DIYAARADA
JUBBA-AIRWAYS OO NOQOTEY DIYAARADDII UGU HOREESEY EE KA DEGTA GAROONKA MUQDISHA
11 SANNO KADIB....
Ku Duul Jubba Airways
Boosaaso,
Dubai, Galkacyo, Hargeysa, Jeddah, Jibouti, Mogadishu, Sharjah....
Tigidhada ka gooso halkan:
http://www.jubba-airways.com
Hawlwadeena Shirkadda Jubba Airways


Jubba Airways oo taagan Garoonka Muqdisho....
Diyaarada Jubba Air-ways oo
noqotey Diyaaradii ugu horeeysey oo ganacsiga ah oo 11-sano kaddib ka soo
degtey Goroonka Diyaaradaha Muqdisho..
Maalintii shalay ahayd ayaa diyaar ay leedahay
shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways ku soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee
Magaalada Muqdisho, waana diyaaraddii ugu horeysay oo ganacsi ah oo 11-sano
kaddib ka soo degta Garoonkaasi.
Diyaaraddaani oo gelinkii hore iyo kii dambaba
shalay soo kaca dhigatay ayaa markii hore waxay keentay Xamuul, Markii dambana
waxay keentay dad rakaab ah oo ka yimid Yurub iyo Carabta.
Haweenay ka soo degtay Garoonka ayaa farxad
darteed la ilmeysay, iyadoo dhunkatay ciidanka Garoonka, waxayna ku hadaaqday
“Waa Illaahii mahaddii maanta, arrintaani waxay nooga timid xag Alle”.
Nin kale oo isna ka soo degay garoonkaasi ayaa
waxa uu yiri “Afar bilood ka hore waxaan ka soo degay Garoonka Diyaaradaha
Belidoogle, waa safar dheer, diyaaradda oo aan ka soo raacay Dubai iyo inta aan
u soo socday Muqdisho, waxaa dhawaa intii aan ka soo socday Dalka Imaaraadka
Carabta.
Diyaaraddaan ayaa imaanshaheeda waxaa si weyn u
soo dhaweeyay dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in
maalmaha soo socda in diyaarado kale oo ganacsi ah ay ka soo degaan garoonkaasi,
iyadoo garoonku uu weli u baahan yahay xoogaa dayactir ah.
Amiin Yuusuf Khasaaro | Muqdisho, Soomaaliya
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 8, 2006
|