Sannadguuradii
15d ee kasoo wareegtay xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali
W/Q: Cabdulfataax M. Cabdulle
Feb. 10, 2006
Maanta oo ku beegan 10-ka Febaraayo ee sannadkan 2006, beesha Nuux Maxamuud meel
kasta oo ay dunida ka joogaanba, waxay si murugo iyo tiiraanyo leh u xusayaan
sannadguuradii 15d ee kasoo wareegtay xasuuqii 86 qofood oo dhammaantood ka
tirsanaa beesha Nuux Maxamuud. Dadkaas waxaa si gardarro ah loogu gumaaday
Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali oo ku yiil degmada Kaaraan ee magaalada
Muqdisho taariikhdu markii ay ahayd Feb. 10, 1991.
Maalintaas iyada ah ciidamo hubeysan oo daacad u ahaa maamulkii Cali Mahdi
Maxamed ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti, ayaa si banii-aadannimada ka baxsan u
xasuuqay dadkaas. Sababta shacabkaas aan waxba galabsan loo xasuuqayna waxay
ahayd cadownimo qabiil oo xilligaas si gaar ah loola beegsaday guud ahaan
beelaha ku abtirsada Daarood.
Shacabkan la xasuuqay waxay ahaayeen dad kasoo qaxay dagaalladii ka socday
magaalada Muqdisho ee lagu riday dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Waxayna
saarnaayeen gaari xammuul ah oo ay ku qaxayeen, kadibna waxaa xoog ku qabsaday
maleeshiyo hubeysan iyagoo maraya tuulo la yiraahdo Mubaarak oo u dhaw degmada
Afgooye. Waxaana si qasab ah loogu celiyey magaalada Muqdisho oo ah goobtii ay
hore uga soo barakaceen.
Markii Muqdisho lagu celiyey, waxaa loo gacan geliyey ciidamo nacayb gaar ah u
qabay oo ay ood-wadaag yihiin beesha Nuux Maxamuud. Isla markiina, guddi si gaar
ah loo xulay ayaa ku shiray Hotel Towfiiq, waxayna ansixiyeen in la xasuuqo
dhammaan dadkaas, iyaga oo aan waxba galabsan, dembina lagu soo oogin.
Taariikhdu markii ay ahayd 10-kii Febaraayo 1991, ayaa xukunkaasi lagu hor
fuliyey guddi sare oo loo xilsaaray fulinta gumaadkaas. Dadkaas waxaa lagu
laayay qoriga loo yaqaan Baroon, meydkoodiina waxaa lagu aasay hal god!

Goobtii Lagu Aasay
Dadkii La Xasuuqay!
[ Innaa
Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun ].
Wax yar ka dib, marki la fuliyey xasuuqa dadkaas, Cali Mahdi Maxamed ayaa
wareysiyo kala duwan ku sheegay in ilaa 50 qofood oo ka tirsan Jabhaddii USC la
dilay kadib markii looga shakiyey in ay abuurayaan amni-darro carqalad ku ah
jabhaddii USC. Hadalkaas waxaa laga sheegay Idaacadda ku hadasha codka
maamulkiisa, wuxuuna ahaa marin-habaabin loola jeedey in lagu baabi’iyo
dambiyada dagaal ee la fuliyey. Shacabkan la xasuuqay waxay ahaayeen dad ku
abtirsada beesha Nuux Maxamuud waxayna ab-wadaag yihiin qabiilka Majeerteen
kamana mid ahayn jabhaddii USC. Sidoo kale ma ahayn dad hubeysan.

Dadkan la xasuuqay waxay isugu jireen arday, ganacsato iyo culumaa’udiin,
da'dooduna waxay u dhexeysay (8 jir ilaa 65 jir). Cali Mahdi Maxamed wuxuu
wareysigiisa ku sheegay in tirada dadka la laayay ay ahayd ilaa 50 qofood balse
tirada runta ah waxay dhammayd lix iyo siddeetan (86) qofood. Bayaanka idaacadda
laga sheegay wuxuu muujinayaa ujeeddadiisa oo ahayd in uu daboolo ama qariyo
falalka banii-aadannimada ka baxsan ee maamulkiisu ku kacay.
Xasuuqani wuxuu ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo ka dhaca magaalada
Muqdisho, wuxuuna qayb ka yahay gumaadyo iyo falal argaggax leh ee isugu jira:
jirdil, kufsi iyo afduubyo loo geystay beesha Nuux Maxamuud. Falalkaas oo
dhammaantood diiwaan-gashan xilliyadii ay dhaceen iyo goobihii laga fuliyeyba
waxaa weeye kuwo naxdin leh oo argaggax kugu beeraya.
Xuskan sannadguurada 15d ee xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed
Cali, oo ah mid aan ka baabi’i doonin xusuusta dadka Soomaaliyeed ee nabadda
jecel, gaar ahaan beesha Nuux Maxamuud, wuxuu kamid yahay dhacdooyinka murugada
leh ee ka dhacay dalka Soomaaliya 15-kii sano ee ugu dambeeyey.
Haddaba, waxaan ugu baaqayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo hey'adaha aan
dowliga ahayn ee u dooda xuquuqda aadanaha, in ay xil weyn iska saaraan sidii
looga hortagi lahaa xad-gudubyada ka dhanka ah banii-aadannimada loona aqoonsado
kuwa ka dambeeya dambiilayaal-dagaal.
Sidoo kale waxaan u soo jeedinayaa dhammaan Ururrada Bulshada oo ay saxaafadda
Soomaaliyeed qayb ka tahay in la hor mariyo ololaha wacyi-gelineed ee ku wajahan
nabadda iyo dhowridda xuquuqda aadanaha, si loo abuuro jawi nabadeed oo
saamaxaya in dadka Soomaaliyeed ay ku wada noolaadaan si nabad ah oo caddaalad
iyo sinnaan ku dhisan, loogana digo kuwa geysanaya xad-gudubyada ka baxsan
xuquuqda aadanaha ee dhacaya goor walba.
Warbixintan waxaa
diyaariyay:
Cabdulfataax M. Cabdulle
warbaahinta@yahoo.com
________________________________________________________________
::: ENGLISH
VERSION :::
15th Commemoration of the Massacre at Mohamud Ahmed
Ali Secondary School
By: Abdulfatah M. Abdulle
Today, February 10, 2006, the Nuh Mohamud clan all over the world is
commemorating, with deep sorrow and pain, the 15th commemoration of
the massacre of 86 victims of their people. These victims were deliberately
massacred in the then Mohamud Ahmed Ali Secondary School, located at Kaaraan
District of Mogadishu, Somalia, on February 10th, 1991.
On that day, the execution has been carried out by armed militia loyal to the
then Ali Mahdi administration, appointed in Djibouti. The reason for killing
these innocent civilians was a part of well planned ethnic cleansing towards
Darod population who were, at that time, singly targeted for massacre in and
around Hawiye dominated area.
The massacred victims fled from the ongoing civil war that resulted the ousting
of former regime of Mohammed Siyad Barre. They were captured by heavily armed
militia while traveling on transport trucks in Mubarak, near the district of
Afgoi. They were forcibly returned to Mogadishu and held as prisoners in the
Mohamud Ahmed Ali Secondary School.
Immediately, the captives were handed over to another militia from the tribes
neighboring with Nuh Mohamud clan and then a special selected committee of
Mahdi's administration held an emergency meeting in Towfiq Hotel. The committee
issued a decree authorizing to massacre all of these innocent civilians. Their
order has been implemented on Feb. 10th, 1991 with the presence of some of high
status officers. The victims were massacred with heavy machineguns and buried in
a mass grave!
Shortly thereafter, Mr. Ali Mahdi issued statements in different interviews that
totally denied the facts. He said that about 50 men of the United Somali
Congress (USC) had been killed after they were allegedly creating instability in
their community. His statements were broadcasted from a radio station of his own
administration and were meant to hide the atrocities committed by his
administration.
On the contrary, the victims were unarmed, innocent civilians of Nuh Mohamud, a
subclan of Majeerteen, and were never part of the USC.
The victims were students, businessmen and religious people between the ages of
8 and 65 years. This massacre was the first of its kind in Mogadishu. It
officially cleared the way for further prosecutions in the form of torture,
killing, rape, intimidation, blackmail, etc. against the Nuh Mohamud clan. These
documented facts are events, which will leave everyone with a great sorrow.
The 15th commemoration of the Mohamud Ahmed Ali Secondary School
massacre, which is unforgettable event to all peace-loving Somalis everywhere,
particularly the Nuh Mohamud community, is just one of the inhuman crimes
happened in Somalia during the past 15 years.
Therefore, I am appealing to all the Somali people and pro-human rights
non-governmental organizations for ideas on ways to confront atrocities against
humanity and recognize those behind them as war criminals.
I am also appealing to the local and/or international media groups as well as
the civil societies to increase the awareness of human rights in order to create
a peaceful environment for the Somali people. A peace based on justice and
equality that will always remind those committing crimes against humanity of the
wrongness of their deeds.
Abdulfatah M. Abdulle
warbaahinta@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2006 |