|

Miless
Zanawi: Ilinta Iska Tir
Ra'iisul wasaaraha Ethiopian
Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha
Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd
arrimaha Afrikaanka, taas oo uu
July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga
socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood
soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee
dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

|
|
Wararkii July 6, 2006
-
Dowladda Masar oo taageertay in soomaaaliya la
keeno Ciidamo shisheeye..
-
Iska hor imaad ka dhacay deegaanka Dhooblay..
-
Ibraahim Shookaali “Waxaan aad uga Walwalsanahay
Maxkamadaha u gaarka ah.”
-
Wafdigii xaqiiqo raadiska oo
kulan la yeeshay Dowlada Faderalka .
-
Maleeshiyooyinka Maxaakiimta oo
mar walba jabiya amarka shiikh Shariif...
-
Xasan Hilowle “waa dhamaatay
xiligii. looma dhama.”
Dowladda Masar oo taageertay in soomaaaliya la keeno
Ciidamo shisheeye..
Wasiirka Arimaha dibadda ee Wadanka Masar
Axmed Abuu Kheyb ayaa waxa uu sheegay in Dowladdiisu ay si weyn u soo
dhaweyneyso go’aankii ururka Midowga Afrika ee ahaa in Soomaaliya loo diro
ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Afrika.
Wasiirka Arimaha dibadda waxa uu sheegay
in dowladdiisu ay qayb ka qaadaneyso sidii ay Dowladda Federaalka gacan uga
siin lahayd taabagelinta ciidamadaasi, si ay uga qayb-qaataan arimaha amniga.
Hadalka ka soo yeeray wasiirka arimaha
dibadda waxaan ku raacsaneyn Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir
Muusaa oo sheegay in ciidamo nabad ilaalin ah oo loo diro soomaaliya ay
keeni karto in ay sii murjuso xaaladda Soomaaliya.
Dhinaca kale Qaramad Midoobey ayaa ka soo
horjeeda in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, taasoo ay Q/Midoobey
sheegtay in Soomaaliya ay noqon karto goob ay ku qulqulaan hub fara badan oo
laga yaabo in ay saameyn ku yeelato wadamada deriska la ah Soomaaliya.
Iska hor imaad ka dhacay deegaanka Dhooblay..
Wararka naga soo gaaray Magaalada
Dhooblay ee Gobalka J/hoose waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd uu
halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay labo kooxood oo maleeshiyo ah
oo koox midi galbineysay raashin mucaawino ah, waxaana iska hor imaadkaasi
ku dhintay 3 ruux, dhowr kalana way ku dhaawacmeen.
Iska hor imaadyada ka dhasha hogaaminta
raashinka Mucaawinada ah galbinteeda ayaa waxay maalmahan ku soo badanayeen
dalka, waxaana ugu dambeeyay iska hor-imaad ka dhacay magaalada Baydhabo
kadib markii ay koox maleeshiyo ah is hortaatay raashin mucaawino ah oo loo
waday dadkii ku waxyeeloobay abaarihii deegaanadaasi ku dhiftay, sidoo kale
iska hor imaad ayaa isna ka dhacay Gobalka Gedo markii ay koox maleeshiyo ah
ay jidgooyo u dhigteen raashin la galbinayay.
Ibraahim Shookaali “Waxaan aad uga Walwalsanahay
Maxkamadaha u gaarka ah.”
“Way fiican tahay in dalka Diinta
Islaamka lagu xukumo, waana jidkii loo mari lahaa sugida ammaanka dalka iyo
garsoor cadaaladeed, balse waxaan aad uga walaacsan nahay in Maxkamadaha u
gaarka ah beelaha hubeysan ay noqdaan aalad loo isticmaalo caburinta iyo
jowrfalka xaquuqda cadaaladeed ee beelaha dulman ee Soomaaliyeed iyo wixii
ay aaminsan yihiin” sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Isbahaysiga Beelaha Dulman
Mudane Ibraahim Geedi Jimcaale Shookaali, waxa uuna intaasi raaciyay “Waxaa
nala haboon in marka hore heshiis siyaasadeed laga gaaro qaabka qaybsiga
siyaasadeed oo ka madax banaan kala sareynta cunsuriyadeed ee 4.5 iyo
natiijo dowladeed iyo mid maamul oo oo la wada leeyay iyo hogaan hayin ah oo
ujeedo siyaasadeed leh, oo xiligaan Soomaaliya iyo beesha caalamka nabad ku
wada xiriiri karaan.
Ugu dambeyntii Guddoomiyuhu waxa uu
sheegay in Soomaaliya aysan ka maarmi karin hub ka dhigis caalami ah iyo
dibuheshiisiin Soomaaliya oo hoos laga soo bilaabo lana howlgeliyo ilaha
Dhaqaalah ee Dalka.
Wafdigii xaqiiqo raadiska oo kulan
la yeeshay Dowlada Faderalka .
Wafdi xaqiiqo raadis ah oo ka
socday Beesha Caalamka ayaa maalintii shalay ahayd gaaray Magaalada Baydhabo
ee Gobalka Bay, waxaana wafdigasi intii aysan la kulmin mas’uuliyiina
Dowladda soo kormeereen qaybo ka tirsan xarumaha Dowladda ee Magaalada
Baydhabo, kadibna waxay wafdigaasi la kulmeen mas’uuliyiinta sarsare oo ay
isla soo qaadeen arrimaha Soomaaliya.
Ra’isul Wasaare Geeddi ayaa mar
uu la hadlay wafdigaasi waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay si weyn
ugu baahan tahay in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo dowladda kala
shaqeeya amniga iyo kala dambeynta, sidoo kale waxa uu Ra’isul wasaaruhu u
sheegay wafdiga in beesha caalamka ay ka gaabisay wax u qabashada Dowladda
lagu soo dhisay dalka Kenya.
Wafdigaan ayaa maanta la
filayaa in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho oo la filayo inay la kulmaan
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyadoo
golaha Maxaakiimtu ay si weyn uga soo horjeedaan in dalka la keeno ciidamo
nabad ilaalin ah, taasoo ay sheegeen in ay keeni karto dhibaato iyo dagaalo
sokeeye oo hor leh.
Maleeshiyooyinka Maxaakiimta oo mar
walba jabiya amarka shiikh Shariif...
Waxaa habeen hore maleeshiyo ka
tirsan Midowga Maxaakiimtu ku dileen labo qofood oo ay midi Dumar ahayd
Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galguduud, mar ay weerar ku qaadeen goob
lagu daawanayay cayaaraha adduunka. Dilkaas oo ay gaysteen maleeshiyada
Maxaakiimta ayaa waxaa si weyn uga xumaaday dadweynaha deegaanka oo
iyagu codsaday in Maxaakiimtu ay gacanta ku soo dhigaan raggii ka dambeeyay
dilkaasi, maadaama ay dil bareer ah galeen.
Maleeshiyooyinka Maxaa-kiimta
oo intooda badan aan qabin tababar isla markaana aan lahayn wax dulqaada
ayaa waxaad moodaa in ay mar kasta jabiyaan amarkii guddoomiyaha Golaha
Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in waqtigaan aysan
Midowga Maxaakiimta qorshaha ugu jirin in ay xiraan Shineemoo-yinka iyo
goobaha lagu daawado Aflaanta, isagoo sheegay in Midowga Maxaakiimtu ay ku
howlan yihiin howlo ka waaweyn arrimahaasi.
Maalintii shalay ahayd ayaa
indhaheygu waxay qabteen wiil yaryar oo dhallinyaro ah oo hadba dhinacd ula
ordaya Qori, iyagoo raacdeysanaya Gawaari la sheegay in ay kas oo fakadeen
busteejadii loogu talagalay, waxayna wiilashaasi mararka qaarkood ay
garbaash la dhacayeen rag waaweyn.
“Yaa u baneeyay in ay garbaash
la dhacaan dadka, waxay awoodaan in ay si fudud ay ku wadaan qofkii ay dami
ku qabtaan” ayuu yiri Nin odey ah oo sheegay in Maleeshiyadaa Maxaakiimta
looga baahan yahay in nidaamka noocaan oo kale ah bedelaan.
Xasan Hilowle “waa dhamaatay
xiligii. looma dhama.”
Xasan Hilowle Cusmaan (Xasan Kacaan) oo
ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobalka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in
inta badan Koofurta Soomaaliya ay gacanta ku hayaan Golaha Maxaakiimta
Islaamiga ah, sidaa darteed, waxaa looga baahan yahay in wax walaba iyaga
looga dambeeyo.
“Waa dhamaatay xiligii looma dhama,
Taasoo burburka Soomaaliya heerkaan soo gaarsiisay, marka qolooyinka oronaya
wax walba waa in nalaga qaybgeliyaa sida Bulshada rayidka ah, Ganacsatada
iyo kooxaha kalaba waa in ay ogaadaan is bedelka ka dhacay dalka, gaar ahaan
koofruta Soomaaliya, isla markaana ay joojiyaan hadalada maalin walba ay ka
sii deynayaan warbaahinta”, laakiin Xasan Kacaan waxa uu sheegay meesha ay
ka marneyn oo loo baahan yahay wixii talo ah ee lagu biirinayo Maxkamadaha.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2006
Warar GooGoos
ah:: July 5
»Kismaayo: Xafladda
Xiritaanka Xilli Jaamacadeedka....
»Ugaas Max’ed Wali
“Barre Hiiraale wuxuu wadaa Barnaamij..
»Ciidamadii Itoobiya
ee soo galay Buulo-Xaawo oo qaarkood..
»C/llaahi Yuusuf
Axmed oo dib ugu soo laabtey Magaalada..
»Itoobiya oo wada
Qorsha ah in ay heshiisiiso Kooxohii..
»Kulan dhex maray
Max’ed Jaamac Furux iyo Gudoomiyaha..
»Minnesota: Xafladii
loogu dabaal dagayey Xoriyaddii Ummada
»Dagaallo ciidammada
Itoobiya lagu jabiyay
Madaxwaynaha
Puntland oo ku Soo Laabtay Boosaaso bil kaddib
MDGPL, Cadde Muuse, oo mudadii bisha ahayd ee uu dalka ka
maqnaa safar qarsoodi ah ku tegey Ethiopia ayaa..
Guji...
3 Qof oo ku dhintay Rasaas La isku Weydaarsadey
Magaalada Kismaayo
»Wafti
uu hoggaaminayo Barre Hiiraale oo soo gaaray..
»Wafdi
Qaramada Midoobey oo la kulmey Maxkamadaha...
»Ciidamo
Itoobiyaan ah oo lagu arkay gudaha Baydhabo..
»Shariif
Xasan oo ku soo jeeda Magaalada Muqdisho...
»HOWLIHII GUDDIGA GURMADKA
ABAARAHA MUDDADA 5 BILOOD AH
»Koobkii
Jaaliyada Finland ee Xagaaga ku Guulaysatay..
Wararkii oo dhan
ka akhri halkan... Guji... July 4
Barnaamijkii
Radio Xoriyo
04 July 2006
Dagaallo
ciidammada Itoobiya lagu jabiyay.
Dadwayne ay
ciidammada gumaysigu dileen iyo kuwa ay xidhxidheen.
Maxkamadaha
Islaamiga ah oo Itoobiya u digay.
======================
Wariyaha RX uga
soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo
ciidammada Itoobiya waxyeello aad u ba’an loogu gaystay, kuwaasoo ka
dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
Wariyuhu wuxuu
noo soo sheegay in muddadii u dhaxaysay 21/06 – 01/07/2006 dagaallo
dhexmaray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa caga-jiidka ah ee
gumaysatada Itoobiya in ciidammada gumasatada lagaga dilay 28 askari.
Waxaa sidoo kale dagaalladaas lagaga dhaawacay inta la ogyahay 33 askari.
Waxaa
ciidammada gumaysatada Itoobiya laga gubay hal baabuur oo Uuraal ah,
kaasoo wixii saarnaa oo dhan ayna waxba ka bixin. Ciidammada gumaysiga
baabuurkaas kaga dhintay ayaa lagu qiyaasayaa in ka badan 40 askari.
Dadwayne ay
ciidammada gumaysigu dileen iyo kuwa ay xidhxidheen.
Ciidammada
nacabka ah ee gumaysatada Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya
ka mid ah ku laayay dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin, qaar kalana
ku xidhxidhay.
Markii ay
taariikhdu ahayd 16/06/06 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen magaalada
Garigo’an haweenay 70 jir ah oo lagu magacaabi jiray Cadar Maxamuud
Aaden. Haweenayda da’da ah ayaa la sheegayaa in ciidammada gumaysigu
kufsadeen ka hor intii ayna dilin, ka dibna ay meel xas ah ku tuureen.
Haweenaydani waxay deegaanka Garigo’an ku ahayd socoto, waxayna u
socotay dad ehelkeeda ah oo deegaankaas ka daggan markii ay ka soo
dul-dhacday meel ay ciidammada gumaysigu dageen.
Isla 16/06/06
waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Miir-khaliif, oo gobolka Doollo ka
tirsan, gabadh lagu magacaabi jiray Shiino Maxamed.
11/06/06
magaalada Ceelwayne waxay ciidammada gumaysigu ku dileen C/llaahi
Maxamed Caafi.
24/06/06
magaalada Yoocaale waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku laayeen
dadka kala ah:
Faadumo
Aw-Siciid
Maxamuud
Muxumed Oomaar
Iyo Ibraahim
Muxumed Aw-Nuur
Duleedka
Qabridaharre waxaa maydkooda laga helay seddex nin oo dhalinyaro ah oo
ciidammada gumaysigu mirrijiyeen. Dhalinyaradan ayaa lagu xabaalay
magaalada Qabridaharre, iyagoon la aqoonsanin.
Dhinaca kale
waxay ciidammada gumaysigu meelo kala duwan ku xidhxidheen dad rayad ah
oon waxba galabsanin. Dadka la xidhxidhay inta aan magacyadooda helnay
waxay akla yihiin:
Magaalada
Maraacaato waxaa markii ay taariikhdu ahayd 09/06/06 lagu xidhxidhay
dadka kala ah;
1-
Haybe Kilaas
Xuseen
2-
Maxamuud Taani
C/naasir
3-
Sh Faysal Aaden
4-
Deeq Qoofal
Saahid
5-
Saafi Faarax
Dhaabe
6-
Tiriig Qoofal
Saahid
7-
C/llaahi Nuur
Aabi iyo
8-
Ayaan Nuur Halab
Markii ay
taariikhdu ahayd 19/06/06 waxaa raashiin gargaar ahaa oo yaallay
magaalada Maraacaato dadwaynaha u qabiyay odayaal deegaanka ah.
Raashiinkan ayaa dadwaynaha loo diiday, isla markaana lagu hayay meelo
ay ciidammada gumaysigu ku ilaashadaan.
Ciidammada
gumaysiga Itoobiya ayaa markaas ka dib xabsiga u taxaabay odayaashii
raashiinkan dadwyanaha u qaybiyay oo kala ah;
1-
Haraami Muxumed
Cadwaan
2-
Cabdi Cumar
Barre
3-
C/llaahi Cabdi
Ciilmooge iyo
4-
C/qaadir Nuur
Badhi-cadde
Ciidammada
gumaysigu waxay sidoo kale qaar ka mid ah dadwyanaha halkaas deggan ka
boobeen raashiin ay dadwaynahaasi lahaayeen. Dadka raashiinka laga
boobay waxaa ka mid ah;
1-
Xuseen
Gadh-cadde
2-
C/wahaab Xasan
Nuur
3-
Anfi Maxamed
Hirmaame
4-
Qoolaf Saahid
5-
Suleeqa Faarax
Madoobe iyo
6-
Haweenay lagu
magacaabo Ceebla’ oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin. Raashiinka dadkan
laga dhacay wuxuu isu gayn gaadhayaa 45 Kiish.
Maxkamadaha
Islaamiga ah oo Itoobiya u digay.
Guddoomiyaha
guddiga fulinta ee Golaha Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya Sh
Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in xukuumadda Itoobiya ay faragalin ku
heyso dalka Soomaaliya, isla markaana ay magaalada Baydhabo ku sugan
yihiin ciidammo Itoobiyaan ah.
Sheekhu wuxuu xukuumadda Itoobiya uga digay inay sii waddo faragalinta
ay Soomaaliya ku hayso, isagoo tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay
arrintaasi ka dhiidhiyi doonaan.
Sh Shariif ayaa digniintan bixiyay mar uu shir jaraa’id ku qabtay
magaalada Muqdisho.
Digniinta Sh
Shariif ayaa ka danabaysay markii ay soo baxeen warar sheegaya in
ciidammo Itoobiyaan ahi ay galeen magaalada Baydhabo ee xarunta u ah
dawlada ku meelgaadhk ah ee Soomaaliya. Ciidammadan Itoobiyaanka ah ayaa
la sheegayaa inay ka yimaadeen dhinaca gobolka Gedo, isla markaana ay
yihiin ciidammo badan oo wata dhawr baabuur oo kuwa ciidammada
ciidammada ah.
Qaybo ka mid ah
ciidamada Itoobiya ee galay dalak Soomaaliya ayaa ku hadhay oo wali
fadhiya tuulada Bardaale, waxayna ciidammadani qayb ka yihiin ciidammo
Itoobiyaan ah oo maalmihii la soo dhaafay galay gudaha dalka Soomaaliya.
Ciidammadan ayaa soo fadhiistay dhawr meelood oo dalka Soomaaliya ka mid
ah, waxaana meelahaas ka mid ah degmada Buulaxaawo oo ka tirsan gobolka
Gedo, taasoo ay tegeen ciidammo Itoobiyaan ah oo toban gaadhi wata.
04 July
2006.
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu
yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Wararka Kale ee Soomaaliya:::
3 Qof oo ku dhintay Rasaas La isku Weydaarsadey
Magaalada Kismaayo
»Wafti uu
hoggaaminayo Barre Hiiraale oo soo gaaray..
»Wafdi Qaramada
Midoobey oo la kulmey Maxkamadaha...
»Ciidamo Itoobiyaan
ah oo lagu arkay gudaha Baydhabo..
»Shariif Xasan oo ku
soo jeeda Magaalada Muqdisho...
»HOWLIHII GUDDIGA GURMADKA ABAARAHA MUDDADA 5 BILOOD AH
»Koobkii Jaaliyada
Finland ee Xagaaga ku Guulaysatay..
Wararkii oo dhan
ka akhri halkan... Guji... July 4
Xisbiga Ramaas oo
Bayaan ka soo Saaray Garoowe
Waxana uu xisbiga Ramaas shaaca ka qaaday in...
Guji....
|