Xaflad Sagootin ah oo ay qabsadeen Ardayda
Soomaaliyeed ee India
Xaflad si heer sare loo soo qabanqaabiyay ayay
samaysteen ardayda somaliyeed ee India, xafladaas oo ulajeedadeedu ahayd
Sagootin loo samaynayay Arday Somaliyeed oo dhamaystay Waxbarashadiisii.
Ardaygan oo Magiciisa la yiraahdo Saciid Xuseen
Ciid ayaa wuxuu dhamaystay herkiisi waxbarasho isagoo qaatay Shahaadooyinka kala
ah, Master of Business Administration (MBA), Post Graduation of Foreign Trading
Management (PGFTM) iyo Diploma in Personality Development (DPD).
Xafladan
oo si heersare ah u dhacday ayaa waxaa ka soo qayb galay Ardayda Somaliyed ee
ku nool magaalada Hyderabad ee gobolka Andhra Pradesh(AP), Odayaal iyo
aqoonyahano, waxaa laga soo jeediyay Khudbado kala duwan oo taabanay
faaiidooyinka Waxbarashadu ay u leedahay Aadanaha.
Xafladan qaybihii ugu Muhiimsanaa ee lagu soo
qaatay aya waxay ahayd sidii loo hormarin laha waxbarashada Ardayda Somaliyeed
isla mar ahaantaana loo takulayn lahaa Ardayga cusub ee u yimid halkan
waxbarasho.
Arday u hadlayay Ardayda cusub oo la yiraahdo
C/raxmaan Weydooy ayaa wuxuu eedayn u soo jeediyay Ardaydii uga soo horreysay
halkan oo uu sheegay inaysan siinin macluumaaad dhamaystiran oo ku saabsan
halka ay wax ka bilaabayaan iyo meelaha ugu muhiimsan ee uu ka heli karo Ardayga
cusub waxbarasho tayadeedu sarrayso.
Sidoo kale ayaa Mr Waydooy uu ku eedeeyay
Ardayda Somaliyed ee India inaysan lahayn urur mideeya dhammaan Ardayda India
wax ka barata halka uu sheegay inay jiraan ururro ku dhisan maamul goboleedyada
ka jira dalka oo ardaydii isku gobol ka timidba ay samaysteen Urur taasoo uu ku
tilmaamay Mr Waydooy nasiib xumo.
Xafladan ayaa waxaa lagu soo bandhigay in
Ardayda Cusub ee u yimid inay wax bartaan loo sameeyay web-page ay ka helaan
Xogta waxbarasho ay u baahan yihiin sidoo kalena looga caawin lahaa wax walba ay
u baahan yihiin.
Ardayda somaliyeed ayaa webkan waxay ka heli
karaan jaamacadaha ugu muhiimsan ee ka jira India iyo waxyaabaha ay bixiyaan.
Web page-kan ayaa waxaa aasaaskiisii iyo qaab
dhismeedkiisiba si wayn isugu mashquuliyay Arday Somaliyeed oo ka mid ah Ardayda hada dhamaysatay waxbarshadoodii oo la
yiraahdo Sheekh Nuuradiin. Websiteka ayaa wuxuu yahay
www.somhindia.com
Professor Hindi ah “Somalidu waa Dadka ugu fahamka badan marka loo eego
ajaanibta kale ee Hindia wax ka barata”
|
Waxaa sidoo kale halkaa hadal qiimo leh ka
jeediyay Sheekh Cumar Sheekh Mohammed oo ka mid aha waalidiintii ka soo qayb
gashay xaflada, Shekh Cumar ayaa wuxuu sheegay inay Ardayda Somaliyeed ee
xiligan ay yihiin Arday aad u nasiib badan oo leh waalidiin aad u qiimo badan
kuwaas oo dhexda u xirtay sidii ay carruurtooda wax u baran lahaayeen, iyadoo
aysan jirin dowlad taakulaysa ayuu hadana waalidka somaliyeed caruurtooda hiil
iyo hoo la garab taagan yahay, waana nasiib darro aad u wayn ayuu yiri in Arday
ay waalidkii sidaa ugu dadaalayaan inuu hadana wax baran waayo. Ardaydii hore
ayaa waxay ahaayeen kuwo heli jiray waxbarasho lacag la’aan ah oo ay dowladu ugu
deeqi jirtay.
Waxaa isagana halkaa hadal ka soo jeediyay Oday
somaliyeed oo ka mid ahaa ka soo qayb galayaasha oo la yiraahdo Maxamed Muumin,
Maxamed Muumin ayaa ku amaanay Siciid Xuseen kaalintiisii uu kaga qayb qaatay
taakulayntii Jaamacada Eas Afrika Univerisity isagoo u diray Macallimiinta
halkaa wax ka dhigta ee ajaanibta ah, sidoo kale Maxamed Muumin ayaa ammaan
wuxuu u soo jeediyay Ardayda Somaaliyeed dadaalkooda xaga waxbarshada oo uu
sheegay inay yihiin Arday aad u dadaal badan.

Gabagabadii aya waxaa halkaas hadal qiimo badan
oo isugu jira Dar-daaran iyo Talo u ka soo jeediyay xafladaas aqoonyahanka
dartii loo qabtay xaflada Siciid Xuseen Ciid.
Siciid ayaa mahadcelin ka dib ka hadlay
qiimaha waxbarashada iyo dadaalka ay mujiyaan Ardayda Somaliyeed isagoo sheegay
in mar uu wax ka dhiganayay Macalin Hindi ah u sheegay inay yihiin Ardayda
Somaliyed kuwa ugu fiican xaga fahamka marka lala bar bar dhigo Ardayda kale ee
ajaanibta ah ee wax ka barata dalkan Hindiya.
Siciid Xuseen Ciid ayaa ka hadlay qiso ku
dhacday Arday Somaliyeed kaas oo ka bilaabay Delhi University maadada MBA
(Master of Business Administration), Ardaygaas aya waxaa ku adkaatay maadadaas
wuxuuna damcay inuu iska bedelo, wuxuu la xiriiray Professorkii (Dean) jaamacada
haystay wuxuuna ka codsaday inuu doonayo inuu iska bedelo Maadadaas (MBA) oo ay
ku adkaatay, Ninkii jaamacada haystay ayaa wuxuu ku yiri sow Somali ma tihid?
Ardaygii aya wuxuu ku jaawabay haa. Ka dibna wuxu ku yiri kuguma adka maadadan
maxaa yeelay ma dhicin Arday Somali ah oo ay ku adkaatay maado uu dhiganayay ee
dhigo, wax kasta oo kugu soo laabtana iskaga noqo waad ku guulaysan doontaaye.
Delhi Univeristy Dean “Ma
jiro Arday Somali ah oo ay ku adkaatay maado uu dhiganayay” |
Ugu dambayntii ayuu Ardaygii
Somaliyed sidii isaga dhigtay maadadiisii
Ilaa markii uu ka dhamaystay ka noqday Ardayda
jamacadas
Hormuudka u ah lagana shaqaalaysiiyay Company
Hindi ah.
Siciid Xuseen Ciid ayaa ku nuuxnuuxsaday in
waxbarashadu ay Qofka dadnimadiisa iyo horumarka dalkiisaba sare u qaadayso,
wuxuu tusaale u soo qaatay dalka Ireland oo uu sheegay in wadankaas loogu yeeri
jiray waayadii hore “Sick Man” kaas oo ay hareerayeen Faqri, Cudur iyo Jahli.
Dalkaas oo aan lahayn khayraad dabiici ah oo la taaban karo lakin waxay ku
dadaaleen ugu dambayntii inay dadkooda wax baraan ilaa ay ka noqdeen xiligan aan
joogno wadamada aduunka safka hore ka ah xaga dhaqaalaha iyo waxbarashadaba,
Airland ayaa Company kasta oo aduunka ka jira uu ku leeyahay laan.
Siciid ayaa ugu dambayntii ku booriyay inay
Ardaydu muujiyaan dadaal dheeraad ah si ay Dalkooda, Naftooda iyo Ehelkoodaba
wax ugu qabtaan.
Wuxuuna sheegay inuu ku laabanayo wadankii
dhowaan Ardayda dhamasyana kula dardaarmay inay iyana ku soo laabtaan dalka si
ay uga faa’iideyaan walaalohooda Somaliyeed ee u ooman Waxbarshada.
Siciid ayaa wuxuu ahaa Aqoonyahan aad u caawiya
Ardayda Somalida ah kana siin jiray talooyin wax ku ool ah jaamacadaha ay
doonayaan inay dhigtaan iyo maadooyinka ay doonayaan jamacadaha ku haboon ee
tayada leh oo ay ka heli karaan waxa ay doonayaan.
Talooyinkiisii iyo waayo aragnimadiisii uu kala
tagay Hindiyana waxaan rajaynaynaa inuu uga faa’iidayn doono Somalida ku nool
wadankii.
Ardayda Cusub ee halkan waxbarshada u
imaanaysana ay heli doonaan Somaali kale oo la mid ah Siciid kaasoo hagi doona
fartana ugu fiiqi doona halka ugu haboon ay ka heli karaan waxa ay doonayaan.
Ali Abdalla Shukri
calishukri@yahoo.com
Hyderabad India
Soomaalida
Minnesota oo si weyn uga Qayb galay Bannaanbaxii Minneapolis
Warbixin iyo sawiro laga qaaday Bannaanbaxii
lagu muujinayey Jacaylka Nebi Muxamed NNKH...
Guji...
Faafin: SomaliTalk.com Feb 21, 2006 |