WARARKII
FEB 28, 2006
-
DALKA KENYA OO LOOGA SHAKISAN YAHAY
HARGABKA SHIMBIRAHA.
-
Shariif Xasan
“Wallaahi ma jiraan Qorshayaal ii qarsoon oo aan la galey Cabdulaahi
Yuusuf...
-
Golaha
kacdoonka difaaca Diinta iyo dalka oo shaley looga dhawaaqey Muqdisho
-
C/raxmaan Diinaari “isku
imaanshaha Golaha Baarlamaanka waa Yadadiilo cusub...
-
Maamulka
Somaliland oo sharci adag ka soo saaray af-lagaadada Diinta…
-
Maxaabiis ay shalay is weydaarsadeen
labadii Kooxood oo ku dagaalamey Muqdisho…
-
Nin lagu toogtay Fagaare ku yaala
Ceeri-Gaabo…
-
Mudo todobaad ah ayaa dib loo dhigay
kalfadhigii Baarlamaanka ..
-
Wasiirka qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga
ah ee Puntland oo wareegto xilkii looga qaaday..
-
Ciidamada Itoobiya oo
gacanta ku dhigay 70 Qori ..
-
Banaanbax lagu taageerayo shirka ka furmay
magaalada beydhabo oo maanta ka dhacay magaalada kismayo


Sawiro badan oo sannadkan 2006 laga
qaaday goobihii ugu bilicda samaa xamar ka hor 1991 iyo sida ay hadda
yihiin, la soco sawirada kale... waxaana sawiradaas qaaday
Muuse Maxamuud Jiisow |
DALKA KENYA OO LOOGA SHAKISAN YAHAY HARGABKA
SHIMBIRAHA.
Saraakiil ka
tirsan wasaaradda cafimaadka iyo kuwa xanaanada xoolaha ayaa ku guda jira
baaritaano ay ku samaynayaan boqolaal digaag ah oo looga shakisanyahay in ay
u geeriyoodeen cudurka dilaaga ah ee hergebka shimbiraha
Uskuduwaha
gargaarka cafimadka ee waddanka Kenya Dr James Nyikal ayaa xaqiijiyey in
baritaano hore lagu sameeyey digaag laga baaray qaybaha kale ee waddankan
balse aan lagu arkin viruska H5N1. Dr nyikal ayaa waxaa uu intaas ku daray
in natiijada baritaanada la shaacin doono 10 malmood kadib waxaa uuna
islamrkaasi ugu baaqay dadka ka beecmushtara digaaga in ay muujiyaan taxadar
dheraad ah oo ay si’aad ah isaga ilaliyaan dhiiga digaaga.
Nin kamid ah dadka
kunool xaafada Kasarani ayaa kusoo dhul dhacay maalitii shalay ahayd In ka
badan 400 oo digaag oo maydadkooda lagu guray baco kadibna uu ku wargeliyey
sarakiisha cafimaadka.
Viraska dhaliya
cudurka hergebka shimbiraha ee loo yaqaano H5N1 ayaa waxaa ilaa haatan u
dhimatay in ka badan 80 ruux isagoo weli ku sii faafayo dunida. Qaarada
Afrika waxaa markii ugu horaysay lagu arkay Wadanka Najeriya iyadoo ay ku
sii xigeen wadamo kale oo ay ka mid ah masar.
Canab Mumtaz |
SomaliTalk.com | Kenya
Shariif Xasan
“Wallaahi ma jiraan Qorshayaal ii qarsoon oo aan la galey Cabdulaahi Yuusuf...
Guddoomiyaha
Baaarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa mar uu la kulmay qaar ka mid ah
Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaas oo ka biyo diidsan in mudo todobaad ah dib loo
dhigo kulanka Baarlamaanka ayaa waxa uu u sheegay in sababaha kulanka dib loogu
dhigay ay tahay sidii dib u heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa xubnaha
Baarlamaanka oo iyagu mudo sanad ku dhawaad ah khilaaf u dhexeeyay, waxa uuna
sheegay in Xildhibaanada looga baahan yahay in ay is cafiyaan oo ay isa
saamaxaan. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Guddoomiyaha ku
eedeeyay in ay jiraan qorshayaal hoose oo uu la galay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Axmed iyo Ra’isul Waxaare Cali Ma’xed Geedi xiligii ku sugnaayeen Magaalada
Gaalkacyo ee Gobalka Mudug. Mar uu ka hadlaayay Guddoomiyuhu arrintaas waxa uu
yiri “Wallaahi ma jiraan wax ii qarsoon oo aan la lagalay Madaxweynaha iyo
Guddoomiyaha oo aan ka ahayn in Dowladdu u shaqeyso si wadajir ah”. wuxuu intaas
sii raaciyay “Waxaan idiin sheegaya in Aniga, Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha
aan ku heshiinay in aan ka miro dhalino qodobaddii ka soo baxay shirkii Cadan”.
Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa kalloo uu sheegay in Baarlamaanka ay hor yaalaan
ajandayaal muhiim ah oo la doonayo in si saxaarad leh looga doodo, isagoo u soo
jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay iska saaraan shagkiga iyo in aysan
dheg jalaq u siin wararka kutiri kuteenka ah oo ay baafinayaan caddowga
Soomaaliyeed. “waad u jeedaan dalka marxaladda uu ku sugan yahay ma dooneyno in
mar kale waqti kale naga lumo” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ugu baaqay
Xildhibaanada Baarlamaanka in mudada todobaadka ah ay ka soo baaraan degaan
qodobada looga hadli doono kulanka Baarlamaanka oo furmi doona mar kale maalinta
isniinta ah.
Golaha
kacdoonka difaaca Diinta iyo dalka oo shaley looga dhawaaqey Muqdisho
Waxaa Muqdisho
looga dhawaaqay gole loogu magac daray Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka
oo la sheegay iney ku mideysan yihiin culimaa’udiin wax garad aqoonyahano iyo
dhalinyaro ayaa ujeedada loo aasaasay waxey tahay iney dalka ka difaacaan
kooxaha doonaya iney dalka gacanta u galiyaan waxa loogu yeeray cadowga
Islaamka.
Golahan oo
guddoomiye looga dhigay Sh. Axmed Max’ed Cabdulle ayaa mar uu la hadlayey
saxaafadda waxa uu sheegay in golahani magacaabistiisa ay soo dadajisay markii
dhawaan kooxo ay magacabeen Isbaheysi loogu magacdaray Isbaheysiga la dagaalanka
argagixisada, wuxuuna sheekhu sheegay in golahani uu bar tilmaalmeedsan doono
sagaalka qofood ee ku dhawaaqay Isbaheysigaasi oo ah mid la doonayo in lagu
ugaarsado culimaa’udiinka Soomaaliyeed.
Golahan ayaa
wuxuu sheegay in uu dhawaan bilaabi doono hawlgal balaaran oo ku aaddan
ugaarsiga kooxaha ka soo hor jeeda diinta iyo dalka.
C/raxmaan Diinaari “isku
imaanshaha Golaha Baarlamaanka waa Yadadiilo cusub...
C/raxmaan Nuur
Max’ed (Diinaari) oo ah afhayeenka Dowladda una waramayay Weriyaheena shirka
Baydhabo Max’ed Macallin Cusmaan (Allman) ayaa waxa uu sheegay in kulanka
Baarlamaanka ee ka furmay Magalada Baydhabo uu yahay mid yididiilo gelinaya
shacabka Soomaaliyeed iyo waliba Dowladda Federaalka, maadaama mudo sanad ku
dhawaad ah uu khilaaf u dhexeeyay.
Wuxuu sheegay
C/raxmaan Diinaari in Golaha Baarlamaanka ay hor yaalaan qodobo ay ugu muhiimsan
yihiin sidii loo dhisi lahaa gudiyo hoosaadyadii Baarlamaanka oo ah midka ugu
muhiimsan Baarlamaanka, sidoo kale waxaa hor yaala Golaha Baarlamaanka sidii loo
ansixin lahaa heshiiyadii ay Dowladdu horey u gashay mudadii sanadka ahaa,
wuxuuna soo dhaweeyay hadalkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ee ahaa in
Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiiradaba laga qaybgaliyo dhamaan shacabka
Soomaaliyeed.
C/raxmaan
Diinaari oo hadalkiisa sii wata waxa uu u mahadceliyay Odoyaashii iyo
Waxgaradkii ku guuleysteen in ay xabad joojin dhex dhigaan kooxihii ku
dagaalamay Muqdisho, wuxuuna u soo jeediyay in halkaasi ay ka sii wadaan
dadaalkooda.
Maamulka
Somaliland oo sharci adag ka soo saaray af-lagaadada Diinta…
Sida
dad badani ay war hayaan Soomaalida ku dhaqan W/Galbeed, waxaa u caado ahayd in
marka ay carroodaan ay u gefaan Diinta Islaamka, isla mar ahaanta ay meel ka
dhac ku sameeyaan jiritaanka Diinta iyo Karaamada Nabiga (NNKH).
Iyadoo taasi jirto ayaa dhawaan waxaa Maamulka Somaliland uu soo saaray Sharci
adag oo lagu sheegay in qofkii caaya Diinta, Rasuulkana meel ka dhac u gaysta uu
muteysanayo lix bilood oo xarig ah, arrintaa ayaa markii ay soo shaac baxday
waxaa yaraaday dhawaaqii ka soo yeeri jiray dibnaha dadka W/Galbeed, oo ku
hadaaqi jiray had iyo jeer hadalo aan anshaxa suuban ku wanaagsaneyn.
Wasaaradda Ow-Qaafta iyo arrimaha Diinta oo ka duuleysa waajibka dadyowga
Islaamka ka saaran ilaalinta iyo xaq dhowrka Diinta ayaa waxay ka digtay ku
dhaqanka arrintan oo ay ka dhalan karto cawaaqib xumo iyo caro Alle, waxaadna
dareemeysaa marka aad tagto goobaha Suuqyada iyo meelaha dadku isugu yimaadaan
in dadku ay ka feejigan yihiin xanaaqa keeni kara in Diinta loo gefo, tiiyoo
dabeecad ay qabatimeen ahayd.
Maxaabiis ay shalay is weydaarsadeen labadii
Kooxood oo ku dagaalamey Muqdisho…
Iyadoo weli ay socoto
waan-waantii laga dhex waday kooxihii dhawaan ku dagaalamay Magaalada Muqdisho
gaar ahaan agagaarka Kulliyaddii hore ee Jaale Siyaad ayaa maalintii shalay
ahayd Guddigii dhex dhexaadinta waxaa lagu wareejiyay maxaabiis ay kala
qabsadeen labada dhinac ee dagaalku dhex maray, waxaana Maxaabiistaasi iyagoo
bad-qaba la keenay Guriga nabadda, kaddibna maxaabiistaa guryahoodii ayay kala
aadeen.
Guddiga dhex dhexaadinta
waxay shalay ku guuleysteen in ay dib u furaan la xiray markii ay dagaaladu
socdeen, waxaana shalay la arkayay gawaari isaga koosheysa wadadaasi, waxaana
labada dhinac looga digay in Gawaarida Tiknikadooda aysan soo mari karin
wadooyinka.
Maanta ayaa la filayaa in
Guddigu uu soo gebgabeeyo howshiisii nabadeynta, iyadoo maanta la qaadi doono
ciidamadii ugu dambeeyay barihii ay ku kala sungaayeen.
Nin lagu toogtay Fagaare ku yaala Ceeri-Gaabo…
Maalintii shalay ahayd ayaa
gacan ku dhiigle Nuux Diiri Muuse oo 33-jir ahaa ayaa lagu toogtay meel fagaare
ah oo ku taal Magaalada Ceeri-Gaabo kaddib markii uu dhawaan dilay taliyihii
Ciidanka Booliiska ee Ceeri-Gaabo oo lagu magacaabi jiray Col. Max’ed Cabdi
Xuseen.
Dilkiisa waxaa ka qayb-qaatay
sodon askari oo ka kala tirsan ciidanka Booliiska, Militariga iyo Asluubta,
waxaana daawanayay dadweyne aad u fara badan.
Qoyskii uu ka dhashay Gacan ku
dhiiglaha oo damcay in ay racfaan ka qaataan maamulka Somalilan iyo qoyskii
Marxuumkii uu dilay ayaa lagu gacan sayray, waxayna sheegeen in ay doonayaan in
ninkaasi la dilo maadaama uu si bareer ah u dilay Sarkaalkaasi.
Waa markii ugu horeysay oo
Maxkamadda Ceeri-Gaabo ay dil toogasho ah ku xukunto gacan ku dhiigle dilay nin
kale, waxaana arrintaani soo dhaweyay dadweynaha ku nool Degmada Ceeri-Gaabo ee
Gobalka Sool.
Mudo todobaad ah ayaa dib loo dhigay
kalfadhigii Baarlamaanka ..
Maalintii labaad ayuu galay
kal fadhigii Baarlamaanka waxaa shir Guddoominayay Shariif Xasan Shiikh Aadan
waxana kal fadhiga soo xaadiray 211 xildhibaan.
Guddoomiyaha Baarla-maanka oo
ka hadlay kulankaas ayaa xildhibaanada u sheegay in mudo todobaad ah dib loo
dhigay kulanka Baarlamaanka la isuguna imaan doono isniinta Soo socota, isagoo
sheegay in sbabaha dib loogu dhigay ay tahay si loo helo la tashiyo dhameys
tiran isla markaana Xildhibaanada ay ka soo baaraandegaan ajandayaasha looga
hadlayo kulanka Baarlaanka.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay
in Xildhibaanada qaarkood ay soo galeen safar dheere, sidaa darteedna ay daalan
yihiin, waxaa kalloo uu sheegay in weli xitaa ay socoto dejintii Xildhibaanada
Baarlamaanka.
Markii uu ku dhawaaqay
Guddoomiyaha Baarlamaanka in dib loo dhigay kulankii Baarlamaanka ayaa waxaa soo
dhaweeyay inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka, hase yeeshee qaar ka mid ah
Xildhibaanada ayaa iyagu ka biyo diiday dib u dhigistaasi kuna tilmaamay mid
lagu luminayo waqti, maadaama uu horey uga soo lumay waqti.
Kulankii Shalay waxaa ka
maqnaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo iyagu
watay howlahoodii caadiga ahaa ee la xiriiray dhinaca Dowladda.
Wasiirka qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah
ee Puntland oo wareegto xilkii looga qaaday..
Wararka naga soo gaaray maamul
goboleedka Puntland ayaa waxey sheegayaan in Wasiirkii Qorsheynta iyo Iskaashiga
caalamiga ah ee maamulkaasi C/raxmaan Max’ed Faroole shalay jagadii lagaga
qaaday wareegto ka soobaxday xafiiska madaxweynaha DGPL. Waxaana isla
wareegtadaas isla jagadaas loogu magacaabay wasiir kale.
Arrintan ayaa ka dambeysey
kaddib markii ay magaalada Garoowe subaxnimadii shalay ka dhacday rasaas ay is
weydaarsadeen
ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo u badnaa daraawiish ay weerare
ku soo qaadeen ciidamadii daacadda u ahaa C/raxmaan Faroole, waxaana halkaasi ka
dhacday rasaas xoogan waxaana halkaasi ku geeriyooday saddex ka mid ah
ciidamadii C/raxmaan Faroole, waxaana ku dhaawacmay laba ka mid ah ciidamada
daraawiishta.
C/raxmaan Faroole
oo ka carooday codeyntii doraad ka dhacday golaha wakiilada ee maamulka Puntland
ayaa markii dambe waxaa dhex galay Isimada Puntland oo ku guuleystay in
ciidamadii C/raxmaan Faroole ay ka saaraan xaruntii Golaha Wakiilada, waxaana
haatan socota waanwaan la doonayo in arrintaas lagu dhammeeyo oo u dhaxeysa
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse iyo C/raxmaan Max’ed
Faroole.
Ciidamada Itoobiya oo
gacanta ku dhigay 70 Qori ..
Sida uu noo soo
sheegay wariyaheena deeganka Caabudwaaq ayaa waxey sheegayaan in ciidamada
Itoobiya ay hub ururin ka bilaabeen halkii uu ka dhacay dagaalkii Mareexaan iyo
Baciidyahan ee deegaanka Yamaarugle ee dhulka Soomaalida Itoobiya waxeyna
ciidamada Itoobiya ay illaa iyo iminka gacanta ku dhigeen ilaa todobaatan qori
oo ay lahaayeen labada beelood.
Ciidamada
Itoobiya waxey digniin u soo jeediyeen maleeshiyooyinka labada beelood ineysan
wax hub ah ku wadan karin dhulka Soomaalida Itoobiya, wuxuuna warku intaasi ku
darayaa in waxgarad iyo odayaal ka tirsan labadaasi beelood ay shalay gaareen
deegaanka wardheer waxaana dhawaan halkaasi uga bilaaban doona wadahadal la
doonayo in lagu soo afjaro khilaaf u dhaxeeyey labadaasi beelood.
Dagaalkii dhex
maray labadaani beelood ayaa waxaa ku geeriyooday in ku dhaw boqol qof waxaana
ku dhaawacmay dad intaasi ka badan, sidoo kale waxaa uu dagaalkaani sababay
barakac baahsan oo ka dhacay deegaanadii kale ee ku dhawaa halkii uu dagaalku ka
dhacay, iyadoo uu dagaalkaani ku soo beegmay xilli deegaanadaasi ay ka jirtay
abaar aad u daran iyo biyo la’aan aad u xooggan.
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Banaanbax lagu taageerayo shirka ka
furmay magaalada beydhabo oo maanta ka dhacay magaalada kismayo
Banaanbax balaaran oo lagu taageerayo shirka Feb 26 oga furmay
magaalada beydhabo xubnaha dowlada ayaa maanta ka dhacay magaalada kismayo
ayadoo banaanbaxaan ay soo qabanqabiyeen ururka haweenka magaalada kismayo
waxaana banaanbaxaan ka soo qeyb galay dhamaan ardeyda iskuulada ka jira
magaalada kismayo ayagoo socod ku soo maray laamiyada waaweyn ee dhex mara
bartamaha magaalada.


Banaanbaxaan ayasoo sidoo kale looga soo horjeeday dagalada
dib oga soo cusbonaaday dalka haatan waxaana ay masuuliyiintii ka hadlay
banaanbaxaasi ay ka digeen dhamaantood dagaalada ay dadka badni ku dhinteen ee
haatan dalka ka jira ayagoo ugu baaqay dhamaan dadka dagaalmaya in ay joojiyaan
dadgaalka nabadna qaataan.

Intii uu socday banaanbaxaan ayaa waxaa qudbado kala duwan
halkaas ka soo jeediyaya masuuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka degamda oo
uu ugu horeeyay gudoomiye ku xigeenka degamda mr Cabdi baleey xuseen isogoo
sheegay in ururka haweenka ay kaalin lixaad leh ka qaataan baraarujinta
madaxdooda iyo shacabkooda waxaana uu sidoo kale haweenka uu ku waaniyay cabdi
baaleey in aysan ka daalin howlaha ay bulshadoda u qabtaan sidoo kale waxaa
halkaas qudbado kala duwan ka soo eedayay qaar ka mid ah xubnaha ururuka
haweenka iyo madax kale oo ka tirsan ururada bulshada ee ka dhisan gobolkaan .

CABDI QADAR NUUR MAXAMED (FILIPIIN)
Faafin: SomaliTalk.com Feb 28, 2006
Ra'isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda
Soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi, ayaa kulamo gaar gaar ah la leh
Xildhibaanada Golaha shacabka, iyo qaar ka tirsan golaha wasiirada dowladda.
Isniin 27,Feb,
2006:
Ra'isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG-ka ah ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi ayaa ku guda jira
kulamo gaar gaar ah oo uu la leeyahay madaxda ka tirsan golaha shacabka
federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda soomaaliya, iyo sidoo kale xubno sare
oo ka tirsan golaha Xukuumadda dowladda.
Ra'isul
wasaaraha Prof Cali Maxmed Geedi ayaa ka dhaadhicinaya howsha baaxadda leh
ee hortaal xildhibaanada, iyo sida loo baahan yahay in loo samatabixiyo
dalka, isaga oo sidoo kalena ay la soo xiriireen wakiilo ka socda beesha
Caalamka oo balan qaad adag ku bixiyay in ay gacan weyn ka geysanayaan sida
dowladda howlaheeda loo dar dar galin karo howlaha baaxadda leh ee horyaal
Balramaanka fadhigiisa aan caadiga ahayn ee shalay ka furmay Magaaladan
Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay.
Ra'iisul
wasaaraha umadda soomaaliyeed waxa uu ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay
leedahay in gurmad sidoo kale lala gaaro dadka ku dhibaataysan goobaha dalka
ka tirsan, waxana uu beesha Caalamka ku booriyay in ay doorkooda soo
dedejiyaan xilligan xasaasiga ah ee soomaaliya la doonayo in la saatabixiyo.
Xubnaha ku
jira dowladda lafteeda waxa uu ka codsaday in ay iyana dadaal dheeri ah
muujiyaan, oo ay dadkooda u horseedaan nabad iyo baraare.
"wali
nagama lumin hadafka ah in soomaaliya la xasiliyo, si kasta oo ay wadooyin
badan loo kala arkay haddana waxa kaliya ee aan ka mideysnayn waxa ay ahayd
in qaranka uu xoogaysto soomaaliyana ay cagaheeda isku taagto oo isku
filnaansho waafi ah gaarto" ayuu yiri Prof Cali Maxamed Geedi.
"waqti
badan oo qiima leh ayaa nooga lumay wax aan micno lahayn, umadda
soomaaliyeedna aan ka codsano in ay iyana na saamaxdo.
Si kasta oo ay ahaataba, Ra'iisul Wasaaraha
iyo Wafdigiisa ayaa shalay soo gaaray Baydhaba, si ay uga qayb qaataan
kulanka aan caadiga ahayn ee Barlamaanka Federaalka soomaaliya shalay uga
furmay Baydhaba, iyada oo qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo xildhibaanada
ay aad ugu riyaaqeen uu goobta ka jeediyay Ra'iisul wasaaraha jamhuuriyadda
soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi, iyada oo in la xuso ay tahay in
Ra'iisul wasaaruhu uu dadaal dheer u galay sidii Barlamaanka soomaaliyeed
meel la isugu keeni lahaa, iyada oo aduun weynahana uu sharaxaad dheer ka
siiyay in ay Barlamaanka isku yimid.
Source:
Abdirahman Dinari/Mohamed Yousof Ahmed
Office of the Somali Prime Minister/Media Department
-----------------------------------------------------------------------------
Barlamaanka Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa guda
galay todobaad is dhex gal iyo is cafin ah.
Isniin,
27,Feb, 2006:
Kulankii Maanta ay isugu yimaadeen xildhibaanada
Barlamaanka federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa la
iskula gartay in la guda galo todobaad is cafin iyo is dhex gal ay
sameynayaan mudanayaasha Barlamaanka ee Muddo kala maqnaa, iyada oo ay
manta si rasmi ah ugu bilaabatay arrintaasi.
Howlka
shirka ayaa maanta waxaa soo buuxiyay xildhibaanada, iyada oo sidoo
kalena uu ka qayb galay Ra'isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG-ka
ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Prof Cali Maxamed Geedi, waxana
Guddoomiyaha Barlamaanka oo ay dhinacyada ka fadhiyeen ku-xigeenadiisa
Prof Dalxa iyo Boqorre uu codbaahiyaha ka jeediyay hadal aan badnayn, oo
micnihiisuna ahaa in Barlamaanka ay u bilaabatay maanta isbuuc is dhex
gal iyo is cafin ah, isaga oo sidoo kalena Gudoomiye Shariif Xassan ay
xildhibaanada ka aqbaleen codsigiisa arrintaasi ku saabsan dabadeedna
sacab hal mar ay ku dhifteen.
Guddoomiyaha waxa uu ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in la iska
hilmaamo wixii hore u dhacay oo baal cusub loo furo wajiga siyaasadda ee
dalka, soomaaliyana loo horseedo in ay nabadii ay ahaan jirtay ku soo
laabato.
"walaalayaal
aan is cafino, wixii horena hala iska hilmaamo, aan isla qaadanao wixii
sharciga waafaqsan, aan taageerno aqlabiyadda meesha ay isku raacdo"
ayuu Guddoomiyaha ku celceliyay, iyada oo xildhibaanada Barlamaanka ay
arrintaasi isku raaceen, dabadeedna lagu soo kala baxay shirka.
Shaqada
Caadiga ah ama shirarka ajandayaasha u yaal barlamaanka oo dib u
hishiisiinta iyo dhisidda gudiyada Barlamaanka ka kooban ayaa isniinta
soo socota Barlamaanka uu isugu imaan doonaa, inta ka horeysana si gaar
gaar ah ayuu Barlamaanka isku arki doonaan xildhibaanadiisa.
Intaas
kadib Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xassan iyo Ra'isul Wasaaraha
soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi, ayaa ku haray howlka, oo wax xoogaa
wada hadal gaaban ku galay, dabadeedna iyana soo wada baxay.
Iyada
oo hadaba laga ambaqaadayo is dhex galka guddoomiyaha Barlamaanka,
Madaxweynaha, iyo Ra'isul Wasaaraha ay iclaamiyeen ayaa haatan Baydhaba
waxa ka socda shirar gaar gaar ah oo xildhibaanada ay isku cafinayaan,
iyada oo Ra'isul Wasaare Prof Cali Maxamed Geedi oo laftiisa ka tirsan
Barlamaanka uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda golaha shacabka
qaarkood, iyada oo qaar kalena ay wali wada balansan yihiin.
Source:
Abdirahman Dinari/Mohamed Yousof Ahmed
Office
Of the Prime Minister/Media Department
XAALAD ADAG OO SOO WAJAHDAY ARDADA SOOMAALIYEED EE
KUNOOL WADANKA MALAYSIA. Qaybtii 2aad... Akhri
Warbixin
dheer oo ku saabsan khudbadihii laga jeediyay kulankii Baarlamaanka
ee Baydhabo..
C/llaahi
Yuusuf "Baarlamaanka waxaan ka codsanayaa in aanan isku koobin
xilalka".. Cali Max’ed Geeddi "Mudadii aan kala maqneyn waxaan ku
nooleyn xaalad laga naxo”" hadaladaas iyo wararkii Soomaaliya oo
faahfaahsan
ka akhri halkan.. Guji..
Feb 27
Qanyare,
Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage oo Qabtay shir Jaraa’id
»Shiikh
Aweys” Niman Ajnabi ah oo dalka jooga ma jiraan..
»Max’ed
Dheere oo Warqad gaarsiiyay Isbahaysiga...
»C/llaahi
Yuusuf oo uusan la socon Ra’isul Geedi oo gaarey..
»Roob
ka da’ay shalay Magaalada Baydhabo…
»Xubno
ka tirsan DFKM ah oo magaalada kismaayo..
»Finland
oo dalkeeda dib u celinaysa dad Soomaaliyeed...
iyo
Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji...
|