SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

:::MAQAALKII CILMI:::
Dowladdii cidla joog, maxay curatoo dalka keentay?. WQ. A.D. Elmi.. Akhri
:::ASAD AADAN TURAABI:::
Haddii Banaanka laga helay, miyuusan u baahneyn gacan bini’aadannimo iyo Gargaar... AKHRI...
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji
:::DHACDO NAXDIN LEH:::
Cabdi Cali Siyaad “Argagixiso ayay igu tilmaameen, laakiin waxaan ogaaday in argagixisadu ay tahay  Dadkii falkaas ku kacay... Akhri...
:::SAFARKII MINNEAPOLIS:::
SOOMAALIDA MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji
:JAWAABO: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |
::SH. MUXAMAD IDRIS::
SOOMAALIYA MAANTA IYO BERRII!
Ilaahay aan barino! WQ. Sh. Maxamed Idris
(XISBIGA) AAMUSANE GOORMUU AFKIISA FURI DOONAA!! :
SOCDAAL: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CALOOL XUMO: 1 | 2 | 3
MALAYSIA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 |Shukran dhamaantiin
 

Wafdigii ka socday ururka Midowga Afrika, jaamacadda Carabta, urur goboleedka IGAD iyo Midowga Yurub oo maanta Muqdisho si weyn loogu soo dhoweeyay...

Muqdisho: July 6,2006: Wafdigii ka socday ururka Midowga Afrika, ururka jaamacadda Carabta, urur goboleedka IGAD iyo Midowga Yurub oo labadii maalmood ee ugu dambeysay ku sugnaa gudaha dalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay hotelka Ramadan ee magaalada Muqdisho, iyagoo ka soo kicitimay magaalada Baydhabo oo ay xalay marti u ahaayeen.  


danjire afey iyo dr.cadde gaabow oo wadahadlaya.

Wafdigan oo uu horkacayey Danjiraha dalka Kenya u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Max'ed Cabdi Afey, ayna weheliyeen, wakiilka jaamacadda Carabta u qaabilsan Somaaliya Cabdalla Mubaarak iyo xubno kale ayaa saakay 7:30 kii subaxnimo waxay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Cisaley, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay xubno ka kooban 15 xubnood oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Reer Muqdisho, kuwaasoo ugu dambeyntii keenay hotel Ramadan.  

Xubnahan ka socday ururada kala duwan ee beesha caalamka ayaa durbadiiba kulan la yeeshay maamulka gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo Dr. Max'ud Xasan Cali Cadde (Gaabow), Golaha deegaanka Gobolka Banaadir, xubno ka socday Midowga maxkamadaha iyo kacdoonka, ganacsatada, duubabka dhaqanka ururrada bulshada iyo qeybo kale oo ka socday guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.  


danjire afey oo lahadlaya saxaafadda

Wafdigan oo ujeedadiisu aheyd xaqiiqo raadin iyo sidii ay u ogaan lahaayeen is beddelkii dhinaca siyaasadda ee ku yimid magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho isla markaana ay taasi u dheereyd xog uruurin iyo talooyin la xiriira qaabka kacdoonka shacabka ee ka dhacay Muqdisha uu uga tashan lahaa aayihiisa dambe iyo xoojinta wadahadalka dowladda Federalka iyo kacdoonka shacabka. 

Kulan albaabada u xiran yihiin oo ay xubnahaasi kula yeesheen qeybaha bulshada ayey si weyn isula gorfeeyeen isla markaana ay is tuseen sida loogu baahan yahay in siyaasaddan cusub loogu duwo waddo toosan, isla markaana shacbiga ay u helaan nolol ka wanaagsan noloshii horey ay ugu jireen muddada 16-ka sano aheyd. 

Madaxa wafdiga Danjire Max'ed Cabdi Afey oo saxaafadda la hadlay ayaa ka warramay ujeeddada socdaalkiisa, oo uu ku micneeyay inay tahay sidii ay xog-gaal ugu noqon lahaayeen arrimihii ugu dambeeyay ee ka jiray caasimadda dalka Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu sheegay in qeybahan kala duwan oo uu la kulmay ay siiyeen talo wax ku ool ah, loona baahan yahay inay qaataan taladaas, iyagun wixii la faray inay ilaa xad ka shaqeyn doonaan, isla markaana lagu gaaro heshiis kama dambeys ah ee dhex mara dowladda Federalka iyo kacdoonka shacbiga. 

Sidoo kale wuxuu xusay mar wax laga waydiiyay talo soo jeedin ay soo hordhigeen xubnahan kala duwan ee la kulmay wafdiga oo ku saabsaneyd inaan ciidamo shisheeye dalka la keenin ayuu kaga jawaabay Ambassador in nabad gelyada guud ee dalka uu xil ka saaran yahay kacdoonka shacabka Soomaaliyeed, haddii ay xasiliyaanna looma baahna ayey ila tahay in la keeno ciidan shisheeye, balse haddii shacabka Soomaaliyeed laga badbaadin waayo waxa dhacaya inay caalamka gaar ahaan African union ay waajib ku tahay inay caawiyaan, ciidamana u soo diraan, dhinaca kalena wuxuu sheegay inaan loo baahnayn haddii heshiis buuxa la helo ciidamo shisheeye oo beddelkeeda wadahadal iyo is faham uu dhaco, taasina waxaa gaaray ayuu yiri madaxda Midowga Afrika madaxweynayaashooda shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Banjul, waxaana ay go'aansadeen ayuu yiri 55 madaxweyne in dalka Soomaaliya ciidamo nabad ilaalineed loo diro, waxaana rajeynaynaa in arrintaasi ka hadalkeeda uu sidaasu ku dhamaaday. 


Xubanaha waftiga

Mar wax laga weydiiyay safarka ay Muqdisho ku yimaadeen haddii ay jiraan safarro kale oo ay ku tagayaan gobollada kale oo dalka gudihiisa ah ayuu sheegay Ambassador Afey inay u qorsheysan tahay ilaa iyo hadda gobollada J/dhexe magaalo madaxda Kismaayo iyo gobolka Mudug iyo inta kale oo suurto gal oo aanu fursad u heli karno. 

Mar wax laga waydiiyay imaanshihiisa Muqdisho Ambassador Afey iyo siday ula muuqato gaar ahaan is beddelka ku dhacay dhinaca siyaasadda iyo nabadda ayuu ku jawaabay "Si aad iyo aad ayey iila muuqataa inay wanaagsan tahay, waxaa cad in wixii naloo sheegay ay muuqdaan kaasoo ahaa kacdoon shacbi, shacbiga ayaana haatan arrintaasi gacanta ku qaatay, inta maanta talada haysana waxaan leenahay shacabka ayaa ilaalineysa, haddii ay talada ku dheelaan kuwii hore meeshii la mariyay ayay marayaan  maxaa yeelay arrinta haatan shacbiga ayaa la wareegay, wayna ku mahadsan yihiin. 

Waxaa kaloo la waydiiyay rajo intee la eg ayaad ka qabtaan inay sii socdaan wadahadalladan ayuu yiri "Rajo weyn ayaan ka qabnaa sii socoshada wada hadalladan labada dhinac ee maxaakiimta iyo dowladda Federalka gaar ahaanna inta maanta halkan isugu timid waxay inoo sheegeen inay ka go'an tahay in waddankan xasilooni ku soo dabaalaan, loona heshiiyo si nabad ah, dhinaca dowladda waxaa ka go'an sidaad ogtihiin dowladdu waa dowlad dib u heshiisiineed in dalkan lagu dhameeyo xaaladdiisa dib u heshiisiin Soomaaliyeed, waxaana rajo weyn ka qabnaa in arrintaasi lagu guuleysto, shirkan Khartoum ee dhacaya 15-ka bishanna uu noqdo shirkii lagu guuleysto ahna kii ugu dambeeyay. Dhinaca kale wafdigan maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa labo xubnood oo ka mid ahaa wafdiga kana socday dowladda Itoobiya waxay ku soo hareen magaalada Baydhaba kaddib markii midowga maxaakiimta islaamiga la sheegay inay ka digeen inay Muqdisho yimaadaan wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo ay ku eedeeyeen inay ciidamo ay leedahay ku sugan yihiin qeybo ka tirsan dalka Soomaaliya, isla markaana faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya gaar ahaana maxkamadaha islaamiga oo qeybo ka mid ah Muqdisho gacanta ku haya, iyadoo horayna dowladda Eritrea uga baaqsatay in xubno ka mid ah ay soo raacaan wafdigan. 

Wafdigan xaqiiqo raadinta ah ayaa waxay horay ula kulmeen dowladda Federalka seddaxda xubnood ee ugu sarreysa iyo qaar ka tirsan golaha wasiirrada magaalada Baydhabo iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo la xiriira arrimaha Soomaaliya gaar ahaanna sida loo dhaqan geli karo heshiiskii Khartoum.  

Dhinaca kale ka hor wafdigaasi markii ay yimaadeen Muqdisho ayay hor dhigeen qodobbadan, wuxuuna u qornaa sidan:  Halkan ka akhri::: Statement by Sheik Sharif Sh. Ahmed,  Chairman, executive committee, IC

 Waxaa soo tebiyey:
MUUSE MAXAMUUD JISOW

somali39@hotmail.com


Saraakiisha ciidammada Itoobiya oo ku shirsan Qabridaharre.
 
Shir ay Jaaliyadda Ogaadeenya ee Holland qabatay.
 
Bayaan uu soo saaray guddiga fulinta ee Isbahaysiga AFD.
 
Maxkamadaha oo qaabilay wafti caalami ah ciidammo shisheeyana diiday
 
Bayaan Warfaafineed oo la xidhiidha dagaalka Yoocaale.
 
Barnaamijkii Xog-Warran( Guulaha jwxo sacabaha laguma qarin karo).
 
======================   
 
 
 Saraakiisha ciidammada gumaystada Itoobiya ee ka hawlgala dalka Ogaadeenya ayaa la sheegayaa inay kulan isugu yimaadeen  magaalada Qabridaharre, iyagoo ka tashanaya tallaabadii kale ee ay qaadi lahaayeen, ka dib markii ay si cad ugu fashilmeen qorshayaashii uu gumaysigu dajiyay ee lagu doonayay in lagu gumaado dadwaynaha reer Ogaadeenya.
 
Xukuumadda Itoobiya ayaa ku guul darraysatay ololihi millatari ee ay ka billowday dalka Ogaadeenya daba-yaaqadii bishii Abriil, kaasoo ay ku magacawday inuu yahay mid dalka lagaga tirtirayo ciidammada xoreynta Ogaadeenya. Ololahaas ayaa isugu jiray dagaallo lagu qaado ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo cadaadis iyo xasuuq loo gaysto dadwaynaha reer Ogaadeenya. Ciidammada gumaystada Itoobiya ayaa si cad ugu guul darraystay dagaalladii ay ku qaadeen ciidammada xoreynta Ogaadeenya, waxaana la baday jab iyo halaag aad u ba’an, hase yeeshee waxay dhibaatooyin waawayn u gaysteen dadwyanaha rayadka ah.
 
Markii ay sidaas ugu fashilmeen qorshihii ay ku talajireen, waxay saraakiisha ciidammada gumaysigu kahamiistii isugu yimaadeen kulan ay kaga arrinsanayaan wixii la yeeli lahaa. Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Qabridaharre, wuxuuna u ekaa kulan degdeg ah, iyadoo ay muuqatay in saraakiisha ciidammada meelo kala duwan lagaga soo daad-gureeyay diyaarado helikobtara ah.
 
Shir ay Jaaliyadda Ogaadeenya ee Holland qabatay.
 
Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Holland ayaa dhawaan isugu timid shir ballaadhan oo lagaga hadlay arrimaha Ogaadeenya iyo halganka hubaysan ee ka socda dalka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay, waxayna xubnaha Jaaliyaddu ballanqaadeen inay dadaalkooda sii labanlaabi doonaan.
 
Kulankan, oo maalintii axadda ahayd ee bisha Julay 02-da ahayd lagu qabtay magaalada Tilburug, waxaa ka soo qayb galay xubno badan oo isugu jira odayaal, siyaasiyiin iyo dhalinyaro dhammaantood ak tirsan Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Holland.
 
Kulankan waxaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay ka soo jeediyay guddoomiyaha Hooggaanka Arrimaha Dibada iyo Jaaliyadaha mudane C/raxmaan Sh Mahdi. Mudane Mahdi ayaa dadwaynihii kulankaas isugu ymidi uga xog warramay xaaladda ka taagan dalka Ogaadeenya iyo heerka uu marayo halganka hubaysan ee JWXO kula jirto xukuumadda gumaysatada Itoobiya.
 
Mudane C/raxmaan Sh Mahdi ayaa dadwaynihii halkaas isugu ymid ku guubaabiyay inay dadaalkooda sii labanlaabaan, si guusha kama danabaysta ah loo soo dadajiyo oo gumaysiga nacabka ah la isaga dul-qaado.
 
Bayaan uu soo saaray guddiga fulinta ee Isbahaysiga AFD.
 
Guddiga fulinta ee Isbahaysiga Xorriyada iyo Dimuqraadiyada ee AFD ayaa kulankiisii ugu horreeyay yeeshay intii u dhaxaysay 29 Juun – 01 Julay 2006. Guddiga fulinta ee AFD ayaa kulankiisan kaga hadlay arrimo badan oo isugu jira dhismihiisa, himiladiisa siyaasadeed iyo doorka uu ka qaadan karo siyaasada Itoobiya ee mustaqbalka.
 
Guddiga fulinta ee Isbahaysiga AFD ayaa bayaan uu ka soo saaray gabagabadii kulankan, wuxuu ku sheegay in Isbahaysigu uu go’aan ku gaadhay in awooddiisa, codkiisa iyo tallaabooyiinkiisaba mideeyaan, si loo soo dadajiyo isbaddal ka dhacay Itoobiya oo lagu xaqiijiyo xorriyad iyo dimuqraadiyad.

Isbahaysiga AFD wuxuu taliska EPRDF ugu baaqay inuu si degdeg ah u joojiyo hawlgalka millatari ee uu ka wado dalka Ogaadeenya, inuu sii daayo dhammaanba siyaasiyiintii iyo madaxdii mucaaradka ee la xidhxidhay intii ka danbaysay doorashadii May 2005. Wuxuu kaloo Isbahaysigu taliska EPRDF ugu baaqay inuu joojiyo cadaadiska uu ku hayo qawmiyadaha Oromo, Sidaamo, Gambella iyo Amxaarada.
 
Isbahaysiga AFD wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay taageerto qorshaha Isbhaysiga, isla markaana ay taliska EPRDF ku cadaadiso inay oggolaato sidii xal wadajir ah loo gaadhi lahaa.
 
Maxkamadaha oo qaabilay wafti caalami ah ciidammo shisheeyana diiday
 
Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya iyo Bulshada Rayadka ah ee magaalada Muqdisho ayaa khamiistii magaalada Muqdisho ku qaabilay wafti caalami ah oo isugu jira ururrada Midowga Afrika, IGAD iyo Jaamacadda Carabta, waxayna u gudbiyeen qoraal dheer oo ka turjumaya siyaasadooda la xidhiidha arrimaha keenista ciidammo shisheeye ah iyo wadahadallada dhawaan Kharduum ka dhici doona.
 
Maxkamadaha Islaamiga ah iyo bulshada rayadka ah ee Muqdisho ayaa si wadajir ah walaac uga muujiyay in ciidammo shisheeye ah la keeno dalka Soomaaliya, iyagoo waftiga u caddeeyay inaan ciidamo shisheeye ah Soomaaliya looga baahnayn, balse looga baahan yahay soomaalida inay iyagu ka tashadaan nabadgelyada dalkooda.
 
Maxkamadaha Islaamiga ah ee ayaa sidoo kale waftigan u gudbiyay qoraal ay ku sharxayaan sida ay u jecel yihiin in guul laga gaadho wadahadallada iyaga iyo dawlada ku meelgaadhka ah dhawaan ku dhex mari doona magaalada Kharaduum ee dalka Suudaan.
 
Xubnaha waftigan caalamiga ah oo ka soo dagay garoonka dayuuradaha ee Ciisaley ayaa sheegay inay aad ugu riyaaqeen isbaddalka la taaban karo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, iyagoo tilmaamay inay wax wayn iska baddaleen nabadgelyada magaalada Muqdisho.
 
Waftigani wuxuu ku soo horreeyay magaalada Baydhabo ee xarunat u ah dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya, wuxuuna wadaxaajoodyo la yeeshay masuuliyiinta sarsare ee dawlada ku meelgaadhka ah.
 
Xubnihii wafitaga ula socday xukuumadda gumaystada Itoobiya ayaa waftiga ka hadhay markii uu waftigu u jihaystay dhinaca magaalada Muqdisho, iyagoo wajiga soo siin waayay dadwyanaha magaalada Muqdisho oo in badan ka dhiidhiyay faragalinta qaawan ee gumaysatada Itoobiya ku hayso arrimaha Soomaaliya.
 
Bayaan warfaafineed oo la xidhiidha dagaalka Yoocaale                          
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO waxay Caddanaysaa inayna lug ku lahayn dagaal-beeleedka ka dhacay shalay aagga Yoocaale iyo isku dhacyadii yaryaraa ee ka horreeyay ee u dhexeeya  labada beelood ee deegaannadaas ku dagaallamay, isla markaana waxay si cad u  beeninaysaa warka wariyaha BBC-da Hargaysa uu ka soo tabiyay isagoo ka soo xigtay dad uu ku sheegay inay Suldaano iyo Odayaal yihiin. Warkaasi wuxuu si aad ah uga fog yahay xaqiiqada, mana dhicin tariikhda, kamana mid ah mabaadii’ada, dhaqanka  iyo anshaxa JWXO inay dhinac ka noqoto dagaal qabiileed.
JWXO waxay qabtaa in dagaalladan uu ka dambeeyo Taliska gumaysiga Itoobiya, lagana huriyo colaadda walalaaha soomaaliyeed Addis Ababa iyo Hargayasa oo ku faraxaya dhiigga shacbiga soomaliyeed ee daata, meel kasta oo Gobolka Geeska Afrika ah ha ku daatee. JWXO iyo ummada Soomaliyeed midan dani uguma jirto dhiigga walaalaha iyo khasaaraha  dad iyo maal leh ee ka dhasha dagaallada sokeeya, umana faa’iidaynayaan cid aan ahayn cadawga Soomaaliyeed.
Haddaba JWXO waxay ugu baaqaysaa labada beelood ee dagaalku dhex-maray inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka sokeeye, kuna xallistaan khilaafaadkooda habka nabadgalyo iyo hannaanka dhaqan ee soo jireenka ah. Sidoo kale waxay JWXO u digaysaa dhinacyada sii hurinaya colaadda sokeeye ee abaabulka  ka wada Hargaysa ee faragalinta dheeraadka ku haya dagaalkan u dhexeeya labada beelood.
Dhanka kale waxay JWXO ku baraarujinaysaa saxaafada sida taban ee lidka ah uga qayb qadanaysa dhacdadan, inay ka fiirasadaan kaalinta ay ka qadanayaan iyo raadka ay ku yeelan karto dagaalkan labada beelood u dhexeeya.
Ugu dambayn waxaan u rajeynaynaa wax-garadka labada dhinac inay ku guulystaan qaboojinta xiisadan ayna baajiyaan dhiig dambe oo daata.
MIDNIMO MINTID ISKUTASHI GUUL
HOGGAANKA WARFAFINTA JWXO
Axmed Sheekh Cabdi
 
 
07 July 2006.
Axmed Gaal-Eri                
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Warar GooGoos ah::July 6
»Dowladda Masar oo taageertay in soomaaaliya la keeno..
»Iska hor imaad ka dhacay deegaanka Dhooblay..
»Ibraahim Shookaali “Waxaan aad uga Walwalsanahay...
»Wafdigii xaqiiqo raadiska oo kulan la yeeshay Dowlada..
»Maleeshiyooyinka Maxaakiimta oo mar walba jabiya amarka..
»Xasan Hilowle “waa dhamaatay xiligii. looma dhama.” ..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... July 6

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD