Wararkii July 9, 2006
-
Muqdisho:
Goobo Muhiim ah oo ay la wareegeen
Maxkamadaha
-
Xisbiga Ramaas oo Bayaan ka soo saaray
Garoowe:::
-
Kismaayo: Warbixin waftigii ka socdey beesha
caalamka...
-
Xubnihii Isbahaysiga oo maanta kulan la yeelan
doona...
-
Hay’ad camabareysay falal dil ah oo ay gaysteen
Maxaakiimta Islaamiga ah.
-
Barre Hiiraale iyo Itoobiya oo si aad
ah isugu soo dhawaanaya
-
Sheekh Xasan Daahir
Aweys oo kulan kulan kula yeeshay Dhuusamareeb Safiirka Talyaaniga..
-
Warar ku saabsan xaaladda Magaalada
Baydhabo..
Warbixin ku saabsan dagaal Qaraar oo saakey
dhexmarey Golaha Maxaakiimta iyo Qaybdiid....
Goobo Muhiim ah oo ay la wareegeen Maxkamadaha
Saakey aroortii
ayaa dagaal faraha la isaga gubtay waxa uu dhex maray Midowga Maxaakiimta
islaamiga ah iyo Maleeshiyo daacad u ah Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo
xubin ka ahaa Isbahaysigii burburay ee la dagaalanka argagixisada, waxa uuna
dagaalkaan xoogiisii uu markii hore ka bilowday deegaanka Xoosh, kadib
markii ciidamada ka socday Golaha Maxaakiimta ay ka soo galeen dhinaca
Jasiira, waxa uuna dagaalkaasi socday mudo 20 daqiiqo ah, kadibna waxay
ciidamada Golaha Maxaakiimta halkaasi kula wareegeen saldhigii Booliiska ee
galbeed iyo deegaanka Xoosh, waxaana dagaalkaasi ku dhintay labo qof, dhowr
kalana way ku dhaawacmeen.
Dagaalkaasi markii uu joogsaday ayaa
maleeshiyada daacadda u ah Cabdi qaybdiid waxay bilaabeen in ay weerar ku
qaadaan goobihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Maxaakiimta, waxaana la is
weydaarsaday hubka noocyadii kala duwan, waxa uuna dagaalka xoogiisu ka
dhacay Siinka Dheer ilaa Ex.Control iyo waliba jaamacaddii ummadda.
Dagaalkaan oo maalmahan abaabulkiisu ka socday
Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa dhowr jeer la isku dayay in la
joojiyo, iyadoo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay Cabdi Qaybdiis u
sheegeen in uu beeshiisa ku wareejiyo hubka, isagoo arrintaasi ka
jawaabayana waxa uu yiri “Suuragal ma tahay in bakhaar raashin kaaga buuxdo
lagu yiraahdo hebel ku wareeji, hubka aniga ayaa iska leh cid aan ku
wareejinaayana ma jirto”.
Saan saanta dagaalka waxaa si weyn loo
dareemay labadii maalmood ee ugu dambeysay kadib markii Midowga Maxaakiimta
bilaabeen in ay gebi ahaanba gooyaan jidadka soo gala halka uu ku sugan
yahay Cabdi Qaybiid, waxayna gawaaridii isticmaali jirtay wadadaasi loo
weeciyay dhinaca wadada Dayniile.
khasaaraha soo gaaray labada dhinac ayaa waxaa
la sheegay in uu aad u badan yahay iyadoo markii ciidamada golaha
Maxaakiimta ay qabsanayeen saldhiga galbeed ay kula wareegeen hal gaari oo
Tikniko ah iyo waliba rasaas ku jirtay saldhigasi taalay, sidoo kale
Maleeshiayda Cabdi Qaybdiid ayaa qabsaday labo gaari oo Tikniko midna waa ay
gubeen.
Dagaalka u dhexeeya labada dhinac ayaa waxa uu
saameyn ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxaana la arkayay dad fara badan oo
ka qaxayay goobihii uu dagaalku ka bilowday, mana jirto cid haatan isku
howshay in dagaalkasi ay dejiso, waxaana labada dhinca haatan gaaraya
gurmadyo kala gedisan oo isugu jira Gawaari iyo Ciidan.
Isbitaalka Madiina oo inta badan qaabili jiray
dadka dhaawaca ah ayaa isna waxaa saameyn ku yeeshay dagaalkaasi kadib
markii ay agagaarkiisa ay ku soo dhacayeen madaafiicda ay is weydaarsanayeen
labada dhinac, waxaana la sheegay in dad horey ugu jiray Isbitaalkaasi laga
saaray.
Dowladda Federaalka ayaa iyadu baaq u soo
jeedisay kooxaha ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho, waxaana u hadlay Ra’isul
Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Iskaashiga gobalka Ismaaciil Hurre Buubaa
oo sheegay in waqtigaan aan loo baahneyn dagaal loona hogaansamo heshiiskii
Khartuum.
Wararakii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in
Maxkamadaha ay la wareegeen goobo muhim ah oo ay ka mid yihiin sadhigii
booliska Galbeed ee Dharkeenleey , Xoosh , Ex-Control afgooye iyo xeradii
Asluubta waxaa maleeshiayadii qaybdiid la isugu keeney Jaaamacada Ummadda.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Xisbiga Ramaas oo Bayaan ka soo saaray
Garoowe:::Bayaan uu maanta
(July 9,2006) soo saaray xisbiga mucaaradka ah ee Ramas political party
ayaa si wayn loogu canbaareeyay ku tagrifalka madaxwaynaha puntland
hantida ummadda iyo wali musuqmaasuq baahsan oo ka jira gudaha puntland
kaasi oo xisbigu maanta ka soosaaaray bayaankan hoos ku qoran.
puntland somalia
Ramaas political party
RPP/27/06
Date:09/07/006
Ku: Golaha wakiilada shacabka DGPL
Ku: saxaafada madaxbanaan somali
Ogaysiin: madaxwaynaha DGPL
Ogaysiin shacab waynaha puntland
Ujeedo: madaxwaynaha puntland oo
ku guul daraystay cadalada, nabadgalyada iyo ku dhaqanka miisaaniyada.
Mudanayaal waxaa hawlwadeenada xisbigu
idin ku salaamayaan salaanta islaamka Aslaamu caleykum..
salaan kadib sida aad la socotaan waxaa
maamulka madaxwaynuhu ku guul daraystay xaalado adag oo dalka soo
wajahay oo ay ka mid yihiin.
1-waxaa madaxwaynuhu ku guul daraystay
cadaalad u samayntii wadanka
a) waxaa madaxwaynuhu baa bi'iyay
maxkamadii tastuuriga ahayd si aan loo helin marjac tastuuri ah oo la
isula noqdo maxkamadaas oo uu dhisay madaxwaynihii hore Maxamed Cabdi
Xaashi waxaana gudoomiye ka ahaa maxkamadaas tastuuriga ah maxamed
buraale ismaaciil.
b) waxaa dhamaan madaxwaynuhu lumiyay
awoodii iyo madaxbanaanidii golaha garsoorka oo wuxuu hoosgeeyay
golihiisa xukuumada taas oo gaf ku ah tastuurka DGPL oo uu jabiyay qaybo
ka mid ah qodabadiisa oo aan hada ka hor idiinku sheegnay madaxbanaanida
golaha garsoorka.
c) waxaa madaxwaynuhu lumiyay awoodii
baahsanyd ee dalka wuxuuna awoodii ku uruuriyay beeshiisa sida booliska
oo uu taliyo uga dhigay ina adeerkiis iyo maxkamada sare oo uu gudoomiye
uga dhigay ina adeerkiis sida lawada ogsoon yahay.
2- waxaa gacanta ka baxay nabadgalyadii oo
booliskii ayaa noqday fadhiid aan awoodoodu muuqan, waxaa ka dhaca
magaalooyinka dhamaantood dilal iska daa qabasho cidii dilka gaysataye
waxaa boolisku kariwaayay cadayntii dhibaatooyinkaas dilalka ah tayo
xumo boolis awgeed meelaha ay ka imaanayaan iyo cida ka danbaysa toona.
3-sida uu ka dhexsheegay golaha
baarlamaanka wasiirka maaliyadu markii uu soo bandhigayay shaxdii
miisaaniyada wuxuu cadeeyay inaysan ku dhaqmi karin miisaaniyadaan
sababtoo ah codsiyo kakala yimaada xubno ka mid ah golaha wakiilada oo
doonaya wax kabaxsan miisaaniyada iyo codsiyo kale oo ka yimaada
madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka oo dhamaantood wada fadlan ah
ana aan tixgaliyo codsiyadaas.
Hadaba mudanayaal waxaa xisbigu idiin soo
jeedinayaa in aad xaaladaa dalka oo khatar maraya aad wax ka qabataan
oo aad kaga faa'iidaysataan kalfadhigiinaan tastuuriga ah oo ay idiin
hor taal hawlo adag, waxaan idin ka codsanaynaa in aydan ku kala tagin
kalfadhigaan ilaa aad wax qabad dhab ah u muujisaan shacabkii idin soo
doortay oo hamuun u qaba wax qabadkiina.
mobile: 747090
Waxaa soo tebiyey:
c/rizak koronto
Wafdigi kasocday Egad beesha caalamka iyo midowga
Afrika oo dib uga laabtay magaalada Kismaayo galinkii dambee Sabtidii kadib
kulamo ay la yeesheen maamulka Isbahaysiga iyo odayaasha dhaqanka beelaha .
Wafdigaani oo ka koobnaa 21 xubnood kana socday
beesha caalamka ayaa diyaaradi waday waxay soo cagadhigatay garoonka
diyaaradha ee magaalada Kismaayo sideedii subaxnimo ee sabtidii waxayna isla
subaxnimadii uga warameen ujeedkooda imaatiga magaalada Kismaayo
masuuliyiinta Dooxada Jubba oo kusoo dhoweeyey magaalada Kismaayo xaruntooda
baranwaa,

Xubnahaasi ayaa ku sheegay ujeedada imaatingooda
magaalada Kismaayo in ay tahay mid qeyb ka ah qiimeyn arimaha nabadgalyada
ah iyo u kuurgalida arimaha siyaasada oo ay kawadeen waayadani magaalooyin
badan oo dalka soomaaliaya ah, qeybna ay katahay magaalad Kismaayo.
Waxay sheegeen wafuudaani oo uu hogaaminaayey
safirka dalka Kenya ee Soomaaliya Ambasador Maxamed Cabdi Afey in ay
doonayaan in ay kala kulmaan maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba Arimaha
ammaanka Gobolka iyo isbedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay sida ay ula
jaan qaadayaan madaxda Jubbyooyinka ee Isbahaysiga .
Masuuliyiintani ayaa dhinaca odayaasha Dhaqanka
kahadlay sidii ay udhiiragalin lahaayeen heshiiska dowlda iyo Maxkamadaha
ayna usii xoojin lahaayeen nabadgalayada iyadoo waliba la weydiiyey fikrada
ay ka qabaan ciidamo shiisheeyo odayaasha, inkastoo ay ku qeybsameen
arinkaasi,
Wafuudaani ayaa waxaa ku wehlinaayey socdaalkooda
Safiirka Ethoobia ee Soomaaliya Cabdicasiis Sheeq Ahmed waxaana aan
weydiiyey wareysi gaar ah oo aan layeeshay sababta kalifay in ay yimaadaan
magaalada Kismaayo wafuuda Ethiopia oo ay u tagi waayeen magaalada Muqdisho
oo kahor Kismaayo ay booqden Xubno ka mid ah waftiga, haseyeeshee waxaa uu
taasi kaga jawaabay in cilad dhinaca farsamada ah oo heshay ay taasi tahay.

Waxay Booqdeen xubnahaasi intii ay joogeen magaalada
Kismaayo Dekeda magalaada Kismaayo ,Isbitaalka degmada iyo xarunta maamulka
degmada Kismaayo, waxayna dhamaantood lakulmeen masuuliyiintii joogtay oo ay
kala hadleen Arimo samafalka iyo sida ay ushaqeeyaan .

Wafudaani ayaa waxaa uu noqonayaa socdaalkii ugu
horeyey oo ay kuyimaadaan magaalada Kismaayo iyagoo sheegay in ay usii gudbi
doonaan magaalooyin kale oo dalka ah oo ay kamid tahay magaalada Gaalkacyo
ee maamul goboleedka Puntland.

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Sweden: Haweeney lugu sheegay iney Soomaali tahay oo dad qabadsiisay cudurka AIDS-ka
Xubnihii Isbahaysiga oo maanta kulan la yeelan doona...
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Wararka naga soo gaaraya Magaalada
Ceel-Buur ee Gobalka Galguduud waxay sheegayaan in uu xiriir dhex maray
Guddoomiyah Golaha shuurada Maxaakiimta islaamiga ah Sheekh Xasan Daahir iyo
qaar ka mid ah xubnaha la dagaalanka Argagixisada oo iyagu hore ka baxsaday
magaalada Muqdisho haatanna ku sugan Magaalada Ceel-Buur.
Xubnahaasi oo ay ka mid yihiin Max’ed
Qanyare Afrax, Cabdi Nuur Siyaad iyo Bootaan Ciise Caalin ayaa la filayaa in
kulanka maanta ay isla soo qaadaan sidii loo soo afjari lahaa colaaddii
horey u dhex martay kadib markii ay dhamaantood qirteen in Isbahaysigaasi uu
burburay.
Sheekh Xasan Daahir ayaa waxa uu sheegay
in raggaasi ay horey u wada xiriireen, haatanna ay diyaar u yihiin in la soo
gebagabeeyo wixii horey u dhacay.
Kulankaan oo aan weli la
shaaci halka uu ka dhacayo ayaa wararka qaarkood waxay sheegayaan in lagu
wado in kulankaasi uu ka dhaco Degmada Ceel-Buur, hase yeeshee ilaa iyo
haatan lama oga halka ay ku dambeeyeen Bashiir Raage, Muuse Suudi iyo Max’ed
Dheere, waxaase raggaasi ka soo baxaya warar kala duwan qaar waxay
sheegayaan in raggaaasi ay ku sugan yihiin Magaalda Boosaaso, warar kale
ayaa waxay sheegayaan in xubnahasi qaar ka mid ah iyana ay ku sugan yihiin
dalka Itoobiya, isku soo wada duuboo dadku weli ay ku jahwareersan yihiin
halkii ay ku dambeeyeen raggaasi oo ahaa raggii ugu firfircoonaa
Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada ee burburay, waxaana Magaalada
Muqdisho haatan ku sugan Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid iyo Cumar Finish oo
ciidamadiisa ku biiriyay Maxaakiimta Islaamiga ah.
Hay’ad camabareysay falal dil ah oo ay gaysteen
Maxaakiimta Islaamiga ah.
Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee Xaquuqda
Aadamiga waxay cambaareyneysaa dilkii loo gaystay 5-tii Julay marxuumiinta
kala ah Max’ed Xirsi Dhoore iyo Sahro Axmed Indhaweyne oo koox maleeshiyo
ah, waxayna xaruntu sheegtay in labadaasi qofood dilkooda ay ka dambeeyeen
maleeshiyo ka tirsan Maxkamadda Islaamiga ah ee Magaalada Dhuusamareeb
iyadoo markaa daawanayay cayaar ka tirsan Koobka Adduunka.
Dilka loo gaystay marxuumiintaas ayay
Xarunta Ismaaciil Jimcaale ku tilmaantay mid xadgudub ku ah Shareecadda
Islaamka, Xeerarka soo jireenka ah ee Dhaqanka Soomaalida iyo Baaqa
caalamiga ah ee xaquuqda Aadamiga qodobkiisa 3 –aad oo leh “qof kata waxa uu
xaq u leeyahay inuu ku noolaado nabadgelyo iyo xorriyo”.
Ugu dambeyntii waxa ay ka
codsaneysaa xaruntu Maamulka Maxkamadda Islaamiga ah, Odoyaasha Dhaqanka,
Culuma’udiinka iyo dhamaan qaybaha bulshada in ay gacan ka gaystaan soo
qabashada maleeshiyadii gaysatay dilkaas bareerka ah si loo hor keeno
sharciga hortiisa loogana jaasiyo xadgudubkii ay gaysteen, waxaana
qoraalkaan ku saxiixnaa Maryan Xuseen Awreeye oo ah Guddoomiyaha Xarunta..
Barre Hiiraale iyo Itoobiya oo si aad
ah isugu soo dhawaanaya
Waxaa maalintii shalay ahayd
Magaalada Kismaayo gaaray wafdigii xaqiiqo raadinta ee maalmahan booqanayay
gobolo ka mid ah dalka, iyadoo intii ay ku sugnaayeen Magaalada Kismaayo ay
kulamo la yeesheen wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Barre Aadan Shire
(Barre Hiiraale) oo ay isla soo qaadeen is bedelada cusub ee ku soo kordhay
dalka, gaar ahaan Koofurta Soomaaliya. Wafdigaasi waxaa ku jiray Safiirka
Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, waxaana la sheegay in Barre Hiiraale iyo
safiirka Itoobiya ay wada yeesheen kulan gaar ah oo mudo saacado ah wada
qaateen, ilaa iyo haatanna lama oga waxyaabihii ay ka wada hadleen, hase
ahaatee waxaa maalmahan soo xoogeysanayay isu soo dhawaanshaha Itoobiya iyo
Barre Aadan Shire (Hiiraale), iyadoo Barre Aadan Shire uu taageeray in
Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye oo aan la kala soocin oo ay ku jirto
Dowladda Itoobiya.
Ugaas Max’ed Wali Ugaas
Axmed Nuur oo ah Ugaaska Beesha Sade ayaa waxa uu Barre Hiiraale ku
tilmaamay in uu fulinayo arimo gaar ah oo uu u soo dhiibay C/llaahi Yuusuf
Axmed, isago kula taliyay in Barre uusan ku abaal dhicin dadkii horey
gacanta ku siiyay, isla markaana uu ka digtoonaado qorshaha qarsoon oo ay
wataan Itoobiya iyo C/llaahi Yuusuf Axmed. Barre dhawaan ayuu ka soo laabtay
Magaalada Baydhabo, waxa uuna kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed oo ay isla soo qaadeen arimo fara badan oo la sheegay in ay u
badnaayeen is bedelka weyn ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, hase yeeshee
Barre waxa uu horey u soo dhaweeyay is bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho
oo looga adkaaday qabqablayaashii dagaalka ee madada 16-ka sano ahayd
dhibaatada ku hayay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Gobalka
Banaadir iyo hareerihiisa.
Sheekh Xasan Daahir Aweys
oo kulan kulan kula yeeshay Dhuusamareeb Safiirka Talyaaniga..
Wararka naga soo gaaraya Magaalada
Dhuusamareeb oo xarun u ah Gobala Galguduud ayaa waxay sheegayaan in
maalintii shalay ahayd Magaaladaasi ay kulan ku wada yeesheen Safiirka
Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mario Revelli, waxaana kulankaasi la iskula
soo qaaday arrimo fara badan gaar ahaan is bedelka ka dhacay dalka, kadib
markii inta badan Maxaakiimtu la wareegeen goobihii ay horey uga talin
jireen qabqablayaasha dagaalka.
“Safiirku ma af xumeyn wax wanaagsan ayuu
ku hadlay si wanaagsanna waxaan isku dhaafsanay fikrado badan” ayuu yiri
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Guddoomiyaha Shuurada ee Golaha Maxaakiimta.
Mar wax laga weydiiyay in ay isla soo
qaadeen qorshe uu Talyaanigu wato oo ah in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta
Maxaakiimta lagu biiro Dowladda Federaalka ayaa waxa uu ku jawaabay Sheekh
Xasan Daahir “Haa arrimahasi waan isla soo qaadnay balse marka hore waxaa ka
horeeya in la wada hadlo oo la is afgarto”.
Safarka uu Wasiirku ku tegay Dhuusamareeb
ma ahayn mid horey loo ogaa, hase yeeshee Sheekh Xasan Daahir waxa uu
sheegay in horey loogu soo wargeliyay.
Warar ku saabsan xaaladda Magaalada
Baydhabo..
Iyadoo dhowr jeer magaaladaasi dil loogu
gaystay dad rayid ah, ayaa haddana oo waan waxba galabsan, iyadoo ay
Magaalada ku sugan yihiin ciidamo fara badan oo booliis ah.
Maalintii shalay ahayd ayaa waxa uu
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxaana
loo magacaabay Yuusuf Cali Haaruun sidoo kale waxaa la magacaabay garyaanka
guud ee Dowladda iyo ku xigeenada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Sidoo kale waxaa Magaalada Baydhabo
shalay soo gaaray qaar ka mid ah wafdigii xaqiiqo raadiska oo iyagu ka soo
kicitimay Magaalada Kismaayo, waxayna xalay kulan la yeesheen madax ka
tirsan Dowlada Federaalka, maanta ayaa la filayaa in ay u dhaqaaqaan
Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.
Wararka kale ee ka imaanaya Magaalada
Baydhabo, waxaa ka mid ah in maalintii shalaya ahayd Magaaladaasi ay dib ugu
so laabteen ciidamo booliis ah oo ay tiradoodu gaareyso 96 –askari, kuwaas
oo lagu soo tababaray Magaalad Mombassa ee dalka Kenya, kadibna waxaa la
sheegay in ciidankasi ay ilaalo u noqon doonaan saddexda mas’uul ee ugu
sareysa Dowladda.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: July 9,
2006
Dood-Cilmiyeed:
Isbedelka Cusub ee Soomaaliya
Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo
raadka uu... Dhegeysi...
Wafdigii ka socday ururka Midowga Afrika,
jaamacadda Carabta, urur goboleedka IGAD
iyo Midowga Yurub oo Muqdisho si weyn loogu
soo dhoweeyay...
Warbixin....
|