamaha magaalada
Kismayo, waxa ayna socotay dhismaha wadadaan mudo
28 maalmood ah ayadoo ay ku baxday qarash gaaraya
sadex boqol sideetan iyo shan malyan oo ay wali
harsantahay qarash kale oo lagu dhameystirayo dayac
tirka wadadaan waxaana ay tahay wadadaan mid
halbowle u ah shacabka ku dhaqan magaalada kismayo
waxayna haatan ay fududeyneysaa in ay yaraato
culeyska baabuurta ee marta laamiga ayadoo horeyna
loo dayac tiray meelo uu ka burbursanaa laamiga weyn
ee dhex mara magaalada Kismayo.
cabdi qadar nuur
maxamed (filipiin
Kismayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Beesha Caalamka oo soo cara celiyey Raiisul Wasaare
Geedi
Waxaa shalay soo
gaaray Magaalada jowhar ee xarunta Gobolka Sh/dhexe
wafdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ee Xogahayaha
Guud ee Qaramada Midoobay francois fall wafdigaas oo
ka soo duulay Magaalada Nairobi ayaa u yimid Jowhar
sidii ay Ra’iisal Wasaare Cali Maxmed Geedi ugu
qancin lahaayeen in uu aqbalo go’aankii Gudoomiyaha
Baarlamaaka iyo Madaxweynuhu ku gareen in Baydhabo
marti galiso kulanka Baarlamaanka.
Wafdigaan shalay
soo gaaray Magaalada Jowhar oo isugu jiray Midowga
Yurub, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo
IGAD ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi waxayna
shirkaas ka dib si wada jir shir jaraa’id ugu
qabteen Magaaladaas waxayna sheegeen inay ka wada
hadlayeen sidii loo sii wadi lahaa howlaha dib u
heshiisiinta dalka.
Ra’iisal Wasaaree
Geeddi oo shirkaasi jaraa’id ka hadalay ayaa sheegay
in isaga iyo wafdiga kale ay kawada hadleen sidii
loo dhamayn lahaa khilafaadka yaryar ee jira isla
markaana looga shaqayn lahaa sidii loo kulan siin
lahaa baaarlamaanka loona heli lahaa dowlad shaqeysa,
waxaa sidoo kale shirkaas jaraa’id ka hadlay Ergayga
Xogayaha Mr. fall oo sheegay in rajeynayaan inay
meel mar noqdaan isku dayga ay ku doonayaan howlaha
dib u heshiisiinta .
shirkaas Jaraa’id
looguma sheegin in ay si dhab ah uga heshiiyeen
waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo in Geeddi uu si
rasmi ah u aqbalay qorshaha wafdiga, su’aalo la
waydiiyey Ra’iisal Wasaaraha iyo Fall oo ahay in
Geeddi uu aqbalay go’aankii kulan Baydhabo ayey ka
gaabsadeen inkastoo Cali Maxamed Geeddi uu sheegay
in Baydhabo ka mid tahay Magaalooyin Somaaliya
laguna qaban karo shirka Baarlamaanka warar ayaa
sheegaya in geedi uu aqbaley in baydhabo lagu qabto
kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka
Cismaan Caato oo deg deg ugu
ambabaxay Magaalada Nairobi..
Cismaan Xasan Cali
Caato oo ah Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta ayaa
u dhaqaaqay dhinaca Magaalada Nairobi ee dalka
Kenya, kaddib markii uu martiqaad ka helay
Guddoomiyaha Baarlamaanka shariif Xasan Shiikh Aadan.
Guddoomiyaha iyo
Cismaan Caato ayaa ka wada hadlaya la tashi ku
saabsan sidii loom eel marin lahaa heshiiskii ay
wada gaareen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha
Baarlamaanka kaasoo aaqiritaankii la iskula
ogolaaday in Magaalada Baydhabo ay martigeliso
kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka 26-ka Febaraayo.
Cismaan Caato
intii uusan ka ambabaxin garoonka waxa uu sheegay in
ka qaybgalka kulanka Baydhabo ay kaga muhiimsan
tahay nabadeynta dadka walaalaha ah ee ku
dagaalamaya Gobalada Dhexe waxa kale oo uu sheegay
in Guddoomiyaha uu kala hadli doono sidii uu gacan
uga gaysan lahaa nabadeynta beelaha ku daaalamaya
Gobalada Dhexe isla markaana uu u bixin lahaa wixii
tasiilaad ah oo ku saabsan qabsoomidda kulan dhex
mara mar kale waxgaradka beelaha ku dagaalamaya
Gobalada Dhexe ka dhaca Gobaladaas.
"Haddii aan ka
weyno Dowladda wixii tasiilaad ah anaga ayaa isku
tashaneyna" ayuu yiri Cismaan Caato.
C/llaahi
Yuusuf oo Nairobi dhawaan kula kulmi doono
wasaiirtada hubeysan..
Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed ayaa la filayaa in uu dhawaan Magaalada
Nairobi kulan kula yeesho Wasiirada hubeysan ee ku
sugan magaalada Muqdisho, waxaana kulankaan
qaban-qaabinaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan Shiikh Aadan inkastoo aan la shaacin waqtiga
uu dhacayo kulankaasi haddana waxaa Magaalada
Nairobi haatan ku sugan Wasiirka amniga Qaranka
Max’ed Qanyare Afrax, Wasiirka Howlaha guud iyo
Guryeynta Cismaan Caato, waxaana horey kulan
Magaalada Nairobi ugu dhex maray Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed iyo Max’ed Qanyare Afrax, waxaana la
filayaa in maalmaha soo socda Magaalaada Muqdisho ka
ambabaxo Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow iyo
Wasiiro kale.
Kulankaan ayaa
lagu soo afmeeri doonaa wixii khilaafaad ah oo horey
u dhex maray Wasiiradaas iyo Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed, sidoo kale waxaa la filayaa in kulan
uu ka soo qaybgalo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi
oo isna ka mid ahaa mas’uuliyiintii Dowladda ee uu
khilaafku kala dhexeeyay Wasiirada hubeysan
G/Baarlamaanka oo la filayo in
maalmaha soo socda u ambabixi doono Baydhabo
Guddoomiyaha
Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh oo dhawaan ku
dhawaaqay in Magaalada Baydhabo ay martigelineyso
kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ayaa la filayaa
in maalmaha soo socda uu gaaro Magaalada Baydhabo.
Guddoomiyaha waxaa
horey u soo raaci doona Wasiirka Beeraha Xasan
Max’ed Nuur Shaarguduud iyo xubno ka tirsan labada
gole ee ka soo jeeda gobaladaasi.
Guddoomiyaha ayaa
la filayaa in Magaalada Baydhabo uu kulan kula
yeesho Wasiirada iyo xildhibaanada beelaha Digil iyo
Mirifle isaga oo ka dhaadhicin doona in ay u
diyaargarow qabashada kulanka Baarla-maanka oo la
filayo in uu dhaco 26-ka Febaraayo.
Dhinaca kale waxaa
shalay Magaalada Muqdisho ka ambabaxay xubno ka
tirsan labada gole ee Beelaha Digil iyo Mirifle,
waxaana ka mid ah xildhibaan Black, Xildhibaan
Afaraale, Xildhibaan Fanax, waxaana beri Magaalada
Baydhabo u ambabixi doona Xildhibaan Max’ed Ibraahim
Xaabsade iyo Xildhibaan Foosiyo
Max’ed Dheere oo weli ka biyo
diidsan in Baydhabo ay martigeliso ..
Iyadoo Ra’isul Wasaare Cali
Max’ed Geedi uu aqbalay in Baydhabo lagu qabto
kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ayaa haddana
ninkey sida aadka ah isugu dhow yihiin ee Max’ed
Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) waxa uu ka biyo diidsan
yahay in Magaalada Baydhabo ay margigeliso kulanka
ugu horeeya ee Baarlamaanka, waxa uuna sheegay in
Magaalada Baydhabo ay tahay magaalo aan xasilooneyn
oo aan nabadgelyadeeda la isku haleyn kari. Ra’isul
Wasaare Geedi ayaa waxa uu shalay la kulmay
mas’uuliyiin ka socotay Beesha caalamka oo uu
hogaaminayay Francois Fall, iyadoo Ra’isul Wasaare
Cali Max’ed Geedi ku qanciyay in uu ogolaado in
Baydhabo ay noqoto meesha lagu qabanayo kulanka ugu
horeeya ee Baarlamaanka. Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed
Dheere) ayaa la filayaa in ay kulmaan Ra’isul
Wasaare Cali Max’ed Geedi si uu uga dhaadhiciyo in
uu isna aqbalo in Baydhabo ay martigeliso kulanka
ugu horeeya ee baarlamaanka. Xubnihii ka socday
beesha caalamka ayaa iyagu wax kulan ah la yeelan
Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) hase yeeshee
waxaa la filayaa in mar kale isna ay la kulmaan si
uu u ogolaado in Baydhabo ay noqoto halka lagu
qabanayo kulanka ugu horeeye ee Baarlamaanka. Ilaa
iyo haatan ma jirto cid ciidan in Baydhabo ay
martigeliso kulankaasi marka laga reebo dhowr
xubnood iyagoo horey u sheegay in Baydhabo ay tahay
Magaalo aan martigelin karin kulanaasi
.
C/laahi Yuusuf oo shalay gaaray
dalka Jabuuti…
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa shalay
subax ka duulay madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi
Yuusuf iyo wafdi uu hoghaminayo ayagoo ku sii jeeda
dalka jabuuti ka dib martiqaad ay ka heleen
Madaxweynah dalka Jabuuti Ismaa’iil Cumar Geele.
C/laahi
Yuusuf iyo wafdigiisa ayaa isla shalay gaaray dalka
jabuuti waxayna kulamo hor dhac ah la yeesheen madax
ka tirsan dalka jabuuti waxaana lagu wadaa in maanta
uu kulan gaar ah yeeshaan labada Madaxweyne Ismaa’il
Cumar Geele iyo C/laahi Yuusuf waxaana lagu wadaa
inay ka wada hadlaan arimo la xariira dalka
soomaaliya..
tagista C/laahi Yuusuf ee Jabuuti waxay ka dambaysay
kulan dhexmaray labada Masuul shirkii Khartuum ee
dalka Suudaan ee ay isugu tageen madaxda dalalka
Africa waxaana ka mid ah wafdiga Madaxweynaha
Wasiirka Horumarinta reer Miyiga Maxamed Maxamuud
Guuleed (Gacmo Dheere).
Daahir Riyaale Kaahin oo Q/Midoobey ka dalbaday in
soomaliya laga qaadin
Daahir Riyaale Kaahin oo ah Madaxweynaha Maamulka la
magacbaxay Somaliland ayaa warqad qoraal ah u diray
Q/Midoobey uu kaga dalbanayo in Soomaaliya laga
qaadin cunaqabteynta hubka.
"Haddii
Soomaaliya laga qaado cunaqabteynta waxaa sii
xoogeysanaya dagaaladii sokeeye" ayuu yiri Daahir
Riyaale oo intaa raaciyay "Cunaqabteynta marka laga
qaado Soomaaliya waxayna iyana saameyn ku
yeelaneysaa khilaafka u dhexeeya maamulada
Somaliland iyo Puntland".
Daahir Riyaale waxa uu sheegay in Soomaaliya haatan
ay baahan tahay in laga qaado hubka balse uma baahna
in hub loo fasaxo, waxayna sii fogeyneysaa xaaladad
murugsan ee Soomaaliya.
Qaylodhaan ka soo yeertay Maamulka
Degmadda Qoryooley...
Warqad qoraal ah oo ay na soo gaarsiiiyeen Maamulka
iyo Odayaal dhaqameedyada iyo qaybaha kale ee
Bulshada ee Degmada Qoryooley ayaa ugu baaqayaa
Hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn in
ay gargaaar deg deg la soo gaaraan dadka ay
waxyeeladu ka soo gaarta abaaraha iyo biya la’aanta
ee nawaaxiga Qoryooley ee Gobalka Sh/hoose, waxayna
sheegeen xubnahaani in degmada ay saaran tahay
culeys aad u weyn oo la xiriira iyadoo degmadaasi ay
soo buuxdhaafiyeen dad iyo duunyo ka kala yimid
Gobalada Bay iyo Bakool iyo waliba Gedo, markii
horeba ay deegaankaasi ka jirtay biyo la’aan aad u
baahsan.
Fuustadii biyaha ah ayaa la kala siitaa 350 ilaa iyo
400-kun oo shillin Soomali ah halka markii hore ka
ahayd 20-Kun, iyadoo marka neefka Lo’da ah la geeyo
suuqa uusan goyn karin labo Loor Galley ah xitaan
Fuusto biyo ah
Ugu
dambeyntii waxay u so jeediyeen Ha’adaha samafalka
in ay indhahooda ku soo arkaan dhibaatada ka jirta
deegaankaasi, sidoo kale waxay ugu baaqeen shacabka
Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan walaalahooda kale
ee abaartu ku habsatay.
Gudiga Taakuleynta Abaaraha Oo Qabtay Shir Jaraa’id
oo ku saabsan Abaaraha.
Acount-Numbar oo ay ka fureen shirkadaha Dahabshiil
2282 iyo Amal Bank10739
Iyadoo dalka ay ka jiraan Abaaro aad u baaxad weyn
oo galaaftay dad iyo Duunyo ayaa waxaa dhawaan la
magacaabay Guddi taakuleyn oo u badan culama’udiin
waxayna Shalay shir Jaraa’id ay ku qabteen Hotel
Muqdisho ee Magaalada Muqdisho, waxayna faah-faahin
ka bixiyeen qaabka loo aruurin karo taakuleynta,
waxayna shirkaas jaraa’id intuu uusan dhicin
saxaafadda loo qeybiyay qoraal uu so saaray Guddigan
oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Guddiga Gurmadka
Abaaraha Sheekh Axmed maxamed Suleymaan, wuxuuna u
qornaa sidan:-
Guddiga waajibaadkiisa waa wacyi gelinnta Bulshadda
howlaha gurmadka deg-dega ah ee Abaaraha, hubinta,
qiimeynta iyo warbixin ka sameynta xaaladda goobaha
ay abaaruhu ku habsadeen, uruurinta kaalmadda lagu
bad-baadinayo dadka tabaaleysan, gaarsiinta
kaalmadaas meelaha ay abaaruhu ka dheceen, guddiga
gargaarka abaaruhu kulankiisa 1-aad oo ka dhacay
Hotel-ka Mogadisho ee Magaaladda Mogadishu, wuxuu
mahadcelin ballaaran u soo jeedinayaan guud ahaan
hay’adihii iyo shaqsiyaadkii iyagu iskood isugu
xilqaamay inay wax ka ogaadaan xaaladda abaaraha,
isla markaana wax ka qabtaan, guddiga abaaruhu
falanqeyn dheer kaddib wuxuu ummada Soomaaliyeed u
soo jeedinayaa baaq ku aadan sidii loo samata bixin
lahaa abaaraha ka dhacay Goboladda dalka qaarkood.
Guddiga gurmadka abaaraha wuxuu ku baaqayaa markii
la arkay abaaraha ku habsaday goboladda dalka
qaarkaood , markii la arkay dhibaatadda culus ee
saameysay dadka iyo duunyadda, markii la arkay in
kaalmo lagu sugo gacan dibadeed aysan bad-baadin
karin dadka iyo duunyadda dhibaateysan, mar haddii
aan nahay ummad muslimiin ah oo aaminsan diintooda,
isla markaana jecel in ay ku dhaqmaan diintooda, mar
haddii shacaarka ugu sareeya ee Islaamka uu
xambaarsan yahay uu yahay in dadka Muslimiinta ah ay
isku gar-gaaraan oo ay is kaalmeeyaan, welibana
kaalmada Allana ay ku xirantahay in aan inagu isku
kaalmeyno ayaan ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogto ugu baaqeynaa qodobadan Hoos ku qoran.
Ø in ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan
ALLE u tooba keenaan oo ay is cafiyaan
Ø in dhammaan Hay’adaha warfaafinta sida ugu
dhaqsiyaha badan u gaarsiiyaan warbixinada la
xiriira abaaraha meel kasta iyo goob kasta Gudaha
iyo dibadda.
Ø in dhammaan hey’adaha siyaasadda, waxbarashadda,
arrimaha bulshada, Xarumaha dacwada, masaajidada,
dugsiyadda Qur’aanka, Culimadda iyo cuqaasha beelaha
ay si deg-deg ah shacabka Soomaaliyeed ugu wacyi
galiyaan ka qeyb qaadashada Barnaamijka bad-baadinta
Ummadda.
Ø in qof kasta oo naga mid ah uu murugada iyo
dareenka la qeybsado waalihiisa dhibaateysan.
Ø in qof kasta iyo guri kasta oo Soomaali ah uu kala
baro xabadda Rootiga ah ee uu cunayo si uu u bad-baadiyo
walaalkiis u dhimanaya Baahi iyo Oon
Ø In maal qabeenadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed si
buuxda oo waxtar leh uga qeyb qaataan bad-baadinta
Ruuxa Muslimka ah iyo qaraabada.
Ø in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka
dibadiisa ay u istaagaan inay maanta samata bixiyaan
dad ka badan Rubuc ummadda Soomaaliyeed oo qarka u
saaran inay u geeriyoodaan baahi, oon iyo cuduro ka
dhashay.
Ø dhammaan hey’adaha Gargaarka Islaamiga ah iyo
qeyrkooda waxaan ugu baaqeynaa inay door muuqda ka
qaataan xallinta dhibaatadda baaxadda leh ee ku
dhacday ummadda Soomaaliyeed.
Guddiga oo xaafiis ka furtay Magaalada Muqdisho,
gaar ahaan suuqa Bakaaraha dhismaha Shirkadda Sundus
oo dhanka Koonfur uga dhagan Xarunta Dahabshiil ayaa
ciddii daneyneysa inay wax ka qabtaan waxay ku soo
hagaajin karaan wixii kaalmo lacageed ah Account-ka
ah 10739 Amal Bank of Somalia ama 2282 Dahabshiil
Bank, wixii intaas dheer waxaad kala xiriiri kartaan
Telefoonada kala ah:- 00252-1-658565/ 577471/
524621/ 286606/ 514777.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 2, 2006
xubno ka tirsan dowlada oo u
soo guuray Kismayo
Wafdi balaaran oo isugu jira
xildhibaan iyo sawiiro ku xigeeno oo ka tirsan
dowlada FKG ah ayaa Talaada (Jan 31) soo gaaray
magaalada Kismayo ayagoo ka soo kicitimay magaalada
Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada Dhexe oo haatan
fariisin KMG ah u ah dowlada FGM waxaana si diiran
ugu soo dhaweeyay wafidgan garoonka magaalada
Kismayo masuuliyiin sar sare oo ka tirtsan dowlada
FKG ah iyo xubno kale oo ka tirsan maamulk
Isbahaysiga Dooxada Jubba oo uu horkacayay wasiirka
dib u dhiska iyo dib u dajinta xildhibaan Barrre
Aadan Shire (Hiraale) .

Wafdigaan soo gaaray magaalada
Kismayo ayaa waxaa hogaaminayay wasiir ku xigeenka
wasaarada gaashaan dhiga Cumar Aadan Xasan (Cumar
Dheere) ayadoo ay ku weheliyeen safarka wasiir ku
xigeenka howlaha guud iyo guriyeytan Cabdi rixmaan
Yuusuf Diiriye (Indho buur ) iyo waliba xildhibaana
kale oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Cabdi risaax
bsaaq biixi xildhibaan Cali baashi xaaji Maxamuud
waxaana ay xubnahan ka tirasan dowlada uu
socdaalkoodu ku wajahnaa howlo shaqo oo quseeya
dowlada .
Socdaalka wafidgaan ka socda dowlada
ayaa waxaa saxaafada oga warbixiayay wasiir ku
xigeenka wasaarada gaashaandhiga Cumar Dheere isoo
sheegay in uu socdalkoodu yahay mid arimo badan
quseeyo waxaana uu sheegay cumar dheere in magaalada
Kismayo ay tahay meel haatan amaankeedu uu aad u
sareeyo ayna xubnaha dowlada ee ku weheliya
safarkiisa ay ay fariisin KMG ah ku yeeshaan
magaalada kismayo .
Wafdigaan maanta soo gaaray magaalada
Kismayo oo si toos ah oga soo anbabaxay magaalada
Jowhar ayaa waxaa uu socdaalkooda ku soo beegmay
xili magaalada Kismayo ay soo gaareen maalintii
shalay ahayd xildhibaano ka tirsan dowlada FKG oo uu
horkacayay xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud (Seeraar)
iyo waliba xildhibaan ENG Buule waxaana dhamaanba
wafuudan haatan ku soo qulqulaysa magaalada Kismayo
si aad ah ugu soo dhaweeyay magaalada bulsho
weynta ku dhaqan magaalada kismayo waxana haatan ay
noqoneysaa tirada xubnaha dowlada ee ku sugan
magaalada Kismayo 10 xubnood oo sigu jira wasiiro,
wasiiro ku xigeeno iyo waliba xildhibaano.
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Xubnaha
labada Gole ee ku sugan Muqdisho oo soo Dhoweeyey Kulanka Baydhabo
»Ra’isul
Wasaare Geeddi oo
ka hadlay arimaha baydhabo
»Banaanbax
lagu taageerayay in Baydhabo lagu qabto kulanka
»Francios
Fall oo dhex dhexaadinaya Geedi iyo...
Warar GooGoos ah ka akhri halkan...
Guji Feb 1
Kawaanka
Cusub ee Xoolo Qalka ee Muqdisho
Warbixintii
Muuse Maxamud Jiisow...
Guji...
Jan 31