WARARKII
FEB 26, 2006
-
Warbixin
dheer oo ku saabsan khudbadihii laga jeediyay kulankii Baarlamaanka ee
Baydhabo..
-
Baydhabo sidii Loogu soo dhoweeyey waftigii
Ra'iisul wasaaraha:
-
Qaar ka
mid ah Wasiiradii Puntland oo kalsooni ka waayay Golaha Wakiilada..
-
Xildhibaan
Caamir Axmed Zakeeti oo sheegay in Golaha Baarlamaanku uu ..
-
Qaybo ka
mid ah ciidamadii isku hor fadhiyay Deegaanka Deyniile oo shalay la kala
qaaday..
-
Madaxweyne Cali
Cabadalla Saalax oo intii uu socday Kulanka Baarlamaanka ee Baydhabo la soo
xiriiray..
-
Beelaha
Sacad iyo Suleymaan oo shalay heshiis rasmi ah ka gaaray dagaaladii dhawaan
ku dhex maray...
-
Wakiilka Q/Midoobey ee
Soomaaliya oo uga digay Xildhibaanada Baarlamaanka in mar kale khilaf ka
dhex dhasho
-
Xubnaha Baarlamaanka oo
shalay si weyn uga carooday hadal uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka jeediyay
kulanka Baarlamaanka...
Warbixin
dheer oo ku saabsan khudbadihii laga jeediyay kulankii Baarlamaanka ee
Baydhabo..
C/llaahi
Yuusuf “Baarlamaanka waxaan ka codsanayaa in aanan isku koobin xilalka”
Cali
Max’ed Geeddi “Mudadii aan kala maqneyn waxaan ku nooleyn xaalad laga naxo”
Waxaa maalintii shalay ahayd xaruntii hore ee ADC ee Magaalada
Baydhabo ka furmay kulankii ugu horeeyay Baarlamaanka ee isugu yimaado dalka
gudihiisa, waxaana kulankaasi ka qaybgalay ilaa iyo 211-Xildhibaan, sidoo kale
waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiye Shariif Xasan iyo
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo madax ka socotay beesha caalamka.
Xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Wakiilka Qaramada
midoobey ee Soomaaliya Francois Fall oo isagu si weyn u soo dhaweeyay in
Baarlamaanku uu kulan ku yeesho dalka gudihiisa, “khilaaf dambe oo soo kala dhex
gala Dowladda Federaalka waxay keeni kartaa in beesha caalamka ay ka jeesato dib
dambana aysan u taageerin Dowladda Federaalka”.

Waxaa kalloo ka hadlay wakiil ka socday Jaamacadda Carabta oo
sheegay in Jaamacadda Carabta ay garab taagnaan doonto Dowladda Federaalka
isagoo sheegay in Jaamacadda Carabt ay soo dhaweyneyso in Baydhabo uu kulan ku
yeesho Golaha Baarla-maanka isagoo ku buuriyay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo
dowladdaba in ay si cafiyaan una wada shaqeeyaan si daacadnimo ah.
Intii ay xafladdu socotay waxaa Xildhibaanada Baarlamaanka
maaweelinayay kooxda Ar-Laadii oo ka dhisan Magaalada Baydhao kuwaasoo qaadayay
heeso qiiro leh oo dadka si aad ah u soo jiitay, waxaana hadalkii qaatay Ra’isul
Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka luntay waqti
fara badan isagoo u soo jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay gacanta isa
saaraan oo ay is cafiyaan.
“Waxaa marqaati maanta ka ahay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay
yihiin geesiyaal doonaya in ay dalkooda ka saaraan dhibaatada” ayuu yiri Cali
Max’ed Geeddi oo Xildhibaanada hortooda ka sheegay in Xildhibaano iyo Wasiiro ka
tirsan Dowladda ay ku guuleysteen maant in ay heshiis dhex dhigaan beelihii ku
dagaalamay Gobalada Dhexe. khudbad dheer oo qaadatay mudo saacado ah ayaa waxaa
halkaasi ka jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf, waxa uuna
sheegay in mudadii sanadka iyo barka ahayd ay Dowladdu ku jirtay xaalad laga
naxo oo jahwareer ah, balse waxa uu sheegay in maanta uu si weyn ugu faraxsan
yahay in Xildhibaanadii Baarlamaanka ay isugu yimaadaan kulan. “Shisheeye iyo
Sokeeyaba ayaa dabindaabyo la taagnaa Dowladda, oo mar kasta abaabuliyay iska
horkeen iyo dagaalo ” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf Axmd. waxa uuna intaas sii
raaciyay “maanta waxay taagan tahay xiligii SYL ee u halgamayay xoriyadda, balse
markii uu helay xoriyadda ma dejisan barnaamij Dowladeed oo mudo dheer socda,
anaga markii aan dhisnay Dowladda ma aynan degsan wax barnaamij ah oo
dowladeed”, wuxuuna daba dhigay “waa nasiib daro in uu fashil ku yimaado
qarannimadeenii, waxaana ka shaqeenayay dad tiro yar oo mar kasta u taagan
colaad”.
C/llaahi Yuusuf wuxuu sheegay in maanta ay halkaan uga muuqato in
uu hirgalay heshiiskii Cadan, wuxuuna ka codsaday Xildhibaanada in aysan niyadda
ka jabin oo isa saamaxaan, wuxuu kalloo u soo jeediyay Xildhibaanada
Baarlamaanka in dadaal loo galo sidii loo heshiisiin lahaa Shacabka
Soomaaliyeed, in loo howlgalo sidii hubka looga dhigi lahaa kooxaha
maleeshiiyooyinka ah, wuxuu kalloo soo jeediyay sidii loo dhisi lahaa maamuladii
Gobalada dalka isla markaana loo soo celin lahaa nidaamkii iyo kala dambeyntii.
C/llaahi Yuusuf waxaa kalloo uu afka ku dhiftay in Xildhibaanada
looga baahan yahay in dala laga qaado cunaqabateynta hubka, in dib loo soo
celiyo midnimadii ummadda Soomaaliyed, in la diyaariyo Dastuur Dimuquraadi ah,
kaasoo ay shacabku afti ka dhiibtaan, in dib loo dhiso gudayadii Baarlamaanka
iyo Dowladda, in Mudo tobaad gudahood ah la soo afjaro khilaafka u dhexeeya
Labada Gole ee Dowladda, in uu Baarlamaankau howlgalno sidii uu u ansixin lahaa
heshiisyadii ay Dowladdu gashay mudadii la kala maqnaa, in Dowladda ay hesho
canshuur si ay howlaheeda ugu kabto, waxayna Abwaanada Soomaaliyeed yiraahdeen
(Deeq dal kale kuu hayo lagu ciil baxo), wuxuu kalloo Xildhibaanada Baarlamaanka
iyo Xukumaddaba u soo jeediyay in Dowladda ay ka mid noqdaan shacabka
Sodomaaliyeed oo iyagu isku koobin, waxaa kalloo uu beesha caalamka u soo
jeediyay in ay ku taageeraan barnaamijka cusub ee Dowladda si ay Dowladdu mar
kale cagaheeda isugu taagto.
Madaxweynu wuxuu Xildhibaanada u sheegay in ay la soo xiriireen
Xildhibaano ku sugan Gobalada Dhexe oo uu sheegay in halkaasi ay ka wadaan dib u
heshiisiin, isagoo sheegay in Beelihii ku diriray Gobalada Dhexe ee Sacad iyo
Suleymaan ay gaareen heshiis rasmi ah, wuxuu kalloo u soo jeediyay Xildhibaanada
ka maqan kal fadhiga in ay deg deg ku yimaadaan si ay uga qaybgalaan shirka
Baarlamaanka.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaaro@hotmail.com
Warkan hoose waxaa SomaliTalk.com soo garsiiyey
xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, qaybta warbaahinta.
Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka
Soomaaliya Mudane Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa furay shirka, isaga
oo madaxda qudbadaha ka jeediyay ku soo dhaweeyay ugu horeyntii.
Madaxweynaha soomaaliya ayaa ku tala
bixiyay:-
- 1 in goloyaasha dowladda loo
sameeyo barnaamij dib u hishiisiin iyo is dhaxgal ah muddo aan ka
yareyn hal todobaad.
- 2.in laga shaqeeyo, la isla meel
dhigo arrimaha ku saabsan amniga qaranka oo aas aas u ah xasilinta
dalka.
- 3, in la meel mariyo hishiisyadi
dowliga ahaa ee dowladdu ay la gashay jihooyinka kala duwan ee
aduunka kamid ah.
- 4. in ahmiyad la siiyo sidii
degdeg loogu abuuri lahaa dakhli ku yimaada qaab canshuur qaadis iyo
ilo dhaqaale oo loo sameeyo dowladda dhexe.
- 5. in goloyaasha loo dejiyo
nidaamyada iyo baratakoolka iyo howl qeexidda.
- 6. waxaan ku talinayaa in shacabka
soomaaliyeed loo furo ka qayb qaadashada siyaasadda iyo hogaaminta
dalkooda, sidaa daraadeed waa in barlamaanka tixgaliyaa mooshin lagu
jideeynayo in madaxda dowladda laga soo xuli karo daweynaha
soomaaliyeed ee aan barlamaanka ku jirin.
sidoo kale Madaxweynaha soomaaliya ayaa
intaasi sii raaciyay in aan la qaadan karin oo aaney aqbali doonin in
khilaaf kasta oo aan xalino uu naga dhex dhaliyo khilaaf kale kaasi oo
isna markiisa na gilgila waqti qaali ahna naga lumiya.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane
C/laahi Yuusuf waxa uu mahad naq u soo jeediyay shacabka soomaaliyeed
meel kasta oo ay dowladdu tagtay si qiira iyo bogaadin leh ugu soo
dhaweeyay tan iyo intii ay u soo guurtay dalka, waxaa jiritaanka
dowladda udub dhexaad u ahaa taageerada shacabka soomaaliyeed oo muruq
iyo maalba leh ayuu hadalkiisa sii raaciyay, iyo samirka iyo biseeylka
ay muujiyeen.
kalsooni buuxda ku qaba in aan ku howl
jirno badbaadintiina iyo sidii karaamadiina, iyo sharaftiina u soo noqon
lahayd, waxaan shacabka soomaaliyeed ka codsanayaa in ay nabadda qaataan,
oo ay soo afjaraan colaadaha sokeeye ee ka oogan gobolada qaarkood.
madaxweynaha ayaa intaasi ku daray oo
ku soo afjaray hadalkiisa in dowladdu ay ku raja weyntahay, oo ay ku
dadaalayso hadii alle idmo sanadkan uu noqdo kii ugu dambeeyay oo umadda
soomaaliyeed ay kaga baxdo dhibaatadii daba dheerayd ee 15kii tagtay ka
dhacday dalka.
Hadalka Ra'isul Wasaaraha:

Ra'isul Wasaare Prof Cali Maxamed Geedi
waxa uu marka hore u mahad celiyay Barlamaanka, isaga oo ka hadlay
muhiimadda kulankan taariikhiga ah, oo uu Ra'isul Wasaaruhu sawir guud
oo uu ka bixiyay ku tilmaamay midkii looga gudbay dhibaatadii iyo
khilaafkii dowladda dhexdeeda ka jiray tan iyo markii la dhisay.
Mudane Prof Cali Maxamed Geedi waxa uu
ka hadlay qiimaha uu lahaa shirkii Cadan ama hishiiskii Madaxweynaha iyo
Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale kulankii
is afgaradka ahaa ee ay Madaxweynaha, Ra'isul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha
Barlamaanka ay ku yeesheen Gaalkacyo taasi oo ay dadaal wada jir ah uga
galeen sidii kulankan taariikhiga ah uu u dhici lahaa.
Ra'isul wasaaraha ayaa farxad dheeri ah
ka muujiyay in wixii ay ku naaloonayeen ee ahaa in mar un la isku
yimaado ay maanta hayaan, meeshana ay ka baxday hishiisyadii inta ay
madaxda soomaalidu sixiixto dabadeed aan la fulin oo hishiiska cadan
maanta uu fulay dowladdana ay ka go'antahay sidii ay nabad iyo xasilooni
ugu soo dabaali lahayd dalka.
Beesha Caalamka waxa uu ugu baaqay in
ay iyana doorkooda ciyaaraan oo ay kaalma dhaqaale la soo gaaraan
soomaalida, gurmadka ay abaaraha ka geysteena waa uu uga mahad celiyay
sida ay abaaraha ugu gurmadeen, lagana doonayo in sidii oo kale ay iyana
dowladda ku gacan siiyaan fulinta howlaheeda.
waxa uu ugu dambeyntii umadda
soomaaliyeed ka dalbaday in ay iska cafiyaan dowladda dhexdeeda waqtigii
uga lumay, maanta wixii ka dambeeyana ay diyaar u yihiin in ka dardar
galiyo howlaha baaxadda leh ee dalka.
Wakiilada Beesha Caalamka
waxa ay ka wada mideysnaayeen
tageeriddooda shirka, iyo in ay ka go'antahay in dowladda ay kala
shaqeeyaan sidii ay howlaheeda qaran u qabsan lahaayeen.
Xamaasadda kulanka
mudanayaasha Barlamaanka ayaa u muuqday
kuwa isku hilow qaba, oo ay ka muuqatay isku rabitaan iyo is cafin,
waxana kulanka furitaanka uu ku dhamaaday jawi wanaagsan.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane
Prof Cali Maxamed Geedi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada
Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay ee dalka Soomaaliya.

Baydhabo sidii Loogu soo dhoweeyey
waftigii Ra'iisul wasaaraha:
26 Feb.06: Ra’iisul wasaaraha
xukuumadda Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Prof
cali Maxamed Geedi iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo, ayaa ka degay
Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay, iyada oo si diiran loogu soo
dhaweeyay gudaha magaalada baydhaba.

Waxaa Ra’isul wasaaraha Garoonka
Diyaaradaha Magaalada Baydhaba ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Barlamaanka
Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Xassan Shiikh Aadan, Ra’isul
Wasaare Ku-xigeenada Xukuumadda Soomaaliya, Wasiiro iyo xildhibaano ka
tirsan Dowladda oo ku sugnaa Magaalada Baydhaba, Dadweyne aad u fara
badan, oo kakala socday qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka, iyada oo
dadweyne fara badan oo wata muuqaalada Ra’isul wasaarada oo ay ku hoos
qoran tahay “mudane Ra’isul wasaare ku soo dhawoow Baydhaba Janaay” iyo
hal haysyo kale oo ay ku muujinayaan soo dhaweynta Ra’isul wasaare Prof
Cali Maxamed Geedi.
Wafdiga la socday Ra’isul Wasaaraha
waxaa kamid ahaa, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane
Prof C/Risaaq Cismaan Jurille, Wasiir Ku-xigeenka Amniga Qaranka Mudane
C/rishiid Maxamed Xidig, xildhibaano kale oo ka tirsan Barlamaanka
Federaalka Soomaaliya.
Garoonka diyaaradaha sidoo kale waxaa
buux dhaafiyay wakiilo sare oo ka socda Beesha Caalamka, oo uu horkacayo
wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q.M u qaabilsan arrimaha
soomaaliya François Lorency Fal, wakiilo ka socday Jaamacadda Carabta,
safiiro ka socday beesha Caalamka, iyo diplomaadsiyiin kale oo fara
badan, oo dhamaantood u yimid in ay goob joogayaal ka noqdaan kulanka
Barlamaanka soomaaliya markii ugu horeysay uu ku yeelanayo gudaha dalka
soomaaliyal
Ra’isul wasaaraha ayaa gacan qaaday
dhamaan madaxda ka tirsan goloyaasha qaranka ee saaka ku soo dhaweeyay
magaalada Baydhaba, iyada oo loo galbiyay goobta sida gaarka ah looga
diyaariyay magaalada Baydhaba ee la dejiyay Ra’isul wasaaraha.

U jeedada safarka Ra’isul wasaaraha
ayaa ku saabsan ka qayb galkiisa shirka aan caadiga ahayn ee Barlamaanka
uu manta ku yeelanayo magaalada Baydhaba, kaasi oo noqonaya markii ugu
horeysay ee Barlamaanka soomaaliya uu kulan ku yeesho gudaha dalka
soomaaliya.
Waxa uu si gaar gaar ah u qaabilay
Ra’isul wasaaraha Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Fs, Mudane
C/laahi Yuusuf Axmed iyo Shariif Xassan Shiikh Aadan, iyaga oo isla soo
qaaday qaabka howlaha qaranka u yaal loo dar dar galiyo, islamarkaana
sida loo wadayo shirka aan caadiga ahayn ee waqtiyada soo socda ka
furmaya xarunta ADC-da ee Magaalada Baydhaba.
Ra’isul wasaare Geedi ayaa dadaal dheer
u galay sidii uu u qabsoomi lahaa shirka aan caadiga ahayn ee
Barlamaanka ku yeelanayo magaalada Baydhaba ee Gobolka Bay ee gudaha
dalka Soomaaliya, iyada oo beesha Caalamka uu ka dhaadhiciyay
qabsoomidda kulankan iyo in ay ku taageeraan dhaqaale, taasi oo aduun
weynuhu uu soo dhaweeyay.
Waxana uu Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya
Prof Cali Maxamed Geedi uu ku cel-celiyay in ay xukuumadda geed dheer
iyo mid gaaban ay u marayso sidii ay guud ahaan u soo celin lahayd
qaranimadii soomaaliya iyo amaan iyo xasilooni lagu soo dabaalo dalka.
Isha: C/rahman Dinari/Mohamed Yousof
Ahmed
Xafiiska ra'iisul wasaaraha soomaaliya/Qaybta warbaahinta
Qaramada midoobey oo soo dhoweysey
kulanka Baydhabo
Warsaxaafadeed ka soo baxay hay'adda
qaramada midoobey ayey ku cadaysay in ay si weyn u soo dhoweysey kulanka
ay magaalada baydhabo ay ku leeyihiin xubnaha barlamaanka Soomaaliya oo
ah kulankii ugu horeeyey ee baarlamaanku ku yeesho gudaha Soomaaliya.
Qoraalka qaramada midoobey ay soo
garsiiyey SomaliTalk.com waxa uu si weyn u soo dhoweeyey kulankaas.
Qoraalka oo dhan ka akhri halkan | English | pdf
Wararka
ee Soomaaliya: Feb 27,2006
Qaar ka mid ah
Wasiiradii Puntland oo kalsooni ka waayay Golaha Wakiilada..
Fadhi ay ku yeesheen Magaalada Garoowe xubnaha Golaha wakiilada Puntland ayaa
Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse waxaa uu horgeeyay
Wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay Golaha Wakiilada ee Maamulka Puntlanad
si uu kalsooni ugu helo. Markii la horgeeyay Golaha wakiilkada Wasiirada ayaa
waxay halkaasi ka akhriyeen taariikh nololeedkooda iyo waxqabadkoodii, intaas
kaddib ayaa waxaa Golaha Wakiiladu cod u qaadeen Golaha Wasiirada, iyadoo qaarna
kalsooni la siiyay qaarna loo diiday, Waxaana ka mid ahaa wasiiradii kalsooniada
helay:- Wasiirka Diinta Owqaafta C/risaaq Yaasiin Cabdulle Geesood iyo
kuxigeenkiisa Max'uud Faarax Max'ed (Beel-Daaje), Wasiirka Maaliyada Max'ed Cali
Yuusuf (Gaagaab), iyo kuxigeenadiisa Yaasin Cartan Max'ed iyo Yaasin Cali
Cabdi,Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Cali Cabdi Awaare,
iyo kuxigeenadiisa Axmed Aadan Carab iyo Cali Naaji, Wasiirka Ganacsiga
C/risaaq Cali Siciid (Shaahdoon) iyo kuxigeenadiisa Col. Cabdi Yaasin Xirsi,
Aadan Axmed Cilmi iyo C/wali C/raxmaan Geyre, iyo Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta
Nuur Xasan Faarax.
Waxaa ka mid ah Wasiirada kalsoonida waayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga
Max’ed Cabdi Xaabsade iyo ku xigeenkiisa Ibraahim Cartan ISmaaciil
(Xaaji-Bakiin), sidoo kale qaar ka mid ah Wasiirada ayaa weli dhiman , waxaana
lagu wadaa in dhawaan la horkeeno Golaha Wakiilada si kalsooni loogu weydiiyo.
Dhinaca kale intii uu socday kulankaas ayaa waxaa ka carooday C/raxmaan Faroole
oo ka mid ahaa Wasiiradii hore ee Maamulka kaddib markii uu ku qanci waayay
qaabka loo qaadayay codeynta, sidoo kale Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland
Gen. Cadde Muuse ayaa aad ugu mahadceliyay sida kalsoonida leh ee ay codku ugu
qaadeen Golaha Wakiilada, waxa uuna sheegay in inta hartay uu si dhaqsi leh u
soo magacaabi doono.
Xildhibaan
Caamir Axmed Zakeeti oo sheegay in Golaha Baarlamaanku uu ..
Xildhibaan Caamir
Axmed Zakeeti oo u waramayay mid ka mid ah weriyaasheena ku sugan Magaalada
Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in kulankii Baarlamaanka ee shalay uu ahaa mid
furitaan ah, balse wixii maanta ka dambeeya uu goluhu guda geli doono
Ajandayaashii loogu talagalay.
Waxaa kalloo uu
sheegay in kulanka maanta uu noqon doono mid dib u heshiisiin ah oo dhex mara
Xubnaha labada Gole oo la iska hilmaami doono wixii horey u dhex maray,.
Caamir waxa uu
sheegay in kulanka shalay ay ka qaybgaleen ilaa 25 safiir oo ka kala socday
beesha caalamka, qaarkood ayuu sheegay in ay shalay ka dhoofeen Magaalada
Baydhabo kuwo kalana ay ku hareen si ay ula socdaan xaaladda Shirka.
Xildhibaan Caamir
waxa uu sheegay in uu rajo weyn ka qabo in ay ka soo baxaan kulanka Baarlamaanka
natiijooyin wax ku ool ah oo ummadda Soomaaliyeed anfici doona, wuxuuna si gaar
ah ugu mahadceliyay shacabka Gobalka Bay oo uu sheegay in ay ka dhabeeyeen
hadafkoodii ahaa martigelinta iyo soo dhaweynta Mas’uuliyiinta Dowladda.
Qaybo ka mid
ah ciidamadii isku hor fadhiyay Deegaanka Deyniile oo shalay la kala qaaday..
Guddigii nabadeynta ee loo
xilsaaray in ay dib u heshiisiin dhex dhigaan kooxihii ku dagaalamay agagaarka
Deyniile ayaa shalay waxay ku guuleysteen wejigii hore ee kala qaadista
ciidamada.
Markii hore waxay ku
hor-mareen halkii ay ku sugnaayeen Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah oo ay aaga
kaga jireen, halkaas ayaana si weyn loogu soo dhaweeyay, iyadoo taliyaasha
ciidamada Maxaakiimta loo sheegay in la kala qaadayo ciidamada, si wanaagsan
ayayna u soo dhaweeyeen, waxaana Ciidamadii ugu horeeyay laga qaaday Wasaaradda
Gaashaan-dhiga, Xaafadda Raadaalka, waxaana la isugu keenay kulliyaddii
Ciidamada ee Jaale Siyaad, waxayna u sii dhaafeen dhinaca Deegaanka Deyniile
waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha maleeshiyada Max’ed Qanyare Mudane
Garamgaram waxa uuna sheegay in ay soo dhaweenayaan heshiiska Ciidamada lagu
kala qaadayo waxaana ciidamadii ku jiray aaga hore loo qaaday xeradii Dugsi
Shanaad, maanta ayaa loo balansan yahay in wejiga labaad ee kala qaadista
ciidamada loo howlgalo.
Madaxweyne Cali Cabadalla
Saalax oo intii uu socday Kulanka Baarlamaanka ee Baydhabo la soo xiriiray..
Madaxweyne Cali
Cabdalla Saalax oo ahaa madaxweynihii sida weyn uga soo shaqeeyay in uu heshiis
dhex maro Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan lana socday halka uu marayay heshiiskaasi, ayaa maalintii shalay ahayd
markii uu furmay kulankii Baarlamaanka waxa uu la soo xiriiray Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan,
waxaana loo sheegay in kulanka Baarlamaanka uu furmay howshiina ay si wanaagsan
u socoto, waxaana la sheegay in Cali Cabdalla Saalax ay arrintaasi aad u
faraxgelisay, isagoo u rajeeyay kulanka Baarlamaanka in ay ka soo baxaan go’aano
waxtar u noqda shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Beelaha Sacad
iyo Suleymaan oo shalay heshiis rasmi ah ka gaaray dagaaladii dhawaan ku dhex
maray...
Maalintii shalay ahayd ayaa
Xildhibaano, Wasiiro, Waxgarad iyo Odayaal ka tirsan Beelaha Sacad iyo Suleymaan
waxay soo gebagabeeyay wixii colaadaha ahaa ee u dhexeeyay labadaasi beelood,
waxaana heshiiskaasi uu soo socday mudo dhowr bilood ah, waxaana aaqiritaankii
labada beelood isugu tageen deegaanka gelinsoor waxaya shalay ku dhawaaqeen in
ay furan tahay wadada isku xirta Muqdisho iyo Gabalada dhexe, waxaana wadadaasi
horey u xiray dagaalkii u dhexeeyay labada beelood.
Heshiiskaan waxaa kalloo uu
dhigayay in lakala qaado ciidamada, waxaana shalay la kala fogeeyay ciidankii ku
sungaa deegaanka Gelinsoor, iyadoo maalinta berito ah iyana la kala qaadi doono
ciidankii ku sungaa degmada Hobyo, waxaana heshiiskaan soo dhaweeyay dadweynaha
ku nool Gobalada Dhexe iyo waliba Dowladda Federaalka.
Wakiilka Q/Midoobey ee
Soomaaliya oo uga digay Xildhibaanada Baarlamaanka in mar kale khilaf ka dhex
dhasho
Wakiilka xoghyaha guud ee
Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Francois Fall oo shalay ka hadlayay furitaankii
fadhiga baarlamaanka, ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay soo
dhaweyneyso furintaanka kal fadhiga baarlamaanka oo uu sheegay in uu yahay mid
ummadda Soomaaliyeed u horeseedaya nabad iyo dib u heshiisiin.
“Waxaan idiin sheegayaa haddii
uu khilaaf kale mar kale yimaado in Qaramada Midoobey iyo beesha caalamkuba ay
kalsoonida idinka kala laaban doonto dib dambana idiin taageeri doonin” ayuu
yiri Francois Fall oo sheegay in Qaramada Midoobey ay gacan siin doonto Dowladda
Federaalka ,sidoo kale waxa uu sheegay in Qaramada Midoobey ay gargaar u fidin
doonto dadka Soomaaliyeed oo ay waxyeeladu ka soo gaartay abaarta iyo biyo
la’aanta, waxa uuna si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha, Guddoomiyaha
Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha oo uu sheegay in iyagu ay horseed u ahaayeen
in maanta uu furmo kal fadhigaani.
Xubnaha Baarlamaanka oo
shalay si weyn uga carooday hadal uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka jeediyay
kulanka Baarlamaanka...
Qaar ka mid ah Xubnaha
Baarlamaanka oo intooda badan ahaa kuwii ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa si
weyn uga carooday hadal uu Madaxweynuhu ka jeediyay kulankii Baarlamaanka ee
shalay ka furmay Magaalada Baydhabo, wuxuuna Madaxweynuhu markaas uu ka codsaday
xildhibaanada Baarlamaanka in ay gacan ka gaystaan sidii Soomaaliya looga qaadi
lahaa cunaqabateynta hubka.
“Cunaqabteynta hubka oo
Madaxweynuhu weli ku dhegan yahay waa mid ku hoos qasoon in dalka ay soo
geliyaan ciidamo shisheeye” ayuu yiri mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka
oo diiday in magaciisa la sheego, waxa uduna intaa raaciyay “anaga ayaa isku
filan oo hubka iska qaadi kar, balse dowladu shisheeye hub nagama qaadi karaan”.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada waxay kalloo sheegeen in ay horey u soo arkeen
dhibaatada ciidamo shisheeye waxayna si gaar ah u xuseen sanadkii 1993-dii oo ay
Dowladda Mareykanku damacday in ay kooxihii maleeshiiyooyinka ahaa ay hubka ka
dhigto taasina waxay keentay in ay sii korodho dhibaatadii Soomaaliya ka
taagneyd xiligaasi.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
|