WARARKII Feb
14, 2006
- Shiikh Axmed
Indha-Giir “aad baan uga xumaanay Dhaawac soo gaarey Cabdi Naasi Seerjito..
- Xildhibaanada
Baarla-maanka oo lagu wargeliyey in Baydhabo ku soo xaroodaan...
-
Banaadir oo loo aqoonsaday Idaacadda keliya ee
ka diiwaangashan dalka...
-
Shariif Xasan
iyo wafdi la socday oo gaaray Baydhabo.....
-
Wararkii ugu dambeeyey ee
Magaalada Gaalkacyo...
-
Xaabsade iyo Shaatigadud oo wadajir ah u
gaaray Magaalada Baydhabo..
-
Shir ay shalay Beesha Wacbuudhan
Abgaal ku yeelatay magaalada London loogana hadlayay xarriga Nabadoon Xassan
Xussein Jilibeey

Shiikh Axmed Indha-Giir
“aad baan uga xumaanay Dhaawac soo gaarey Cabdi Naasi Seerjito..
Guddoomiyaha Maxka-madda Islaamiga ah ee
Xararyaale Shiikh Axmed Indha-Giriir oo shalay u waramayay saxaafadda ayaa waxa
uu si aad ah uga hadlay weerarkii ka dhacay meel ku dhow Maxkamadda Islaamiga ah
ee Xararyaale kaas oo lagu dhaawacay saddex qof oo uu ku jiray qunsulkii hore ee
Imaraadka Carabta xiligii Dowladdii Carta C/Naasir Axmed Aadan (Seerjito),
wuxuuna sheegay Shiikhu in arrinaasi ay ku dhacday si kama’ ah isla markaana ay
si aada ah uga xumaadeen falkaasi oo uu ku tilmaamay mid waxashnimo ah.
Shiikh Axmed Indha-Giir waxa uu sheegay in ay ku
raad joogaan ninkii ka dambeeyay falkaasi ayna ka raadin doonaan meel kasta oo
uu galo.
Shiikh Axmed waxa uu sheegay in ninka falka
gaystay uusan ka mid ahayn ciidanka Maxkamadda, sidoo kale waxa uu sheegay in
falka noocaas oo kale ah aysan ka fileyn maxkamadda iyo agagaarkeeda balse waxa
uu sheegay in ay ku dhacday qadar Alle, waxaa kalloo uu sheegay in ninka gaystay
uusan ka mid ahayn dadka dacwaddu u dhexeysay oo ay maalmahan Maxkamadda
Islaamiga ah ee Xararyaale ay ku howlaneed.
Xildhibaanada Baarla-maanka
oo lagu wargeliyey in Baydhabo ku soo xaroodaan...
Xildhibaanada Baarla-maanka oo iyagu isku
diyaarinaya in ay ka qaybgalaan kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka oo dhacaya
26-ka bishan ayaa waxay mas’uuliyiinta ugu sareysa ee Dowladda ku waragelinayaan
in 20-ka bishan ay xaadir ku ahaadaan Magaalada Baydhabo.
Mas’uuliyiintu waxa ay sheegeen in wixii ka
dambeeya 20-ka bisha loo howlgali doono qaabka ugu haboon ee looga qaybgali karo
kulanka, iyagoo sheegay in ay jiri doonaan shirar hordhac ah oo looga
arrinsanayo arrimaha shirka iyo sidii ay wada shaqeyn u dhex mari lahayd
Dowladda.
Dhawaan ayaa Xildhibaa-nada baarlamaanka waxaa loo
qaybiyay lacagihii ay ku tagi lahaayeen Magaalada Baydhabo si ay uga qaybgalaan
kulanka Baarlamaanka, iyadoo maalmahan Magaalada Baydhabo ay ku sii qulqulayeen
Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana maalintii shalay ahayd Magaalada soo gaaray
Wasiirka Beeraha Xasan Max’ed Nuur (Shaarguduud) oo mudo ka maqnaa Magaalada
Baydhabo
Xaabsade iyo Shaatigadud oo wadajir ah u
gaaray Magaalada Baydhabo..
Waxaa xalay maqribkii soo gaaray Magaalada
Baydhabo Wasiirka Beeraha Xasan Maxamed Nuur (Shaatigadud) iyo Xildhiban Maxamed
Ibraahin xaabsade ka dib socdaal dhulka ah oo ay uga soo ambabaxeen Degmada
Waajid ee Gobolka Bakool oo maalmahaan shir uga socday Xildhibaanada iyo
Masuuliyiin kale oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle oo uu ka dhexjiray
in muddo ah khilaaf siyaasadeed.
Imaatinka labadaab Masuul ayaa ku soo beegmay xili
uu soo dhamaaday kulankii Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle iyo
Magaalada Waajid ee ay uga arinsanayeen sidii uu u qabsoomi lahaa kulanka
Baarlamaanka ee lagu wado inuu 26-ka bishaan ka furmo Magaalada Baydhabo.
Inkastoo khilaaf siyasadeed uu ka dhexeeyey
siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle hadana Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud)
iyo Xildhiban Maxamed Ibraahin (Xaabsade) waxay ku dagaalamay gacan ku haynta
Magaalada Baydhabo ka dibna xoog looga saaray Magaaladaas maleeshiyadii
Shaatigadud balse heshiiskii hada ay ku gaareen masuuliyiinta Digil iyo Mirifle
Magaalada Waajid ka dib ayaa waxaa sigaar ah kulan u dhex maray Maxamed
Ibraahin Xaabsade, Sh. Aadan Madoobe iyo Shaargaduud oo ay uga wada hadleen
arimo hoose oo la xariira kulanka Baydhabo iyo amaanka Magaaladaas waxaana la
sheegay inay isla meel dhigeen arintaas.
Waxaa horey u yimid Magaalada Baydhabo Sh. Aadan
Madoobe Ibraahin Kiish-buur, C/lle Diirow Isaaq iyo xubno kale oo ay si wayn
isaga soo horjeedeen Maxamed Ibraahin Xaabsade oo asagu gacanta ku haya
Magaalada Baydhabo.
Shariif Xasan iyo
wafdi la socday oo gaaray Baydhabo.....
waxaa shalay duhurkii ka soo dagay garoonka
diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo Gudoomiyaha Barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya
Shariif Xasan Sh. Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soo ambabaxay Magaalada
Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo ay malmahaan ku sugnayeen madaxda ugu
sareysa Dowladda KMG ah sida Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo
Ra’iisal Wasaaraha.
waxaa Gudoomiyaha ku soo dhaweeyey dadwayne aad u
fara bada iyo Xildhibaano ku sugnaa Magaalada Baydhabo wuxuuna markii uu ka soo
dagay garoonka u gudbay hotelka uu ka degan yahay Magaalada oo uu kulamo kula
yeeshay qar ka mid xubnaha baarlamanka ee halkaasi ku sugan, Guddomiyaha Baar
lamaanka oo uu uga warbixiyey safarkiisii Magaalada Gaalkacyo iyo kulamadii
dhexmaray iga iyo labada masuul ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Shariif
Xasan Sh. Aadan ayaa maalmo ka hor u tagay Magaalada Gaalkacyo sidii uu shir
wada tashi ula soo yeelan lahaa Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra’iisasl Wasaare
Cali Maxamed Geeddi oo ayagu ku sugam Magaalada gaalkacyo, waxa uu sidoo kale u
tagay Magaalada Gaalkacyo sidii loo dhamay lahaa khilaf ka dhex jiray isga iyo
Ra’iisal Wassare Cali Maxamed Geeddi oo salka ku haya fadhiga Baarlamanka ee ka
dhacaya Baydhabo iyo eedo uu Ra’iisal Wasaaruhu ka tirsanyo Gudoomiyaha
Barlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan oo la xariira gudiyo uu u magacaabay
qabsoomidda kulankaas.
Wararkii ugu dambeeyey ee
Magaalada Gaalkacyo...
sedexda nin ee ugu sareysa
Dowladda KMG ah ee kala ah Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha Baar
lamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa
shalay meel fagaare ah uga dhawaaqay inay dhameeyeen khilaafaadkii u dhexeey
isla markaana ay iska afgarteen sidii loo wadi lahaa howlah horyaala Dowladda
KMG ah ee Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo ay shalay ku
qabteen hotelka taar ee ku yaala Magalada gaalkacyo ayey kaga dhawaaqeen inay
soo afjareen madmadowgii siyasaded u dhexeyey masuulyiinta Dowlada gaar ahaan
3-masuul ee ugu sareysa, waxaana halkaas laga aqriyey warqad qoraal ah oo ay ku
cad yihiin heshiiska ay gaareen Madaxweynaha , Ra’iisal Wasaraha iyo Gudoomiyaha
Baarlamaanka,
Wasiirka Tacliinta Sare Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen
ayaa aqriyey qodobada ay gareen waxa ayna ku sheegeen inuu dhamaaday kala aragti
duwanaashihii u dhexeeyey dhaxdooda, waxaa goob joog ka ahaa goobtii heshiiskas
looga dhawaaqayey Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda KMG ah,
heshiiskaan ayaa waxaa ka horeeyey heshiis ay Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo
Gudoomiye Shariif Xasan ku soo gaareen Magalada Cadan ee dalka Yemen horaantii
bishii Janaayo taas oo ay ka dhalatay in Baarlamaanku yeesho kulan guud oo lagu
dhamaynayo khilaafaadka.
Banaadir oo loo aqoonsaday Idaacadda keliya ee
ka diiwaangashan dalka...
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa
shalay ka dhacday xarunta Idaacadda Banaadir, waxayna xafladdaasi ku saabsaneyd
shahaadooyin, bilad sharaf iyo koobka sanadka 2006-da, iyo soo dhaweynta
sanadguurada lixaad ee ka soo wareegtay aasaasidii Idaacadda Banaadir. Inta
aysan xafladdu bilaaban ayaa waxaa halkaasi lagu soo bandhigay shahaadooyinkii,
bilad sharafihii iyo koobkii sanadka 2006-da, iyadoo koobka iyo shahaado
sharafta ay ku guuleysatay Gabar lagu magacaabo Amaal Amiin Siciid oo iyadu
kaalinta labaad ka gashay qiimeyn ay sameysay wasaaradda warfaafinta ee Masar
iyadoo kaalmaha koowaad iyo saddexaad ay kala galeen wadamada Mareykanka iyo
Faransiiska.
Xafladaasi waxaa ka hadlay
xogahaya umar Max’ed Cabdule (Cumar Dhegeey) oo isagu u mahadceliyay maamulka
iyo shaqaalaha Idaacadda Banaadir oo uu sheegay in Soomaaliya ay u soo hooyeen
guul wax ku ool ah oo dhinaca warbaahinta Soomaaliyeed, kadib markii ay buuxisay
booskii warbaahinta ee Jaamacadda Carabta, sidoo kale waxa uu u mahadceliyay
Amaal Amiin Siciid oo iyadu kaalinta labaad ka gashay qiimeyntii wasaaradda
War-faafinta ee Masar iyo waliba iyo Idaacadad Banaadir ay noqotay Idaacadda
keliya ee soomaaliyeed ee ka diiwaan gashan dalka Masar.
Waxaa kalloo ka hadlay Ibraahim
Rooble oo isna ku hadlayay magaca Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa waxa uu
sheegay in Idaacadda Banaadir ay tahay Idaacad u shaqeysa bulshada Soomaaliyeed
gaar ahaan dhinaca nabadda iyo Isboortiga, waxaa kalloo halkaasi ka hadlay Cabdi
Aadan Guuleed oo ku hadlayay magaca saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka qaybgashay
xafladaasi ayaa waxa uu sheegay in guushaan ay soo hoysay Idaacadda Banaadir ay
tahay guul u soo hoyatay saxaafadda xorta ah ee Soomaaliyeed.
Waxaa kalloo ka hadlay
agaasimaha Idaacadda Banaadir Axmed Cali Dhegweyn (Axmedna) oo isagu sheegay in
Idaacadda Banaadir ay tahay Idaacad mar kasta ku shaqeysa rabitaanka Shacabka
waxa uuna u mahadceliyay Dowladda Masar gaar ahaan wasaaradda War-faafinta oo uu
sheegay in ay dhiiragelin siisay saxaafadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay Amaal Amiin Siciid
oo iyadanu sheegtay in aad ugu faraxsan tahay xafladaan qiimaha badan ee loo
sameeyay, waxay kalloo sheegtay in halkaa ka sii wadi doonto dadaalkeeda ku
aadan sidii ay saxaafadda Soomaaliya kor loogu qaadi lahaa, iyadoo dhawaan ay
dib ugu laaban doonto dalka Masar.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Shir ay shalay Beesha Wacbuudhan
Abgaal ku yeelatay magaalada London loogana hadlayay xarriga Nabadoon Xassan
Xussein Jilibeey
Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Siyaasiyiin,
Aqoonyahanno, Saraakiil, iyo Culuma'udiin ayaa looga dood iyo falanqeyn
dheer ka dib laga soo saarey qoraal maanta (Feb 13) loo gudbiyay
Guddoomiyaha Xamar & Xamar daye Macallin Xaashi Maxamed wuxuuna qoraalkii u
dhignaa sidatan:-
Ku: Macallin Xaashi Maxamed
Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka Beesha
Wacbuudhan Abgaal una dhaqan magaalada London ee dalka Ingiriiska kuna
saabsanaa xarriga Nabadoon Xassan Xussein Jilibeey, dood iyo falanqeyn dheer
ka dib waxay isla garteen in ay kuu soo jeediyaan codsigan:-
Adigoo tixgalinaya wada dhalasha beelaha
Wacbuudhan kaa codsaneynaa adigoo ah odeygii beesha haatanna ah mas'uulka
ugu sarreeya ee xagga nabadgalyada degaanka in aad sii deysid ninkaa odeyga
ah isla markaana ah Nabdoon ka tirsan beelaha Wacbuudhan Abgaal.
Waxaan mar labaad kaa codsaneynaa adiga in aad
aqbasho codisgii aan kuu soo jeedinay.
waxaa saxiixay:-
1. Dr. Xassan Maxamuud Cali "Baseey"
2. Dr. Xassan Cali Nuur
3. Xassan Macallin Maxamed
4. Cali Caddow Maxamed "Cali Jarmal"
5. Xaaji Xassan Buulle "Xaaji Qaroofoow"
6. Col. Xussein Xassan
7. Abuukar Cali Jimcaale
8. Axmed Xassan Afrax "Matoote"
9. C/raxmaan Ibraarim Kiimiko
10. C/kariin Xassan Farey
11. Sheikh Maxamed Muumin
12. Maxamed Ibraahim Dayniile
13. Maxamed Yuusuf Macallin
14. C/naasir xassan Xussein
15. Maxamed Cali Gacal
16. Xassan Afamaato
Mahadsanid
Wariye Alasow
London, UK
alasow73@hotmail.com
Muslimiinta Wadanka Holland oo aad uga
xumaaday hadalkii ka soo yeeray Ayaan Xirsi..
Muslimiinta ku nool wadanka Holland ayaa si
aad ah uga carooday hadalkii Ayaan Xirsi Cali oo ay ku taageertay sawirkii
lagu aflagaadeeyay Nabiga (NNKH) ee lagu soo daabacay qaar ka mid ah
wargeysyada wadamada Yurub oo ugu horeeyo wadanka Denmark, iyadoo ku
tilmaantay wargeyska in uu ku saxnaa in uu soo bandhigo sawirkaasi, waayo
waxay tilmaameysaa xoriyadda Saxaafadda, waxayna hadalkaasi Muslimiintu ku
tilmaameen mid gef ku ah diintooda iyo Nabigoodaba. Waxay ka codsadeen
dowladda in ay talaabo ka qaado Haweeneydaasi, maadaama ay sii kicisay
carrada ummaddaha Islaamka oo waayadaani aad uga carreysnaa sawiraadaas.
“Inkastoo inta badan Gaaladu ay ka cudurdaarteen gefkaas haddan Ayaan Xirsi
waxay sii danqisay Boogtii” ayuu yiri nin Soomaali ah oo degan wadanka
Denmark, oo intaas sii raaciyay Ayaan waan og nahay in ay ka baxday diinta
Islaamka, laakiin wixii dhibaato ah oo ka yimaada hadalkaasi waa mid ay
dusha u ridan doonto mas’uuliyadeeda”. Ayaan Xirsi Cali waa Gabar asal ahaan
ka soo jeeda wadanka Soomaaliya balse haysata dhalshada wadanka Holland ka
mid ah xildhibaanada Baalramaanka wadankaasi, ayaa kal horey waxay wax ka
sameysay Filim loogu gefayay Diinta Islaamka iyo gabadha muslimiinta ah
taasoo si weyn uga carreysiisay dadka Islaamka meel kasta oo ay joogaan
waxayna aakhiritaankii keentay in la dilo ninkii soo saaraha ka ahaa
filimkaasi oo lagu magacaabo Van Goh, waxaana dilkiisa gaystay nin asal
ahaan ka soo jeeday wadanka Marooko oo haatanna ku xiran xabsi ku yaala
Wadanka Holland. Ayaan Xirsi wixii waqtigaasi ka dambeeyay waxay ahayd
Haweenay nafsadeedu ay halis gashay waxaana soo gaarayay mar kasta hadalo
hanjabaad ah oo lagu leeyahay waa lagu dili doonaan goor ay ahaataba,
waxaana haatan ilaalia ciidamo booliis ah oo la socda dhaqdhaqaaqeeda meel
kasta oo ay u bixayso.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 14, 2006 »Warbixin
& Tacsi: Geeridii Garaad C/qani Garaad
47-ruux oo Abaar ugu Dhintay Deegaano ka mid ah
Gobolka Gedo
»Isbitaalka
Dhimirka Qaranka oo laga furay Muqdisho
»Dil
Xalay ka Dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo
»C/lhi
Yuusuf “K/Gaalkacyo waxay ka mid tahay Putland..
»C/Naasir
Seerjito oo lagu dhaawacay agagaarka Maxkamada
»Musharax
cusub oo ku soo biiray xiriirka kubadda Cagta..
»Abuu
Xamza “Kenya waxay sameysey Xukun layaab..
»Jaaliyadda
Gobalka Gedo ee Yurub oo deeq gaarsiiyey...
iyo Warar
GooGoos ah ka akhri halkan... Guji.. Feb 13
»Duq
Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka
loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu.. »Denmark
oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa.. »Fikirkiisa
Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!! »OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»HADDII NABIGII ALLE
LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON? |