SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA ISNIIN FEB 6, 2006

  • Dowladda Federaalka oo aan weli ka hadlin gefkii loo gaystay Nabiga NNKH.

  • Maamulka Jowhar  oo digniin ka soo saaray in aan laga dhigi karin Banaanbax..

  • Galkacyo: Banaanbax looga soo horjeedo gefkii Nabiga NNKH oo ka dhacay…

  • Dowladda Itoobiya oo martiqaad u fidisay.Cabdulaahi Yuusuf Geedi.

  • Ra’isul Wasaare Geedi iyo xubnihiisa ku sugan Jowhar oo sheegay in  …


Dowladda Federaalka oo aan weli ka hadlin gefkii loo gaystay Nabiga NNKH.


Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo ka mudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriy aoo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara.. Washintonpost


Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah

Dowladda Federaala ayaa ilaa iyo haatan ka hadlin gefkii loo gaystay Nabigeena (NNKH) ayna u gaysteen qaar ka mid ah saxaafadda Reer Galbeedka, iyadoo la og yahay in ay weli socdaan banaanbaxyo looga soo horjeedo arrintaasi kuwaasoo gaystay khasaare isugu jira naf iyo maal, iyadoo Qusunliyaddii Safaaradda Denmark ay ku lahayd Magaalada Bayruud dab la qabadsiiyay iyadoo ka koobneyd dhowr dabaq, sidoo kale waxaa dalka Soomaaliya ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo arrintaasi oo ay ka qaybgaleen dad aad u fara badan. Haddaba ilaa iyo haatan ma jiro mas’uul ka tirsan Dowladda hana noqdo Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay gefkaas loo gaystay Nabigeenka (NNKH), ilaa iyo haddana lama garanayo sababaha ay uga aamuseen arrintaasi oo saameysay dunida Muslimka. Siyaasi diiday in magaciisa la sheego oo ka mid ah Dowladda ayaan weydiinay sababta ay dowladdu uga hadli la’dahay waxa uu yiri “waxay ka baqanayaan in xoogaaga yarka ah ee Sandareerta ah oo ay ka helaan Yurub in laga gooyo”. 

Madaxweynihii hore  ee TNG-da C/qaasim Salaad Xasan ayaa dadweynaha Soomaaliyeed kala qaybgalay banaanbax looga soo horjeedo arrinaasi isagoo sheegay in Nabigeena aan loo gefi karin, waxa uuna u soo jeediyay in dowladda Denmark ay raaligelin rasmi ah ka bixiso arrintaasi, sidoo kale Madaxweynayaal Dunida Muslimka ah oo xiriir adag la leh Wadamada Yurub ayaa shacabkooda ku khasbay in ay xiriirka u jaraan wadamada Yurub gaar ahaan Norway iyo Denmark, sidoo kale waxa ay dowladahaasi xitaa ay jareen xiriirkii ganacsi oo ay la lahaayeen wadamada Norway iyo Denmark.

Maamulka Jowhar  oo digniin ka soo saaray in aan laga dhigi karin Banaanbax..

Warar aanu ka helnay Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in dadweyne doonayay in ay banaanbax ku muujiyaan shucuurtooda la xiriirta dhibkii loo gaystay Nabiga (NNKH) ayna sameeyeen arrintaan wargeysyo ka soo baxa dalalka Yurub looga digay in aysan wax banaanbax ah qaban karin.

“Ciddii dooneysa in ay banaanbax qabato waa in ay ogolaansho ka haysataa maamulka Gobalka Sh/dhexe” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xarunta Maamulka Gobalka Sh/dhexe.

Ilaa iyo haatan lama garanayo sababta loo diiday banaanbaxaasi oo gebi ahaanba ekeeyay caalamka Islaamka, hase yeeshee dad diiday magacooda kuna sugan Magaalada Jowhar ayaa waxay noo sheegeen in maamulku uu ka cabsanayo in dhibaato ku timaaada xiriirka u dhexeeya maamulkaas iyo Midowga Yurub maadaama Magaalada Jowhar ay degan yihiin dhowr safaaradood oo Midowga Yurub ka tirsan isla markaana Magaaladaas ay xarun u tahay Dowladda Federaalka.

Wararka ka imaanaya halkaasi waxay sheegayaan in si aad ah loo adkeeyay ammaanka safaaradaha halkaasi ku yaala gaar ahaan midda uu Midowga Yurub ku leeyay Magaaladaasi iyo midd uu Talyaanigu ku leeyahay Magaaladaasi.

Kal hore (2004) ayay ahayd markii Max’ed Dheere uu mamnuucay in Gabdhuhu aysan wax xijaab ah qaadan karin balse mar dambe ayuu fasaxay in la qaadan karo xijaabka.   [ Eeg halkan... ]  

Banaanbax looga soo horjeedo gefkii Nabiga NNKH oo ka dhacay…

Waxaa weli socda Banaanbaxyo aad u baaxad weyn oo looga soo horjeedo gefkii ay saxaafadda Reer Galbeedku u gaysteen Nabigeena (NNKH), waxaana banaanbaxii ugu dambeeyay uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo ay isugu soo baxeen dad aad u fara badan oo ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid ahaayeen marnaba ogolaan meyno in gef loo gaysto Nabigeena iyo Diinteena.

Dadkaas ayaa waxay gubayeen calamada Norway iyo Denmark oo iyagu ah kuwii ugu horeeyay ee soo daabacay.

Dadweynuhu sidoo kale waxay gubayeen alaabada gancsiga ah ee laga keeno Norway iyo Denmark, waxaana la arkayay Gasacadaha Caana Booraha iyo alaabo kale oo dab la qabadsiinayo, sidoo kale waxaa banaanbax kan la id ah uu ka dhacay Magaalooynka Baladweyne iyo Buulo-Xaawo, Baydhabo Marka iyo Magaalada Muqdisho. 

Dowladda Itoobiya oo martiqaad u fidisay.Cabdulaahi Yuusuf Geedi.

Dowladda Itoobiya oo wayadaan ku howlan sidii ay isugu soo dhaweyn lahayd Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Geedi ayaa labadoodab martiqaad ka helay Dowladda Itoobiya, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay u ambabaxaan Dalka Itoobiya.

Waxaa la filayay ijn Magaalada Gaalkacyo ay ku kulmaan balse saraakishii Itoobiyaanka ahayd ee la socotay Ra’isul Wasaare Geedi ayaa iyagu u sheegay in waqtigaan aysan suuragal ahayn in uu dhaco kulan dhex mara Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, waxay shegeen in marka hore ay ku hormari doonaan Madax-weynaha oo ay kulamo lasoo yeelan doonaan kaddibna ay ku laaban doonaan Magaalada Adis-Ababa kaddibna ay soo qoesheyn doonaan waqtiga ay kulmi doonaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.  

Ra’isul Wasaare Geedi iyo xubnihiisa ku sugan Jowhar oo sheegay in  …

Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cali Max’ed Geedi ayaa shalay kulan la yeeshay xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Jowhar, waxaana kulankaasi looga hadlay safarkii uu Ra’isul Wasaaruhu ku tagay dalka Itoobiya iyo waxa laga yeelayo kulanka Baarlamaanka ee ka dhacaya Magaalada Baydhabo.

Mar uu ka hadlayay safarkiisii Itoobiya Ra’isul Wasaaruhu waxa uu sheegay in halkaasi ay kulamo kula soo yeesheen mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Itoobiya oo ay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.

Ra’isul Wasaaruhu waxa uu shalay caddeeyay in isaga iyo xubnaha ku sugan Jowhar ay ka qaybgali doonaan kulanka Baarlamaanka ee 26-ka Bishan ka dhici doona Magaalada Baydhabo, Ra’isul Wasaaruh waxa uu si gaar ah carabka ugu dhiftay in shaqsiyan ka qaybgali doono kulankaasi isagoo sheegay in uu yahay kulan muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaruhu waxa kalloo uu sheegay in xubnaha ka soo jeeda Gobalada Bay iyo Bakool ay maanta u ambabixi doonaan Magaalada Baydhabo si ay ugu qaybgalaan soo dhaweynta xubnaha Baarlamaanka ee ka qaybgalaya kulanka Baarlamaanka.

Dhinaca kale maanta ayaa iyana la filayaa in xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda oo ku sugan Magaalada Muqdisho in ay iyana berito u ambabaxaaan Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Gaalkacyo kualan kula yeeshey  saraakiil…

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo weli ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa shalay kulan kula yeeshay Magaaladaasi saraakiil ka socotay Itoobiya iyo Midowgaa Afrika, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii ciidamada ka socda Midowga Afrika una badan Itoobiya ay u soo gali lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya, waxa uuna C//llaahi Yuusuf uu sheegay in Dowladdiisu ay aad u daneyneyso sidii Midowga Afrika ugala qayb-qaadan lahaa nabad ku soo dabaalida gudaha dalka Soomaaliya iyo sidii dib loogu soo celin ahaa amarkii iyo kala dambeyntii.

Xubnahaani oo iyagu ka soo tagay Magaalada Jowhar lana socday wafdigii Ra’isul Wasaare Geedi ayaa la filayaa in ay dib ugu laabtaan Magaalada Adis-Ababa ayna arrimihii  ay kala soo kulmeen kulankaasi u gudbin doonaan Midowga Afrika. sidoo kale waxay saraakiishaasi Madaxweynaha kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeyay isaga iyo Ra’isul Wasaaraha.

Shirkii Khartuum ee Madaxda Midowga Afrika ayaa waxaa lagu ogolaaday in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika waxaana haatan socda qaban-qaabada sidii Soomaaliya loogu diri lahaa. Warar ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu si dhaqsi leh ku gaari doono Magaalada Adis-Ababa. 

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

Email:amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2006

Safaradii Denmark ee Lubnaan oo Dab la Qabadsiiyey
iyo Iiraan oo u yeeratay safiirkii u fadhiyey Denmark
Guji Feb 5

Dhegeyso Hadalkii Geeddi uu Ku Taageeray Shirka Baydhabo (R/Garowe)

Safaaradaha Norway & Denmark ku leeyihiin Suuriya oo Dab La Qabadsiiyey
Muslimiin caraysan ayaa dab qabadsiiyey.. Guji...

Khilaaf soo kala dhex galay Itoobiya iyo Ra’isul Wasaare Geeddi
Cali Max’ed Geedi iyo Max’ed Dheere oo si kadis ah uga degey Jowhar iyo Max’ed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in Ciidamadiisa ay ku filan yihii amaanka.. Guji... Feb 5

Safaaradaha Norway & Denmark ku leeyihiin Suuriya oo Dab La Qabadsiiyey
Muslimiin caraysan ayaa dab qabadsiiyey.. Guji...

Muslimiinta Denmark oo ka Digey Gubitaanka Kitaabka Quraanka
Kuwa Xag-jira ee Denmark haddii ay gubaan Kitaabka Quraanka waxaa... Guji... Feb 4

Dunida Islaamka oo Maalintii Jimcadii Muujiyey Jaceylka Nabi Muxamed (NNKH)
Kumanaan Muslimiin ah ayaa daafaha dunida ku dhigay mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan aflagaadadii wargeyka Denmark u geystey Rasuulka...
 Warbixin iyo Faallo.. Akhri  Feb 4


HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?
YURUB: OLOLAHA KU-XADGUDUBKA RASUULKA (scw) OO BALLAARTAY
iyo Baaq Gabay... Ka akhri halkan... Guji... Feb 3