WARARKII Feb
15, 2006
-
Xildhibaano
ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka digay in shirka baydhabo ay ka soo
qaybgalaan..
-
Cumar Xaashi Aadan “Mudadii
aynu kala maqneyn xubnaha Dowlada cid meel gaarta waa la waayay”
-
Dagaalo ay dad ku dhinteen
oo shalay ka dhacay Magaalada kismaayo…
-
Dugsiga 11-ka Janaayo oo
lagu qabanayo shirka Baarlamaanka ee Baydhaba ka dhacay...
-
C/llaahi
Yuusuf oo la kulmay Xildhibaanada iyo Wasiirada Dowladda kaga jira Beelaha Sacad
iyo Suleymaan..
-
Beelaha
Biyamaal iyo Geledi oo heshiis ka gaaray khilaafyo mudo u dhexeeyay...
-
Kulan ay isugu yimaadeen
guddigii loo xilsaaray dhameynta khilaafka beelihii ku dagaalamay deegaanka
Galgalato oo...
-
Bas ay saarnaayeen Arday ka
tirsan Dugsiga Hoyga Xamar oo lagu weeraray agagaaraka …
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Xaflad isugu jirtay
sagootin iyo dardaaran oo loo sameeyay xubnaha
labada Gole ee ku sugan Muqdisho..
Waxaa maalintii shalay ahayd Xaflad isugu
jirtay sagootin iyo dardaaran loo sameeyay xubnaha
labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo isku
diyaarinaya in ay ka qaybgalaan kulanka Baarlamaanka oo
26-ka bishan lagu qaban doono Magaalada Baydhabo,
waxaana xafladaasi soo qaban-qaabiyay xubnaha Gobalka
Banaadir, waxaana xafladaani ka qaybgalay mas’uuliyiinta
Hay’adaha samafalka, Ururada Bulshada, Dalladaha
waxbarashada iyo ganacsatada iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay
Madiino Maxamuud Cabdi (Madiino Janaraal) oo ahaa
Haweenkii horseedka u ahaa in ay dhacdo xafladaani,
waxayna tiri “waan idin soo dhaweenay, waana idin
sagootineynaa, waana idin sugeynaa”, waxay intaas sii
raacisay “ma dooneyno khilaaf dambe oo u dhexeeya
xubnaha Dowladda, waxaana ballanqaadeynaa in aan la
shaqeeno Dowladda, Haddii idinka oo is khilaafsan aad
Baydhabo ku kala tagtaan hanagu soo laabanina”.
Waxaa kalloo isna halkaasi ka hadlay
Xuseen Xaaji Bood oo isna u mahadceliyay intii soo
qaban-qaabisay xafladaasi gaar ahaan Haweenka Gobalka
Banaadir, “Baydhabo waa gobal ka mid ah Gobalada dalka
waxaana rajeynaynaa in halkaasi lagu soo dhameeyo wixii
khilaafaad ah oo u dhexeeya dowladda, waayo shacabka
Soomaaliyeed waxay xiligaani u baahan yihiin dowlad,
ciddii ka hor timaadana way la diriri doonaan”, ayuu
yiri Xuseen Xaaji Bood oo in taa raaciyay “haddii aad
khilaafkaan soo afjartaan waxaan idiin ballanqaadeynaa
in aan Balli-Doogle idinkaga hor imaadno”.
Waxaa kalloo ka hadlay C/llaahi Max’ed
Shirwac oo isna ku hadlayay magaca bulshada Rayidka ah
waxa uuna u mahadceliyay Haweenka Gobalka Banaadir oo
iyagu soo qaban-qaabiyay xafladaasi, waxa uuna sheegay
in Haweenku yihiin kuwii weligood garab taagnaa hanaanka
Nabadda ee Soomaaliya, iyagoo doonayay mar kasta in
dalku uu helo Dowlad.
Mar uu ka hadlayay dhinaca abaaraha waxa
uu sheegay in dalka ay haatan ka jirto dibaato aad u
baaxad weyn oo ay sababeen abaaraha waxa uuna ka
codsaday Xildhibaanada in midkiiba uu bixiyo labo Boqol
oo Doolar, Dr. C/casiis Xaaji Gacal oo isna halkaasi ka
hadlay waxa uu yiri “waxaa ceeb ah in arday aan waxba
haysan aan maanta niraahno kaalmo na siiya, waxaana
arrintaasi sabab u ah Dowlad la’aanta haysata shacabka
Soomaaliyeed”.
Sidoo kale waxa ka hadlay Maxamuud
C/kariin Gabeyre oo ku hadlayay magaca ganacsatada
Soomaaliyeed waxa uuna sheegay in ganacsatada
Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan
Dowladda, balse loo baahan yahay in Dowladdu ay soo
afjarto wixii khilaafaad ah oo dhexdeeda ah.
Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) ayaa
isna u mahadceliyay Xildhibanaadii iyo Wasiirada mudada
sanadka iyo barka ahayd la qaybsaday dhibaatada
walaalahooda ku nool Gobalka Banaadir, isagoo sheegay in
inta kalana looga baahan yahay in ay cafis weydiistaan
shacabka Gobalka Banaadir.
Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa waxa
uu isna sheegay in xildhibaanada looga baahan yahay in
ay dabacsanaan muujiyaan si loo gaaro nabad iyo dib u
heshiisiin dhab ah, “waa in aad dantiina ka hor marisaan
danta ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Cabdi Qaybdiid,
sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Maxamuud Cumar
Tootoow oo ah Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gobalka
Banaadir wuxuuna u mahadcelin u jeediyay intii soo
qaban-qaabisay xafladaasi, waxa uuna u soo jeediyay
Xildhibaanada in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada
Muqdisho oo uu sheegay in ay tahay Caasimadda
Soomaaliya.
Cumar Xaashi Aadan oo ku hadlayay magaca
Xubnaha labada Gole ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu
sheegay in ay ka shaqeyn doonaan danta ummadda
Soomaaliyeed gaar ahaan sidii ay dowladdu ugu soo laaban
lahayd Magaalada Muqdiso, balse waxa uu bulshada rayidka
ah u soo jeediyay in inta ay ka maqan yihiin Magaalada
ay ka sii shaqeeyaan sidii loo furi lahaa Dekedda iyo
waliba Garoonka Diyaaradaha.
“Mudadii ay kala maqnaayeen Xubnaha
Dowlada cid meel gaarta waa la waayay maanta waxay dantu
ka badin waysay in la isku soo gurguurto, maadaama la
soo taabtay runtu waxa ay ahayd” ayuu yiri Cumar Xaashi
Aadan oo sheegay in dhibaatada Soomaaliya haysata ay
tahay faragelin siyaasadeed, sidoo kale waxaa hadlay
C/qaadir Xaaji Dhaqane oo ah wasiiru Dowladaha Xafiiska
Ra’isul Wasaaraha ayaa isna waxa uu sheegay in
dhibaatada Soomaliya haysata ay ugu wacan tahay fulinta
dano shisheeye, iyadoo intii ay xafladdu socotay ay
halkaasi dadka ku maaweelinayeen Maki Xaaji Banaadir iyo
Abwaanad Sacdiya.
|
Xildhibaano
ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka digay in shirka baydhabo ay ka soo
qaybgalaan..
Qaar ka mid ah
Xildhibaanada Baarmaanka kuna sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay diideen in
kulanka Baarlamaanka ay ka soo qaybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda
Itoobiya, waxayna sheegeen in arrintaasi ay keeni karto in gebi ahaanba uu
fashilmo shirka Golaha Baarlamaanka. “Shirkii dhacay 17-kii Bishii Maarso ee
sanadkii hore waxaa shirakasi rashiliyay Dowladda Itoobiya, iyadoo garab
siineysa qaar ka mid ah Xubnaha Dowladda” ayay yiraahdeen xildhibaanadaasi
waxayna intaasi sii raaciyeen “Dowladda waa midda keentay in dowladda ay kala
degto Magaalada Muqdisho iyo Jowhar isla markaana ay hub siisay qaar ka mida h
Dowladda Federaalka”. Shirkaan ayaa lagu martiqaaday ilaa iyo saddex boqol oo
ergo oo ka kala socda Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika,
Jaamacadda Carabta, IGAD iyo dalalka deeqda bixiya. Shirka Baydhabo oo la filayo
in goob ka joog sidoo kale ka noqdaan mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda oo ay
ka mid yihiin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa su’aasha
taagan waxa ay tahay ma noqon doonaan mid ku dhamaada si nabadgelyo ah, maadaama
Xildhibaanada horey looga bartay gacan ka hadal, af-lagaado iyo wixii la mid ah,
iyadoo Xildhibaanadii Baarlamaanka ee ku sugan Muqdisho ee loo sameeyay xafladda
la daawad siiyay Filimkii laga duubay 17-kii Maarso markii gacan ka hadalku dhex
maray Xildhibaanada, waxaana looga digay Xildhibaanda in fal noocaan oo kale ah
ku kacaan.
Cumar Xaashi Aadan “Mudadii
aynu kala maqneyn xubnaha Dowlada cid meel gaarta waa la waayay”
Cumar Xaashi Aadan oo ku
hadlayay magaca Xubnaha labada Gole ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay
in ay ka shaqeyn doonaan danta ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan sidii ay dowladdu
ugu soo laaban lahayd Magaalada Muqdiso, balse waxa uu bulshada rayidka ah u soo
jeediyay in inta ay ka maqan yihiin Magaalada ay ka sii shaqeeyaan sidii loo
furi lahaa Dekedda iyo waliba Garoonka Diyaaradaha.
“Mudadii ay kala maqnaayeen
Xubnaha Dowlada cid meel gaarta waa la waayay maanta waxay dantu ka badin waysay
in la isku soo gurguurto, maadaama la soo taabtay runtu waxa ay ahayd” ayuu yiri
Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in dhbaatada Soomaaliya haysata ay ugu wacan tahay
faragelin shisheeye oo ay ku hayaan qaar ka mid ah Dowladaha deriska ah iyo
dowladdu kale, waxa uuna u soo jeediyay Bulshada Soomaa-liyeed in ay ka
digtoonaadaan dibindaabyada ay wadaan dowladahaasi, kuwaas oo uu sheegay in
aysan dooneyn in Soomaali ay hesho dowlad iyo kala dambeyn balse ay isaga sii
jirto burburka iyo dhibaatada.
Dagaalo ay dad ku dhinteen
oo shalay ka dhacay Magaalada kismaayo…
Wararka
naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in maalintii shalay ay
halkaasi ka dhaceen dagaalo u dhexeeyay kooxo maleeshiyo ah oo ka wada tirsan
Isbahaysiga Dooxadda Jubba.
Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka fudud iyo midka culus ayaa waxaa ku
dhintay afar waxaana ku dhaawacmay dhowr kale.
Dagaalkaan oo sabab u ahaa markii kooxo maleeshiyo ah oo ku sugnaa Duleedka
Magaalada Kismaayo ay soo galeen Magaaladaasi taasina ay keentay in ay qalqal
geliyaan nabadgelyadii Magaalada, warar kale ayaa waxay sheegayaan in
dagaalkaasi ku bilowday markii nin lagu dhex dilay Magaalada Kismaayo kaddibna
ay isku bedeshay aano qabiil.
Barre
Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ah Guddoomiyaha Isbahaysiga dooxadda Jubba ahna
Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Dowladda Federaalka ayaa waxa uu soo
saaray wareegto uu ku mamnuucaayo in wax hub ah aan lala dhex mari karin
Magaalada Kismaayo.
Dadweynaha Magaalada kismaayo oo iyagu ka daalay dagaalo sokeeye oo soo noq
noqday ayaa shalay dhigay banaanbax ay ku cabanayeen, waxayna ku dhawaaqayeen
“Dagaal dambe doonimeyno”.
[Warar Dheeraad ah oo
kusaabsan dagaalak Kismaayo hoos ka akhri]
Dugsiga 11-ka Janaayo oo
lagu qabanayo shirka Baarlamaanka ee Baydhaba ka dhacay...
Kulan ay shalay
isugu yimaadeen xubnaha labada Gole ee beelaha Digil iyo Mirifle uuna shir
gudoominayay Guddoomi-yaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh ayaa waxaa
looga hadlay qaabka loo soo dhawenayo xubnaha Baarla-maanka iyo sidii looga
shaqeyn lahaa nabadgelyada Magaalada Baydhabo, sidoo kale waxaa isla soo qaaday
halka lagu qabanayo kulanka Baarlamaanka.
Dood iyo dheer iyo
falanqeyn kaddib ayaa waxaa la isku afgartay in kulankaasi lagu qabto Dugsigii
sare ee 11-ka Janaayo kaddib markii xildhibaanadu ay isku raaceen in meeshaasi
ay tahay goobta ugu haboon ee lagu qaban karo kulankaasi.
Guddoomiyaha iyo
Xildhibaanadii la socday ayaa markiiba waxay kormeer ku tageen dugsigaasi oo leh
hool aad u weyn iyadoo dhowrka maalmood ee ka haray shirkana dayactir lagu
sameyn doonto dugsigaasi, inkastoo uu ka mid yahay meelaha keliya ee ka
badbaaday dagaaladii sokeeye oo aan waxyeelo sidaas ah ka soo gaarin.
C/llaahi
Yuusuf oo la kulmay Xildhibaanada iyo Wasiirada Dowladda kaga jira Beelaha Sacad
iyo Suleymaan..
Wararka naga soo
gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobola Mudug ayaa sheegaya in magaaladaas
uu kulan ku dhex maray madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xildhibaanada ka soo
jeeda beelaha Sacad iyo Suleymaan oo waayadan ku dagaalamayey gobolada dhexe ee
dalka Soomaaliya.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa kula kulmay magaalada Gaalkacyo xubno ay ka mid
ahaayeen wasiirka Hawlaha guud Cusmaan Cali Cali {Caato} wasiirka horumarinta
reer Miyiga Max’ed Max’ud Guuleed {Gacma dheere} Wasiiru dowlaha Badda iyo
Dakadaha Max’ed Jaamac Furux, Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle {Xaaf} iyo
mas’uuliyiin kale waxeyna kawada arrinsadeen sidii loo dhammeyn lahaa dagaalada
dhiiga badani ku daatay ee u dhaxeeya labada beelood.
Waxey
isla garteen in loo istaago joojinta dagaalka iyo in si wada jir ah loogu
ambabaxo deegaanada ay colaadaha ka socdaan iyo in heshiiskaani uusan noqonin
kuwii hore oo kale, kulankaasi oo uu ka hadlay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayuu
ka codsaday mas’uuliyiinta labada beelood iney ka dhabeeyaan nabadda iyo iney si
wadajir ah uga qeyb qaataan joojinta dagaalka.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wuxuu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah ay
u booqdaan meelaha ay kala joogaan labada ciidan si loo helo niyadsami iyo
kalsooni dhex martay labada ciidan, waxaa uu sheegay ineysan micno keeneynin in
qolo walba ay gaarkeeda u aaddo deegaanadeeda balse ay ka wanaagsan tahay iney
si wadajir ah goob kasta, shir kasta iyo shaqo kasta ay isku duubni uga wada
qaybqaataan, xildhibaanada labada beelood ayaa ayaguna sheegay inay ka
go’antahay dhamaynta colaaddas.
Beelaha
Biyamaal iyo Geledi oo heshiis ka gaaray khilaafyo mudo u dhexeeyay...
Shir ay isugu
yimaadeen Ugaasyada, Malaaqyada, Nabad-doonada, Culimaa’udiinka, Siyaa-siyiinta
iyo dhalinyarada beelaha Biyomaal iyo Geledi ayaa shaaca looga qaaday in wixii
khilaaf ahaa ee u dhaxeeyey labadaasi beelood oo soo bilowday sida ay sheegeen
xiligii gumeysiga kuwaasoo dagaalo xun oo dad badani ay ku dhinteen uu dhex
maray labadaasi beelood heshiis laga gaaray.
Warsaxaafadeed
shalay ka soo baxay shirkii ay yeesheen kaddib ayaa lagu shaaciyey in la
dhameeyey khilaafkii u dhaxeeyey beelahaas, “Fajiistihii Talyaaniga iyo kuwii
gaalo raaca ahaa colaaddii ay na dhex dhigeen maanta si wadajir ah oo daacadnimo
ayaan uga heshiinay haddii aan nahay maguurtida beelaha Biyomaal iyo maguurtida
Geledi, heshiiskeenuna wuxuu noqon doonaa mid joogto ah ilaa adduunku jiro” ayaa
lagu yiri warsaxaafadeedkaasi.
Heshiiskan ay
gaareen beelaha walaalaha ah ayaa sida warsaxaafadeedkan lagu sheegay waxaa qeyb
weyn ka qaadatay dowladda KMG ah iyagoo sheegay iney ugu mahadcelinayaan
dadaalkii ay u galeen xallinta khilaafaadkooda, waxaana xalinta khilaafaadkaas
goob joog ka ahaa dhamaan xubanaha Golaha Maguurtida Biyomaal iyo Geledi,
waxaana ku saxiixnaa, Guddoomiyaha Golaha Maguurtida Biyomaal Eng. Ibraahim
Maadey Axmed, Max’ed Sheekh Cumar, Col. C/llaahi Cali, Ugaas Xaaji Max’ud Muudey
iyo Ugaaska Jubbooyinka Ugaas Max’ed Nuur Garaad iyo xubno kale, dhinaca beesha
Geled waxaa uga saxiixnaa, Guddoomiyaha Degmada Afgooye, Eng. Miikaa’iil Sh.
Cabdi Axmed, Ugaas Xaaji Muuse Baane Rooble, Axmed Max’ud Geesey {Afwaas}
Nabadoon Axmed Cabdi Abuukar iyo xubno kale.
Kulan ay isugu yimaadeen
guddigii loo xilsaaray dhameynta khilaafka beelihii ku dagaalamay deegaanka
Galgalato oo...
Waxaa maalintii shalay aheyd
Hotel Binu-Cali kulan isugu yimid guddigii loo xilsaaray dhammeynta khilaafkii
beelihii ku dagaalamay deegaanka Galgalatao ee degmada Kaaraan, waxaana
kulankaasi soo qaban qaabiyey ku simaha guddoo-miyaha ahna guddoomiye ku
xigeenka arrimaha nabadgelyda gobolka Banaadir Max’ed Cismaan {Dhagaxtuur}.
Kulankaasi ayaa warbixin laga
dhageystay guddigii loo xilsaaray arrintaasi waxeyna sheegeen iney u baahan
yihiin in gacan lagu siiyo hawlahooda si loo dhameeyo khilaafka.
Max’ed Cismaan {Dhagaxtuur}
ayaa waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu wakiil ka yahay dowladda
uuna mar kasta u taagan yahay sidii uu nabad u dhex dhigi lahaa beelaha
Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in gobolka uu kaabi doono guddiga loo xilsaaray
khilaafkaasi, wuxuuna u soo jeediyey guddiga in hawlahooda ay dardar galiyaan,
si loo afjaro kulankaasi oo ay ka qeyb galeen waxgarad, odayaal, siyaasiyiin iyo
aqoonyahano kasoo wada jeeda beesha Mudulood ayaa waxaa ka mid ahaa xubnihii
halkaasi goobjoooga ka ahaa Sh. Axmed Siyaar, Sh. Xasan Cadde, Max’ed Max’ud
Shamuuq, Xaaji Yuusuf Max’ed iyo xubno kale.
Bas ay saarnaayeen Arday ka
tirsan Dugsiga Hoyga Xamar oo lagu weeraray agagaaraka …
Gaari ay saarnaayeen arday wax
ka barata Dugsiga Xanaanada ee Hoyga Xamar ayaa mar uu marayay agagaarka jidka
Warshadaha gaar ahaan waaxdii dhul bixinta ayaa waxaa weerar ku qaaday koox
dabley ah waxaana, halkaasi ku dhaawacmay labo arday iyadoo lix arday oo kalana
ay kooxdii dableyda ahayd ku kaxaysteen gaarigii.
Ardayda saarneyd gaariga oo
gaareysay 40 ayaa waxaa carruurtaasi ku dhacay qalqal iyo walbahaar iyagoo
qaarkood buugaagtoodii iyo kabahoodii ay ka carareen intii ay ka boodayeen
gaariga.
Ma ahan markii ugu horeysay oo
arday saaran Bas la weeraro, kal hore ayay ahayd markii arday dhigeynasay
Dugsiga Hoyga Xamar la weeraray iyadoo kooxdii dableyda ahayd kooxdii dableyda
ahayd gaarigii la galeen dhinaca deegaanka Madiina.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 15, 2006
4 qof oo si gooni gooni ah maanta loogu dilay
gudaha magaalada kismayo
Feb 14, 2006
Waxaa maanta lagu dilay gudaha magaalada
Kismayo afar qof halka shan kalan lagu dhaawacay kadib markii falal israsaseen
ah oo kala gooni goni ah ay maleeshiyo hubeysani ku dhex mareen gudaha magaalada
Kismyo.

Afartaan qof ee maanta la dilay ayaa sadex ka
mid ah waxaa ay ku dhinteen kadib markii ay tacshiirad daqiiqado socotay ay is
weydaarsadeen maleeshiyo ka tirsan maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo waliba
maleeshiyo ka mid ah maleeshiyooyinkii dhawaan laga soo xareeyay jasiirada
Kooyaamo ee ku beesha ah co. Cabdi Cigaal ayadoo midka dhintay uu ka mid ahaa
maleeshiyooyinka ka tirsan maamulka Isbahaysiga halka labada kalana ay ahayeen
dad shacab ah oo markaasi ku sugnaa halka ay tacshiirada isku weydaarsadeen
labadaasi maleeshiyo waxaana sidoo kala halkaas ku dhaawacmey shan qof oo shacab
ah ayadoo goobta ay tacshiida isku weydaarsadeena ay ahayed halka loo yaqaano
Aargo oo ku taala bartamaha magaalada kismayo ahana goobaha ugu dadka badan
kismayo
Qofka kale ee dhintay ayaa waxaa uu ahaa nin
shacab ah oo maleeshiyo hubeysani ay si aar gudahso ah oo daba socotay falkii
dilka ah ee sadexda qof lagu dilay ay ugu dileen gudaha magaalada kismayo
waxaana maanta dhamaanba heegan la galiyay ciidanka amaanka ee maamulka
Isbahaysiga Dooxada Jubba si ay weerar ugu qaadaan ciidanka labadii habeen ee la
soo dhaafay falalka dilka ah ka waday magaalada kismayo ayadoo haatana laga
cabsi qabo in uu dagaal ka bilowdo xaafada Guulwade ee bariga magaalada kismyo
oo ay haatan fariisn ka dhigteen ciidanka gadoodka ah ee ku hayebta ah co.Cabdi
Cigaal waxaana la saadaalinayaa in dagaal la mid ah kii 15 jenuary ka dhacay
daaraha dhaadher ee ku yaala xaafada calneley ee magaalada kismayo uu ka dhaco
xaafada guul wade ee haatan ay maleeshiyoyinka isku hor fadhiyaan inkastoo uu
hatan arintu ku dhex jiro gudoomiye ku xigeenka isbahaysiga mr Seeraar.
dhanka kale waxaa galabta ka dhacay magaalada
kismayo banaanbax balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen ururada bulshada kasoo
looga soo horjeeday dagaal lagu hoobto oo mar kale ka dhaca gudaha magaalada
kismayo kasoo dhex mara dadka walaalaha ah ee ku wada dhaqan deegaankan
cabdi khadar Nuur
cabdiqadar84@hotmail.com
Xaabsade
iyo Shaatigadud oo si wadajir ah u gaaray Magaalada Baydhabo..
Shariif Xasan iyo wafdi la socday oo
gaaray Baydhabo
Wargelin:
Xildhibaanadu haku soo xaroodaan Baydhabo
iyo Warar
GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Feb 14
»Duq
Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka
loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu.. »Denmark
oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa.. »Fikirkiisa
Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!! »OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»HADDII NABIGII ALLE
LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON? |