Wararkii July 8, 2006
-
Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo
beeniyay in dagaalkii Muqdisho ka qaybqaateen...
-
Cadde Muuse “Anagu ma
aqoonsanin wax la yiraahdo Maxkamado Islaami ah..”
-
Wafdigii xaqiiqo raadinta oo maanta tegaya
Kismaayo..
-
Mid ka mid ah ilaaladii Wasiirkii ku
xigeenkii.Xanaanada Xoolaha oo toogasho.
Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo
beeniyay in dagaalkii Muqdisho ka qaybqaateen...
Golaha Maxaakiimta Islaamiga
ah ayaa si kulul u beeniyay "Cajalad Fiidiyow" ah oo la sheegay inay
baahisay wakaaladda wararka AP, cajaladaas ayaa waxa ay ahayd mid ku
saabsanayd in dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ay ku jireen
ama qayb-qaateen rag shisheeye ah oo u badan Carab, waxayna wararkaasi ku
tilmaameen Golaha Maxaakiimtu mid aan sal iyo raad toona lahayn oo loogu
qiil dayanayo in la sii fogeeyo xal u helida arrimaha Soomaaliya. Golaha
Maxaakiimtu waxa ay sheegeen in aysan jirin wax shisheeye ah oo ka
qayb-qaatay dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee looga soo horjeeday
Isbahaysigii burburay ee la dagaalanka Argagixisada.
“Dagaalka waxaa ka
qayb-qaatay shacabka Soomaaliyeed oo iyagu ka dhiidhiyay dhibaatadii ay ku
hayeen mudo 16 sano ah Hogaamiye kooxeedyadii” ayay yiraahdeen Golaha
Maxaakiimta oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay cid kasta tusiyaan
xaqiiqda dhabta ah ee uu dagaalkaasi ku saabsanaa iyo wixii dhaliyay. Dhowr
sawir oo aan ka daawaday Cajaladda, ayaa mar hore cajaladdu waxay tahay mid
mugdi ah, waxaana lagu tusinayaa in Caddaan ah oo dul saaran Gaari haystana
Qori, sidoo kalana waxaa lagu tusinayaa nin kale oo Caddaan ah oo uu madaxa
ugu duuban tahay maro ay ku qoran tahay (Allaahu Akbar), watana funaanad u
eg Tuutaha Mareykanka, mana jiraan wax Soomaali ah oo ag taagan raggaasi.
Sidoo kale Cajaladdii uu dhawaan soo daayay Usaama Bin Laadin ayaa iyana
qaar ka mid ah Bulshada waxa ay sheegeen in cajaladdaasi ay ahayd mid u eg
been abuur, waayo weli ma dhicin 24-saac in Usaama Bin Laadin uu soo duubo
labo cajal. “Dagaalka lagula jiro Midowga Maxaakiimta ee dhinaca Saxaafadda
waa mid isa soo taraya, waxaana loo baahan yahay in ay dulqaad yeeshaan”
ayuu yiri mid ka mid ah Xubnaha Shuurada ee Golaha Maxaakiimta oo sheegay in
aysan dheg shalaq u siin Maxaakiimtu arrimaha noocaas oo kale ah.
Cadde Muuse “Anagu ma
aqoonsanin wax la yiraahdo Maxkamado Islaami ah..”
Gen. Cadde Muuse oo ah
Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland ayaa wax laga weydiiyay sida
aragtidiisa ku aadan is bedelka cusub ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo
nawaaxigeeda, kadib markii ay Golaha Maxaakiimtu la wareegeen gacan ku
hayntii caasimadda iyo Gobalada ku dhow dhow, waxa uuna sheegay Cadde Muuse
in maamulkiisu uusan aqoosanayn Maxaakiimta.
“Anagu waxaan leenahay
maamul noo gaar ah iyo maxkamado noo gaar ah” ayuu yiri Cadde Muuse oo
sheegay in is bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho uu saameyn ku yeeshay
qaar ka mid ah Gobalada hoos taga maamul Goibaleedka Puntland, isagoo
markaasi ula jeeday dilkii loo gaystay weriye u dhashaday wadanka Sweden oo
dhawaan lagu dilay fagaaraha Tarabuunka oo uu banaanbax ka dhacayay.
Maamul Cadde Muuse ayaa
dhawaan xirxiray Culuma-u-Diin iyo xubno kale oo iyagu si weyn ugu guuxay is
bedelka ka dhacay magaalada Muqdisho, qaarkoodna ay weli haatan ku jiraan
xabsiyada maamulkaasi.
Wafdigii xaqiiqo raadinta oo maanta tegaya Kismaayo..
Maanta ayaa la filayaa in wafdigii
xaqiiqo raadinta uu gaaro Magaalada Kismaayo ee Gobalka J/hoose, waxaana
lagu wadaa in halkaasi ay kula kulmaan mas’uuliyiinta Dooxadda Jubba oo uu
ugu horeeyay Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Barre Aadan Shire (Barre
Hiiraale) oo isagu dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.
Wafdigaani ayaa waxay horey u soo mareen
Magaallooyinka Baydhabo iyo Muqdisho oo ay ku kala sugan yihiin Dowladda
Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta, iyadoo Golah Maxaakiimta ay wafdigaasi u
gudbiyeen qoraal ay ku diidan in dalka la keeno ciidamo Shisheeye, halka
Dowladda Federaalka ay iyana wafdigaasi u sheegtay in dalka uu u baahan
yahay in la keeno ciidamo shisheeye.
Barre Hiiraale waxa uu ka mid yahay
wasiirada sida aadka ah u taageersan in dalka la keeno ciidamo shisheeye,
waxaana wafdigasi marka ay u uruuriyaan fikradaha aybaha kala duwan ee
bulshada ayay dib ula laaban doonaan ururadii caalamiga ahaa ee ay ka kala
socdeen.
Eedeymo loo jeediyay
wafdigii xaqiiqo raadiska..
Maalintii Khamiista ayaa
waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi xaqiiqo raadis ah oo ka socday
beesha Caalamka, waxayna wafdigaasi ka soo degeen garoona Diyaaraha ee
Cisaley, waxayna markiiba kulan kula qaateen Hotel Ramadaan Golaha
Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana wafdigaasi loo gudbiyay warqad qoraal ah
oo ay ku qornaayeen dhowr qodob, waxaana ku jiray qodob oronaya in Golaha
Maxaakiimta ay si aad ah uga soo horjeedaan in dalka la keeno ciidamo
Shisheeye noocay doonana ha noqdeen.
Waxay kaloo la kulmeen qaybo
kale oo ka tirsan Bulshada oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cadde
Gaabow, hase yeeshee wafdigaasi ayaa waxaa eedeeyn u jeediyay qaar ka mid ah
bulshada oo ay ugu horeeyaan xubno la magacbaxay Maxaakiimta Ahlu Sunna
Waljameeca, waxayna wafdigaasi ku eedeeyeen in ay ku xadgudbeen waxyaabihii
ay u yimaadeen Muqdisho kadib markii ay sheegeen in wafdigaasi uu la kulmay
hal dhinac, sidoo kale Culuma-u-diin kale ayaa wafdigaasi ku sugayay Hotel
Global, hase yeeshee wafdigaasi ayaa halkaasi tagin, waxayna qaar ka mid ah
xubnihii halkaasi ku sugnaa ku eedeeyeen wafdigaasi in aysan ahayn wafdi
dhex dhexaad ka ah arrimaha Soomaaliya. Xubin ka tirsan Wafdiga Xaqiiqo
raadinta ayaa sheegay in Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobalada ku dhow dhow
ay beesha caalamka u aqoosan tahay in ay ka taliyaan Golaha Maxaakiimta
sidaasna ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho.
Mid ka mid ah ilaaladii Wasiirkii ku
xigeenkii.Xanaanada Xoolaha oo toogasho.
Wararka ka imaanaya Baydhabo, waxay
sheegayaan in maalintii shalay ahayd la dilay mid ka mid ah ilaaladii wasiir
ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Cabdi Max’ed Dhuxulow.
Dilakaas ayaa waxaa gaystay kooxo
hubeysan oo ka tirsan deegaanka, ilaa iyo haatanna lama garanayo sababihii
loo weeraray ninkaasi, warar ayaa waxay sheegayaan in la doonayay in laga
disho qoriya, hase yeeshee warar kale ayaa waxay tibaaxayaan in inta aan la
dilin uu muran dhex maray mid ka mid ah maleeshiayda deegaanka kadibna
rasaas lagu furay oo uu goobtii ku dhintay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo dil
noocaan oo kale ah uu ka dhaco Magaalada Baydhabo oo xarun u ah Dowladda
Federaalka, iyadoo dhawaan maleeshiayda daacadda u ah Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf ay bartamaha Magaalada ku dileen nin la oran jiray Bashiir Boonow.
Sidoo kale weerar ayaa lagu ekeeyay xarun
u booliis oo ku tiilay bartamaha magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi ku
dhintay mid ka mid ah ciidamadii booliiska ee halkaasi ku sugnaa.
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo
raadka uu... Dhegeysi...
Xaflad loo sameeyay furitaankii Radio Simba...
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay
ayaa lagu qabtay Hotel Peace, waxayna xafladdaasi ku saabsaneyd furitaanka
Idaacad Cusub oo noqoneysa Idaacaddii ama Raadiyihii 12-aad ee ka furan
Magaalada Muqdisho.
Raadiyaahan oo loogu magac-daray Radiyo
Simba ayaa furitaankiisii waxaa ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada,
waxaana ugu horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyay agaasimaha Idaacadda
Max’ed Xasan Feynuus oo sheegay in ujeedooyinka loo furay idaacaddaani ay
tahay sidii ay Bulshada uga haqabtiri lahayd war hufan oo ku saleysan
xaqiiqda dhabta ah.
Sidoo kale waxaa halkasi ka hadlay madaxa
Maaliyadda iyo horumarinta ee Idaacaddaasi Daahir Cabdulle Calasow (Daahir
yare) oo isna sheegay in Idaacaddu ay diyaar u tahay in ay qayb ka qaadato
sare ku qaadida ganacsiga Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay Idaacaddu ku
shaqeyn doonto dhex dhexaadnimo si ay bulshadu u helaan warar ay ku
kalsoonaan karaan.
Intii ay Xafladdu socotay ayaa waxaa
halkaasi lagu soo bandhigay Ruwaad ka hadleysay Idaacadaha, waxaana ugu yaab
badnaa markii Make Xaaji Banaadir uu Bac ka soo buuxsaday ilaa iyo 12
Raadiye markii la weydiiyayna waxa uu yiri “Ma doonayo in uu hal war I
dhaafo” taasoo ay si aad ah ula yaabeen dadkii Xafladdaa joogay, waxaa kaloo
ka hadlay Tifaftiraha Idaacadda C/naasir Zero oo sheegay in Idaacaddu ay
Tifaftiri doono war kasta oo idaacadda ka baxay, sidoo kale waxaa ka hadlay
Siciid Siyaad Shirwac oo ku hadlayay Magaca Aqoonyahanada Soomaaliyeed, waxa
uuna u mahadceliyay intii ka soo shaqeysay furitaanka Idaacaddaasi, isagoo u
soo jeediyay in ay bulshada u soo gudbiyaan warar tayo leh.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: July 8,
2006
Dood-Cilmiyeed:
Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo
raadka uu... Dhegeysi...
Wafdigii ka socday ururka Midowga Afrika,
jaamacadda Carabta, urur goboleedka IGAD
iyo Midowga Yurub oo Muqdisho si weyn loogu
soo dhoweeyay...
Warbixin....