-
Al-xamdulillaah Eebbow adaan kuu addoon nahaye,
-
Udgoonow rasuulkayagu waa imaamu towxiide,
-
Ixtaajadiyo amalkaan qabnana waad ogsoon tahaye,
-
Umuuraha adkaadoo qalbiga ololiyoo shiila,
-
Axad kale ma aadnee adaan kula abbaaraaye,
-
Arkaaan iyo shuruudbaan ducada ku isticmaallaaye,
-
Awaamiirti Nabi Muxammad baan ku Alle tuugnaaye,
-
Istiqbaalka xaramkaan wajiga ku itijaahnaaye,
-
Calaacalo addoon baan godnaa oo itaal darane,
-
Istiftaaxa ducadaan xamdiga ka ambaqaadnaaye,
-
Udgoonow rasuukaan salligi ku ikhtitaamnaaye,
-
Afkana waxaan ka dhawraa xaraam aan ogsoonahaye,
-
Ikhlaas iyo waxdaaniyana waan ku ad adkeynaaye,
-
Ilxaax duciyo owraadsigiyo ooyintiyo taaha,
-
Awqaadda saxarkaan baryada ka istifiidnaaye,
-
Isha waaga waxaan ugu sinnaa duciyo aamiine,
-
Goortaan ilmada seyrinaa nala ajiibaaye,
-
Ismullaahi cadamkaan kurbada uga adkaanaaye,
-
Ishaan mirig ka siinaa intaan uurka ka hinraagno,
-
Asmaa’ul xusnahaagaan Rabbiyow kugu ilxaaxnaaye,
-
Ixtaajadeena axad kale ma gudo adiga mooyaane,
-
Ictiraafnay Eebbow dembigi aafadaan dhigaye,
-
Abaartiyo colaaddiina waa nagu adkaadeene,
-
Mana aaminsanin axad kaloo oonka naga gooya,
-
Goortaan ilxaax kugu baryoon Eebbow ku cataabo,
-
Oo aan ilmada seyriyoon uurka ka hinraago,
-
Ixsaankiyo fadligaan kaa bartaan Eebbow kaa sugiye,
-
Sidii la arki jiray waa inaan ka istafiidnaaye,
-
Aqbal suge il mirigleynayoo oomman baan ahaye,
-
Arxamu Raaximiinow korbaan eegayaa weliye,
-
Ixtaajadiyo amalkaan qabnana waad ogsoon tahaye,
-
Abaartiyo colaaddiina waa nagu adkaadeene,
-
Haddii Geel itaal dhigay Lo’ina oon ula’aneyso,
-
Oo Idihii duufeen Riyana xaabki ka idlaaday,
-
Oo Carabi aaney iibsaneyn Ariga noo jooga,
-
Afkana aaney la aadeyn ilmuhu Hooyo ibaheeda,
-
Afartiba haddey guran yihiin beledna aafoobay,
-
Oo ceelki laga oomayoo dhaanki ku asqoobay,
-
Oo webigi oomane yahoo keli abaaroobay,
-
Oo aanan aqoon bad u laheyn Eebbahey magane,
-
Illaahow il miriglaan nahaye dhibic aan aafoobin,
-
Illaahow daruuro idmanoo aaran iyo doogle,
-
Allow ciirta Owrkiyo Fardaha alalax loo siiyo,
-
Illaahow hilaac soo ifiyo karar udgoonaata,
-
Illaahow abaaraha na helay roobaan ku illoowno,
-
Allow ruhu awaacleeyo oo aamus laga waayo,
-
Illaahow balligu aafta dhigoo ubadku tuur tuuro,
-
Illoow ceeshi laga oomanaa xaafku ila duugo,
-
Illaahayow daad ood sidoo uburka seyraaya,
-
Oo aan ilmaha nagala tegin Ariganaan qaadin,
-
Oo owra daaqeenka iyo mare araareenka,
-
Allow roobaan waayahan la arag aafana aan reebin,
-
Allow maqashu orod iyo durduro reerka ku ekeyso,
-
Allow subagu iib waayo oo keydka ku aruuro,
-
Illaahow isugu keen ekee aarankiyo doonka,
-
Allow Saco insaarixinayiyo Weylo ku ordaaya,
-
Allow Ari intuu ubax dhex maray udugna saameeyey,
-
Isha raaxadeediyo Allow waa nimco adduune,
-
Indho u roon Illaahow na sii aaran iyo doogle,
-
Allow beertu noo aarantoo iba mataaneyso,
-
Illaahow abuur iyo sabuul aafo ha u yeelin,
-
Allow dibadda iib loogu dhigo sannadka soo aaddan,
-
Amniyo roob Illaahow ugu deeq ahlu towxiidka,
-
Abaartiyo colaadahana gee banu-Israa’iilka,
-
Allow khoofka naga aaminyeel oo rajada aaddi,
-
Aqbal iyo ijaabana ka yeel Eebbow ducadeena,