Please For Immediate Release (English
version click here)
Qoraal ka soo baxay Ururka Israaca Ummadda
Soomaaliyeed

The
Pan-Somali Council for Peace and Democracy (ISRAACA)
For feedback, email: info@israac.net
www.israaca.org
Ururka Israaca Ummadda
Soomaaliyeed
Ururka Israaca Ummadda Soomaaliyeed oo ay xaruntiisu tahay Washington D. C wuxu
soo dhaweynayaa heshiiska dhawaan lagu soo afjaray khilaafka muddaba dhex taagna
xubnaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka ee Ku Meel Gaarka ah oo dhawaan ay ku
kala saxeexdeen madaxweynaha Dawladda ku Meel Gaarka iyo Afhayeenka Baarlamaanku
magaalada Cadan ee dalka Yaman. Madaxwaynaha, Mudane Cabdullahi Yusuf, iyo Af
Hayeenka Baarlamaanka, Mudane Shariif Xasan Sheekh Adan, waxay ku heshiiyeen
qodobbadii dhexdhexaadinta ee Madaxwaynaha dalka Yaman waxayna heshiiska
saxeexeen 5tii Janaayo 2006. Waxay labada mudane ku heshiiyeen inay soo afjaraan
wixii khilaaf ah ee u dhexeeyay, inay ka shaqeeyaan sidii ay heshiis uga gaari
lahaayeen meelaha ay ku kala duwan yihiin ee wali taagan, inay hirgaliyaan
isafagaradka ummadda iyo in si degdeg ah loo abaabulo shirka Baarlamaanka ku
Meel Gaarka ahi inu ku qabsoomo gudaha Soomaaliya.
Ururka Israacu wuxu ku baaqayaa inan la qaadan karin in rajada iyo himilada
qarannimo, degganaashaha iyo nabad-ku-wada noolaashada dadka Soomaaliyeed iyo
dariskooda ay noqdeen lama gaaraan muddo toban sano ka badan. Madaxa
Soomaaliyeed, oo masu’uul ka ah guuldarradaasi, waxay wali ku hawlan yihiin isku
jiidasho arrimo aan wax-ku-ool ahayn sida jagooyinka, fadhiga Dawladda Ku Meel
Gaarka ah, iyo xaajooyin liita oo an dan u ahayn jiritaanka nololeed ee ummadda
Soomaalida. Ururka Israacu wuxu ku baaqaya inay madaxda Soomaalidu si dhaqso leh
u fahmaan in loollanka awoodeed een mabda’ lahayn oo uu ku lammaan yahay
la’aanta heshiis waara oo saldhig adag lehi ay ummadda Soomaaliyeed gayaysiiyeen
rajo dhig isla markaana ay keeneen xasilooni darrida guud ahaan Geeska Africa
haysata. Waxa habboon inay madaxda Soomaalidu u guntadaan ka hortagga
mashaqooyinka ummaddooda haysta. Waxan ugu baaqayna inay fuliyeen dhaartii ay
mareen si an naf-jeclaysi lahayna ugu adeegan danta qaranka.
Madaxda Soomaalidu waa inay gartaan in ummadda Soomaaliyeed ay tahay midda
kaliya ee adduunka aan dawalad lahayn qarnigan 21aadna aanay haysan adeegyada
saldhiga u ah nolosha aadamaha. Ogaalka arrintaan oo kaliya, ayaan rajaynaynaa,
in qofka kasta oo madax ah, garaadna leh ay dareensiiyo mashaqada dalka taalla
iyo danta halista ku jirtaa waxa ay tahay. Waxan rajaynaynaa in garawsiga runtu
u horseedo madaxda Soomaaliya inay ka gaabsadaan ku noqoshada siyaasadda
burburka keenta ee 15kii sano ee u dambaysay gaarsiisay in siyaasada Soomaalidu
noqota mid lagu maadaysto.
Waxan dadwaynaha Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay muujiyaan dhabar adayg iyo isku
soo dhawaasho inta ay maqan yihiin hay’ado dawaldeed oo wax tar ahi. Ururka
Israacu wuxu ku rajo wayn yahay in ummadda Soomaaliyeed iyo adduunwaynuhuba kula
xisaabtamaan madaxdan sida ay eray iyo addinba u fuliyaan Heshiisk Cadan.
himilada madaxdani waa inay noqotaa midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo
dimoquraadi ku maamuliddeeda.
Ururka Israacu wuxu ammaan u soo jeedinaya dawladda Maraykanka iyo Bulshooyinka
Adduunka sida ay gacanta uga gaysteen soo celinta nabadda iyo ammaanka
Soomaaliya iyagoo taageeray dhisidda dawlad Soomaaliyeed oo wax-tar ah. Ururka
Israacu waxa kale oo uu ammaan u soo jeedinayaa Madaxwaynaha Dawladda Yaman,
Cali Abdalla Saalax, oo hagarli’i ugu hawshooday sidii labada kooxood ee
dawladda Soomaalida la isugu keeni lahaa, si hufan oo walaaltinimo lehna u soo
saaray Heshiiska Cadan.
Guudiga Guud
Ururka Israaca Ummadda Soomaaliyeed
info@israac.net
warcelinta iyo faallada u soo dir:
www.israaca.org
Please For Immediate Release
The Pan-Somali
Council for Peace and Democracy (aka Israaca), an advocacy organization based in
Washington DC, welcomes the Aden Agreement recently signed to end the
longstanding dispute between the leaders of the Somali Transitional Government.
President Abdullahi Yusuf Ahmed and the Speaker of the Transitional National
Assembly, Mr. Sharif Hassan Sheikh Adan, agreed to the terms of the Aden
Agreement brokered by the president of Yemen and signed on January 5th 2006. In
signing the agreement, both leaders agreed to end their differences, work out
any outstanding issues through dialogue, promote national reconciliation and
immediately reconvene the Transitional National Assembly inside Somalia.
ISRAACA finds it unacceptable that Somali people’s hopes and aspirations for
nationhood, stability, and peaceful co-existence with each other and with their
neighbors have remained elusive for more than a decade. Somali leaders, who are
responsible for this failure, continue to bicker and squabble over minor issues
such as positions in the government, the temporary seat of the Transitional
Government, and other inconsequential matters that do not affect the lives and
conditions of ordinary Somalis. ISRAACA notes that it is extremely urgent now
for Somali leaders to understand that their prolonged and unprincipled power
struggle, coupled with a lack of concrete and lasting agreements, are
contributing to the despair of the Somali people as well as to the overall
instability in the Horn of Africa. It is high time that Somali leaders
confronted once and for the enormous challenges facing the nation. We call on
them to execute their oath and to solemnly and selflessly serve the nation’s
interests.
Somali leaders should realize that our people are the only stateless society on
the face of the earth and is in grave danger for lack of basic human services at
the dawn of the 21st century. Knowing this fact alone, we hope, will make any
sensible leader understand the gravity of the situation and what is at stake. We
are hopeful that zeroing in on these realities will lead Somali leaders to
refrain from returning to the destructive politics of the past 15 years that
have made a mockery out of Somali politics.
We call on the Somali people, through their civil society institutions, to
continue to persevere in the absence of effective governmental institutions in
Somalia. ISRAACA hopes that Somali people and the international community will
hold these leaders accountable to their words and deeds in fulfilling the Aden
Agreement. Unifying the Somali nation peacefully and governing it democratically
should be the goal of these leaders.
ISRAACA commends the ongoing efforts of the U.S. Government and the
international community in helping restore peace and security in Somalia by
supporting the establishment of a fully functioning Somali government. ISRAACA
also commends the Republic of Yemen's President Ali Abdullah Saleh for his
tireless efforts in bringing together the two factions of the Somali government
in Yemen and to effectively and amicably deliver the Aden Agreement.
ISRAACA urges Somali leaders to take the Aden Agreement very seriously and work
to assure its full implementation in a spirit of goodwill, trust and
cooperation.
The Board of Directors
Afeef: Aragtida qoraalkan waa leh Israaca
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2006 |