WARARK ASOOMAALIYA EE MAANTA FEB 7, 2006
Banaanbax balaaran oo roob doon ah oo ka dhacay
magaalada kismayo

Banaanbax balaraan oo ay ka soo qeyb galeen
culumaa u diinka, wax garadka, siyaasiyiinta iyo ardeyda dugsiyada quraanka iyo
dadweyne aad u fara badan oo allaah looga baryayey roob iyo in uu umadiisa ka
saaro abaarta ayaa Isniintii waxaa uu ka dhacay isbartiibo VECIO ee magaalada
kismayo.
Banaanbaxaan ayaa intii uu socday waxaa meesha
ka hadley culimaa'u'diinka reer kismayo ayagoo halkaasna ku tujiyay labo rakco
oo salaada roob doonka ah dadweynahii halkaas isugu soo baxay, waxaana sidoo
kale halkaas ay mashaa,ikhda qaar ka soo jeediyeen ducooyin aad u fara badan oo
allaah looga baryayo in uu umadiisa roob siiyo.
Sidoo kale waxaa banaanbaxii laga canbaareeyay
sawirada anshax xumada ah ee lagu aflagaadeynayo rasuulkeenii suubanaa NNKH ee
ay soo daabaceen wargeyesyada ka soo baxa wadamada yurub qaarkoos ayadoo ay
wadaadadu carabka ku adkeeyeen in ay muslimiinta caalamka ficil ka muujiyaan
falkaas isaga ah.
cabdi khadar Nuur
cabdiqadar84@hotmail.com
C/llaahi Yuusuf oo wada
qorshe ah in xilka laga qaado Mid ka mid ah Wasiirada..
Warar aanu ka helnay ilo ku
dhow Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxay sheegayaan in uu sii xoogeystay
khilaafkii u dhexeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wasiirka Qorsheynta
iyo iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Cismaan Jurile, wuxuuna khilaafkaasi
bilowday markii C/risaaq Jurile uu si cad uga soo hor jeestay in Magaalada
Baydhabo lagu qabto kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, iyadoo dhawaan mar la
wareystay uu sheegay in safarkii ay ku tagi lahaayeen Magaalada Gaalkacyo aysan
waxba ka ogeyn oo uu ahaa mid uu iska watay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
C/risaaq Jurile oo ahaa nin ay si aada h isugu dhawaayeen Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf ayaa waxa uu isku dhacoodu bilowday waqti aan sidaasi u fogeyn, iyadoo
C/risaaq Jurile uu u ambabaxay safaro uusan ka war qabin Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed, iyadoo Wasiirka ay si aad ah haatan isku dhow yihiin Geedi oo
uusan ka harin meel kasta oo uu Ra’isul Wasaaruhu uu u kicitimo waxaana ugu
dambeysay markii ay dhawaan tageen Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya.
C/risaaq Jurile waxaa hadda ka hor uu khilaaf dhex maray Wasiirka arrimaha
dibadda C/llaahi Shiikh Ismaaciil, waxa uuna C/llaahi ku sigtay in uu iska
casilo xilka wasiirnimo, kaddib markii uu C/risaaq uu isku darsaday howlihii
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo tii qorsheynta Qaranka. Sidoo kale C/risaaq
Cismaan Jurile waxaa kalloo lagu eedeeyay in mucaawino ay soo dhiibtay Dowladda
Talyaaniga uu keligii gudoomo taas oo la sheegay in xitaa la ogeysiin Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf Axmed. C/risaaq Cismaan waxa uu xiriir dhow la leeyahay Dowladda
Talyaaniga waxaana Wasiirnimada ku helay qalqaalo dhanka Dowladda Talyaaniga ah,
waxayna wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ay sheegayaan in Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf uu kulamo la yeeshay Odoyaal iyo waxgarad ka tirsan Beesha uu ka
soo jeedo C/risaaq Jurile si ay u soo magacowdaan Wasiir kale oo bedela
Xubnaha Digil iyo Mirifle ee
ku sugan Jowhar oo sheegay in markii shanaad laga soo celiyey..
Xildhibaan ka tirsan Beelaha
Digil iyo Mirifle diidayna in Magaciisa la sheego ayaa waxa uu sheegay in
maamulka ka jira Gobalka Sh/dhexe iyo qaasr ka mid ah Wasiirada Dowladda
Federaalka aysan ogoleyn in xubnaha Digil iyo mirifle ee ku jira labada gole in
ay u kicitimaan Magaalada Baydhabo si ay uga qaybgalaan kulanka ugu horeeya ee
Baarlamaanka iyo soo dhaweynta xubnaha Golaha Baarlamaanka.
“Waa markii shanaad oo aan ka
soo laabano Garoonka oo nala leeyahay diyaaraddii waa baaqatay’ ayuu yiri
Xildhibaankaasi oo intaa raaciyay “xitaa anagoo ku sugan guryaheena oo aan
dooneyno in aan u kicitino Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar ayaa nalagu yiri
maanta wax diyaarad ah oo Baydhabo u jeeda ma jiraan”. Waxaa kalloo uu sheegay
in xitaa ay diyaar u ahaayeen safar dhinaca dhulka ah oo ay ugu kicitimaan
Magaalada Baydhabo, balse soo jeedintoodii lagu gacan sayaray, waxaana lagu
cabsi galiyay in wadooyinka aysan ahayn kuwo ammaana ah. Waxaa kalloo
Xildhibaanku uu sheegay in sidoo kale ay damceen in safar ay ugu soo kicitimaan
Magaalada Muqdisho maadaama uu dhamaaday khilaafkii balse ay diidmo kala kulmeen
mas’uuliyiinta Dowlada iyo Maamulka Gobalka Sh/dhexe.
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed
Geedi ayaa khudbaddiisii ugu dambeysay oo uu u jeediyo xubnaha labada Gole uu
sheegay in ay ambabixi doonaan xubnaha labada Gole ee Beelaha Digil iyo Mirifle
ayna u ambabixi doonaan Magaalada Baydhabo si ay uga qaybgalaan kulanka
Baarlamanka.
Sh. Aadan Madoobe “ku soo
laabashadeyda Baydhabo waxaa keenay ….”
Sh. Aadan Maxamed Nuur (sh. Aadan Madoobe) oo ah
Wasiirka garsoorka DKMG iyo xubno la socday ayaa shalay soo gaaray Magaalada
Baydhabo oo uu ka maqnaa muddo fara badan gaar ahaan intii ay socdeen dagaaladii
u dhaxeeyey Beelaha RRA-da waxaana halkaas ku soo dhaweeyey xubno uu horkacayey
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade.
Sh, Aadan Madoobe mar uu ka hadlayay ku soo
laabashadiisa Baydhabo waxa uu yiri “waxaan Baydhabo u imid siyaasiyiinta Digil
iyo Mirifle nabad galyada Magaalada Baydhabo iyo sidii uu ku qabsoomi lahaa
kulanka Baarlaamaanka ee 26-ka Bishan” waxa uu intaas raaciyey “aad baan ugu
faraxsanahay in aan ku soo laabto Magaalada Baydhabo waxaana u howlgali doonaa
sidii loo dhamayn lahaa khilaafka yar e u dhexeeya siyaasiyiinta Digil iyo
Mirifle”
Mar la waydiiyey ma cid gaar ah ayaa u xilsaaran
nabad- galyada Magaalada Baydhabo waxa uu ku jawaabay Shiikh Aadan Madoobe “ma
jirto cid gaar ah oo u xilsaaran nabadgalyada Magaalada Baydhabo waxaana ka qayb
qaadanaya masuulyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle,
Waxaa Magaalada Baydhabo ku qulqulaya
siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku jira Baarlamaanka, waxaana horey u
tagay xildhibaanadii beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sungaa Magaalada Muqdisho.
Boosaaso oo ay ka dhaceen banaanbaxyokeenay
dhimasho iyo dhaawac.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee
maamul Gobaleedka Puntland waxay sheegayaan in maalntii shalay ahayd halkaasi ay
ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeeday gefkii loo gaystay Nabigeena (NNKH)
oo ay u gaysteen wargeysyo ka soo baxa qaaradda Yurub gaar ahaan Denmark,
waxaana dadkii banaanbaxayay markii hore isugu tageen garoonka K/cagta ee
Boosaaso waxaan dadkii halkaas isugu soo baxay Culuma’u-diinka oo sheegay in
aysan marnaba aqbali doonin in Nabigeenka Suubanaa gef loo gaysto.
Dadkii Banaanbaxayay ayaa markii dambe waxay u soo
dhaqaaqeen wadooyinka waxay bilaabeen in ay tuuryeeyaan halka ay degan yihiin
Hay’adaha Samfalka iyo Xarumaha Dowladda, waxaase ku soo baxay ciidanka
Booliiska oo rasaas ku kala eryay, hase yeeshee dadkaasi waxay sidoo kale
bilaabeen in ay taayiro gubaan oo ay Baabuurta xitaa dhagaxeeyaan, iyado
rasaastii ay ridayeen ciidanka Booliiska uu ku dhintay wiil dhalinyaro ah,
waxaan ku dhaawacmay shan kale.
Ciidanka Booliiska ayaa markii dambe ku guuleystay
in ay xakameeyaan banaanbaxaasi iyagoo dadkii banaanbaxayay ay dib ugu laabteen
guryahoodii, waxaana dib u furmay jidadkii iyo goobihii ganacsiga, iyadoo
taliyaha Ciidanka Booliiska uu sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono oo uu
sheegay in la aqoonsado
Ururka OSPAD oo tababar u
furtay dhalinyaro.....
waxaa shalay xarunta ururka
Dhowrista iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan OSPAD
(Organization for Somali Protection and Development ) ka furmay tababar socon
doona 12 malmood dhalin yaro Soomaaliyeed oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka
Banaadir.
tababarkaan oo uu soo
qabanqaabiyey ururka OSPAD ayaa waxaa lagu barayaa dhalin yaradaas casharo la
xariira hogaaminta Bulshada iyo hagidda ururada Bulshada waxaana waxa dhigaya
macalimiin ka socota ururka Green Gate oo ah urur macalimiin ah isla markaana
hoos taga hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caruurta.
Furitaankii xaflada tababarka
waxaa furay madaxa Xaquuqda Aadanaha Hay’adda OSPAD C/laaha Maxamed Cali oo ka
warbixiyey ujeedada Siminaarka, waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda OSPAD
C/nuur Cismaan Wehliye oo sheegay in tababarkaasi uusan ahayn kii ugu horeeyey
ee uu qabto ururkoodii waxa uu sheegay inay qorshaynayaan dhawaan tababaro kale
oo lagu horumarinayo wacyiga dadka gaar ahaan dhalin yarada, waxaa kale oo
halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Dalladda isku xirka dhalinyarada Gobolka Banadir
(Banadir Yuoth Network) Axmed Maxamed Guuleed (Kaftamaaye), waxaa sidoo kale ka
hadlay Cumar Shariif oo Gudoomiye ka ah urur lagu magacaabo BAPDO oo ka dhisan
degmada baraawe
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7,2006
|