WARARKII
ISNIIN FEB 13, 2006
-
Isbitaalka Dhimirka
Qaranka oo laga furay Muqdisho
-
Dil Xalay ka Dhacay
Gudaha Magaalada Kismaayo
-
C/llaahi
Yuusuf “Koonfurta Gaalkacyo wixii maanta ka dambeeya waxay ka mid tahay
Putland..
-
C/Naasir Seerjito oo
shalay lagu dhaawacay agagaarka Maxkamada..
-
Musharax cusub oo ku soo
biiray xiriirka somaaliyeed kubadda Cagta..
-
47-ruux oo abaar ugu
dhintay Deegaano ka mid ah Gobolka Gedo ....
-
Guddiga taakuleynta
abaaraha oo la gaarsiiyey lacag gaareysa…..
-
C/raxmaan Abuu Xamza
“Kenya waxay sameysey Xukun layaab .
-
Jaaliyadda Gobalka Gedo ee
dalalka Yurub oo deeq gaarsiiyey...
-
Deeq isugu jirta buugaag qalimaan iyo
jeestooyin oo la gudoonsiiyay dalada waxbarashada gobolada Jubooyinke ee JEN
.
-
maamulka Isbahaysiga oo
sheegay in ay ku kuuleysteen soo xarayenta cidamadii gadoodka ahaa ee ku
sugnaa jasiirada Koyaamo
-
Shir Weyn oo ay Beesha Hawiye ku Yeelatay
Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.
Isbitaalka
Dhimirka Qaranka oo laga furay Muqdisho
Maalintii Khamiista
aheyd ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah looga furay isbitaalka Dhimirka
Qaranka, waxaana xafladdii furitaanka ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay
hay’adaha samafalka, kuwa dowliga ah iyo kuwooda aan dowliga aheyn, mas’uuliyiin
ka socotay dowladda federaalka iyo ardayda dugsiyada gobolka Banaadir, waxaana
ugu horeyntii halkaas ka hadlay madaxa cusbitaalka C/raxmaan Cali Cawaale {Xabeeb}
oo sheegay in isbitaalka intii uu furnaa uu qaabilay ilaa saddex boqol iyo toban
iyo shan bukaan oo qabay cudurada dhimirka kuwaasi oo uu sheegay in intooda
badan laga daaweeyey cudurkaasi, kuwa kalana ay u socoto daaweyntooda.

C/raxmaan Cali Cawaale, waxaa uu sheegay, in isbitaalka uu horey uga furnaa
xaafadda Suuqa Xoolaha haatanse uu u soo wareegay agagaarka KM4 kasoo hor jeedka
Ex-dugsigii sare ee 21-ka Oktoobay isagoo sheegay in dhismaha haatan uu soo
dagay ay ugu deeqeen koox dhalinyaro ah.
C/raxmaan waxaa uu sheegay in isbitaalka uu haatan dadka ku daweeyo si
tabarucaad ah haatanse ay gabaabsi ku tahay daawada, wuxuuna u soo jeediyey
hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan sidii
loo daweyn lahaa dadka cudurka dhimirka qaba.
Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ah afhayeenka Dhaqaaqa Bulshada
Rayidka ah C/llaahi Max’ed Shirwac wuxuuna sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin
in maanta Muqdisho laga furo isbitaal dhinaca dhimirka kaasoo uu sheegay in uu
gacan ka geysan karo sidii loo daaweyn lahaa dadka qaba cudurka dhimirka oo uu
sheegay in ay dhibaato ka soo gaaray dagaaladii sokeeye.
Waxaa kaloo ka hadlay Suudaan Cali Axmed oo ah guddoomiyaha hay’adda Nabadda iyo
Xuquuqda aadanaha ee Elman, wuxuuna u mahadceliyey intii gacanta ka geysatay
furista cusbitaalkaasi, waxaa kaloo ka hadlay Mudane Koleera oo ka socday
Hay’adda WHO oo sheegay in itnii karaankooda ah ay gacan siin doonaan
isbitaalkaasi oo uu ku tilmaamay inuu yahay kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee
laga furo Muqdisho, tan iyo markii ay dhaceen dagaalada sokeeye.
Waxaa halkaasi ka hadlay dad horey loogu daweeyey Cusbitaalkaasi oo sheegay in
ay markii hore ku jireen nolol cariiri ah oo sheegay in haatan ay dib ula
qabsadeen noloshoodii waxeyna u mahadceliyeen C/raxmaan Cali Cawaale {Xabeeb}
iyagoo sheegay inuu kaalin ka qaatay dib u soo celinta dhimirkooda, waxaana
isbitaalka haatan uu tababar uga socdaa qaar ka mid ah ardayda dugsiyada
waxbarashada ee gobolka Banaadir oo iyagu la socdaa xaalka bukaanka iyo sida loo
daweynayo
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
Yaa
Caawinaya Wiilkan Yare dhiban
Ku: Hay'adaha
samafalka
Ku: Jaaliyadaha Somaliland
Ku: Ganacsatada Soomaaliyeed
Ku: Ururada bulshada
Walaalaha
Somaliland waxaa laga codsanayaa in ay u soo gurmadaan Ilma yar oo Magaciisa
la yidha Maxamed Farax Jamac da'iisun tahay 10 jir una cadilan dhabarka iyadoo
xanguladii dhabarka ka soo dhacday , dhabarka oo suul qabadka ah una bahan
qaliin dibadeed oo deg deg ah , dhakhtiirta dalkuna ay sheegeen in dalka
dibadiisa mooyaane aan gudihiisa waxba lagaga qab Karin , haddii aan deg deg wax
looga qaban xaaladiisa caafimadda halis gelayso
Sidaa darteef cidii
caawin karaysa inay ilaahay dartii wax ula qabtaan
Hana ugu soo
hagaajiyaan waalidka ilamaha yar o laga heli karo telephone-ka 00252-2 623592
ama Mobile 466611 Gabiley
Mohamed Farah |
gabiley2000@gmail.com
Dil Xalay ka
Dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo
Feb 13, 2006: Waxaa xalay fiidkii ay kooxo
dableey ahi ku dileen gudaha magaalada Kismaayo nin dhallinyaro ahaa oo
magiciisana la oran jiray Dhegaweyne, dilkaas oo ka dhacay xaafadda Faanoole ee
magaalada Kismaayo ayaa waxaa geystay koox maleeshiya ah oo aan la xaqiijinnin
ayadoo ragaasi dilka geyestay ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudud.
Dilkaan ayaa waxa uu sababay markii uu dhacay kadib cabsi badan oo laga dareemay
gudaha magaalada Kismaayo, iyada oo fiidnimadiiba ay magaaladu kala hoyatay,
lamana garanayo sababta xilligaan keentay dilkaan iyadoo aanan weli la soo
qabannin cidda dilkan geysatay balse ciidanka amaanka ay wadaan dadaalo ay ku
doonayaan in ay ku soo qabtaan ragii dilkaan geystay.
Ciidammada ammaanka ee magaalada Kismaayo ayaa xalay waxa ay gaaf wareegayeen
dhammaan dariiqyada magaalada si ay u sugaan ammaanka magaalada isla markaasna
waxa ay baadi goob ugu jiraan inay soo qabtaan cidda dilkan geysatay.
Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli shalay la soo xereeyay qeybtii u
danbeysay maleeshiyaadkii gadoodsanaa ee Kooyaame ku sugnaa, isla markaasna uu
guddoomiye ku xigeenka Koowaad xildhibaan Seeraar khudbad xasaasi ah oo dhiiri
gelin ah u jeediyay ciidammada ammaanka ee magaalada Kismaayo.
cabdi khadar Nuur | Kismaayo |
cabdiqadar84@hotmail.com
Waa Gabar u baahan Gargaar Deg Deg ah
Iyadoo
shacabka Soomaaliyeed waayadan dambe ay noqdeen kuwo is taakuleeya isla markaana
gacan isa siiya, hana noqoto kuwo la Il daran cuduro kala duwan iyo kale oo
dhibaato haysato ayaa waxaa halkaan codsi ka jeedinaya Gabar da’deedu tahay 9
jir oo lagu Magacaabo Maryan Max’ed Faarax, taasoo la il daran cudur dhinaca
wadanaha kaddib markii Dr. Ibraahim Dusuuqi uu dabooka ka
qaaday in gabadhaasi aan waxba looga qaban karin dalka, balse haddii loo qaado
dibada oo ay hesho gacan bini’aadanimo ay ka badbaadi doonto cudurkaasi.
Gabadhaan ayaa marba marka ka dambeysa cudurkaan ku sii kordhayo
waxa uu Dhakhtarku sheegay in Gabadhaasi ay noolaan karto muddo gaaban.
Maryan waxa ay Ummadda Soomaalieed meel kasta oo ay joogaan ka
codsaneysa in gargaar deg deg ah loo fidyo, sidoo kale waxay ka codsaneysaa
Hay’adaha samafalka in iyana gacan ka gaystaan sidii ay daryeel caafimaad u heli
lahayd.
Gabaydhaan oo reerkeedu aysan waxba haysan ayaa waalidkeed sidoo
kale waxay ka dalbanayaan Ummadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo
dibaddiisa in ay gargaar la soo gaaraan gabadhooda oo la il daran cudurka wadna
Xanuunka
Ciddii dooneysa in ay gabadhaasi ay gacan siiso waxa ay la soo
xiriiri karaan Dr. Nuur Cumar Warsame oo laga helo:
Tel: 2521-570436
2521-500 658
2521-857810
E-Mail:
noromarwarsame@hotmail.com
manhal_tb_center@yaahoo.com
Accoun Number: Dahabshiil 1109
C/llaahi
Yuusuf “Koonfurta Gaalkacyo wixii maanta ka dambeeya waxay ka mid tahay
Putland..
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Madaxweynaha
Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan Shiikh Aadan, Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo xubno kale oo isugu
labada Gole ee Dowladda ayaa shalay gaaray Koonfurta Magaalada Gaalkacyo waxaana
dadweyne aad u fara badan iyo mas’uuliyiinta deegaankaas, kuwaas oo markii dambe
isugu tagay garoonka Kubbadda Cagta, waxaa ugu horeyntii halkaasi warbixin ka
soo jeediyay Guddoomiyaha Koonfurta Iimaan Jiirow oo sheegay in ay aad ugu
faraxsan yihiin in maanta ay mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda ay soo gaaraan
Koonfruta Gaalkacyo ayna haatan diyaar u yihiin in ay hiil iyo hooba la garab is
taagaan Dowladda Federaalka, waxaana kalloo ka hadlay Wasiirka howlaha guud iyo
guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato oo isna sheegay in beeshiisu ay diyaar u
tahay in ay qaadato wixii heshiis ah ee lagu dhameenayo dagaalkii Gobalada
Dhexe, waxaa kalloo ka hadlay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo isna yiri
“Colaadda Soomaaliya waxay ka bilaabtay gobalka Mudug waxaana loo baahan yahay
in nabadda ay maanta horseedaan”, waxaa kalloo ka hadlay Guddoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isna sheegay in Dowladdu ay mar kasta
taageeri doonto cid kasta oo ka shaqaneysa nabadda iy dib u heshiisiinta.
C/llaahi Yuusuf oo insa ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu sheegay in 1993-dii
Magaalada Gaalkacyo lagu dagay heshiis ay wada gaareen beelihii halkaasi wada
deganaa ee Calaadu u dhexeysay, isagoo sheegay in ay ka soo shaqeeyeen isaga iyo
Marxuun Max’ed Faarax Caydiid, maanta loo baahan yahay in maanta heshiiskaasi la
balaariyo. “Koonfurta Gaalkacyo wixii maanta ka dambeeya waxay ku biirtay maamul
gobaleedka Puntland waxaana laga saaci doonaan dhamaan adeegyada bulshada ha
noqoto biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo wixii la mid ah, waxa uu intaasi
sii raaciyay “Waa in Gobalka si siman loogu qaybsadaa dhaqaalaha isla markaana
uu yeeshaa ciidan mideysan”, markii hadalkaan ka soo yeeray C/llaahi Yuusuf
waxaa si weyn u soo dhaweeyay dhamaan mas’uuliyiintii ka soo jeeday Koonfurta
Gaalkacyo oo ay ka mid ahaayeen Cismaan Caato iyo Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo
xubno kale.
C/Naasir Seerjito oo shalay
lagu dhaawacay agagaarka Maxkamada..
C/Naasir Axmed Aadan (Seerjito)
oo ahaa qunsulkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Imaaraadka Carabta ayaa
shalay lagu dhaawacay agagaarka Maxkamadda Islaamiga ah ee Xararyaale kaddib
markii nin dabley ah uu rasaas ku furay, waxaana C/naasir la dhaawacmay labo
qofood oo iyana markaas ag taagnaa.
Ilaa iyo hadda lama garanayo
sababaha loo dhaawacay Seerjito balse warar ayaa waxay sheegayaan in Maxakamadd
ay ka socotay dacwad la xiriirtay dhul lagu isku haystay taasoo la sheegay in
falka loo gaystay Seerjito uu la xiriiro arrinaas.
C/naasir Seerjito oo haatan la
dhigay Isbitaalka Xayaat ayaa la sheegay in caafimaadkiisu uu haatna ka reynayo
iyadoo ninkii gaystay falkaasi ay gacanta ku dhigeen ciidanka Maxkamadda
Islaamiga ah ee Xararyaale.
Mudan C/naasir Seerjito waxaa
loo magacaabay Qunsulka dala Imaaraadka Carabta markii xiligii Dowladdi Carta.
Musharax cusub oo ku soo
biiray xiriirka somaaliyeed kubadda Cagta..
Maxamuud Cali Ibraahim (Koofur
Yare) ayaa shalay waxa uu shaaca ka qaaday in uu ka mid yahay musharixiinta
Guddoomiye ku xigeenada Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.
Koofur Yare oo in mudo ah ku
soo dhex jiray K/cagta isla markaana ahaa xubin ka tirsan guddiga fulinta
xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa sheegay musharaxnimadiisa Guddoomiye ku
xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ay tahay mid uu ku rajo weyn yahay
in uu jagadaas ka soo baxo marka la gaaro xiliga doorshada, iyadoo Koofur uu ka
mid yahay ragga ugu cad cad ee jagadaas isku soo sharaxay.
Maxamuud Cali Ibraahim waxa uu
sheegay in uu uga faa’iideyn doono aqoontiisa Isboorti xiriirka Soomaaliyeed ee
K/cagta waxa uuna xeeqay in musharaxtinimadiisa xiriirka soomaaliyeed ee K/cagta
ay tahay mid ay ku dhiirageliyeen taageerayaashiisa sidaana uu go’aansaday in uu
isku soo taago, oo uu wax weyn ka qabto maamulka xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta
47-ruux oo abaar ugu
dhintay Deegaano ka mid ah Gobolka ....
47-qof ayaa ku geeriyootay
deegaanka Faafaca-Dhuun ee Gobolka Gedo waqtiyadii u danbeeyey, 38 ka mid ah
dadkasi waxa u dhinteen biyo la’aan halka sagaal ka mid ahna ay u dhinteen gaajo
sida ay sheegeen Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Deegaankaas oo ay ku mideysan
yihiin Odayaasha iyo waxa garadka deganka oo qadka Fooneeyaha kula soo xariiray
Wargeyska ayaa ku eedeeyey Xuseen Cabdi Inshaar (Xuseen Farey) oo ay ku
tilmaameen nin sheegtay Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo Gaarane Nuure oo isna
sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha Degmada Garba-haarey inay dhibaato ku hayaan
dadka deegaanka faafaca dhuun oo ay xanibeen Booyado biyo u waday dadkaas oo ay
shegeen inuu u kireeyey Ugaas Maxamed Wali Axmed Nuur.
Gudigaan oo ka booban 13
xubnood ayna ka mid yihiin Gudoomiyaha Faafaca-dhuun Cabdi Aadan Waraabe,
Maxamed Macalin Axmed (Silingi), Cali Suubiye Ibraahin, Xabad Bashiir Muxumud,
Diiriye Cali Xaaji, Siyaad Bashiir Cabdi, Cismaan Cali Iimaan, Xasan Cibaar
Shire iyo Sh. C/raxmaan Sh. Nasro ayaa sheegay inaysan jirin wax masuuliyad ah
oo ay ka hayaan Gobolka ragasi ayna ka mid yiuhiin dhibaatada dadka haysa, waxa
ay sheegeen inzy aqoonsan yihiin oo kaliya qofkii wax u qabanaya umadda
dhibaataysan, waxayna intaas ku dareen in uu walkiil ka yahay Ugaas Maxamed wali
Axmed Nuur oo ay sheegeen inuu dadaal ugu jiro badbaadinta dadka tabaalaysan ,
waxa ay ka codsadeen umadda Islaamka inay gargaar deg deg ah la soo gaaraan
dadka halkaas ku dhimanaya waxay codsi gaar ah u jeediyeen dadka Muqdisho inay
badbaadiyaan dadkaas.
Guddiga taakuleynta
abaaraha oo la gaarsiiyey lacag gaareysa…..
Iyadoo weli ay socto uruurinta
deeqihii loogu talagalay dadka ay abaaruhu waxyeeladu ka soo gaartay ayaa waxaa
maalintii shalay ahayd guddiga taakuleynta abaaraha la soo gaarsiiiyay 63-kun oo
Doolar iyo taban booyadood oo loogu talagalay in dadka abaaruhu ay
waxyeeleeyeen biyo loogu dhaamiyo.
Xafladda wareejinta oo ka
dhacday xarunta Shirkadda Kalimijaaro ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha Midowga
Ganacsatada Maxamuud C/kariin Gabeyre oo sheegay in deeqdaani ay ka soo
uruuriyeen shirkadaha ugu waa weyn Gobalka Banaadir.
Guddiga taakuleynta ayaa ka
gudoomay deeqdaasi, iyadoo maalintii doraad ahaydna Machadka SIMAD uu guddiga
taakuleynta gaarsiiyay 11-Kun oo Doolar oo ay ugu talagaleen dadka ay waxyeeladu
ka soo gaartay abaaraha oo la sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa ay
waxyeeladu sii kordheyso.
C/raxmaan Abuu Xamza “Kenya
waxay sameysey Xukun layaab .
Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqda
Aadanaha qaxootiga Soomaaliyeed ee adduunka (Human Rights Committee For the
Somali Refugee in the World) C/raxmaan Xuseen (Abuu Xamza) ayaa soo saaray
qoraal uu ugu magac daray {Xukun la yaab leh} oo uu kaga hadlayo dacwo ay
dhawaan ku soo oogtay maxkamad ku taala Magaalad Mombassa ee Dalka Kenya toban
dhallinyaro Soomaaliyeed ah.
Wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay:
9/2/2006 ayaa la hor geeyay Maxkamad ku taala Magaalada Mombassa toban
dhallinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay burcad badeed markii Maxkamaddu la
keenayna waxay ku doodeen in aysan maxkamaddu sharci u lahayn qaadista dacwadaan,
hase yeeshee Maxkamaddu waxay go’aamisay in dacwadaasi ay qaadeyso.
Waxa uu sheegay in ay layaab
tahay in iyadoo maxkamaddu og in eedeysana-yaasha, dhibanayaasha iyo goobta
dambigu ka dhacay ay aysan midna Dowladda Kenya xuduudaheeda ku jirin, waxaa
kalloo sheegay in muhiim ay tahay in la isweydiiyo mudan Markabka Hindiya muxuu
ahaa, ma kalluumeysi buu ahaa, ma badeecuu siday, yaase u fasaxay in uu maro
xeebaha Soomaaliya, wuxuu intaas raaciyay in haddii ay ku adkeysato Dowladda
Kenya qaadidda dacwadaan in ay tahay arrin ku cusub khaanuunka dowliga ah ee
qaaska ah, waxaana lagama maarmaan ah in loo helo qodobo loo cuskan karo.
Ugu dambeyntii waxa uu sheegay
in ay ku haboon tahay in Kiiskaani uu noqdo mid ay si gaar ah uga wada hadlaan
labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya.
Jaaliyadda Gobalka Gedo ee
dalalka Yurub oo deeq gaarsiiyey...
Maalintii shalay ahayd ayaa
Gobalka Gedo waxaa la gaarsiiyay ilaa Boqol Tan oo deeq ah oo Jaaliyadda gobalka
Gedo ee qaar ka mid ah dalalka Yurub ay soo gaarsiiyay dadka ay waxyeeladu ka
soo gaartay abaarta, deeqdaas oo u badneyd raashin ayaa waxaa gudoomay
Guddoomiyaha Guddiga taakuleynta ee gobalka Gedo Shiikh Max’ed Bishaar oo isagu
u mahadceliyay intii isku soo du’day deeqdaas wuxuuna Ilaah uga baryay in
bedelkeeda uu mid ka wanaagsan ugu bedelo.
Sidoo kale waxaa la soo
gaarsiiyay xoogaa lacag oo loogu talagalay in dad iyo duunyo loogu iibiyo Biyo
maadaama ay biyuhu yihiin kuwa ugu horeeya ee nolosha Bini’aadanka iyo xoolaha.
Gobalka Gedo waxa uu ka mid
yahay gobalada ugu daran abaarta waxaana maalin walba ku dhinta dad aad u fara
badan oo abaaruhu soo riteen
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
D eeq
isugu jirta buugaag qalimaan iyo jeestooyin oo la gudoonsiiyay dalada
waxbarashada gobolada Jubooyinke ee JEN .

Waxaa Sabtidii deeg isugu jirta buugaag
qalimaan iyo waliba jeestooyin ardeyda wax lagu baro la gudoonsiiyay dalada
waxbarashada gobolada Jubbooyinka oo marka magaceeda la soo gaabsho loo yaqanao
JEN oo fadhigeedu yahay magaalada Kismayo ayadoo ay deeqdas bixisay hey.ada
wadaniga ah ee jubba AiD .
Deeqdaan ayaa waxaa ay tahay mid ay xiligaan
aad ugu baahnaayeen iskuulada ay ardeyda wax ka bartaan ee ka jira magaalada
kismayo iyo waliba deeganada gobolka jubbada hoose maadama aysan jirin wax
hey.ad ah o ay hoos tagaan iskuulada waxbarashada ee ku bahoobay dalada JEN .

Gudomiyaha hey,ada maxaliga ah ee JUBBA AID oo
ah hey,ada maanta deeqdaan bixinyesay oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf (Sanka)
oo hadal gaaban ka soo jeediyay goobtii deeqdan lagu bixinyay ayaa waxaa uu yiri
waa markii ugu horeysay oo deeq noocaan oo kale ah aan siino iskuulada ka jira
gobolkaan waxaana rajeyneynaa in aanu waxqabadkeena sii badino si bulshada
howlaha loo hayo ay u fududaato sidoo kale waxaa deeqdaas halkaas kaga gudoomey
heyada jubba Aid gudoomiyha dalada waxbarashada JEN mr ENG Aways ayadoo isaguna
aad uu ugu amaaney hey.adaas waxqabadkeeda islamarkaana ay ka filanayaan deeq
intaan ka badan
maamulka Isbahaysiga oo sheegay in ay ku
kuuleysteen soo xarayenta cidamadii gadoodka ahaa ee ku sugnaa jasiirada Koyaamo
Afhayeenka guud ee ciidanka Isbahaysiga Dooxada
Jubba ninka lagu magacaabo Sanka ayaa shaaca ka qaaday maanta in ay gabi ahaanba
soo xarodeen maleeshiyaadkii gadodka ahaa ee dhawaanahan ku sugnaa jasiirada
Koyaamo oo 40 KM u jirta magaalada Kismayo.
Soo xareynta maleeshiyadan gadoodka kaga
maqanaa maamulka Isbahaysiga Doxoada Jubba ayaa waxaa dadaal dheer u galay
gudoomiye ku xigeenka maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba xildhibaan Yusuf Mire (Seeraar)
asagoo ku guuleystay in uu ugu horeyn meesha ka soo saaro ciidanka maamulka
Isbahaysiga Dooxada Jubba gaar ahaan ciidamadii dhawaan loo carbinayay in ay ka
howol galaan bada kuwaasoo la geeyay aaga jasiirada kooyaamo si halkaas ay howlo
amaan oga fuliyaan taasina ay si fogeysay carada ciidankii gadoodka oga maqanaa
isbahaysiga oo ayaguna ku sugnaa jasiirada kooyaamo kadibna uu gudoomiyahu ku
guuleystay in uu ayaguna meesha ka soo kaxeeyo ciidankii gadodka ahaa ee halkaas
ku sugnaa.
Si kastooy ahaataba lama garanayo in
maleeshiyadan haatan la soo caro celiyay ay dib ugu biri doonaan guutooyinkii ay
horey oga tirsanayeen ayadoo maleeshiyadan ay ku jiraan qaar ka mid ah
maleeshiyadii afduubka u heysatay sadexdii marakab ee kaluumeysatada ahaa ee
inta mudada ah afduubka loogu heystay xeebaha gobolka jubbada hoose.
CABDI QADAR NUR MAXAMED (FILIPIIN)
cabdiqadar84@hotmail.com
Shir Weyn oo ay Beesha Hawiye ku Yeelatay
Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.
Shir aad iyo aad loo soo Qaban qaabiyay ayna ka
soo qeyb Galeen Aqoon yahano Culamaa, udiin iyo Cuqaasha Beesha Hawiye ee ku
Nool dalka Masar ayaa Habeenkii xalay ahaa lagu qabatay Magaalada Qaahira ee
Dalka Masar.
Shirkaas ayaa ugu Horeyntii waxaa Looga hadlay
Xaalada uu Maanta Dalka ku sugan yahay iyo Sida ay Beesha Hawiye u arkaan
Hawlaha Dib u Hishiisiinta ee ka soconaaya Gudaha Dalka Soomaaliya Taas oo ay
ugu Danbeysay Go,aanka ay Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliya ay ku Qaateen in ay
Hal Meel ku Kulmaan taas oo la Filayo in Dbayaaqada Bishan ay ku Kulmaan
Xildhibaanada Soomaaliya Markii ugu Horeesay Tan iyo Markii la soo Magacaabay
Gudaha Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Baydhabo.iyagoo Sheegay in ay
Taageesanyihiin in uu Qabsoomo Kulankaas oo ay iskugu imaanayaan Xubnaha
Baarlamaanka Soomaaliya oo aanan Wali Kulan ku Yeelanin Gudaha Dalka Soomaaliya.
Shirkaas ayaa Xubnihii ka hadlay waxaa ka mid
ahaay Sh/Yusuf oo ah Xoghaya Guud ee Gudiga Fulinta Beesha Hawiye ee Dalka Masar
,isaga oo ku dheeraaday sida ay ahmiyad u leedahay in ay Midowdo Beesha Hawiye
Meel kasta oo ay Joogaan iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed wuxuuna uu Guul u
rajeeyay Kulanka La filayo in ay Yeeshaan Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya
Dhawaan.
Sidoo kale Shirkaan ayaa waxaa Xubnihii kale ee
ka Hadlay ka mid ahaay Axmed Cali iyo Maxamuud Cabdulle Xayfow iyo Xubno kale oo
Fara Badan waxayna Dhamaantooda ku Dheeraadeen Ahmiyadda ay Leedahay Midnimada
Beesha Hawiye Gudaha Dalka Soomaaliya iyo Dibadiisaba.
Shiirkan ay Beesha Hawiye Yeelatay ayaa isagu
waxaa la Qabtaa lixdii Bilba Mara iyadoo Xubnaha Beesha Hawiye ee ku Nool dalka
Masar ay isagu yimaadaan ayaa Caawa ka duwanaa shiraraki hore loo Qaban jiiray
Waxaana Dood Dheer iyo Falnqayn ka dib la Doortay Maamulka Cusub ee Gudiga
Beesha Hawiye ee Dalka Masar Kuwaas Xilka Hayn Doona Lixda Bil ee soo Socota:
Sida ku Cad Dastuurka axdiga ay dhigteen Gudiga Beesha Hawiye iyadoo Halkaas
lagu Doortay 12 Xubnood oo Noqonaya Gudiga Beesha Hawiye iyagoo 12kaas Xubnoodna
ay iska soo Dhex Doorteen Gudiga Fulinta Beesha Hawiye Kuwaas oo Magacyadooda ay
Yihiin Sida Soo socota.
1-Ibraahim Cadaawe Rogomeey (Gudoomiye)
2-Macalin Barre (G.Ku Xigeen 2aad).
3- Ustaad Idiris (Xoghayn).
4-Sh/Yuusuf . (Xoghaye Guud).
Shirkaana Waxa uu ku soo Gabagaboobay sidoo
loogu Tala Galay iyadoo ay Dadki ku soo Qayb Galayna ay aad ugu
Faraxsanaayeen.ka soo Qayb Galka Kulankaan.
Diyaariye Mahad Carabow Cali Cairo EGYPT
Mahad554@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2006
C/llaahi
Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geedi oo kulan ku yeeshay Galkacyo..
»Nin
Talyaani ah oo shalay ku Islaaamay magaalada Muqdisho
»Cismaan
Caato iyo Furux oo gaaray Magaalada Gaalkacyo
»Shaar-Guduud
oo lagu qancinayo in uu ka qayb galo shirka..
»Maamulka
Tooratoorow oo soo saaray warqad qoraal ah
»Sifir
iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaarey Baydhabo..
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 11 |